Wednesday, 27 May 2020

10ka CUNTO EE UGU FIICAN EE LA DAGAALANTA FAYRASYADA ISLAMARKAANA ILAALISA CAAFIMAADKA SAMBABADAADA:

Iyadoo ay sii kordhayaan wasakhowga hawada ee dhulkan aynu ku noolnahay, xanuunno ay keenaan ilma aragtida jeermiska fayraska loo yaqaan, sare ukaca kaarboon laba oksaydhka, hab nololeedkan casriga ah ee degdegta badan, nolosha mashquulkeedu sii badanayo iyo fiditaanka cabista sigaarka ayaa waxaa isweydinteenu tahay sideen ku ilaashan karnaa badqabka sambabadeena?

 Qormadan aan astaanta uga dhignay 10 ka cunto ee ugu fiican ee naga caawin kara la dagaallanka fayrasyada jirkeenu baylahda uyahay islamarkaana noo dhowraya badqabka sambabkeena, ayaan jeclahay inaan wejiyo kala duwan ka eego, weliba cuntooyinka aan soo tixi doono oo badankood ah kuwo dalkeena laga heli karo.

Sambabku waxa uu ka midyahay xubnaha ugu muhiimsan jirkeena, waxa uu ka mid yahay xubnaha qashin saarka jirkeena u qaabilsan, waxa uu jirka ka saaraa hawada aynu isticmaalnay ee unugyada jirkeenu soo tufaan, hawada laga faa’iideystay oo isu bedeshay waskh, in jirka laga saarane ay halbowle utahay caafimaadkeena, waa hawada loo yaqaan KAARBOON LABA OKSAYDH oo hab saynis ahaane loo qoro (CO2), hawadan marka uu unug walba iska soo saaro waxaa lagu soo daraa dhiigga, dabadeedne waxaa ugu dambeyn  la geeyaa sambabada.

Sambabadeenu habdhismeed ahaan waxa ay leeyihiin goob Abuurihii weynaa ugu talagalay inay isku weydaartaan hawada iyo dhiigga, waa goob dhiiggu wixi uu siday ee hawo wasakheysan ah ku wareejiyo unugyada shaqadaas u qaabilsan sambabada, islamar ahaantaana uu kula soo wareego hawada nadiifta ah ee sambabadu ka keeneen degaanka aynu ku noolnahay, waa hawada aynu sida joogtada ah ugu baahanahay ee OKSAJIINTA, oo hab seynis ahaan loo qoro (O2).
Halkaas waxaa lagu kala wareegayaa labadaas hawo, midi waa sun jirkeenu iska saarayo, midine waa lama huraan, la’aanteed nololi suuroobeyn. Dhiigga waxa uu la soo laabanayaa Oksajiinta uu ka soo qaado sambabada, sambabaduna waxa ay la laabanayaan Kaarboon laba oksaydh, si ay jirka uga saaraan. Dhiigga Oksajiinta waxa uu u qeybinayaa unugyada jirkeena, ka bilow oogada ilaa cirifka hoose ee cagaha, si unug kastaahi ugu adeegsado falgalladiisa nolosheenu ku socoto. Waa shaqo aynaan ka war heyn sida ay jirkeenu u sameynayo, kuma socoto rabitaankeena, awooddeena iyo isu duwiddeena, ee waa mid Abuuraheena sare noogu nimceeyay, inta ay nafi nagu jirtane sidaa isu daba taal shaqadaas iyo malaayiin shaqo kale uu Allihi na abuuray jirkeena usameeyay.
Ma jirto nimco ka weyn haddii aan fahmi laheyn sida habdhisyadeenu ushaqeynayaan, balaayiinta nude ee sida xikmadda Alle ah shaqadooda ugudanaya iyagoon wax khalad ah sameyn, amarrada kala duwan ee tira beelay ee  ay kala qaadanayaan si howlihi loo igmaday u gutaan, waqtiga ay howlgudashadaas qabanayaan xawaarihiisa dartiis in badan kuma xisaabin karno waqtigan aan adeegsanno. Intaas iyo ka badan oo Allaah noogu deeqay misna had iyo jeer aynu ku jisaarno!. Allaah waxa uu quraanka ku leeyahay: [haddaad tirisaan nimcada Alle ma koobi kartaan], waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah, waana inaynu garano tabardarrideena iyo awoodda rabbi SWT.

 Waxaa batay waqtigan dunida edegta noqotay cudurrada ku dhaca sambabada iyo neef mareenka, waxaa aad loo dareemay wasakhowga ay keeneen warshadaha, si gaar ah magaalooyinka waa weyn ee caalamka.

Sida ay sheegeyso hey’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan (WHO), waxaa wasakhowga hawada uu sababaa dhimashada 4.2 Milyan oo qof adduunka dhan sanad kasta, waa tiro badan, waxa ugu weyn ee keenane waa falkaas bani aadamku waxyeellada u horseedayo degaankiisa.
Hawadaas wasakheysan waxa ay qabsataa xuubka ku dahaaran sambabada gudahooda, dabadeed waxaa ka buuxsamayo ilma aragtida hawadaas ay wadato, dabadeedne horseedda xanuunno fara badan oo isugu jira kuwa caabuq la xariira iyo kuwa aan la xariirin.

