Wednesday, 10 June 2020

MAAN GUURSADEEN! (Sheeko Gaabn)



Runtii waa garnaqsi ku salaysan xaqiiqo jirta oo aqallada soomaaliyeed badankood la hagooganyihiin, waa sheeko wax badan u ifineysa akhristaha bannaanka ka taagan dhismaha qalfoofta guurka, islamarkaana dareen dhamac ah ku qabaneysa kan qalfooftaas aynu sheegnay dhex fadhiya, ee qab weynidu meel dhigatay, sheekadane aad mooddo inay isagu taabaneyso.

Waa garnaqsi gabadh soomaaliyeed ku faqeyso wax in badan hooyooyinkii hore laabta ugu silsiladeysnaa, dhaqankeenuna - meelaha uu ku qallafsanyahay - uu raggu ugu hiilinayay, waa garnaqsi ay yartahay inay ku dhiirato gabadh soomaaliyeed, iyadoo nolosheeda oo idil uga tanaasuleyso dhaqan xumida ragga qaar. Waa garnaqsi ina soo xasuusinaya tuducyo ka mid ah maanso aad u dheer oo uu leeyahay Abwaan Hadraawi:

Ragoow ka adkoow xilkaaga, 
La saayira ooryihiinna, 
Irmaanta xaqeeda siiya, 
Ragoow ubadkaaga toosi, 
Wixii arrin kaa daboolan, 
Iimaanka ku baadi-doona, 
Afeefna ka yeesha xaajo,

Yaanan ararta idinku dheereyne fadlan si deggen u akhriya oo xaqiiqada jirta wada dhadhamiya.

Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

"Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guursadeen nin Soomaaliyeed, haddii aan guursadana waxba uma dhaleen."
Odhaaahdan xanafta iyo xajiinta miidhana waxa tidhi baa igu maqaalo ah gabadh cad oo ah kalkaaliso ka shaqaysa qaybta umulaha ee cusbitaal ku yaal Iswiidhan. Haddaba maadaama aan ahay nin Soomaaliyeed, hadalkani wuxuu igu riday xanaaq iyo xayraan wada socda. Waxa uu hadalkaasi igu dhaliyay waydiimo badan oo ay ka mid yihiin: Tolow ma gogosha ayay ku saluugtay; mise gowska? Ma garashada mise gacan fudaydka? Dumarka Soomaaliyeedse odhaahdan sideebay u arkaan? Waydiimahan dhan aan u qaado aniga oo garan la’ ayuun buu Eebbe igu il-haamiyay: Miyaad caawaba xaaskaaga waydiisid aragtideeda ku aaddan odhaahdan, bal si aad arrintaba ugaba gungaadhid.

Haddaba caways Jimceed ayuun bay ahayd markii aan irridka gurigayga garaacay, ee ay iga furtay ooridaydii oo indha kuulan, dabno guduudan, da’ yaraanina ka muuqato. Bariido aan diirranayn ka dib markii aan gudaha sii galay waxa i qaadaa dhigay caraf iyo udgoon, oo meel aan joogo intaan garan waayay, ayaan is idhi tolow ma ku booddaa! Laakiin, waxaan samayn lahaaba waxaan ka baqe qabay in ay carruurtu soo jeedo, waayo habeenno badan bay iga gaagixiyeen kalaabtu. Haddaba qolalka markii aan fiiriyay ee aan ogaaday in ay galin horeba seexisay ayaan uurka ka farxay, hoostana ka qoslay, ogaadayna in ay Jimce tahay.

Sidiisaba Jimcaha sharci baa ka yaallay, sida dhaqankeenna ku cad. Haddaba hawli ha ii danbaysee, waydiintii igu mudnayd ayaan dirqi ku xasuustay, oo aan u bandhigay xaaska. Inta ay iga ag kacday, ayay igu tidhi: “Waa runteed, waanay saxan tahay. Anba nin Soomaaliyeed haddaan sidan moodayo ma guursadeen”. Yaab! Dareenkii hammi ee igu abuurnaa inta uu hoos u dhacay ayaan ku idhi: “Oo hadda wada joogeenna miyaad ka xun tahay?” Inta ay foorarsatay ayay tidhi: “Kamana xumi, kumana faraxsani”. Waar bal inkaartan kaalaya! “Naa toban sano ayaan ku qabay, oo shan carruura ayaad ii leedahay ee maxaynu ku wada joognay haddaa?” “Waynu iska wada joognaa uun” ayay si quusi ka muuqato iigu jawaabtay. “Waynu iska wada joognaa uun hadal maaha, ee maxaad iga tabanaysaa aniga?" Ayaan si xog raadin ah u waydiiyay? “Haddii aan kuu sheego, ma kol baad qaadanaysaa?” Ayay iyada oo shanta dhabanada ku haysa ina soo eegaysa tidhi. “Waan qaadanayaa, ee ii sheeg Saytuun” Ayaan si quudarrayni ka muuqato ugu idhi. (Saytuun: Waxaan ugu yeedhaa marka aan xodxodanayo rabana in ay wax ii sheegto, ama wax i siiso) . 

