Qeybta 4aad:
12. DIFAACA DABIICIGA AH KAMA FIICNA DIFAACA UU SAMEEYO TALLAALKA:
Dadka qaar baa aaminsan in difaaca ka dhasha marka uu xanuunka kugu dhaco uu ka fiicanyahay kan uu sameeyo tallaalka. “taasi waa marin habaabin” ayuu yiri Dr. Schaffner oo sii raaciyay “fikraddan khatarteeda leh waa mid sii badaneysa. Waxaa jira xannuuno badan oo aan ku dabar jarnay tallaalka, dadkuna waaya aragnimo uma lahan dhaawaca ay keeni karaan iyo sida ay wax uleyn karaan”. Inagoo taa ogsoon haddane difaaca ka dhasha xanuunnada qaar markuu qofka ku dhaco sida jadeecada wuu ka sareeyaa kan tallaalka uu sameeyo (difaaca xanuunka jadeecada dhaliso waa 100%, kan tallaalka uu sameeyane waa 98-99%), balse waxaad mudaneysaa xanuun aan la ogeyn inaad ka kici doonto iyo inaad ku tegi doonto ama waxyeelo aan dhammaan gaarsiiya qeybo ka mid ah xubnaha jirkaaga, waana waddo ka xun tan tallaalka. Ayey tiri Dr. Edwards
13. TALLAALKU MA KEENO AUTISM:
Autism waa xanuun carruurta ku dhaca, saameyn ne ku yeesha la falgalkooda dadka kale, xiriir sameysiga iyo barashada luqada ama xirfadaha la xariira. Waxa ay soo baxday doodda la xariirta autism ka iyo tallaalka wixi ka dambeeyay 2003, waxaana dooddan hor boodayay dad u ololeeya tallaal la’aanta carruurta. Waxa ay ku doodayeen in tallaalka, si gaar ah MMR kan loo yaqaan (waddankeena weli lagama isticmaalo tallaalkan) uu keeno autism. Waa dacaayad aan waxba ka jirin ayuu yiri Dr. Schaffner.
Khubaro ka tirsan CDC ayaa ku sheegay ilaa sagaal diraasadood oo kala duwan oo ay maalgelineysay amaba fulisay CDC tan iyo 2003, in aaney jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maaddada Thimerosal ee tallaalka ku jirta iyo autism ka.
14. TALLAALADU WAA AY KA WAXTAR BADANYIHIIN SIDA AY DADKU MOODAAN:
Tallaalada aan ka hadleyno awooddooda waxtar way kala duwanyihiin, sida ay leedahay Dr Edwards, “kan ugu awoodda badan waa tallaalka jadeecada oo qaadshada koowaad awooddiisu gaarto 95%, marka xoojinta la qaatane gaarto 98-99%. Sidoo kale busbuska 90%,DTP (tallaalka wada jirka ah ee gowracatada, teetanada iyo xiiq dheerta) waa 85% ”.
15. HA DHAGEYSAN DADKA TALLAALKA KU TILMAAMA KHAYAANO:
“Waa arrin khatar ah taasi” ayuu ku bilaabay Dr. Schaffner, “mid ka mid ah sababaha jadeecada looga dabar gooyay dalalka galbeedka waa in qof kasta laga tallaalay”.
16. HAKA DIB DHICIN TALLAALKA CARRUURTAADA:
Difaaca ilmaha yar waa mid korayo, waana muhiim inaad ku tallaashid jadwalka loogu talagalay tallaalka carruurta. Dib udhigisteeda waxa ay ka dhigantahay in khatartu sii kordheyso.
17. TALLAALADU WAXA AY U SHAQEEYAAN SI LAYAAB LEH:
Sida ay ku warrantay WHO 2-3 milyan oo ruux ayaa sanad kasta lagu badbaadiyaa tallaalka. Hadda dunida oo dhammi waxa ay quud-darreyneysaa in tallaal ka hortaga islamarkaana xakameeya COVID-19 la helo.
“Haddii la helo tallaal awood uleh inuu difaaco dadka, markaas is tallaalidu waxa ay dadka ka hor joogsaneysaa inay qaadaan jeermiska dhaliya caabuqa COVID-19” ayuu yiri Dr. Kuhn.
18. TALLAALADA WAXAA LAGA YAABAA INAY SUURAGELIYAAN INAAN GAARNO MAALIN AAN LOO BAAHAN WAX TALLAAL AH:
“Marki aan dabar goynay xanuunki furuqa, waxaan joojinay tallaalkiisa” ayuu yiri Dr. Schaffner. Marka tallaalada sida baaxadda weyn loo sameeyo ay u shaqeeyaan sidi loogu talagalay – qof kasta qaato tallaalka – waxa ay keeneysaa in xanuunka la dabar gooyo. Inta aan tallaalka loo helin, cudurka furuqa waxa uu dili jiray seddex meelood meel dadka uu ku dhaco, sida ay sheegtay CDC. Kiiski u dambeeyay ee si dabiici ah furuqu ugu dhacay waxa uu ahaa Soomaali 1977, waxa uu cunto kariye ka ahaa isbitaal soomaaliya ku yiil, kaasoo ay gaari wada raaceen laba bukaan oo qabay xanuunka furuqa, wuuna ka bogsaday.
Kiiski ugu dambeeyay furuqa ee waqooyiga Ameerika waxa uu ahaa 1952, kii Yurub ugu dambeeyayne waxa uu ahaa 1953, halka kii Afrika uu ugu dambeeyayne 1977ki uu ahaa.

DHAMMAAD
6 comments:
Masha alah ilahay haku barakeyo wax badan ayan ka fa iday wana kaga mahad calonayaa
Masha alah ilahay haku barakeyo wax badan ayan ka fa idnay wad mahadsan thy dr sida ad nogu dadaleyso

Aad baad u mahadsantahay Maryan, waan jeclahay inaan marwalbo idinla wadaago waxyaabaha aan u arko inay faa'iido inoo leeyihiin.
Mahadsanid Dr sida joigtada ah ee aad macluumaadka aad inoola wadaagto
Asal aad baad umahadsantahay
Post a Comment