Jimcihi aan soo dhaafnay 14ka Luulyo 2023, ururka caafimaadka adduunka waxa uu daabacay warbixin cilmi baaris ah oo ay sii daayeen guddiga isku-dhafka khubarada ee waxyaabaha cuntada lagu daro Joint Expert Committee on Food Additives (JECFA), oo ku saabsanaa maaddada wax lagu maceeyo ee ASPARTAME iyo xiriirka ay la leedahay kansarka. Guddigaas (JECFA) waxa uu ka koobanyahay WHO, wakaaladda caalamiga ah ee cilmi-baarista kansarka (IARC) iyo hey’adda FOA. Warbixintan cusub ayaa waxa ay keentay in Aspartame uu kazoo muuqdo liiska waxyaabaha kansarka keena (IARC Group 2B) eeg sawirka hoose.
Aspartame
hazard and risk assessment results released (who.int)
Waxyar haddii aan dib umilicsado taariikhda maaddadan ASPARTAME, waxaa marki ugu horreysay soo saaray sanadki 1965 khabiir kiimikada ah oo ushaqeynayay shirkadada dawooyinka ee Searle laguna magacaabi jiray James M. Schlatter, isagoo cilmi-baaris ku sameynayay soo saarista dawo la dagaalanta boogaha, waxa uu isku daray laba amino-acid
(Aspartic acid iyo Phenylalanine), dabadeed isku jirka soo baxay ayuu dhadhamiyay, waxaana usoo baxay wax aad uga macaan sokorta (200 jibbaar), waxa ayna arrintaas horudhac unoqotay soo saarista maddada ASPARTAME oo ah waxyaabaha cuntooyinka iyo cabitaannada lagu maceeyo (artificial sweeteners).Laba sano kaddib
sharikadda Searle waxa ay bilawday cilmi-baarisyo ay uga golleedahay iney ku
caddeyso in ASPARTAME aanu waxyeelleyn caafimaadka bani aadamka. Cilmi-baariyadaas
oo ay wadday muddo 5 sanadood ah. Ugu dambeyn bishi February 1973 ayey ugudbisay
hey’adda cuntada iyo dawooyinka (FDA) codsi ay ku codsaneyso in loo oggolaado isticmaalka
ASPARTAME. Codsigaas waxaa la socday in kabadan boqol cilmi-baarisyo oo
caddeynaya inuu aamin yahay wax soo saarkeeda cusub, wax dhib ahne aanu bani
aadamka u keeneyn. Sanadki 1974 ayey FDA siisay ASPARTAME oggolaanshihi ugu horreeyay,
waxaase arrintaas ka horyimid seynisyahanno badan oo si madax bannaan
usameynayay cilmi-baarisyo arrintaas ku saabsan, iyagoo sheegay in ASPARTAME uu
keeno khataro caafimaad oo fara badan, balse waxa ay FDA jawaabteeda ku soo
koobtay in awooddeeda dhanka resources ka ah darted aaney awoodin in dib
umuraajaceyso warbixinnada ay shirkadda Searle ka sameysay ASPARTAME, sidaa
darteedne waxa ay amar dul dhigtay shirkadda Searle inay heshiis la gasho urur
ay leeyihiin midowga jaamacadaha mareykanka oo loo yaqaan (UAREP).
Sanadki 1978 ayuu (UAREP) soo saaray
warbixin ka kooban 1062 bog oo ka hadleyso ASPARTAME, waxa uuna gunaanadki
sheegay in maaddadan ay aamin tahay oo bani aadamku isticmaali karo. Dood cusub
oo markale hawada isku sii shareertay ayaa waxaa soo baxay seynisyahanno cusub
oo madax bannaan, baaritaannadooduna ay ku soo uruureyso in maaddadan aspartame
ay waxyeello caafimaad keeneyso, waxeyna FDA ku eedeeyeen inaaney daacad ka
aheyn arrintaas, UAREP ne aaney khibrad arrintaas ku saabsan aaney laheyn.
1980 waxaa la sameeyay gole la
taliyayaal ah oo (PBO) loo soo gaabiyo magacooda, waxaana xubno ka ahaa
seynisyahanno madax bannaan iyo kuwo shirkadda ka tirsan balse lagu
kalsoonyahay, waxa ayna ugu dambeyn soo saareen warbixin nuxurkeedu ahaa in
maaddada Aspartame ay waxyeello dambe ugeysan karto xubno ay ka mid tahay
maskaxda bani aadamka sida inuu ku dhaco kansarka maskaxda, waxeyna ku taliyeen
inaan la oggolaan isticmaalkeeda. Balse waxaas oo dhan waxba lagama soo qaadin
waxa ayna FDA oggolaansho buuxda siisay shirkadda Searle bishi Luulyo 1981,
taasoo noqotay fadeexad ilaa maanta dooddeedu ka taagantahay mareykanka, taasoo
siyaasad dabada kula jirtay, waayo sanadki 1977-85 waxaa shirkaddan CEO ka ahaa
Donald Rumsfeld oo aad wada taqaanaa. Haa waa isaga waa nin kii wasiirka
gaashaandhigga mareykanka ahaa markii Ciraaq lagu duulayay 2003, waxaa kale oo
uu saameyn ku lahaa maamulki madaxweyne Regan, waxa uu maamulka sare ee
shirkadda ku soo daray siyaasiyiin waaweyn oo Washington awood ku lahaa. Waqtigiisi
waxey FDA oggolaatay in Aspartame loo isticmaali karo cunnooyinka. Intaas kaddib
waxaa ku soo xigsatay wakaaladda reer yurub uqaabilsan badbaadada cuntada ee (EFSA)
loo soo gaabiyo oo iyadane oggolaatay Aspartame.
