BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane ah oo la xariira
barbaarinta carruurta:
Qeybta 1aad:
Texanaheenan ABABIYE waxaan kaga hadli
doonaa haddii Alle idmo dhinacyo badan oo khuseeya ababinta carruurta, inagoo
soo qaadan doono kaalinta waalidka, tan macalinka iyo dowrka bulshadu ku
leedahay barbaarinta guud. Waxaan iftiimin doonaa halka wax ka khaldanyihiin
marka bulshadeena hab barbaarineedkeeda la eego, diiniyan maku saxanahay
wadiiqooyinka aan adeegsano iyo waxa ay qabaan khubarada ku xeeldheer cilmiga
bulshada iyo barbaarinta.
Qeybtan waxaan ku bilaabeynaa waxyaabaha
aan fiicneyn ee aan u adeegsano barbaarinta, kuwaasoo leh raad dhaawac ku
reebaya carruurta maskaxdooda.
Hab dhaqanka taban ee barbaarinta:
1. Qeylada: waa dhaqan caan ah oo waalidiintu
badankood kaga jawaabaan dhaqanka aan qancin ee carruurtooda, gaar ahaan carruurta
aadka u dhibka badan. Qeyladu ma keento dhaqan toosan, waxeyse taa bedelkeeda
hor seeddaa inuu argagaxo ilmaha, weliba sanadaha hore oo ay da’diisu aad u
yartahay.
Qeyladu waxa ay keentaa in ilmuhu bilaabo siduu isku difaaci lahaa,
waxa uuna xoogga saarayaa siduu kaga baxsan lahaa qeylada taagan, halki ay
aheyd inuu xal uraadiyo falki keenay qeylada waalidka.
Qeylada natiijada taban oo ay ilmaha maskaxdooda ku beereyso way ka
darantahay tan ay keeneyso garaacista ama hababka kale ee ciqaabta carruurta la
xariira. Taa waxaa sii dheer qeylada ilmahan uu sida joogtada ah kala kulmayo
waalidka ama ciddi kale ee barbaarinta ka masuulka ah waxa ay bar madow ku
reebtaa maskaxdiisa, markasta oo uu ilmuhu maqlo qeylo ama fal la mid ah waxa
uu soo xasuusanayaa dareenki tabnaa ee ay ku reebtay qeyladii soo martay isagoo
yar oo aan tabar laheyn.
2. Canaanta joogtada ah: canaantu waa hab kale oo barbaariyuhu
isticmaalo islamarkaana saameyn taban leh. Canaanta badan waxa ay gilgishaa
qalbiga, waxa ay kala furfurtaa xiriirka, waxa ay kala fogeysaa quluubta, waxa
ayna dishaa dareenka togan ee labada dhinac u dhexeeyay.
3. Amarrada badan: amarrada badan ee aanu la socon
qancinta qofka wax la farayo waxa ay ilmaha u bedeshaa mashiin loogu talagalay
inuu amarrada fuliyo uun, waxeyna meesha ka saareysaa shakhsiyadda uu leeyahay
oo ay daciif ka dhigeyso ama qof haya raac ah oo aan jiritaan laheyn. Ilmaha
yar waxa uu ubaahanyahay inuu fahmo inuu leeyahay shakhsiyad gooni u taagan,
haddii wax la amrayane waa inay la socoto inuu fahmo waxa loo dirayo, sababta
iyo sida ugu fiican ee la donayo inuu wax u qabto.
La soco Qeybta 2aad
Dr. C/qaadir Insi
3 comments:
Maashaa Allaah tabaarakallaah, Allaha kaaajir siiyo Dre, waa qormo aad u muhiim ah.
Masha alah waa qormo wanagsan oo labaha yhy in la barto waxan isle yhy waqtiged ayey imaday dre.ilahay ajar haka siyo shaqada ad no heyso
Waa igu kala go day dre inoo wad qaybaha kale insha allah waa qormo muhiim u ah bulshada somaaliyeed
Post a Comment