Qeybta 2aad:
4. XATAA HADDII AAD QAADATO TALLAAL, WELI WAAD XANUUNSAN KARTAA:
“Ma jiro tallaal 100% awooddiisu tahay” waxaa sidaa dhahday Dr. Edwards, inkastoo qaarkood ku dhawyihin boqolleydaas sida jadeecada. Ururka WHO waxa uu sheegayaa in xilliyada ay dillaacaan cudurrada safmareenka ah, dadka tallaalka qaba xataa wuu ku dhacayaa, balse ma lahan awoodda sida dadka aan tallaalka ka qabin oo kale.
Waxaa jira 5% dadka qaata tallaalka jirkoodu kama falceliyo, sida ay sheegtay CDC. Taasi waa sababta tallaalada qaar ugu baahanyihiin xoojiye (booster dose). Waxaa jira dad uu xanuunku ku dhacay waxyar ka hor ama kaddib marka ay qaateen tallaalka, dabadeedne isku arka calaamadaha xanuunkaas, taasi waxaa u sabab ah difaaca jirkeena oo aan weli helin waqtigi uu ubaahnaa inuu jawaab ku bixiyo (jirkeenu waxa ay ku qaadaneysaa dhowr usbuuc inuu la falfalo tallaalka, dabadeed uu sameysto difaaci ka hortagga sameyn lahaa).
5. TALLAALKU MA KEENO CUDUR:
Inkastoo tallaalku ka sameysanyahay qeybo ka mid ah jeermis ka la rabo in lagaga hortago, haddane tallaalka laf ahaantiisa cudur ma dhaliyo. Haddii aan sii caddeeyo meeshaas, sababta waxa weeye tallaalka waxaa laga sameeyaa jeermiskaas (fayras ama bakteeriya) oo la daciifiyay ama la dilay. Tallaalka ka sameysan jeermiska la daciifiyay balse weli nool waxa uu keenaa in difaacaagu si xawli ah usoo burqado, si uu u sameeyo ka hortag. Noocan tallaalka ah looma oggola dadka qaar difaacoodu liito, waxa uuna ku keeni karaa khatar. Qeybta kale ee laga sameeyay jeermiska la dilay awoodda kii hore malahan, taasoo la micno ah inaad ubaahantahay inaad qaadatid wax ka badan hal jeer, dadka difaacoodu liitane wax khatar ah kuma keenaan. Waxaa jira tallaalo kale oo laga sameeyo suntan jeermis dhaliyaasha qaar oo wax laga beddelay, kuwani jeermiska laftiisa kama sameysna.
Haka welwelin noocyada tallaalka iyo waxa ay kala yihiin iyo inaad ku jirto dadka khatarta ku keeni karaan qaarkood, taasi waxaa ka masuul ah dhakhaatiirta iyo hawl wadeennada caafimaadka oo xilli walba howshaas u heegan ah inay hubiyaan qofka caafimaadkiisa inta aanu qaadan tallaal.
6. MARARKA QAAR WAA INAAD QAADATID TALLAALKA TIRO HAL JEER KA BADAN:
Waxa ay ku doodeysaa CDC in marka uu qofku qaato tallaal mar labaad ama mid xoojin ah uu difaaciisu gaaro awood ah 100%, tallaalada qaar waxa ay ubaahnaadaan mar seddexaad. Dadka qaan gaarka ah waa inay qaataan tallaalka gowracatada iyo teetanada tobanki sanaba mar. Tallaalada kale ee dadka waa weyn qaataan tiro dhowr jeer ah waxaa ka mid ah; cagaarshowga nooca A (Hepatitis A: 2 jeer oo ay u dhexeyso muddo 6-18 bilood ah ), cagaarshowga nooca B (Hepatitis B: 3 jeer muddo 6 bilood gudahood ah).
Jadwalka tallaalka carruurta ay qaataan isagane dhowr tallaal baa ku jira oo la qaato tiro halmar ka badan, sida gawracatada, teetanada iyo dabeysha (sinyarada), tallaalka jadeecada, Mumiska (qaamow qashiir) iyo Rubella. Tallaalka hargabka (influenza) isaga waxaa la qaataa sanad kasta.
7. TALLAALADA QAAR WAXAA KU JIRA MAADDOOYIN ILAALIYA (preservatives):
Cudurrada tallaalka leh sida; jadeecada, Rubella, HPV (fayras keena kansarka ku dhaca ilma galeen afkiisa) iyo kuwo kale dhammaantood waa dilayaal khatar ku ah nafteena, balse tallaalka ayaa ka hortag inoo ah, wax dhib ahna ma keeno tallaalka. Xarunta CDC waxa ay ogaatay in tallaalada qaar ay ku jiraan xaddi aad uyar oo ah kiimikada lagu ilaaliyo cuntooyinka la warshadeeyay si aaney u kharribmin (preservatives) iyo waxyaabo kale sida Formaldehydes iyo curiyaha Mercury loo yaqaan iyo weliba Alluminium, haddane xaddigaas wax dhib ah uma keenayo caafimaadkeena. Waxaa kale oo ay CDC sheegtay in jirkeenu kala kulmo degaanka aan ku noolnahay xaddi aad u sarreeya oo kiimikooyinkaas ah kana badan tan tallaalka ku jirta.
La Soco Qeybta 3aad
2 comments:
Aad bay uqiima badantahay qeybtan ne,qeybaha dhiman iyagane waan kaa sugeynaa Insha Allaah.
Mahadsanid Dr sida aad macluumaad inoola wadaagtid rabbi ajir hakaa siiyo
Post a Comment