La soco Qeybta 2aad

Monday, 25 May 2020

18 WAXYAABOOD OO UU DHAKHTARKAAGU RAJEYNAYO INAAD KA OGAATID TALLAALKA

Qeybta 4aad:

12. DIFAACA DABIICIGA AH KAMA FIICNA DIFAACA UU SAMEEYO TALLAALKA:

Dadka qaar baa aaminsan in difaaca ka dhasha marka uu xanuunka kugu dhaco uu ka fiicanyahay kan uu sameeyo tallaalka. “taasi waa marin habaabin” ayuu yiri Dr. Schaffner oo sii raaciyay “fikraddan khatarteeda leh waa mid sii badaneysa. Waxaa jira xannuuno badan oo aan ku dabar jarnay tallaalka, dadkuna waaya aragnimo uma lahan dhaawaca ay keeni karaan iyo sida ay wax uleyn karaan”. Inagoo taa ogsoon haddane difaaca ka dhasha xanuunnada qaar markuu qofka ku dhaco sida jadeecada wuu ka sareeyaa kan tallaalka uu sameeyo (difaaca xanuunka jadeecada dhaliso waa 100%, kan tallaalka uu sameeyane waa 98-99%), balse waxaad mudaneysaa xanuun aan la ogeyn inaad ka kici doonto iyo inaad ku tegi doonto ama waxyeelo aan dhammaan gaarsiiya qeybo ka mid ah xubnaha jirkaaga, waana waddo ka xun tan tallaalka. Ayey tiri Dr. Edwards

13. TALLAALKU MA KEENO AUTISM:

Autism waa xanuun carruurta ku dhaca, saameyn ne ku yeesha la falgalkooda dadka kale, xiriir sameysiga iyo barashada luqada ama xirfadaha la xariira. Waxa ay soo baxday doodda la xariirta autism ka iyo tallaalka wixi ka dambeeyay 2003, waxaana dooddan hor boodayay dad u ololeeya tallaal la’aanta carruurta. Waxa ay ku doodayeen in tallaalka, si gaar ah MMR kan loo yaqaan (waddankeena weli lagama isticmaalo tallaalkan) uu keeno autism. Waa dacaayad aan waxba ka jirin ayuu yiri Dr. Schaffner.
Khubaro ka tirsan CDC ayaa ku sheegay ilaa sagaal diraasadood oo kala duwan oo ay maalgelineysay amaba fulisay CDC tan iyo 2003, in aaney jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya maaddada Thimerosal ee tallaalka ku jirta iyo autism ka.

14. TALLAALADU WAA AY KA WAXTAR BADANYIHIIN SIDA AY DADKU MOODAAN:

Tallaalada aan ka hadleyno awooddooda waxtar way kala duwanyihiin, sida ay leedahay Dr Edwards, “kan ugu awoodda badan waa tallaalka jadeecada oo qaadshada koowaad awooddiisu gaarto 95%, marka xoojinta la qaatane gaarto 98-99%. Sidoo kale busbuska 90%,DTP (tallaalka wada jirka ah ee gowracatada, teetanada iyo xiiq dheerta) waa 85% ”.

15. HA DHAGEYSAN DADKA TALLAALKA KU TILMAAMA KHAYAANO:

“Waa arrin khatar ah taasi” ayuu ku bilaabay Dr. Schaffner, “mid ka mid ah sababaha jadeecada looga dabar gooyay dalalka galbeedka waa in qof kasta laga tallaalay”.

16. HAKA DIB DHICIN TALLAALKA CARRUURTAADA:

Difaaca ilmaha yar waa mid korayo, waana muhiim inaad ku tallaashid jadwalka loogu talagalay tallaalka carruurta. Dib udhigisteeda waxa ay ka dhigantahay in khatartu sii kordheyso.

17. TALLAALADU WAXA AY U SHAQEEYAAN SI LAYAAB LEH:

Sida ay ku warrantay WHO 2-3 milyan oo ruux ayaa sanad kasta lagu badbaadiyaa tallaalka. Hadda dunida oo dhammi waxa ay quud-darreyneysaa in tallaal ka hortaga islamarkaana xakameeya COVID-19 la helo.
“Haddii la helo tallaal awood uleh inuu difaaco dadka, markaas is tallaalidu waxa ay dadka ka hor joogsaneysaa inay qaadaan jeermiska dhaliya caabuqa COVID-19” ayuu yiri Dr. Kuhn.

18. TALLAALADA WAXAA LAGA YAABAA INAY SUURAGELIYAAN INAAN GAARNO MAALIN AAN LOO BAAHAN WAX TALLAAL AH:

“Marki aan dabar goynay xanuunki furuqa, waxaan joojinay tallaalkiisa” ayuu yiri Dr. Schaffner. Marka tallaalada sida baaxadda weyn loo sameeyo ay u shaqeeyaan sidi loogu talagalay – qof kasta qaato tallaalka – waxa ay keeneysaa in xanuunka la dabar gooyo. Inta aan tallaalka loo helin, cudurka furuqa waxa uu dili jiray seddex meelood meel dadka uu ku dhaco, sida ay sheegtay CDC. Kiiski u dambeeyay ee si dabiici ah furuqu ugu dhacay waxa uu ahaa Soomaali 1977, waxa uu cunto kariye ka ahaa isbitaal soomaaliya ku yiil, kaasoo ay gaari wada raaceen laba bukaan oo qabay xanuunka furuqa, wuuna ka bogsaday.   

Kiiski ugu dambeeyay furuqa ee waqooyiga Ameerika waxa uu ahaa 1952, kii Yurub ugu dambeeyayne waxa uu ahaa 1953, halka kii Afrika uu ugu dambeeyayne 1977ki uu ahaa.

DHAMMAAD

Sunday, 24 May 2020

ABABIYE


BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 2aad:

Waxey inoo joogtay tobaadki hore inagoo ka hadleyna habdhaqanka taban ee barbaarinta, waxaana ka soo hadalnay seddex qodob, maantane halkii baan ka sii wadeynaa inshaa Allaah.

   4.    Hanjabaadda: hanjabaadda badan noocee doonto ha noqotee (mid toos ah iyo mid aan toos aheyn, mid dabacsan iyo mid culus,…) ma caawineyso mana ka qeyb qaadaneyso xallinta mushkiladda jirta.

   5.    Jees jeeska: waa hab kale oon habbooneyn oo kalsoonida ka qaadaya ilmaha, waxa uuna keenayaa inuu iska dhaadhiciyo inuusan awoodin ka haridda dhaqankaas la dhibsanayo, waxaa kale uu dhaawacaa niyaddiisa, taasoo sababi karta inuu noqdo qof xirxiran oon ula falgalin hareerihiisa si madax bannaan.

   6.    Cayda: ilmaha la caayo laguna tilmaamo sifooyin taban waa dhaqan waalidiinta qaar adeegsadaan, waxa ayna leedahay saameyn muddo dheer jirta, waxaa taa sii dheer in caydu ilmaha barto af xumo, dabeecad xun, isla markaana ilmaha yar ka dhigta mid dhibbane u ah carrabkiisa.