Inta ay si wanaagsan u soo fadhiisatay ayay hadalkii ku bilowday. “Horta caawa habeen aad ka wanaagsan tahay ma aan arag intii aynu wada joognay, waayo waxa iiga kaa muuqda danayn iyo debecsanaan badan. Taas baana keenaysa inaan uurkayga kuu dooxo, oo aan tabashadayda kuu soo bandhigo. Maalintii aan ku guursanayay waxaan is lahaa wuxuu kuu noqon hooyo, aabbo, walaal iyo wehel rumaad. Waxaan is lahaa cidlo danbe dareemi maysid, ciishoon maysid, cabashana hadalkeedaba daa. Waxaan is lahaa wuu kula kaftami, wuu ku kool koolin, waanu kuu kaalmayn. Waxaan is lahaa wuu ku dhegaysan, wuu ku dhaqaalayn, wuuna kuu dhego nuglaan. Waxaan is lahaa wuu ku maamuusi, wuu ku marxabaysiin, waanu ku macsiin mar walba. Waxaan is lahaa wuu ku daadahayn, wuu ku dalxiis gayn, waanu kula dawaafi. Waxaan is lahaa wuu kula damqan, wuu kula digigixoon, wuuna kula diirnixi. Waxaan is lahaa wuu ku caawin, wuu kula cawayn, wuuna kula ciyaari. Waxaan is lahaa waad ku faani, waad ku farxi, waanad ku fantasiyayn. Waxaan is lahaa wuu ku raali galin, wuu kuu raaxayn, waanad ku rayn. Waxaan is lahaa wuu kuu naxariisan, wuuna ku nasin. Waxaan is lahaa wuu kula tashan, wuu ku tilmaami, waanu ku tiirin. Waxaan is lahaa wuu kula haasaawi, wuu kula hadli, waanu kula hawshoon. 

Ilayn haweenku hadal bay ku nool yihiine. Waxaan is lahaa jacaylkiina wuu kobcin doonaa, waanu kordhin doonaa. Waxaanse is lahaaba, waxba iimaad noqon. Haddii aad noqotayna, waxaad noqotay annaani. Sababtoo ah, hadh iyo habeen waxaad ka fikirtaa cuntadaada, cabitaankaaga iyo kufsashadayda.
Haa kufsashadayda, dareen godlin ma lihid, gacan salaax laguguma oga, gacaltooyana haba sheegin. Sidii aad waraabe tahay baad igu soo booddaa, luquntana isugu kay laabtaa, laabtana igaga dhacdaa, dabadeedna si arxan daran ii luf-luftaa oo aad iiga muraadsataa. Shanta carruura ee aan kuu hayaba waxaad igaga dhashay kufsi sharciyaysan. Uurka intii aan ku siday ilamaad xanuunsan, imanaad xannaanayn. Fooshaydii garabkayga ma aad taagnayn, gacantaydu kuma haysan, galiilyada aan qabana war umaad hayn, ee bannaanka ayaad iska joogtay. Mararna waabad iska maqnayd.

La soco Qeybta 2aad 

Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Sunday, 7 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 4aad:

Maxaa lagu xalliyaa Hab-dhaqanka aan fiicneyn ee carruurtu ku kacaan?

Waxaan hoos ku soo uruurineynaa dhowr tallaabo oo naga caawinaya inaynu xoogga saarno xalka mushkiladda taagan.

    1.    Tilmaan ka bixi mushkiladda taagan: tilmaan ka bixintu waa inaad xaddidid mushkiladda taagan, si qayaxan haddaan u dhigo; halkee cilladdu ka jirtaa? Waase noocee? Waalidka marka uu si weydiiyo qaabkan waxaa u fududaaneysa inuu soo xeero cilladda taagan, waxa ayna baranayaan habdhaqan kasta oo uu ilmuhu ku kaco oo dadka waaweyn aaney ku qancin ma dhihi karnaa waa mushkilad taagan, mise mararka qaar waa ka badbadis dadka waa weyni sameynayaan iyo madax adeeggooda?

Tusaale ahaan wiilkaagu aad buu u cayaar badanyahay oo guriga ayuu kor iyo bari ugu boodboodayaa, ama aad buu u weydiimo badanyahay, manta dhan wax kasta ayuu ku weydiinayaa waa maxay waxani? Yaa leh? Maxaa lagu qabtaa? Sidee loo isticmaalaa? Maxaa aqalkeena loo keenay? Iwm. Mushkiladda inaad xaddiddaa waxa ay ka dhigantahay inaad meesha ka saartay isticmaalka hababka barbaarinta taban ee aan horay usoo xusnay.
Tusaale kale: ilmahaaga yar waxa uu meel aan habbooneyn ku tuuray qobka muuska… waa cillad jirta laakin waxaanu ubaahanahay inaynu xaddidno cilladdan, waxaynu leenahay markaas: qobka muuska waxa uu sababayaa in lagu simbiririxdo kaddibne dhib ku yimaado qofka ku joogsaday.

