Wax akhrintu waa inay noo noqoto manhaj nololeed oo xataa ka sareaya hiwaayad, waxaana habboon inaaney ku soo marin maalin aadan wax akhrin. Akhrisku ma ahan wax uun iska akhri ee waa inuu ahaadaa mid hadaf wata, oo waxa aad akhrineysid faa'iido kugu biirinayaan. Isku day inaad gurigaaga ka sameysatid maktabad yar oo aad ku keydsato buugaagta. Akhri bil kasta ugu yaraan hal buug oo 200 bog gaaraya, kana baxsan takhasuskaaga. Caadada wax akhriska waxa ay faa'iido kale oo dheeriya uleedahay carruurteena aan barbaarineyno, waxa ay u tahay tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan.
Waxaan aad u ammaanayaa dadaallo ay hor boodayaan dhalinyaro soomaaliyeed oo sanadihi u dambeeyay ku soo badanayay dalka iyagoo sameynaya naadiyaal wax akhris iyo maktabado guud oo degmooyin iyo magaalooyin badan laga hergeliyay, waxaa kaloo ammaan mudan bandhigyada buugaagta oo dalka kusoo badatay. Waa tallaabo in la dhiirigeliya mudan, waana inaan halkaas lagaga harine la gaarsiiyo aqalladeena, si dhaqanka akhrisku caado inoo noqdo.
Sawirkan kore waxa uu inoo muujinayaa qiimaha akhrisku leeyahay, waa sawir dadka reer Jabbaan ay ku barayaan carruurtooda in miisaanka saxda ah ee qofku leeyahay aaney aheyn inta kiilogaraam ee culeyska jirkiisa, balse uu yahay inta buug ee uu akhriyay. Bal eeg ilmahaas yar ee buugaagtaas waa weyn akhriyay ayaa ka miisaan badan (ka nafci badan) ninkan weyn ee buuran balse buuggaa yar uun akhriyay.
Akhrisku waxa uu yareynayaa waqtiga faraha badan ee aan ku lumino baraha bulshada, oo inta badan si macno darro ah aan u adeegsanno. Akhrisku waxa uu meesha ka saarayaa dabeecad ay dadka qaar caadeysteen oo ah inay kugu yiraahdaan: Waqtiga ayaan isku dhaafinayaa cayaartan ama baraha bulshada. Maya waqtiga ha is dhaafsiine kaga faa'iideyso wax ku anfaco adduun iyo aakhiro.
Akhrisku waxa uu kobciyaa garaadka akhristaha, awoodda wax falaanqeyn ee akhristaha, awoodda maskax-shiileed ee uu sameyn karo iyo aqoonta uu kororsanayo. Akhriskaaga badan waxa uu maskaxdaada ku beerayaa inaad macluumaadkaas faraha badan aad qoraal ka sameysid, wax falaanqeysid, islamarkaana faallo ka bixisid, markaas waxay maskaxdaadu foolaneysaa aqoonta ay rimantahay, waxaana umuliso unoqonaya qalinka. Haa waa qalinki aan ka soo hadleynay beryahan, halkaasne waxaa is weheshanaya buugaagtii faraha badneyd ee aad akhrineysay, maankaaga ay ka guuxayaan fikradaha, aqoonta, xikmadaha iyo qalinkii tarjumaanka u ahaa oo si farshaneysan aad ula wadaagtid baalasha warqadaha buugga aad wax ku qoreysid, dabadeed waxaa miraha ka dhasha macaankooda muudsanaya akhristayaasha qoraalkaaga ugu raaxeynaya maankooda ooman.
Waxaan rabaa qoraalkeyga kooban inaan ku soo gebagabeeyo maanso uu leeyahay abwaan Max’ed Ibraahim Warsame oo Hadraawi lagu garan ogyahay,
waxa ay ku jirtay “Sirta nolosha” waxa ayna ka hadleysaa qalinka, buugga iyo
aqoonta guud ahaan, waxa uuna yiri:
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin
Sisin iyo ku beer muufo
lyo laanta saytuunka,
lyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda
Iyo nabadda seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla
Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.
Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.”
-----DHAMMAAD-----
No comments:
Post a Comment