   7.    Isbarbardhig: ilmaha in ilmo kale lala barbardhigo ma ahan hab wanaagsan, ha sameyn waalid,… in laba qof la is barbardhigo ma ahan mid saxan, isbrbardhiggu waxa uu ku habboonyahay laba hab dhaqan ama laba mowqif in loo sameeyo ee ma ahan laba qof. Isbarbardhiggu waxa uu ilmaha yar ka qaadayaa kalsoonida uu isku qabay iyo awooddiisa, waxa uuna isku qancinayaa inuu yahay qof fashilan oo aan qaban Karin waxa uu qabtay kan lala barbardhigay.

   8.    Waanada xad dhaafka ah: nafta aadanaha ma jecla ka badbadiska waanada, way ku caajistaa… sidaa darteed ilamaha yar ukala qeybi markaad waano siineysid, oo iyagu hadal wax kuma fahmaane fal uga dhig intiisa badan. Diiniyan xataa markaan dib u eegno hab dhaqanki nabigeena Muxammad NNKH uu asaxaabtiisa kula dhaqmi jiray waxaan ka dhex arkeynaa in waanadiisa marar badan uu ku gaarsiin jiray fal ahaan. Ilmaha yar waxa uu kaala hor imaanayaa diidmo haddii uu mar walbo kaala kulmo wacdi fara badan oo laga badbadiyay ama toos ah, sidaa darteed mar walba waa inaan maskaxdeena adeegsanaa marka aan barbaarinta ku howlanahay.

   9.    Malada xun: in had iyo jeer hab dhaqanka ilmaha lagu macneeyo si taban waxa ay ka mid tahay malada xun, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa inaan lagu kalsooneyn oo dabeecadihiisane liitaan… taasoo keeneysa inay lunto kalsoonidi ka dhaxeysay ilmaha yar iyo waalidkiis, haddii kalsoonidaas la waayane waxaa soo xirmaya albaabada xiriirka ka dhexeeya. Waayo xiriir kasta waxa uu ku qotomaa kalsooni isweydaarata.

   10.    Eedeynta: marka ilmahaaga yar aad ku soo taagtid faraha eedeynta waxa ay ka dhigantahay inaad adigu taagantahay booskii garsoraha xukunka soo saarayay iyo booskii dambi baarihii wax eedeynayay, ilmuhuna yahay eedeysane, halki lagaa rabay inaad taagnaato booskaagi barbaariye wax hagaajinaya. Eedeyntu waxa ay ka soo dhex bidhaami kartaa habka weydiimahaagu ku socdaan… kala duwanaasho weyn baa udhexeysa inaad inankaaga weydiisid sababta uu usoo daahay? Adigoo deggen kuna dadaalaya badqabkiisa, iyo inaad weydiisid sababta uu usoo daahay? Adigoo eedeynaya malooyin aan fiicneyne maskaxdaada ka guuxayaan. Tan hore way isku kiin soo dhaweyneysaa, inankaaguna wuxuu kuu furayaa laabtiisa iyo sheekada uu kula wadaagayo, halka tan dambe uu kaa xiranayo qalbigiisa, waxa uuna isku dayayaa inuu doondoono been uu kaaga fakado ama uu isku badbaadiyo.

La soco Qeybta 3aad

W/Q: Dr. C/qaadir Insi

Saturday, 23 May 2020

18 WAXYAABOOD OO UU DHAKHTARKAAGU RAJEYNAYO INAAD KA OGAATID TALLAALKA

Qeybta 3aad:

8. HAKA WELWELIN CURIYAHA MERCURY GA EE TALLAALKA LAGU SHEEGAY INUU KU JIRO:

Tallaalada qaar waxaa loo isticmaalaa maaddada Thimerosal si ay udhowrto, waxaana maaddadaas ku jira Ethylmercury, balse ilaa hadda wax caddeyn ah looma hayo in xaddigaas yar ee tallaalka ku jira uu waxyeelo keeni karo. Isku dhiskaas kiimikaad waxaa loo isticmaalaa inay ilaaliso tallaalada dhowrka jeer la isticmaali karo si aaney u kharribmin, sidaasi waxaa dhahday Dr. Edwards. Magaca Ethylmercury waxaa lagu khaldi karaa Methylmercury oo aan tallaalka qeyb ka aheyn, islamarkaana waxyeelo gaarsiiso habdhiska dareenwadka dhexe ee bani aadam ka (CNS), nasiib wanaagse kiimikadaas Methylmercury kuma jirto tallaalka.
Si kastaba ha ahaatee maaddadan Methylmercury waxaa laga helaa kalluunka qaar oo wasakhowga hawada ee biyaha usoo degta ka qaada. Jirkeenu waxa uu ka takhalusaa Ethylmercury si ka dhaqsi badan sida uu kaga takhaluso Methylmercury, taasoo ka dhigeysa in khatartiisu ay aad usii yartahay.
Haddaba iyadoo sidaa ay jirto ayaa wixi ka dambeeyay 2011 waxaa laga saaray tallaalka maaddadaas Ethylmercury, si loo yareeyo welwelka ama walaaca ay keeni karto.

9. QOF KASTA AYAAD CAAWINEYSAA MARKA AAD TALLAALKA QAADATID:
Tallaalka waxa uu keenaa bulsho caafimaad qabta. Dadka difaacoodu liito waxa ay geli karaan khatar haddii ay la xariiraan qof xanuunsan. Marka qofkasta oo inaga mid ahi uu qaato tallaalka, waxaan ka hortagnay inuu dillaaco cudur safmar noqda.
“Waxeynu naqaanaa haddii bulshadu wada tallaalantahay inay taasi yareyneyso awoodda uu fayras ama jeermis dhaliye kaleba uu ku faafi karo”, sidaasi waxaa tiri Dr. Edwards. Haddii qof kasta tallaalanyahay waxaa si dhab ah ugoynay wadiiqadi uu ku faafi lahaa caabuqa, tani waxaa loo yaqaanaa ‘Difaac wadareed’. Khubaradu waxa ay rajeynayaan in tani noqoto mid ka mid ah faa’iidooyinka laga heli karo tallaalka COVID-19.