     2.    Macluumaad sii ilmaha yar: mushkiladda jirta inaad macluumaad ku saabsan siisid ilmaha yar waxa ay ka dhigantahay inaad wax bareysid ama aad xasuusineysid, marka aad dhowr jeer casharkaas kusoo celcelisidne waxa uu ku dhagayaa maskaxda ilmaha yar si uu uga fogaado mushkiladahaas, isla markaana uu xoogga saaro xalkooda.

Inaad ilmaha yari macluumaadkaas siisid waxa ay dareensiineysaa masuuliyad, waxa ayna siineysaa kalsooni uu ku qabo inuu ka tallaabi karo habdhaqanka lagu diidanyahay, taa waxaa dheer inuu dareemayo in shakhsiyaddiisu weyntahay.
Tusaale ahaan; ilmahaagu waxa uu afka ku furaa gasacadaha cabitaanka lagu keeno, halki aad adeegsan laheyd hababki tabnaa ee kore, usheeg in dhaqankan uu wax u dhimayo ilkihiisa oo uu tabartooda daciifinayo.
   
    3.    Xal ukeen: mushkiladda inaad xaddidid waxa ay bareysaa wiilkaaga inuu barto halka sirtu ka quruntay, macluumaadka aad siisayne way usii xaqiijinayaan, waxa ka dhimman waxa ay noqonayaan inaad xalka tilmaantid.

Tusaale:
o   Qobka muuska waxaad ku riddaa qashinka
o   Gasaca waxaad ku furtaa furaha loogu talagalay
o   Khudaarta waxaa la cunaa marki aad iska meydhtid kaddib

    4.    Hadalkaaga soo gaabi: war dheer, tilmaan fara badan iyo macluumaad tira beel ah waxa uu ku keenayaa ilmaha inuu ka daalo oo uu ku caajiso hadalkaaga, sidaa awgeed markasta oo uu warkaagu koobanyahay wuu ka saameyn badanyahay kana qancin ogyahay warka dheer.
Hadalka kooban waxa uu siinayaa ilmaha farxad inuu dib isku qiimeeyo ah, jaanis uu ku fakari karo iyo inuu go’aan qaato si uu isbedel usameeyo.
Habdhaqankan waxa uu ilmaha ka kobcinayaa maskax ahaan iyo caqli ahaanba.

    5.    Dareenkaaga usheeg: inaad usheegtid dareenkaaga iyo ixtiraamka aad uheyso dareekiisa waxa ay ilmaha yar ka dhigayaan mid kuula fal gala si togan oo jaceyl xambaarsan, tanine waxa ay isku soo dhaweyneysaa nafsadda ilmaha iyo waalidka.

Qaabka aad dareenkaaga usheegeysid waxa uu noqon karaa adiga oo usheega waxa aad ka filaneyso, tusaale ahaan; ‘’waxaan kaa filanayaa inaad noqoto mid nidaamsan, dabeecaddiisu hagagsantahay, salaadaha dhowraya iwm’’. Ama ‘’waxaan kaa filanayaa inaad si naxariis leh ula dhaqantid walaashaa kaa yar’’.
Dareenkaaga markaad cabbireysid waa inaadan soo qaadin mowqifkaaga taban ee inankaaga hab dhaqankiisa aad ka taagantahay, dareenkaaga taban u daa hab-dhaqanka, dareenkaaga togane ilmahaaga taabsii. Ha isku qasin oo kala saar hab-dhaqanka inankaaga iyo shakhsiyaddiisa, waayo shakhsiyaddu waa waxa aynu rabno inaan dhisno, ee ma ahan inaan dilno, haddeynu shakhsiyaddiisa taabanno si toos ah ama si dadban waxaynu ku ridnay bohol ay adkaan doonto sida uu uga samata baxo.

Tusaale: waxaan ka xumaadaa inaan arko qolkaaga oo sidan isugu dhex yaacsan.
Waxaan ka rajeynayaa wiilkeyga aan jeclahay in qolkiisu noqdo mid habeysan oo qurux badan.

Lasoco Qeybta 5aad

Tuesday, 2 June 2020

QALINKAA WAX SUUREEYA


 Qeybta 3aad:

Wax akhrintu waa inay noo noqoto manhaj nololeed oo xataa ka sareaya hiwaayad, waxaana habboon inaaney ku soo marin maalin aadan wax akhrin. Akhrisku ma ahan wax uun iska akhri ee waa inuu ahaadaa mid hadaf wata, oo waxa aad akhrineysid faa'iido kugu biirinayaan. Isku day inaad gurigaaga ka sameysatid maktabad yar oo aad ku keydsato buugaagta. Akhri bil kasta ugu yaraan hal buug oo 200 bog gaaraya, kana baxsan takhasuskaaga. Caadada wax akhriska waxa ay faa'iido kale oo dheeriya uleedahay carruurteena aan barbaarineyno, waxa ay u tahay tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan. 

