Qormadan oo aad udheereyd waxaan ka soo xiganay majallada Readers Digest, inagoo meelaha qaar wax kabedel ku sameeyay, waxaana qoraalki asalka ahaa qalinka uqaatay Kristine Solomon.
1. XAQIIQDA TALLAALKA:
Dadaallada lagu horumarinayo tallaal loo helo COVID-19 ayaa waxa ay usocdaan si xawaare leh oon kala joogsi laheyn, sidaa waxaa sheegay Dr. Kathyrn M. Edwards oo ah afhayeenka ururka dhakhaatiirta cudurrada faafa ee Mareykanka oo loo soo gaabiyo (IDSA). Waxaa hadda socda wax ka badan 100 tallaal oo gacanta lagu hayaa, sideed ka mid ah waxa ayba marayaan heerka tijaabada tallaalka.
Waxaa jira su’aalo fara badan oo ku saabsan tallaalka, sida: goorma ayaa la heli doonaa? Difaaca uu sameynayase maku filantahay inuu ka hortago fayraskan cusub? Ilaa inteese naga difaaci karayaa?
Inta aynu jawaab u heleyno su’aalahan aan soo xasuusano inay jiraan tallaalo fara badan oo waxtar inoo leh islamarkaana naga difaacay cudurro fara badan, kuwaas oo maanta jawaabo badan aan uheyno su’aalaha ka imaan kara.
2. NADAAFADDA FIICAN BEDDEL UMA NOQON KARTO TALLAALKA:
Kor u kaca daryeelka caafimaad, nafaqada heerka sare ah iyo nadaafadda shakhsiyadeed iyo degaan buuqiisu aan badneyn ama dadkiisu yaryihiin waxa ay saameyn ku lahaayeen cudurrada faafa isu gudbintooda iyo daweyntoodaba sanado dhowr ah. Balse Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxa uu ku waramayaa in tallaalku cayaaray kaalin taas ka weyn, marka laga hadlayo yareynta cudurrada. Haddii aanu jirin tallaal aan cudurrada uga hortagno sida COVID-19 hadda nagu heyso, waxa aan heli karno markaas waa uun nadaafadda oo qura. Sidaa waxaa tiri Dr. Edwards oo ah barafasoor caafimaadka carruurta ka dhigta jaamacadda Vanderbilt ee Nashville ku taal. Cudurrada qaar aad ufaafa sida jadeecada, nadaafaddu naguma filna.
3. WAA INAAD QAADATAA TALLAALKA XATAA HADDAADAN MAQAL CUDURKA:
Tusaale waxaan soo qaadaneynaa, Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa uu inoo sheegaa tallaalka Haemophilus Influenza type B (Hib), oo ah bakteeriya keeni karta caabuq ku dhaca dhiigga iyo maskaxda sida maskaxgaraadka (meningitis). Tallaalkaas awgii, xanuunka hadda ma aragno oo aad buu uyaryahay. Inta aan tallaalka loo helin waxa uu ku dhici jiray carruur ka badan 20,000, waxaana udhiman jirtay carruur 1000 ka badan sanad kasta dalka Mareykanka kaliya, hadda waxa ay hoos ugu dhaceen 50 kiis sanadki, sida ay ku warrantay xarumaha xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee loo yaqaan CDC. Haddii aanan tallaalka qaadan waxaa soo laaban kara jeermisyo badan oo dadka leyn jiray tallaalka ka hor.
La soco Qeybta 2aad
1 comment:
Maashaa Allaah, Allaha kuu barakeeyo cilmiga aad noo diyaariso mar kasta.
Qormadan aad badan uga faa'iideystay.
Post a Comment