Qeybta 2aad:
Waxaa
sii lumaya adeegsiga, fahamka iyo akhriska suugaanta soomaaliyeed ee dhalinta
maanta, taana waxey noo horseeday inaynu lumino faa’iidooyinka akhriska suugaanta oo
aanan soo koobi karin.
Waa marka horee, waa madaddaalo dareenkeenna sabaalisa. Marka labaadne aqoon baynu ka qaadannaa afkeena, hiddaheena iyo sooyaalka taariikheed ee aynu leenahay. Akhrisku waxeynu ku baranaa dad qalaad, dalal, dhaqammo, caadooyin iyo degaammo kuweenna ka geddisan oo laga yaabo inay na xiiso geliyaan.
Sawirkan waxa uu dadka ku dhiirigelinayaa wax akhriska xataa haddey qaraqmayaan. Waxa uu ku yaalaa Singapore.
Afkeenu waxa uu leeyahay xeer iyo naxwe u gaar ah, kuwaasoo leh
dhawaaqyo iyo astaamo ku saabsan afka, dhawaaqane waxaa lagu aqoonsadaa summado,
balse taa uma sii daadagayoo waa bad aynaan kaga dhammaaneyn qoraallo gaaban
iwm, waxaanse rabaa inaan inyar ila eegtaan tixdan soo socota oo ku saabsan
murtida hadalka, waxaana tiriyay abwaankeeni weynaa AUN Xaaji Aadan Afqallooc:
Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye”
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye”
Suugaanta
soomaaliyeed siyaabo kala duwan ayey uga hadashay waxtarka qalinka tix iyo
tiraab ba, tixda qaar aragnay, qaarne way kusoo xigtaaye, dhanka tiraabta aan
inyar ka soo laacee waxaad waxyar ila eegtaan qoraal siduu u dheeli tiranyahay
aad la ashqaraareyso, islamarkaana aad jecleysan doonto tilmaanta qalinka laga
bixiyay, waa marka qalinka xaqiisa lagu laro maan fayow, loona maalo dararta
maskax lashiilay inta akhrisaneysa, waa qoraa Aadan-cadde oo kaga faallooday
qoraalkiisii “Naftii Hure”, isagoo noo suureynaya qalinka, waxa uuna yiri:
"Waa abuurane barakaysan oo la maamuusay. Wax Rabbi uumay isaga ayaa
ugu horreeyay. Jiritaankiisa ayay sooyaalka dunida iyo aqoontuba abaal
weyn u hayaan. Mucjisooyinkiisa ayay ka mid tahay in uu xidhiidhiyo afkaarta bani’aadamkii kumanyaal sano ka hor jiray iyo kuweennan hadda jooga. Insaanka
dunida ku uummani muu is fahmeen haddii aanu isagu isku sidkin. Haddii aynnu
jiritaankiisa dunida ka tirtirno waxa innoo soo baxaysa duni kale oo mugdi ah oo
haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aanad waxba arkaynin. Duni kala faquuqan oo
aan af iyo fikir midna isku fahmin. Duni aan ujeeddo iyo ka-jeeddo toona lahayn oo
qof walba ogaalkiisu yahay inta ishiisu gaadho oo kali ah. Qiimahaas uu
dunida u leeyahay iyo waxtarkiisaas if iyo aakhiroba gaadhsiisan awgii ayuu Rabbi
abuuraneyaasha isaga ugu hor abuuray islamarkaana magaciisa ugu dhaartay" (Aadan-cadde, 2016).
Lasoco Qeybta 3aad
No comments:
Post a Comment