Waxaan aad u ammaanayaa dadaallo ay hor boodayaan dhalinyaro soomaaliyeed oo sanadihi u dambeeyay ku soo badanayay dalka iyagoo sameynaya naadiyaal wax akhris iyo maktabado guud oo degmooyin iyo magaalooyin badan laga hergeliyay, waxaa kaloo ammaan mudan bandhigyada buugaagta oo dalka kusoo badatay. Waa tallaabo in la dhiirigeliya mudan, waana inaan halkaas lagaga harine la gaarsiiyo aqalladeena, si dhaqanka akhrisku caado inoo noqdo.
Sawirkan kore waxa uu inoo muujinayaa qiimaha akhrisku leeyahay, waa sawir dadka reer Jabbaan ay ku barayaan carruurtooda in miisaanka saxda ah ee qofku leeyahay aaney aheyn inta kiilogaraam ee culeyska jirkiisa, balse uu yahay inta buug ee uu akhriyay. Bal eeg ilmahaas yar ee buugaagtaas waa weyn akhriyay ayaa ka miisaan badan (ka nafci badan) ninkan weyn ee buuran balse buuggaa yar uun akhriyay.

Akhrisku waxa uu yareynayaa waqtiga faraha badan ee aan ku lumino baraha bulshada, oo inta badan si macno darro ah aan u adeegsanno. Akhrisku waxa uu meesha ka saarayaa dabeecad ay dadka qaar caadeysteen oo ah inay kugu yiraahdaan: Waqtiga ayaan isku dhaafinayaa cayaartan ama baraha bulshada. Maya waqtiga ha is dhaafsiine kaga faa'iideyso wax ku anfaco adduun iyo aakhiro.

Akhrisku waxa uu kobciyaa garaadka akhristaha, awoodda wax falaanqeyn ee akhristaha, awoodda maskax-shiileed ee uu sameyn karo iyo aqoonta uu kororsanayo. Akhriskaaga badan waxa uu maskaxdaada ku beerayaa inaad macluumaadkaas faraha badan aad qoraal ka sameysid, wax falaanqeysid, islamarkaana faallo ka bixisid, markaas waxay maskaxdaadu foolaneysaa aqoonta ay rimantahay, waxaana umuliso unoqonaya qalinka. Haa waa qalinki aan ka soo hadleynay beryahan, halkaasne waxaa is weheshanaya buugaagtii faraha badneyd ee aad akhrineysay, maankaaga ay ka guuxayaan fikradaha, aqoonta, xikmadaha iyo qalinkii tarjumaanka u ahaa oo si farshaneysan aad ula wadaagtid baalasha warqadaha buugga aad wax ku qoreysid, dabadeed waxaa miraha ka dhasha macaankooda muudsanaya akhristayaasha qoraalkaaga ugu raaxeynaya maankooda ooman.

Waxaan rabaa qoraalkeyga kooban inaan ku soo gebagabeeyo maanso uu leeyahay abwaan Max’ed Ibraahim Warsame oo Hadraawi lagu garan ogyahay, waxa ay ku jirtay “Sirta nolosha” waxa ayna ka hadleysaa qalinka, buugga iyo aqoonta guud ahaan, waxa uuna yiri:

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin

Sisin iyo ku beer muufo
lyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda

Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka

Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla

Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.

Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi

Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye
.”

                                                                           
-----DHAMMAAD-----

Monday, 1 June 2020

QALINKAA WAX SUUREEYA

 

Qeybta 2aad:

Waxaa sii lumaya adeegsiga, fahamka iyo akhriska suugaanta soomaaliyeed ee dhalinta maanta, taana waxey noo horseeday inaynu lumino faa’iidooyinka akhriska suugaanta oo aanan soo koobi karin. 
Waa marka horee, waa madaddaalo dareenkeenna sabaalisa. Marka labaadne aqoon baynu ka qaadannaa afkeena, hiddaheena iyo sooyaalka taariikheed ee aynu leenahay. Akhrisku waxeynu ku baranaa dad qalaad, dalal, dhaqammo, caadooyin iyo degaammo kuweenna ka geddisan oo laga yaabo inay na xiiso geliyaan. 

Sawirkan waxa uu dadka ku dhiirigelinayaa wax akhriska xataa haddey qaraqmayaan. Waxa uu ku yaalaa Singapore.

