Qeybta 1aad:
1. QALLIIN
HORE U SAMEYSAY: marka uu ku wareysanayo dhakhtarkaaga waxa uu ku
weydiinayaa su'aalo fara badan oo la xariira caafimaadkaagi hore, weligaa haka
been sheegin taariikhdaada caafimaad ee ku soo martay, gaar ahaan haddii aad
horay usoo martay qalliin, waayo waxaa dhaci karta in cilladda aad u timid ay
xariir la leedahay qalliinka aad sameysay muddo ka hor.
2. DA'DAADA:
da'du waa muhiim inaad si saxan u sheegtid, waxaa jira xanuunno ku badan da'
gooni ah oo aan laga helin cimriga intiisa kale. Da'da oo aad run ka sheegtaa
waxa ay kaa saacidi kartaa waxyaabo badan oo xanuunkaaga la xariira oo aan la
garan laheyn haddii aad da' been ah qoratid.
3. CUNTADAADA: nooca raashinka aad cunto
inaad dhakhtarka usheegtid marka uu ku weydiiyo waa qasab. In badan xanuunnada
la xariira dheefshiidka iyo nafaqeynta waxa ay si qoto dheer xariir adag ula
wadaagaan nooca raashinka aad isticmaasho.
La soco Qeybta 2aad
No comments:
Post a Comment