Qalinku
waa aalad qoraalka lagu sameysto, erey ahaan waxaan magacaas la wadaagnaa dadyowga
carabta oo afkooda lagu yiraahdo “Qalam”, halka inaga aynu ugu dhawaaqno “Qalin”,
waxaa waayihi hore la isticmaali jiray qalin ka sameysan geed la qoray,
dabadeedne qad inta lagu daarto lagu xarriiqo warqad, bug, loox, caleenta
geedaha, lafaha iwm. Qalinka waxaa lagu ilaaliyaa aqoonta noocee doonto ha
noqotee iyo fikirka aadanaha oo jiilkasta uu ku keydiyo isagoo isticmaalayo
qalinka.
Qalinku ma ahan oo qura kuwan aynu naqaan ee Qalin biire, Qalin qoray
(qalin rasaas), qalinka looxa lagu dhigto ee aynu geedaha ka sameyno iwm,
waxaase jira kuwa waqtigan casriga ah aynu adeegsanno sida kiiboodhka aan iminkadan
ku qorayo qoraalkan aad akhrineysid, haa waa kiiboodhka kumbiyuutarka ama
telefoonka aynu adeegsanno waqtigan dunidu edegoowday, waxa uu noqonayaa nooc
kamid ah qalimaanta aynu u adeegsanno aqoonta.
Qalinku
waa wixi ugu horreeyay ee uu Allah abuuray, sida ku cad xadiiskan hoose oo uu
werinayo saxaabigi weynaa ee Cubaada Bin Saamit RC.
عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ
اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ
اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ : رَبِّ وَمَاذَا أَكْتُبُ ؟
قَالَ : اكْتُبْ مَقَادِيرَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى تَقُومَ السَّاعَةُ
Wixii ugu horreeyey ee Alle abuuray waxa uu ahaa
qalinka, dabadeedna Alle ayaa ku yiri “Qor.” Qalinkii waxa uu yiri “Rabbiyow,
maxaan qoraa?” Waxa uu Alle ku yidhi, “Qor maqaadiirta wax kasta ilaa Saacadddu
(Qiyaamuhu) ka dhacayso.”
Qalinku
waa saaxiibka buugga, waa laba mataano ah oo aan kala harin, labaduba waa
furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Qalinku waa kan Allah uu ku dhaartay, suuradda
Al-qalam magaceedu yahay, ﴾ ن وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ ﴿. Qalinku waxa uu ku jiraa suuraddi ugu horreysay ee
quraanka kariimka ah ee suuratul calaq, waa suuradda ka hadleysa bilowgeeda
akhriska, oo nabigeena Muxammad NNKH lagu leeyahay:
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم
اقْرَأْ
بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) اقْرَأْ
وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) عَلَّمَ الْإِنْسَانَ
مَا لَمْ يَعْلَمْ (5)
Qalinka
xaqiisa ma siinay? Weliba waqtigan dunidu isku wada furantay, xiriirku
fududaaday, aqoontu korortay islamarkaana aynu heli karno aqoon kasta inagoo
adeegsaneyno internetka oo balaayiin kutub oo cilmi kasta ah aynu ku heleyno
ilbiriqsiyo.
Sida aan qabo ma aanan siin xaqa ay lahaayeen qalinka iyo buugga,
waxaa jira dhibaato ay nala qabaan dadyow badan oo soo ifbaxday sanadihi u
dambeeyay, waa in weheshiga buugga iyo qalinku yaraaday, waxaa booska ka
riixday baraha bulshada. Haa waa baraha bulshada, sida Feesbuug, yuutiyuub iyo
kuwo kaloo badan. Waxaa dadka qaar badanoo xataa waxbartay ku sii yaraanaya
akhrinta buugaagta iyo adeegsiga qalinka, waxaana soo ifbaxaya in xataa qorista
far soomaaligu faraha ka sii baxeyso, oo meesha uu soo galay afsoomaali jajab
ah, waa xaqiiq dad badani ila arkeen.
Tusaale ahaan waxaad ku arkeysaa qof soo qorayo: Haween wanaagsan!
Waxa uu ula jeedo waa Habeen wanaagsan, halkaas waxaa ku lumay
macnaha weedhaas uu soo qoray, oo halkaas xaraf ee meesha ka baxay waxa uu la
tagay ula jeedka uu ka lahaa qofkaas. Taasi waa uun tusaale yar, ee waa wax
tira beel ah markaad si qoto dheer u eegtid qoraallada afsoomaaliga la isku
weydaarsanayo baraha bulshada.Lasoco Qeybta 2aad
1 comment:
Masha alah shukran dr ilahay haku dhawro
Post a Comment