Afkeenu waxa uu leeyahay xeer iyo naxwe u gaar ah, kuwaasoo leh dhawaaqyo iyo astaamo ku saabsan afka, dhawaaqane waxaa lagu aqoonsadaa summado, balse taa uma sii daadagayoo waa bad aynaan kaga dhammaaneyn qoraallo gaaban iwm, waxaanse rabaa inaan inyar ila eegtaan tixdan soo socota oo ku saabsan murtida hadalka, waxaana tiriyay abwaankeeni weynaa AUN Xaaji Aadan Afqallooc:

Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye”


Suugaanta soomaaliyeed siyaabo kala duwan ayey uga hadashay waxtarka qalinka tix iyo tiraab ba, tixda qaar aragnay, qaarne way kusoo xigtaaye, dhanka tiraabta aan inyar ka soo laacee waxaad waxyar ila eegtaan qoraal siduu u dheeli tiranyahay aad la ashqaraareyso, islamarkaana aad jecleysan doonto tilmaanta qalinka laga bixiyay, waa marka qalinka xaqiisa lagu laro maan fayow, loona maalo dararta maskax lashiilay inta akhrisaneysa, waa qoraa Aadan-cadde oo kaga faallooday qoraalkiisii “Naftii Hure”, isagoo noo suureynaya qalinka, waxa uuna yiri:

"Waa abuurane barakaysan oo la maamuusay. Wax Rabbi uumay isaga ayaa ugu horreeyay. Jiritaankiisa ayay sooyaalka dunida iyo aqoontuba abaal weyn u hayaan. Mucjisooyinkiisa ayay ka mid tahay in uu xidhiidhiyo afkaarta bani’aadamkii kumanyaal sano ka hor jiray iyo kuweennan hadda jooga. Insaanka dunida ku uummani muu is fahmeen haddii aanu isagu isku sidkin. Haddii aynnu jiritaankiisa dunida ka tirtirno waxa innoo soo baxaysa duni kale oo mugdi ah oo haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aanad waxba arkaynin. Duni kala faquuqan oo aan af iyo fikir midna isku fahmin. Duni aan ujeeddo iyo ka-jeeddo toona lahayn oo qof walba ogaalkiisu yahay inta ishiisu gaadho oo kali ah. Qiimahaas uu dunida u leeyahay iyo waxtarkiisaas if iyo aakhiroba gaadhsiisan awgii ayuu Rabbi abuuraneyaasha isaga ugu hor abuuray islamarkaana magaciisa ugu dhaartay" (Aadan-cadde, 2016).

Lasoco Qeybta 3aad

Sunday, 31 May 2020

QALINKAA WAX SUUREEYA

Qalinku waa aalad qoraalka lagu sameysto, erey ahaan waxaan magacaas la wadaagnaa dadyowga carabta oo afkooda lagu yiraahdo “Qalam”, halka inaga aynu ugu dhawaaqno “Qalin”, waxaa waayihi hore la isticmaali jiray qalin ka sameysan geed la qoray, dabadeedne qad inta lagu daarto lagu xarriiqo warqad, bug, loox, caleenta geedaha, lafaha iwm. Qalinka waxaa lagu ilaaliyaa aqoonta noocee doonto ha noqotee iyo fikirka aadanaha oo jiilkasta uu ku keydiyo isagoo isticmaalayo qalinka. 

Qalinku ma ahan oo qura kuwan aynu naqaan ee Qalin biire, Qalin qoray (qalin rasaas), qalinka looxa lagu dhigto ee aynu geedaha ka sameyno iwm, waxaase jira kuwa waqtigan casriga ah aynu adeegsanno sida kiiboodhka aan iminkadan ku qorayo qoraalkan aad akhrineysid, haa waa kiiboodhka kumbiyuutarka ama telefoonka aynu adeegsanno waqtigan dunidu edegoowday, waxa uu noqonayaa nooc kamid ah qalimaanta aynu u adeegsanno aqoonta.

Qalinku waa wixi ugu horreeyay ee uu Allah abuuray, sida ku cad xadiiskan hoose oo uu werinayo saxaabigi weynaa ee Cubaada Bin Saamit RC.
عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : إِنَّ أَوَّلَ مَا خَلَقَ اللَّهُ الْقَلَمَ فَقَالَ لَهُ : اكْتُبْ ، قَالَ : رَبِّ وَمَاذَا أَكْتُبُ ؟ قَالَ : اكْتُبْ مَقَادِيرَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى تَقُومَ السَّاعَةُ
Wixii ugu horreeyey ee Alle abuuray waxa uu ahaa qalinka, dabadeedna Alle ayaa ku yiri “Qor.” Qalinkii waxa uu yiri “Rabbiyow, maxaan qoraa?” Waxa uu Alle ku yidhi, “Qor maqaadiirta wax kasta ilaa Saacadddu (Qiyaamuhu) ka dhacayso.”

