KAROONE KADEED BADANAA!?
Qeybta 2aad
Qeybta 2aad
Korona ayaa gudaha jirkeena galay:
Fayrasku waa wax aad uyar, inaan inagu aragno iska daaye xataa
noolaha kale ee ilma aragtida ah ee Bakteeriyada qudheedu ma arki karto!. Waxa
uu ka sameysanyahay habdhis aad ufudud, waana sirta uu aad ugu howlgalayo, waxa
uu ka sameysanyahay dahaar borotiin ah oo ku wareegsan qeyb ka mid ah hidde
sidaha RNA loo yaqaan, waxa uuna leeyahay tilmaan laf dhabar u ah waana awoodda
uu uleeyahay inuu sameysto nuqullo (koobiyaal) fara badan.
Waa sidan waxa dhaca marka uu fayraskan galo unug nool oo jirkeena
ka mid ah, waxa uu ku qasbayaa hidde-sidaha unugaas u gaarka ahaa inuu soo
saaro hidde-sidaha fayraska, oo waxa uu u adeegsanayaa sida inuu isagu
leeyahay, waqti kooban gudahiis unugaas waxaa ka buuxsamaya fayrasyadan oo
dabadeed uga sii gudbaya unugyada kale.
Waxaa lagu magacaabaa fayrasyada koofiyada leh, waayo dahaarkiisa
borotiinka ah ee ku wareegsan waxa uu u egyahay taaj ka boqorka, ‘haa waa
taajka boqorka!’, waxaa ka soo taagtaagan wax aad fara mooddo, kuwaas oo u
fududeynaya inuu fayrasku ku dhago unugyada sida koolada loo adeegsado sameynta
kabaha iyo boorsooyinka, balse fayrasyada dhan ma awoodaan inay ku dhagaan
unugyada noolnool, xaqiiqdu waxa ay tahay tiro aad uyar ayaa awoodda inay
aadanaha xanuun ukeenaan, inta kalene jirkiisa ayey ka gudbaan iyagoon saameyn
yeelan.
Marka ay fayrasyadu ku dhacayaan qeybta sare ee neef
mareenka, waa dhuunta iyo tubada sare ee hawada u sida sambabka, jirkeenu waxa
uu ugu jawaabayaa inuu udiro ciidamadiisa difaaca, unugyada cad cad ee dhiigga,
waxa ay tagayaan halku xanuunku asiibay, waxaana meeshaas ka bilaabaneysa in la
is farasaaro, waa dagaal jilbaha la isku aasanayo oo u dhexeeya difaaca
jirkeena iyo fayraskan nasoo weeraray, dabadeed waxaan arkeenaa calaamadaha koowaad ee cudurka, oo ah:
o
Qandho: calaamadan waxaa lagu
arkaa 90% bukaanada
o
Qufac qallalan: oo isna lagu arko 70%
bukaanada
o
Daal jireed: 40% bukaannada lagu arko
o
Neef qabatin: oo lagu arko 20% bukaannada
Haddana iyadoo ay sidaa tahay warbixinnadu kuma
koobna sida lagu faafinayo baraha bulshada, waxaa jira calaamado kale oo sida
durayga ah, waxaa ka mid ah; madax xanuun, dhuun xanuun, lalabo, shuban oo
xaalado kale lagu arki karo.
La soco Qeybta 3aad
W/Q: Dr. C/qaadir Insi
1 comment:
Masha allah Dr waad ku mahadsantahay macluumaadka aad sida joigtada ah aad inoola wadaagto
Post a Comment