10. WELI WAXAAD U BAAHANTAHAY INAAD ISKA TALLAASHID XATAA CUDURRADA DHIFKA AH:

Dhakhtar cudurrada faafa ka dhiga iskuulka dawada ee jaamacadda Vanderbilt oo lagu magacaabo Willium Schaffner, waxa uu sharraxayaa isweydiinta tusaale qof ku nool miyi fog uu carruurtiisa uga tallaalayo cudur aan dalkaas laga aqoon oo waddan aad uga fog ka jira. Waxa uu leeyahay “maalin buu ilmahaagu safri doonaa, waxaanu ognahay in marka waalidiin badani ilmahooda udiidaan  inay tallaal siiyaan, inay dhici karto in xanuunkaas laga tallaali lahaa waddanka uu soo geliyo qof dibadda ka yimid, tani waxa ay ka dhigantahay in haddii xataa aanu safrin ilmahaagu uu khatar ku jiro”. Waxa uu tusaale usoo qaatay jadeecadi ka dillaacday Disneyland oo California ka tirsan sanadihi 2014-2015.

11. TALLAALADA LA ISKU QAATO CULEYS KUMA AHAN DIFAACA JIRKA:

Ururka WHO waxa uu xaqiijiyay in dadka qaata dhowr tallaal mar qura oo xanuuno kala duwan kala khuseeya aaney wax dhib ah ku keeneyn caafimaadkooda. WHO waxa ay hoosta ka xarriiqday in tallaaladaas aaney culeys ku noqoneynin difaaca ilmaha yaryar in kabadan culeyska ay ku keenaan xannuunada caadiga ah. Bilcagsi waxaaba jira faa’iido laga helayo isku qaadashada dhowrkaas tallaal, sida dhakhtarka ku soo laalaabashadiisa oo yaraata iyo cirbada dhowr jeer ilmaha lagu turqi lahaa oo usoo gaabaneysa.

La Soco Qeybta 4aad

Friday, 22 May 2020

18 WAXYAABOOD OO UU DHAKHTARKAAGU RAJEYNAYO INAAD KA OGAATID TALLAALKA


Qeybta 2aad:

4. XATAA HADDII AAD QAADATO TALLAAL, WELI WAAD XANUUNSAN KARTAA:

“Ma jiro tallaal 100% awooddiisu tahay” waxaa sidaa dhahday Dr. Edwards, inkastoo qaarkood ku dhawyihin boqolleydaas sida jadeecada. Ururka WHO waxa uu sheegayaa in xilliyada ay dillaacaan cudurrada safmareenka ah, dadka tallaalka qaba xataa wuu ku dhacayaa, balse ma lahan awoodda sida dadka aan tallaalka ka qabin oo kale.
Waxaa jira 5% dadka qaata tallaalka jirkoodu kama falceliyo, sida ay sheegtay CDC. Taasi waa sababta tallaalada qaar ugu baahanyihiin xoojiye (booster dose). Waxaa jira dad uu xanuunku ku dhacay waxyar ka hor ama kaddib marka ay qaateen tallaalka, dabadeedne isku arka calaamadaha xanuunkaas, taasi waxaa u sabab ah difaaca jirkeena oo aan weli helin waqtigi uu ubaahnaa inuu jawaab ku bixiyo (jirkeenu waxa ay ku qaadaneysaa dhowr usbuuc inuu la falfalo tallaalka, dabadeed uu sameysto difaaci ka hortagga sameyn lahaa).

5. TALLAALKU MA KEENO CUDUR:

Inkastoo tallaalku ka sameysanyahay qeybo ka mid ah jeermis ka la rabo in lagaga hortago, haddane tallaalka laf ahaantiisa cudur ma dhaliyo. Haddii aan sii caddeeyo meeshaas, sababta waxa weeye tallaalka waxaa laga sameeyaa jeermiskaas (fayras ama bakteeriya) oo la daciifiyay ama la dilay. Tallaalka ka sameysan jeermiska la daciifiyay balse weli nool waxa uu keenaa in difaacaagu si xawli ah usoo burqado, si uu u sameeyo ka hortag. Noocan tallaalka ah looma oggola dadka qaar difaacoodu liito, waxa uuna ku keeni karaa khatar. Qeybta kale ee laga sameeyay jeermiska la dilay awoodda kii hore malahan, taasoo la micno ah inaad ubaahantahay inaad qaadatid wax ka badan hal jeer, dadka difaacoodu liitane wax khatar ah kuma keenaan. Waxaa jira tallaalo kale oo laga sameeyo suntan jeermis dhaliyaasha qaar oo wax laga beddelay, kuwani jeermiska laftiisa kama sameysna.
Haka welwelin noocyada tallaalka iyo waxa ay kala yihiin iyo inaad ku jirto dadka khatarta ku keeni karaan qaarkood, taasi waxaa ka masuul ah dhakhaatiirta iyo hawl wadeennada caafimaadka oo xilli walba howshaas u heegan ah inay hubiyaan qofka caafimaadkiisa inta aanu qaadan tallaal.
6. MARARKA QAAR WAA INAAD QAADATID TALLAALKA TIRO HAL JEER KA BADAN:

Waxa ay ku doodeysaa CDC in marka uu qofku qaato tallaal mar labaad ama mid xoojin ah uu difaaciisu gaaro awood ah 100%, tallaalada qaar waxa ay ubaahnaadaan mar seddexaad. Dadka qaan gaarka ah waa inay qaataan tallaalka gowracatada iyo teetanada tobanki sanaba mar. Tallaalada kale ee dadka waa weyn qaataan tiro dhowr jeer ah waxaa ka mid ah; cagaarshowga nooca A (Hepatitis A: 2 jeer oo ay u dhexeyso muddo 6-18 bilood ah ), cagaarshowga nooca B (Hepatitis B: 3 jeer muddo 6 bilood gudahood ah).
Jadwalka tallaalka carruurta ay qaataan isagane dhowr tallaal baa ku jira oo la qaato tiro halmar ka badan, sida gawracatada, teetanada iyo dabeysha (sinyarada), tallaalka jadeecada, Mumiska (qaamow qashiir) iyo Rubella. Tallaalka hargabka (influenza) isaga waxaa la qaataa sanad kasta.
7. TALLAALADA QAAR WAXAA KU JIRA MAADDOOYIN ILAALIYA (preservatives):