Qalinku waa saaxiibka buugga, waa laba mataano ah oo aan kala harin, labaduba waa furaha aqoonta iyo ilbaxnimada. Qalinku waa kan Allah uu ku dhaartay, suuradda Al-qalam magaceedu yahay,    ن وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ ﴿. Qalinku waxa uu ku jiraa suuraddi ugu horreysay ee quraanka kariimka ah ee suuratul calaq, waa suuradda ka hadleysa bilowgeeda akhriska, oo nabigeena Muxammad NNKH lagu leeyahay:
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم
اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5)

Qalinka xaqiisa ma siinay? Weliba waqtigan dunidu isku wada furantay, xiriirku fududaaday, aqoontu korortay islamarkaana aynu heli karno aqoon kasta inagoo adeegsaneyno internetka oo balaayiin kutub oo cilmi kasta ah aynu ku heleyno ilbiriqsiyo. 
Sida aan qabo ma aanan siin xaqa ay lahaayeen qalinka iyo buugga, waxaa jira dhibaato ay nala qabaan dadyow badan oo soo ifbaxday sanadihi u dambeeyay, waa in weheshiga buugga iyo qalinku yaraaday, waxaa booska ka riixday baraha bulshada. Haa waa baraha bulshada, sida Feesbuug, yuutiyuub iyo kuwo kaloo badan. Waxaa dadka qaar badanoo xataa waxbartay ku sii yaraanaya akhrinta buugaagta iyo adeegsiga qalinka, waxaana soo ifbaxaya in xataa qorista far soomaaligu faraha ka sii baxeyso, oo meesha uu soo galay afsoomaali jajab ah, waa xaqiiq dad badani ila arkeen.
Tusaale ahaan waxaad ku arkeysaa qof soo qorayo: Haween wanaagsan! Waxa uu ula jeedo waa Habeen wanaagsan, halkaas waxaa ku lumay macnaha weedhaas uu soo qoray, oo halkaas xaraf ee meesha ka baxay waxa uu la tagay ula jeedka uu ka lahaa qofkaas. Taasi waa uun tusaale yar, ee waa wax tira beel ah markaad si qoto dheer u eegtid qoraallada afsoomaaliga la isku weydaarsanayo baraha bulshada.

Lasoco Qeybta 2aad

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:
Qeybta 3aad:


Waxey inoo joogtay tobaadki hore inagoo ka hadleyna habdhaqanka taban ee barbaarinta, waxaana ka soo hadalnay 10 qodob, maantane halkii baan ka sii wadeynaa inshaa Allaah.


      11.    Ciqaabta: waa hab qaabab kala duwan ay waalidiintu ugu fuliyaan carruurtooda iyagoo aaminsan inay wax ku saxayaan, balse ciqaabta qaabkey doonto ha ahaatee xal waara ma keento, waxa ay dhalisaa calool ku qaad iyo werwer joogta ah. 
     
     Ilmaha la ciqaabayo wuu ku adeecayaa oo amarkaaga wuu qaadanayaa laakin waa waqti kooban, ama waxa uu baranayaa laba wejilenimo habdhaqankiisa ah, markaad joogto sidaad jeceshahay ayuu sameynayaa markaad maqantahayne hab dhaqan ka duwan buu la soo baxayaa.
     
     12.    Dambiile ka dhigis: waa hab ka mid ah dhaqanada taban ee waalidiinta qaar, in waalidka indhihiisu la madowyihiin wax kasta oo uu ilmuhu qabto ama fal kasta oo ka yimaada ilmaha uu waalidku ku jawaabo dambiile ayaad tahay.
    
   13.    Galladda badan: in markasta ilmaha lagu manna sheegto waxkasta oo loo qabto, lana soo xasuusiyo waxyaabihi aad utartay iyo daal ka aad ka soo martay, waxa ay ka dhigeysaa ilmaha mid daciif ah, ilmuhuna waxa uu isku dayayaa inuu ka baxsado gallad sheegashadaas joogtada ah, taasoo keeni karta in ilmuhu ku dhiirado xatooyo, si uu ubuuxiyo baahiyihiisa guriga la xariirta ama inuu gurigaba ka baxsado ugu dambeynti.
Gallad sheegashadu siyaabo kala duwan ayey noqon kartaa, tusaale ahaan: inti aan kuu soo qabtay kaddib saan maad sameysay? Ama yaan ushaqeeya oo dartiis u daalayaa oon adiga aheyn?
   
   14.    Dhaliisha joogtada ah: waxkasta oo uu ilmuhu qabto waalidku kuma qancayo, hab dhaqan kasta waxa uu waalidka ka dhex arkayaa daldaloolo uu ku dhaliilo.
   
