Qeybta 2aad:
4. SIDA AAD U ISTICMAASHO DAWADAADA: marka
uu dhakhtarkaaga kuu qoro dawo, muddo kaddibne aad u soo laabato adigoo ka
cabanaya isla cilladi, waxa uu ku weydiinayaa sidaad u isticmaashay dawadi uu
ku siiyay, waxa lagaa doonayo waa inaad si daacad ah ugu sheegtid habka aad u
isticmaashay dawadi, haddii ay kaa khaldaneyd wuu ku saxayaa, haddii aadan
khaldaneyne sida habboon ayuu kugu hagayaa.
5. BALWADDAADA: dhakhtarku waxa uu ku
weydiinayaa inaad balwad leedahay, nooca balwaddaada, imisa jeer baad maalinti
isticmaashaa, iwm. haka been sheegin balwaddaada iyo habka aad u isticmaashid,
waayo waxaa ku xiran caafimaadkaaga.
6. DAWOOYINKA DHEERIGA AH EE AAD ISTICMAASHO:
dadka qaar waxa ay si joogto ah u
qaataan dawooyin iyo dhir fitamiin ahaan u isticmaalaan iyadoon loo qorin,
dhakhtarkaaga u sheeg tirada aad ka cuntid, sida aad u isticmaashid iwm. waxa
uu doonayaa inuu ku caawiyo ee ma ahan inuu wax kaa sheegayo. Waxyaabaha la
xariira dawo dhireedka waxaa ka imaan karta khatar caafimaad oo badan, u sheeg
dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo talada ugu habboon.
La soco Qeybta 3aad.....
No comments:
Post a Comment