Cudurrada tallaalka leh sida; jadeecada, Rubella, HPV (fayras keena kansarka ku dhaca ilma galeen afkiisa) iyo kuwo kale dhammaantood waa dilayaal khatar ku ah nafteena, balse tallaalka ayaa ka hortag inoo ah, wax dhib ahna ma keeno tallaalka. Xarunta CDC waxa ay ogaatay in tallaalada qaar ay ku jiraan xaddi aad uyar oo ah kiimikada lagu ilaaliyo cuntooyinka la warshadeeyay si aaney u kharribmin (preservatives) iyo waxyaabo kale sida Formaldehydes iyo curiyaha Mercury loo yaqaan iyo weliba Alluminium, haddane xaddigaas wax dhib ah uma keenayo caafimaadkeena. Waxaa kale oo ay CDC sheegtay in jirkeenu kala kulmo degaanka aan ku noolnahay xaddi aad u sarreeya oo kiimikooyinkaas ah kana badan tan tallaalka ku jirta.

La Soco Qeybta 3aad

Thursday, 21 May 2020

18 WAXYAABOOD OO UU DHAKHTARKAAGU RAJEYNAYO INAAD KA OGAATID TALLAALKA


Qormadan oo aad udheereyd waxaan ka soo xiganay majallada Readers Digest, inagoo meelaha qaar wax kabedel ku sameeyay, waxaana qoraalki asalka ahaa qalinka uqaatay Kristine Solomon.

1. XAQIIQDA TALLAALKA:

Dadaallada lagu horumarinayo tallaal loo helo COVID-19 ayaa waxa ay usocdaan si xawaare leh oon kala joogsi laheyn, sidaa waxaa sheegay Dr. Kathyrn M. Edwards oo ah afhayeenka ururka dhakhaatiirta cudurrada faafa ee Mareykanka oo loo soo gaabiyo (IDSA). Waxaa hadda socda wax ka badan 100 tallaal oo gacanta lagu hayaa, sideed ka mid ah waxa ayba marayaan heerka tijaabada tallaalka.
Waxaa jira su’aalo fara badan oo ku saabsan tallaalka, sida: goorma ayaa la heli doonaa? Difaaca uu sameynayase maku filantahay inuu ka hortago fayraskan cusub? Ilaa inteese naga difaaci karayaa?
Inta aynu jawaab u heleyno su’aalahan aan soo xasuusano inay jiraan tallaalo fara badan oo waxtar inoo leh islamarkaana naga difaacay cudurro fara badan, kuwaas oo maanta jawaabo badan aan uheyno su’aalaha ka imaan kara.

2. NADAAFADDA FIICAN BEDDEL UMA NOQON KARTO TALLAALKA:

Kor u kaca daryeelka caafimaad, nafaqada heerka sare ah iyo nadaafadda shakhsiyadeed iyo degaan buuqiisu aan badneyn ama dadkiisu yaryihiin waxa ay saameyn ku lahaayeen cudurrada faafa isu gudbintooda iyo daweyntoodaba sanado dhowr ah. Balse Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waxa uu ku waramayaa in tallaalku cayaaray kaalin taas ka weyn, marka laga hadlayo yareynta cudurrada. Haddii aanu jirin tallaal aan cudurrada uga hortagno sida COVID-19 hadda nagu heyso, waxa aan heli karno markaas waa uun nadaafadda oo qura. Sidaa waxaa tiri Dr. Edwards oo ah barafasoor caafimaadka carruurta ka dhigta jaamacadda Vanderbilt ee Nashville ku taal. Cudurrada qaar aad ufaafa sida jadeecada, nadaafaddu naguma filna.

3. WAA INAAD QAADATAA TALLAALKA XATAA HADDAADAN MAQAL CUDURKA:

Tusaale waxaan soo qaadaneynaa, Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa uu inoo sheegaa tallaalka Haemophilus Influenza type B (Hib), oo ah bakteeriya keeni karta caabuq ku dhaca dhiigga iyo maskaxda sida maskaxgaraadka (meningitis). Tallaalkaas awgii, xanuunka hadda ma aragno oo aad buu uyaryahay. Inta aan tallaalka loo helin waxa uu ku dhici jiray carruur ka badan 20,000, waxaana udhiman jirtay carruur 1000 ka badan sanad kasta dalka Mareykanka kaliya, hadda waxa ay hoos ugu dhaceen 50 kiis sanadki, sida ay ku warrantay xarumaha xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee loo yaqaan CDC. Haddii aanan tallaalka qaadan waxaa soo laaban kara jeermisyo badan oo dadka leyn jiray tallaalka ka hor.

La soco Qeybta 2aad

Sunday, 17 May 2020

ABABIYE


BARBAARINTA TOGAN



Talooyin texane ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 1aad:

Texanaheenan ABABIYE waxaan kaga hadli doonaa haddii Alle idmo dhinacyo badan oo khuseeya ababinta carruurta, inagoo soo qaadan doono kaalinta waalidka, tan macalinka iyo dowrka bulshadu ku leedahay barbaarinta guud. Waxaan iftiimin doonaa halka wax ka khaldanyihiin marka bulshadeena hab barbaarineedkeeda la eego, diiniyan maku saxanahay wadiiqooyinka aan adeegsano iyo waxa ay qabaan khubarada ku xeeldheer cilmiga bulshada iyo barbaarinta.
Qeybtan waxaan ku bilaabeynaa waxyaabaha aan fiicneyn ee aan u adeegsano barbaarinta, kuwaasoo leh raad dhaawac ku reebaya carruurta maskaxdooda.