Tan iyo waqtigaas waxaa jiray xarumo
cilmi-baariseed iyo seynisyahanno madax bannaan oo cilmi-baarisyo ku sheegay
khatarta ay leedahay maaddadan aspartame, waxaase markasta ka hor imaanayay
xarumo kale oo ay maalgeliyaan sharikadaha soo saara cunnooyinka iyo
cabitaannada maaddadan lagu daro.
Sanadki lasoo dhaafay 2022, jaamacad ku taala dalka faransiiska oo lagu magacaabo Sorbonne Paris Nord waxa ay soo saartay cilmi-baaris socotay 9 sanadood ayna ka qeybgaleen boqol kun oo qof kuna saabsaneyd maaddadan Aspartame, waxey ku sheegeen khatarta maaddadan iyo xiriirka ay la leedahay noocyo kala duwan oo kansarka ku dhaca bani aadamka.
Sidoo kale Mac-hadka Ramazzini Institute ee dalka taliyaaniga
ayaa isagane tijaabooyin uu ku sameeyay kumannaan jiir (dooli) ah waxa uu
sanadihii 2006-2007 ku sheegay in aspartame ay ku keentay dooliyaashi lagu
tijaabiyay noocyo kala duwan oo kansarka ah, khatartaas oo bani aadamkuna la
qabo isticmaalkiisa joogtada ah dabadeed.
Dhammaan warbixinnadan ay soo saareen xarumahan kala duwan waxa ay ka mideysanyihiin khatarta aspartame, waxaana si isku mid ah uga hor imaanayay Loopy yada ay maalgelinayaan sharikadaha cuntooyinka iyo cabitaannada ku dara aspartame, sida (American Beverage).
Su’aasha
maskaxdeena usoo degdegeyso ayaa ah: haddii maaddadan dooddeedu soo socotay in
ka badan 40 sano, waxyeelladeedane laga hadlayay sidee waddamadii waaweynaa ee
dunida sida Mareykanka u oggolaadeen in dalalkooda lagu isticmaalo? Jawaabta oo
kooban waa arrimo dhaqaale iyo siyaasad is wata.
Qaar
kamid ah cuntooyinka lagu daro Aspartame:
Cabitaannada
iyo cuntooyinka diet ama sugar free ama low/zero calories lagu soo qoro waxaa
lagu soo daraa aspartame, sida:
Cabitaannada: Diet Coke, Coke Zero, Diet Snapple, Fanta Zero, Sprite Zero, Crystal Light, ….
Waxyaabaha sida sokorta wax loogu darsado: NutraSweet, Equal and Sugar Twin.
Xanjada sida: Trident,
Extra, Wrigley’s, Mentos gum.
Xataa maaddadan
waxaa lagu daraa dawooyin badan, sida kuwa qufaca, xasaasiyadda, qallalka, kuwa
dhimirka iwm.
Haddaba maaddadan nolosheena meela kala duwan ka soo geli karta waxa ay leedahay heer lagu badbaadayo oo xaddigaas wixi ka yar khatarteeda aan kaga badbaadi karno, sida ay ku caddeysay hey’adda caafimaadka adduunka warbixinteedi jimcaha, wixi ka yar 40mg/kg/day, taas oo micnaheedu yahay halki kilo oo miisaankaaga ah waxa uu maalinti qaadan karaa 40mg oo asparte ah.
Tusaale
ahaan: haddii miisaankaagu yahay 70kg, jirkaagu waxa uu maalinti maaddadan ka
qaadan karaa 2.8g (70x40=2800mg).
Sideen
ku fahmi karayaa cuntooyinka, cabitaannada ama xataa dawooyinka aan qaadanayo
inaaney ku jirin aspartame?
Ka hor inta aadan iibsan wax soo saarka aad rabtid akhri waxyaabaha laga sameeyay ama lagu daray, Aspartame maku jirtaa? Waxaa jira siyaabo kale oo warshadaha qaar ay isticmaalaan oo aan aheyn magaca maaddada sida: E951, INS 951, sweetener 951 dhammaantood waa isla aspartame.
Gebagebada
qoraalkeyga waxaan kaga jawaabayaa su’aashi aan horay usoo marnay waana arrimo
dhaqaale. Hal tusaale aan soo qaato cabitaannada diet ka loo yaqaan keliya
waxay sanadki soo saaraan lacag dhan $430 bilyan oo dollar, 95% cabitaannadaas
waxaa lagu daraa aspartame. Wax soo saarka guud ee aspartame sanadki waa 3000
ilaa 5000 mitric ton, waxaana lagu daraa in kabadan 5000 oo isugu jira cunto,
cabitaan iyo waxyaabaha lagu macaansado. Iyadoo taa jirto waxa ay leeyihiin
loopy yo udagaallama oo saameyn ku leh siyaasadaha dawladaha, waxaana adkaatay
in sanadahaas dheer wax laga beddelo, balse wixi hadda ka dambeeya sharikadaha
waa weyn ee isticmaala maaddan waxaa ku furmi doona ololeyaal maxkamadaha hortooda
ka dhaca oo ganaaxyo waaweyn ay kala kulmi karaan. Caafimmadkaaga adigaa ka
masuul ah, ee marka hore iska akhri waxa aad cuneysid.
No comments:
Post a Comment