 Dhaliishan waxa uu ka dhigayaa ilmaha inuu ka haro shaqo ama wax qabad, waxa ayna dhalineysaa inuu ka door bido gaar joognimo.
   15.    Digniinta faraha badan: waa hab kale oo taban, digniinta joogtada ah ee uu la kulmayo ilmaha si joogta ah waxa ay ku keeneysaa inay maskaxdiisa ku dhegto oo uu mar walbo ku fakaro. Tusaale ahaan; haddii aad marwalbo ku tiraahdo inankaaga ‘’ ha cabin buuriga ama sigaarka…’’ waxaa maskaxdiisa ka sameysmaya boos sigaar ka u gaar ah, oo uu furi karo xilli kasta uu dareemo isfaham waa isaga iyo waalidka udhexeeya, taasoo uu jawaab kaga dhigi karo inuu tijaabiyo sigaarka qudhiisa si faduul ah.
Sidaa awgeed waalidku waa inuu xoogga uu saaro waxa uu rabo inuu ilmuhu sameeyo halka aad diiradda ka saari laheyd waxa aadan rabin.

La soco Qeybta 4aad

W/Q: Dr. C/qaadir Insi

Saturday, 30 May 2020

10ka CUNTO EE UGU FIICAN EE LA DAGAALANTA FAYRASYADA ISLAMARKAANA ILAALISA CAAFIMAADKA SAMBABADAADA:


Qeybta 4aad:

8. Toonta (tuun): waxaa ku jirta isku dhis kiimika ahaan loo yaqaan Flavonoids oo dardargelisa soo Saarista maaddada loo yaqaan Glutathione, taasoo caawisa sida looga takhalusi lahaa sunta iyo waxyaabaha kansarka dhaliya ee jirkeena ku jira.

Diraasad la sameeya 2013 waxa ay muujineysaa in dadka isticmaala seddex xabbadood oo toon qeyriin ah laba jeer usbuuci ay ku yaryihiin kansarka sambabka ku dhaca 44%. [6]

9. Cunista xubuubta: waa dalagga beeraha ka soo go’a sida:

Qamadiga, digirta, masagada, sarreenka iwm, waxaa ku jira buunsho aad u nafci badan, waa inay cuntadaada ka mid noqdaan xubuubtaas, waxa ay xoojiyaan neefmareenka, waxa ayna yareeyaan unuglaashada cudurrada sambabka ku dhaca ee raaga.

10. Basbaas guduud: waxa uu dhowraa xuubka khafiifka ah ee gudaha kaga dahaaran habdhiska neefmareenka, waxaa kale oo uu ka takhalusaa raadka xanuunka neefta ama asmada.

Haddaba marki laga soo tago tobankaas cunto ee caafimaadka sambabada qeyb weyn ka qaata, waxaa jira talooyin kale oo la xariira cuntada iyo caafimaadka sambabada, waxaana ka mid ah:

Yarey cunta qaadashada gelinka dambe gaar ahaan wixi ka dambeeya casir liiqa
Qaado cuntada ugu culus ee aad ugu talagashay maalintaas xilliga gelinka hore iyo duhurradi.
Ka fogaw cuntooyinka keena aaryada badan ee caloosha ka sameysanta ama dimbiryada.

DHAMMAAD

6. https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC3718302

Friday, 29 May 2020

10ka CUNTO EE UGU FIICAN EE LA DAGAALANTA FAYRASYADA ISLAMARKAANA ILAALISA CAAFIMAADKA SAMBABADAADA:


Qeybta 3aad:

4. Ha halmaamin miraha: miraha sida lowska, miraha qaraha, jicibta, gabbal dayaha iwm waxa ay aad ugu fiicanyihiin caafimaadka sambabada, waayo waxaa ka buuxa curiyaha Magniisiyam.

Mirahan waxa ay jirka siiyaan xaddi fara badan oo Magniisiyam ka ah, waa macdan laf dhabar u ah caafimaadkeena, waxa ay furtaa ama ballaarisaa marinnada hawada ee neefmareenkeenu leeyahay.

5. Saliidda seytuun ee bikrda ah: saliidda seytuunka waxa ay qani ka tahay dufanka nooca loo yaqaan (unsaturated), iyo fitimiino muhiim ah sida:
Fitimiin E iyo Fitimiin K oo sambabada ka dhowra inay tamar badan ku lumiyaan falgalka hawada, waxa ayna joojisaa nudayaasha sambabaada inay howlgabaan. [3]

6. Barokooli:

Waa qudaar aanan weli soomaaliya ku arkin, afsoomaaligeedane ma helin, waa nooc ka mid ah qudradda cagaaran, waxaa ku jira maaddo lagu magacaabo (sulforaphane), oo kordhisa firfircoonida hiddasidayaasha unugyada sambabka ee ka dhowra habdhiska neef mareenka dhibta ka dhalata cadaadiska oksidheeshinka, sidoo kale waxa uu hagaajiyaa qulqulka hawada ee sambabada qaba xanuunka neefta ama asmada. [4]