Hab dhaqanka taban ee barbaarinta:
     
     1.    Qeylada: waa dhaqan caan ah oo waalidiintu badankood kaga jawaabaan dhaqanka aan qancin ee carruurtooda, gaar ahaan carruurta aadka u dhibka badan. Qeyladu ma keento dhaqan toosan, waxeyse taa bedelkeeda hor seeddaa inuu argagaxo ilmaha, weliba sanadaha hore oo ay da’diisu aad u yartahay.
    

     Qeyladu waxa ay keentaa in ilmuhu bilaabo siduu isku difaaci lahaa, waxa uuna xoogga saarayaa siduu kaga baxsan lahaa qeylada taagan, halki ay aheyd inuu xal uraadiyo falki keenay qeylada waalidka.

Qeylada natiijada taban oo ay ilmaha maskaxdooda ku beereyso way ka darantahay tan ay keeneyso garaacista ama hababka kale ee ciqaabta carruurta la xariira. Taa waxaa sii dheer qeylada ilmahan uu sida joogtada ah kala kulmayo waalidka ama ciddi kale ee barbaarinta ka masuulka ah waxa ay bar madow ku reebtaa maskaxdiisa, markasta oo uu ilmuhu maqlo qeylo ama fal la mid ah waxa uu soo xasuusanayaa dareenki tabnaa ee ay ku reebtay qeyladii soo martay isagoo yar oo aan tabar laheyn.
     
     2.    Canaanta joogtada ah: canaantu waa hab kale oo barbaariyuhu isticmaalo islamarkaana saameyn taban leh. Canaanta badan waxa ay gilgishaa qalbiga, waxa ay kala furfurtaa xiriirka, waxa ay kala fogeysaa quluubta, waxa ayna dishaa dareenka togan ee labada dhinac u dhexeeyay.

     
     3.    Amarrada badan: amarrada badan ee aanu la socon qancinta qofka wax la farayo waxa ay ilmaha u bedeshaa mashiin loogu talagalay inuu amarrada fuliyo uun, waxeyna meesha ka saareysaa shakhsiyadda uu leeyahay oo ay daciif ka dhigeyso ama qof haya raac ah oo aan jiritaan laheyn. Ilmaha yar waxa uu ubaahanyahay inuu fahmo inuu leeyahay shakhsiyad gooni u taagan, haddii wax la amrayane waa inay la socoto inuu fahmo waxa loo dirayo, sababta iyo sida ugu fiican ee la donayo inuu wax u qabto.

    
     La soco Qeybta 2aad
   
    Dr. C/qaadir Insi


Saturday, 9 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA


KAROONE KADEED BADANAA!?

Qeybta 3aad:


Marka uu qofku ku dhaco xanuunkan COVID-19 waxa uu celcelis ahaan xilli huuriskiisu yahay 2-10 maalmood, waa laga bilaabo maalinta uu fayrasku jirkaaga galo ilaa calaamadaha ka soo baxayaan, muddadaas kaddib waxaa bilaabanaya soo if baxa calaamadaha koowaad oo muddo usbuuc ah sii darsanaya, intaas kaddib fayrasku waxa uu gaaray ama uu helay waddadi uu umarayay sambabada, halka ugu hooseysa sambabka ee oksajiinta iyo dhiiggu isku weydaartaan, waa booska uu ugu jecelyahay fayraskan si uu u howlgalo, isla waqtigaas difaaci jirkeenu waxa uu sii wadaa dagaalkiisi, waxaa dagaalkaas faafay ka dhalanaya in sambabada halka oksajiinta dhiigga ku weydaarto bukato, sambabka ayaa xanuunku wada gaarayaa, waxa ay keeneysaa in dhiigga ay ku adkaato inuu si habboon u gaaro habdhisyada kala duwan ee jirkeena, meeshaas marki la marayo waxaa soo ifbaxaya calaamado khatar ah oo muujinayaa in bukaankaas xaaladdiisu aaney fiicneyn, waxaa shaqada joojinaya habdhisyada jirka qaarkood, midba mar, ilaa ugu dambeynti ay gaarto in bukaankaas dhinto.

Haddaad isku aragtid calaamadaha hore ee xanuunkan ama calaamadaha hargabka caadiga ah, gurigaaga joog, waayo waxa aad dareemeysid waxa uu noqon karaa hargab caadi ah, ama COVID-19. Waxaanu ognahay in tira aad ubadan oo bukaannada ka mid ah aaney xaaladdoodu ka gudbeyn marxaladdan hore, sidaa awgeed welwel maloo baahna, keliya ka soo qaad in waxa aad dareentay uu yahay hargabki, islamarkaana wac lambarka telefoonka loogu talagalay xaaladda degdegga ah si aad macluumaad u heshid. Tiro yar oo xaaladaha ka mid ah ayaa ugudbaya sambabada inay xanuunsadaan oo qasab ka dhigeysa inay isbitaalka aadaan, xataa aadidda isbitaalka kaddib khatarta in qofku galo xaalad aad usii khatar ah ma badna.

Haddaba haddii weli faafitaanka COVID-19 uu si xawli ah usocdo, rajaduna ay sii yaraaneyso maalinba maalinta xigta, waxaa inagala rabaa inaan isku caawino hergelinta hababka kala fogeynta bulshada oo inaga caawinaya in inteena aan bixitaankoodu muhiim aheyn ay guryaha joogaan, inta kale ee howlaha muhiimka ah u baxayane ay raacaan talooyinka caafimaad ee COVID-19 lagula tacaalayo, tani waxa ay kaloo albaabada ufureysaa in inteena xanuunsata ay helaan adeeg caafimaad oo fiican, ayna yareyso khatarta inay ugudbaan xaaladaha culus ilaa heer macquul ah. Sidaas ayaan ku dhaafi karnaa Karoona, markasta oo aan fikraddaas isla garano waxaa degdeg isu bedelaya xaaladda safmareenkan COVID-19.

Ugu dambeyn gacmahaaga si joogta ah ugu dhaq biyo soconaya ugu yaraan 20 ilibirqsi iyo saabuun.

