BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:
Qeybta 4aad:
Maxaa lagu xalliyaa Hab-dhaqanka aan
fiicneyn ee carruurtu ku kacaan?
Waxaan hoos ku soo uruurineynaa dhowr
tallaabo oo naga caawinaya inaynu xoogga saarno xalka mushkiladda taagan.
1. Tilmaan ka bixi
mushkiladda taagan: tilmaan
ka bixintu waa inaad xaddidid mushkiladda taagan, si qayaxan haddaan u dhigo;
halkee cilladdu ka jirtaa? Waase noocee? Waalidka marka uu si weydiiyo qaabkan
waxaa u fududaaneysa inuu soo xeero cilladda taagan, waxa ayna baranayaan
habdhaqan kasta oo uu ilmuhu ku kaco oo dadka waaweyn aaney ku qancin ma dhihi
karnaa waa mushkilad taagan, mise mararka qaar waa ka badbadis dadka waa weyni
sameynayaan iyo madax adeeggooda?
Tusaale ahaan wiilkaagu aad buu u cayaar
badanyahay oo guriga ayuu kor iyo bari ugu boodboodayaa, ama aad buu u weydiimo
badanyahay, manta dhan wax kasta ayuu ku weydiinayaa waa maxay waxani? Yaa leh?
Maxaa lagu qabtaa? Sidee loo isticmaalaa? Maxaa aqalkeena loo keenay? Iwm. Mushkiladda
inaad xaddiddaa waxa ay ka dhigantahay inaad meesha ka saartay isticmaalka
hababka barbaarinta taban ee aan horay usoo xusnay.
Tusaale kale: ilmahaaga yar waxa uu meel aan
habbooneyn ku tuuray qobka muuska… waa cillad jirta laakin waxaanu ubaahanahay
inaynu xaddidno cilladdan, waxaynu leenahay markaas: qobka muuska waxa uu
sababayaa in lagu simbiririxdo kaddibne dhib ku yimaado qofka ku joogsaday.
2. Macluumaad sii
ilmaha yar: mushkiladda jirta
inaad macluumaad ku saabsan siisid ilmaha yar waxa ay ka dhigantahay inaad wax
bareysid ama aad xasuusineysid, marka aad dhowr jeer casharkaas kusoo
celcelisidne waxa uu ku dhagayaa maskaxda ilmaha yar si uu uga fogaado
mushkiladahaas, isla markaana uu xoogga saaro xalkooda.
Inaad ilmaha yari macluumaadkaas siisid waxa ay dareensiineysaa masuuliyad,
waxa ayna siineysaa kalsooni uu ku qabo inuu ka tallaabi karo habdhaqanka lagu
diidanyahay, taa waxaa dheer inuu dareemayo in shakhsiyaddiisu weyntahay.
Tusaale ahaan; ilmahaagu waxa uu afka ku furaa gasacadaha cabitaanka lagu keeno,
halki aad adeegsan laheyd hababki tabnaa ee kore, usheeg in dhaqankan uu wax u
dhimayo ilkihiisa oo uu tabartooda daciifinayo.
3. Xal ukeen: mushkiladda inaad xaddidid waxa ay
bareysaa wiilkaaga inuu barto halka sirtu ka quruntay, macluumaadka aad
siisayne way usii xaqiijinayaan, waxa ka dhimman waxa ay noqonayaan inaad xalka
tilmaantid.
Tusaale:
o
Qobka muuska waxaad ku riddaa qashinka
o
Gasaca waxaad ku furtaa furaha loogu talagalay
o
Khudaarta waxaa la cunaa marki aad iska
meydhtid kaddib
4. Hadalkaaga soo gaabi: war dheer, tilmaan fara badan iyo
macluumaad tira beel ah waxa uu ku keenayaa ilmaha inuu ka daalo oo uu ku
caajiso hadalkaaga, sidaa awgeed markasta oo uu warkaagu koobanyahay wuu ka
saameyn badanyahay kana qancin ogyahay warka dheer.
Hadalka kooban waxa uu siinayaa ilmaha farxad inuu dib isku
qiimeeyo ah, jaanis uu ku fakari karo iyo inuu go’aan qaato si uu isbedel
usameeyo.
Habdhaqankan waxa uu ilmaha ka kobcinayaa maskax ahaan iyo caqli
ahaanba.
5. Dareenkaaga usheeg: inaad usheegtid dareenkaaga iyo
ixtiraamka aad uheyso dareekiisa waxa ay ilmaha yar ka dhigayaan mid kuula fal
gala si togan oo jaceyl xambaarsan, tanine waxa ay isku soo dhaweyneysaa
nafsadda ilmaha iyo waalidka.
Qaabka aad dareenkaaga usheegeysid waxa uu noqon karaa adiga oo
usheega waxa aad ka filaneyso, tusaale ahaan; ‘’waxaan kaa filanayaa inaad
noqoto mid nidaamsan, dabeecaddiisu hagagsantahay, salaadaha dhowraya iwm’’.
Ama ‘’waxaan kaa filanayaa inaad si naxariis leh ula dhaqantid walaashaa kaa
yar’’.
Dareenkaaga markaad cabbireysid waa inaadan soo qaadin mowqifkaaga
taban ee inankaaga hab dhaqankiisa aad ka taagantahay, dareenkaaga taban u daa hab-dhaqanka,
dareenkaaga togane ilmahaaga taabsii. Ha isku qasin oo kala saar hab-dhaqanka inankaaga iyo
shakhsiyaddiisa, waayo shakhsiyaddu waa waxa aynu rabno inaan dhisno, ee ma ahan
inaan dilno, haddeynu shakhsiyaddiisa taabanno si toos ah ama si dadban waxaynu
ku ridnay bohol ay adkaan doonto sida uu uga samata baxo.
Tusaale: waxaan
ka xumaadaa inaan arko qolkaaga oo sidan isugu dhex yaacsan.
Waxaan ka rajeynayaa wiilkeyga aan jeclahay in qolkiisu noqdo mid
habeysan oo qurux badan.
Lasoco Qeybta 5aad
No comments:
Post a Comment