7. Sanjabiisha: waxa uu sambabada ka saaraa sunta, waayo waxaa ku jira sanjabiilka walxo ka hortaga caabuqa.
Waxaa kale oo uu hagaajiyaa wareegga dhiigga ee gaaraya sambabada, taasoo keeneysa inuu xoojiyo caafimaadka sambabka. [5]





La Soco Qeybta 4aad

Thursday, 28 May 2020

10ka CUNTO EE UGU FIICAN EE LA DAGAALANTA FAYRASYADA ISLAMARKAANA ILAALISA CAAFIMAADKA SAMBABADAADA:

Qeybta 2aad:

Waxaynu qeybti koowaad ee qormadeena kaga soo hadalbay gogoldhig sharraxayay habdhismeedka sambabada iyo sida uu ushaqeeyo, maantane waxaan gudagaleynaa qormada nuxurkeeda.

Waxaa jira cuntooyinka qaar jirkeena aad uga caawiya dagaalka uu kula jiro ilma aragtida fayraska, isla markaana sambabada ka dhowra wasakhdaas dhibta ka imaaneysa iyo inaad si dabiici ah ugu neefsatid kuna raaxeysatid. Khubarada caafimaadka waxa ay dejiyeen liis dheer oo cuntooyinkaas ka mid ah, ayna qasab nagu tahay inaynu si joogta ah u qaadano si aan u helno faa’iidooyinka ay caafimaadkeena ku soo biirinayaan, waxa ayna kala yihiin:

1. Tufaaxa: waa qudaar aan dalkeena lagu beerin weli, balse beec mushtar ahaan loo keeno haba yaraatee, qiimaheeduna ka qaalisanyahay qudaarta nooca furutada loo yaqaan ee aynu beerno. Tufaaxa waxaa ku jira isku dhis loo yaqaan seynis ahaan (phenolic compunds iyo flavonoids) oo lagu yaqaan inay yareeyaan xanuunka ama caabuqa haleela marinnada hawada.

Diraasad ay faafisay majallada reer yurub ee caafimaadka neefmareenka, waxaa lagu sheegay in carruurta cabta maalin kasta koob cabitaan ka sameysan tufaax ay ku yaryihiin xanuunnada ku dhaca neefmareenka.

 Xabbad tufaax ah ama koob cabitaan tufaax ah oo aad maalin kasta isticmaashid waxa uu kaa ilaalinayaa in marinada hawada sameeyaan shanqarta foorida la moodo ee tilmaanta u ah marin ciriiga lagu garto neef qabatinka, oo ku dhaca feeraha sababteedane ay leedahay balqamka ku uruuray halkaa. Tufaaxa gaar ahaan cabitaankiisa waxa uu si gaar ah faa’iido ugu leeyahay hooyada uurka leh, waayo waxa uu siiyaa inta jirkooda uga baahanyahay curiyaha birta, waxaa kale oo uu uur jiifka ka dhowraa inuu ku dhaco xanuunka neefta.

2. Kalluunka: noocya badan oo kalluunka ka mid ah sida: Salmoon, sardiin iyo kuwo kale waxa ay ka qeyb qaataan daweynta xanuunka sambabada ku dhaca ee COPD loo yaqaan. COPD waa ereyo laga soo gaabiyay xarfaha ugu horreeya ee Chronic Obstructive Pulmonary Disease oo micnaheeda afsoomaali ahaan noqonaya; xanuun raga oo sambabada ku dhaca oo xira marinada hawada.

Sida ay ku warrameen cilmibaarayaal ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Rochester, maaddada kalluunka ku jirta ee Omega 3 loo yaqaan waxa ay qeyb weyn ka qaadataa daweynta xannuunada ku dhaca sambabada.[1]

Kalluunka Salmon ka waxaa ku jira xaddi badan oo Omega-3 ah waxa uuna ka qeybqaataa ka takhalusida bakteeriya kasta oo ku dhacda sambabada, waxaa kale oo uu yareeyaa in sambabadu unuglaadaan caabuq kasta.

3. Shaaha cagaaran: wuxuu qani ka yahay waxa afka qalaad loo yaqaan Anti-oxidant, oo yareysa caabuqa, lana dagaallama fayrasyada ku dhaca sambabada. Xeeldheerayaashu waxa ay xaqiijiyeen in cabidda koob shaaha cagaaran ah maalin kasta uu jirka siinayo anti-oxidant ku filan inuu yareeyo maaddada kiimikaad ee Histamin loo yaqaan, oo masuulka ka ah in neef mareenka uu qaado xasaasiyad.

Diraasad la sameeyay 2017 waxaa lagu ogaaday in 1000 qof oo qaangaar ahaa dalka Kuuriya ee maalin kasta cabi jireen laba koob oo shaaha cagaaran ah ay sambabadooda ka shaqa fiicanaayeen kuwa aanan cabin shaaha cagaaran.[2]

La Soco Qeybta 3aad