DHAMMAAD

W/Q: Dr. C/qaadir Insi

Wednesday, 6 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA

KAROONE KADEED BADANAA!?

Qeybta 2aad

Korona ayaa gudaha jirkeena galay:

Fayrasku waa wax aad uyar, inaan inagu aragno iska daaye xataa noolaha kale ee ilma aragtida ah ee Bakteeriyada qudheedu ma arki karto!. Waxa uu ka sameysanyahay habdhis aad ufudud, waana sirta uu aad ugu howlgalayo, waxa uu ka sameysanyahay dahaar borotiin ah oo ku wareegsan qeyb ka mid ah hidde sidaha RNA loo yaqaan, waxa uuna leeyahay tilmaan laf dhabar u ah waana awoodda uu uleeyahay inuu sameysto nuqullo (koobiyaal) fara badan.

Waa sidan waxa dhaca marka uu fayraskan galo unug nool oo jirkeena ka mid ah, waxa uu ku qasbayaa hidde-sidaha unugaas u gaarka ahaa inuu soo saaro hidde-sidaha fayraska, oo waxa uu u adeegsanayaa sida inuu isagu leeyahay, waqti kooban gudahiis unugaas waxaa ka buuxsamaya fayrasyadan oo dabadeed uga sii gudbaya unugyada kale.
Waxaa lagu magacaabaa fayrasyada koofiyada leh, waayo dahaarkiisa borotiinka ah ee ku wareegsan waxa uu u egyahay taaj ka boqorka, ‘haa waa taajka boqorka!’, waxaa ka soo taagtaagan wax aad fara mooddo, kuwaas oo u fududeynaya inuu fayrasku ku dhago unugyada sida koolada loo adeegsado sameynta kabaha iyo boorsooyinka, balse fayrasyada dhan ma awoodaan inay ku dhagaan unugyada noolnool, xaqiiqdu waxa ay tahay tiro aad uyar ayaa awoodda inay aadanaha xanuun ukeenaan, inta kalene jirkiisa ayey ka gudbaan iyagoon saameyn yeelan.

Marka ay fayrasyadu ku dhacayaan qeybta sare ee neef mareenka, waa dhuunta iyo tubada sare ee hawada u sida sambabka, jirkeenu waxa uu ugu jawaabayaa inuu udiro ciidamadiisa difaaca, unugyada cad cad ee dhiigga, waxa ay tagayaan halku xanuunku asiibay, waxaana meeshaas ka bilaabaneysa in la is farasaaro, waa dagaal jilbaha la isku aasanayo oo u dhexeeya difaaca jirkeena iyo fayraskan nasoo weeraray, dabadeed waxaan arkeenaa calaamadaha koowaad ee cudurka, oo ah:

      o   Qandho: calaamadan waxaa lagu arkaa 90% bukaanada
      o   Qufac qallalan: oo isna lagu arko 70% bukaanada
      o   Daal jireed: 40% bukaannada lagu arko
      o   Neef qabatin: oo lagu arko 20% bukaannada

Haddana iyadoo ay sidaa tahay warbixinnadu kuma koobna sida lagu faafinayo baraha bulshada, waxaa jira calaamado kale oo sida durayga ah, waxaa ka mid ah; madax xanuun, dhuun xanuun, lalabo, shuban oo xaalado kale lagu arki karo.

La soco Qeybta 3aad

W/Q: Dr. C/qaadir Insi


Tuesday, 5 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA

 KAROONE KADEED BADANAA?!

Waxaa dunida ka jiray bilihi u dambeeyay welwel aad u baahsan oo laga qabay xanuunkan uu dhaliyo feyraska ee loo yaqaano COVID-19, waxaa meel kasta ku baahay talooyin fara badan oo xanuunkan ku saabsan, calaamadihiisa, sida la isaga ilaalin karo iwm, waxaase in badan talooyinkaas ka muuqata inaaney dhabta ka hadleyn oo in badan marin habaabin ku jirto, baraha bulshada ayaa waxkasta lagu baahiyay, macluumaadka qaarne waa laga badbadiyay.
Haddaba waxaan rabaa inaan qormadeydan ku iftiimiyo waxyaabo ku saabsan xanuunkan, balse waxaan ku hormarayaa wadiiqooyinka lagu nadiifiyo guryaha iyo jirkaba si aad uga hortagtid COVID-19, waa tallaabooyin aan dhib badneyn, kana fudud sida dadka qaar usawiranayaan ama loogu sharraxay baraha bulshada.
Tusaale haddaad go’aansatay inaad akhrisid ilaha warbixineed ee xanuunkan sharraaxaadda ka bixinaya sida; Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ama xarumaha ka hortagga xanuunada faafa ee dalalku leeyihiin, waxaad arkeysaa inay si weyn ugu hormarinayaan ama xoogga saarayaan in qofku isticmaalo biyo socda iyo saabuun marka uu gacmaha meyranayo, sababtuna waxa weeye fayrasyada dahaarkoodu waxa uu ka sameysanyahay dufan, saabuuntuna ay si fiican usuulin karto dufanka.
Haddaad gurigaaga ka baxdid, islamarkaana aadan uhelin jaanis aad gacmaha ku meyrato biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa Aalkolada (Alcohol) lagu iibiyo farmashiyaasha, balse haddaad damacsantahay inaad nadiifiso gurigaaga waxaad diyaarsan kartaa dareere isku dhis ah oo aad si fudud guriga ugu diyaarsan kartid, waxaad soo qaadaneysaa qaaddo ama malgacad Koloriin ah kaddibne waxaad ku qaseysaa hal liiter oo biyo ah.
Waxaa aad loola yaabay in baraha bulshada lagu faafiyay iskujir kiimikaad oo ka kooban xaddi sare oo koloriin ah iyo Aalkolo, iyo mararka qaar waxyaabo kale oo kiimiko ah, dhibaatada ka imaaneysa waxyaabahaas khaldan waxa ay waxyeelo ba’an ugeystaan indhaha iyo sambabada dadka gurigaas ku nool, fadlan iska ilaali walxaha kiimikaad ee si aan cilmiyeysneyn loo diyaariyay.
Gacma dhaqiddu ujeedka qudha ee laga leeyahay waa in fayraskaas aad ka horjoogsatid inuu soo gaaro ugu horreyn sankaaga, marka xigane afkaaga iyo indhahaaga, waxaa jira laba wadiiqo oo waaweyn oo uu ku faafo xanuunkan (ilaa hadda). Tan Koowaad (waa tan ugu badan ee la arkay inay aad u faafiso): waa inaad ugu soo gashid qof xanuunsan xeyndaab 2-4mitir ah, qofkan waxa uu cudurka ugudbin karaa sankaaga ugu horreyn haddii uu qufaco ama hindhiso. Tan labaad: waa in qofka xanuunsan uu fayraska kaga tago meel uu taabtay, sida Alaabada iwm. Waxaan naqaanaa in fayraskan uu ku dul noolaan karo sadxiyada alaabaha ama darbiyada muddo saacado ilaa maalmo gaari karta, haddane sidaa ay tahay tan koowaad ayaa ah tan ugu shaacsan ee cudurku ku faafo.
Fayraskan nooca uu yahay ee koofiyada wata waxa ay ku dhegi karaan kuna faafaan inay alaabaha ama dabiyada dushooda qabsadaan, sidaa awgeed waa inaan ka digtoonaa taabashada wax kasta xilliyada aan adeeganeyno ama magaalada mareyno iyo inta aan joogno xaafadaheena islamarkaana aan gacmaha si joogta ah ugu meyrano biyo iyo saabuun inta ugu badan ee aan sameyn karno maalinti. Bal ka warama hadduu fayraskan galo jirkeena muxuu ku sameynayaa?
La soco Qeybta 2aad
Dr. C/qaadir Insi

