Sunday, 16 July 2023

CAAFIMAADKAAGA DARTIIS!

Kacaanka tiknoolajiyada ee dunida dhan qabsaday waxa uu horseed unoqday horumar dhan kasta ah inuu ku tallaabsado aadanaha, waxkasta oo fiicanne waxa ay yeelan karaan weji qarsoon oo dhankiisa xun ah. Dunidiiyoo dhan la wada hayaan, oo waa kaas ninba dhiishiisa buuxsaday oo waa la is dhaafay, waxaase gees ka gees dunida laga wada dareemay in carrigiiyoo dhan uu tuulo yar noqday, cid wax ka qarsanyihiine aaney jirin, tani waxa ay keentay in dadyowga nugul ee dowladahoodu laheyn shuruuc adag ama nidaam adag oo noloshooda wixi dhibaya hor istaagayo ay wajahaan waxyeelada ugu badan ee laga dhaxlay kacaanka tiknoolajiyada.

Waxyaabaha uu kacaankan sare uqaaday waxaa ka mid ah habka suuq-geynta oo waa cusub usoo bidhaamay, waxkastane adigoo gurigaaga dhex jooga moobilkaaga laguugu soo gudbiyo, weliba dalabkaaga gurigaaga laguugu keenayo, wax xun iyo wax fiican, wax caafimaadkaaga dhibayo iyo wax ufiican intaba. Tani waxa ay kaalin weyn ka cayaartay in nolosha soomaalida ee miyiga iyo magaalada ay isku mid noqoto, cunnooyinki caafimaadka ufiicnaa ee dalka laga heli jirayne ay in badan booska ka riixatay cunto dibadaha nagaga timid, tiiyoo ay jirto ayaa badankeen aaney isweydiin waxa aynu soo iibsaneyno halkuu ka yimid, muxuu ka sameysanyahay, muxuu dhib iyo dheef u leeyahay caafimaadkeena?


Cunnooyinka diyaarsan iyo kuwa fudud ee aan ku wehsanno, amaba si aan reer magaalnimo umuujinno aan aad ugu laalaabanno waa sun aan gacanteenna ku cabeyno, lacagteenana ku soo iibsaneyno iyadoon cidi na qasbin.




Haddii aan wax ka tilmaamo dhibaatada caafimaad ee laga dhaxlo cunnooyinka fudud oo la joogteeyo waxaa ka mid ah:

       a.      Xanuunka Macaanka (sokorow) nooca 2aad

       b.     Cayilka ama miisaanka badan

       c.      Caloosha oo adkaato (calool fadhi), constipation

       d.     Kolistarool

       e.      Dhiig kar

       f.       Xanuunnada wadnaha iyo maskaxda ku dhaca (sida; xididdada wadnaha/maskaxda oo xirma)

       g.     Insulin ta dhiigga la socota inuu jirka iska caabiyo (insulin resistance)

       h.     Xanuunno maskaxda la xariira sida; niyad jabka iyo madax xanuun joogta ah

       i.       Xanuunnada ilkaha iyo afka ku dhaca sida, suuska iwm

Intaas waa uun tusaale yar oo ka mid ah dhibaatooyin tira-beel ah oo laga dhaxlo cuntooyinka fudud ee sida joogtada ah loo isticmaalo. Qofkasta oo inaga mid ahne waaya aragnimadiisa ayaa ku filan inuu hareerihiisa eego, isla markaana qiimeeyo sida uu unoolyahay isaga, qoyskiisa iyo deriskiisa iyo xiriirka uu hab-nololeedkooda la leeyahay caafimaadkooga.

Sababaha keeni kara in qofka bani aadamka ah uu ka hari waayo amaba qabatimo cuntooyinka fudud way badanyihiin, mujtamac kastane mid usii gaar ah baa jiri karaya, waxaase ugu caansan oo dunidoo idilne nala qabtaa:

     1.     Qofka keligii nool islamarkaana shaqeeya (waqti uma helayo cunto Karin, lacagne wuu heystaa)

    2.     Labada qof ee isqaba oo shaqo wada aadaya (waxaa yaraanaya jaaniska ay cunto ku karsadaan lacagne way heystaan)

    3.     Xayeysiisyada waalida ah ee sida joogtada ah loogu sameeyo goobaha diyaariya cunnooyinka fudfudud

    4.     Aqoon darri la xariirta waxyeelada ay leedahay cuntooyinka fudud

    5.     In dadka qaar aaminsanyihiin reer magaalnimaduba inay tahay hadba intaad kaga badantahay kuwa kale maqaaxiyaha ama goobaha lagu caweeyo amaba cunnooyinka fudud lagu diyaariyo.

   


      6.     In cuntooyinka caafimaadka leh badanaa u baahanyihiin diyaarin iyo Karin, dad badane ay ka caajisayaan ama ka faanayaan iyo kuwo kale oo badan.






Ugu dambeyn CAAFIMAADKAAGA DARTIIS iska eeg waxa aad cuneyso amaba cabeyso faa’iido iyo khasaaro waxa uu kugu keeni karayo, hab nololeedkeenane waa waxa ugu weyn ee isbeddel ku keena caafimaadkeena.

3 comments:

Said mohamed said...

Mahadsanid Dre.
Sidoo kale waxaan jeclaa lahaa in aa wax kasoo
Dhahdo sunta maalmahan social media laga xayeesiiyo
Ee dhahaan waxay caawisaa sariirta.
Mahadsanid markale

Dr. Abdulkadir Insi said...

Said Mohamed Said, waan ku salaamayaa marka hore. Inshaa allaah waan ku dadaalayaa inaan macluumaad kasoo uruuriyo.

Dr. Ahmed Arab said...


mahadsanid Ustad Insi