Wednesday, 15 August 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 3aad:
7. HADDII AAD DHICISTAY AMA DILANTAY: inaad dhakhtarkaaga u sheegtid dilanka ama dhiciska ku soo maray waxa ay ka caawineysaa inuu qiimeyn sax ah ku sameeyo xanuunka aad ka cabaneysid.
8. WAXA AAD DAREEMEYSID MASKAX AHAAN: marka uu dhakhtarku ku weydiiyo dareenkaaga u sheeg sida aad wax u aragtid ama u dareemeysid, si wareysigiisu u noqdo mid nuxur leh waa inuu dareemaa inaadan dareenkaaga ka qarineynin.
9. XARIIRKAAGA GALMADA: haddii uu ku weydiiyo dhakhtarkaaga inta xaas ee aad leedahay ama ninkaagu xaasas kale leeyahay runta u sheeg hana ka labalabeyn. Waxaa jiraa xanuuno la isugu gudbiyo galmada, waana muhiim in wareysigaaga laga helo inaad xaas tahay ama leedahay.

10. MARKI KUUGU DAMBEYSAY AAD DHAKHTAR AADID: dhakhtarkaaga haddii uu ku weydiiyo runta sheeg, dadka qaar qaba cudurrada raaga (Chronic Diseases) waxaa la faraa inay sameeyaan la socosho xanuunkooda ah mar walba, dhakhtarka markaad u tagtid waxa uu ku weydiinayaa goorma ayaa kuugu dambeysay ee aad checking sameysay?
                                                      DHAMMAAD

Friday, 18 May 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 2aad:
4. SIDA AAD U ISTICMAASHO DAWADAADA: marka uu dhakhtarkaaga kuu qoro dawo, muddo kaddibne aad u soo laabato adigoo ka cabanaya isla cilladi, waxa uu ku weydiinayaa sidaad u isticmaashay dawadi uu ku siiyay, waxa lagaa doonayo waa inaad si daacad ah ugu sheegtid habka aad u isticmaashay dawadi, haddii ay kaa khaldaneyd wuu ku saxayaa, haddii aadan khaldaneyne sida habboon ayuu kugu hagayaa.
5. BALWADDAADA: dhakhtarku waxa uu ku weydiinayaa inaad balwad leedahay, nooca balwaddaada, imisa jeer baad maalinti isticmaashaa, iwm. haka been sheegin balwaddaada iyo habka aad u isticmaashid, waayo waxaa ku xiran caafimaadkaaga.

6. DAWOOYINKA DHEERIGA AH EE AAD ISTICMAASHO: dadka qaar waxa ay si joogto ah  u qaataan dawooyin iyo dhir fitamiin ahaan u isticmaalaan iyadoon loo qorin, dhakhtarkaaga u sheeg tirada aad ka cuntid, sida aad u isticmaashid iwm. waxa uu doonayaa inuu ku caawiyo ee ma ahan inuu wax kaa sheegayo. Waxyaabaha la xariira dawo dhireedka waxaa ka imaan karta khatar caafimaad oo badan, u sheeg dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo talada ugu habboon.
La soco Qeybta 3aad.....

Monday, 16 April 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 1aad:
1. QALLIIN HORE U SAMEYSAY: marka uu ku wareysanayo dhakhtarkaaga waxa uu ku weydiinayaa su'aalo fara badan oo la xariira caafimaadkaagi hore, weligaa haka been sheegin taariikhdaada caafimaad ee ku soo martay, gaar ahaan haddii aad horay usoo martay qalliin, waayo waxaa dhaci karta in cilladda aad u timid ay xariir la leedahay qalliinka aad sameysay muddo ka hor.
2.  DA'DAADA: da'du waa muhiim inaad si saxan u sheegtid, waxaa jira xanuunno ku badan da' gooni ah oo aan laga helin cimriga intiisa kale. Da'da oo aad run ka sheegtaa waxa ay kaa saacidi kartaa waxyaabo badan oo xanuunkaaga la xariira oo aan la garan laheyn haddii aad da' been ah qoratid.

3. CUNTADAADA: nooca raashinka aad cunto inaad dhakhtarka usheegtid marka uu ku weydiiyo waa qasab. In badan xanuunnada la xariira dheefshiidka iyo nafaqeynta waxa ay si qoto dheer xariir adag ula wadaagaan nooca raashinka aad isticmaasho.
La soco Qeybta 2aad