Monday, 27 July 2020

ABABIYE


BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:


Qeybta 11aad:

SOO EBYIDDA KHARRIBAADDA

 Kharbudaadda carruurtu ku kacdo inaan soo afmeerno waa hab istiraatiiji u ah barbaarintooda, waxeyse ubaahantahay tallaabooyin muhiim ah oo lagu tiriyo xirfadaha barbaarineed kuwa ugu waxtarka badan marka loo eego waalidiinta iyo barbaariyaasha kale. Muhiimmaddeeda waxay aad umuuqan ogtahay sanadaha hore ee carruurta la barbaarinayo maadaama ay da’daasi ku badantahay wax kharribiddda.

Sideen u bilawnaa istiraatiijiyadda?
Inta badan waalidiintu waxa ay dhibbanayaal unoqdaan carruurtooda oo ku cayaara alaabo muhiim ah, waalidkuna waxaa suuragal ah inuu isticmaalo habab ciqaabeed aan waxtar noqon ama dhib ugeysta carruurta, si uu ujoojiyo kharribaadda, sida: qeylada, ciqaabta ama garaacista iwm. Waxa ugu horreeya waa inaynu diiradda saarno dhaqankan soo ebyiddiisa, inagoo ku fakareyna in dhaqankani ilmuhu uu ku cabbirayo baahi uu qabo oo uu doonayo inaan ka haqabtirno, sida inuu rabo inaan dhageysano iwm, si taa aan u sameyno waxaan raaceynaa tallaabooyinka soo socda.

1.    Ha xukmin: ilmahaaga wax kharribaya xukun haku ridin, xasuusnaw adiga garsoore ma tihid ee barbaariye ayaad tahay.

2.    Diiradda ha saarin dhaqanka kharbudaadda ah: inaad xoogga saartid dhaqanka noocaas ah waxa ay ku dhaafineysaa jaaniska aad ku caawin laheyd inankaaga, dawone ugu heli laheyd kharbudaadda uu sameynayo.

3.    Diiradda saar inaad fahamtid sababta: isweydii muxuu wax ugu dheelayaa? Goorma ayuu wax ku dheelaa? Waa maxay waxyaabaha ku dhiirigeliya inuu ku kaco habdhaqankan?

4.    Hab-dhaqan kasta waxaa ka dambeeya niyad fiican: raadi niyadda fiican ee dhaqankaas kharribaadda ah ku dhex jirta si aan usoo saarno dareenka togan ee ka dambeeya, waxaa suuragal ah inuu noqdo wax curin, hal-abuur, ciriiri ay naftiisu dareemeyso, ama hibo uu leeyahay ilmuhuna rabo inuu kobciyo.

Soo ebyidda kharbudaadda waxaa loo maraa habab kale oo fara badan, waxaana ka mid ah, dejinta xeerka guriga. Waa istiraatiijiyad muhiim u ah sameynta qodobbo wax xaddidi kara oo ay waalidku kula dhaqmaan carruurta, islamarkaana habdhaqankooda wax kaga beddeli kara.

La Soco Qeybta 12aad

Monday, 20 July 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 10aad:

SIDEEN U ABAALMARINNAA?

7.    In jirkaagu taabto:
Abaalmarin uga dhig dhaqanka wanaagsan adigoo jirkaaga iyo jirkiisa isku dhejinaya weliba qaab muujinaya raali ahaansho iyo dareen togan, sida; inaad si dareen leh utaabatid, dhunkatid, hab siisid, xambaartid, la cayaartid iwm, hab u qalma ilmaha da’diisa.
8.    Sii wax uu jecelyahay:
Ha halmaamin inaad abaalmarinta dhaqanka wanaagsan aad ka dhigtid hadiiyad, hana ka dhigin haddiyaddaas mid asaas u ah abaal marintaada oo markasta aad siisid, haddiyaddu waxa ay liiskeena kaga jirta kaalmaha dambe, mana fiicna in wax kasta oo wanaagsan abaalmarintiisu noqoto haddiyad ama wax maaddi ah oo uu jecelyahay. Carruurta in lagu abaalmariyo dhaqan wanagsan oo ay sameeyeen lana siiyo shey qiime agtiisa ka leh waa qeyb kale oo hab barbaarinteenna ka mid ah.
9.    Doorasho sii:
Waxaa suuragal ah in ilmuhu jecelyahay waxyaabo fara badan, waxaad siisaa xurriyad uu ku xulan karo haddiyada aad siineysid, tani waxa ay siineysaa kalsooni dhieeri ah oo uu naftiisa ku qabo islamarkaana xoojineysa hab-dhaqanka togan ee ilmuhu sameynayo.

Qeybtan dambe ee qormadeena waxaan rabaa inaan ku soo gudbiyo laba tusaale oo ku saabsan marka ay waalidka dhaliishiisu wax dhiseyso iyo marka ay wax dumineyso.

Tusaalaha 1aad:
Waxaa jirtay gabadh yar oo Arwa magaceedu ahaa, waa 7 sano jir la nool hooyadeed iyo aabaheed, waxaa loo soo fariistay quraac, miiski lagu quraacanayay ayey jug siisay si aan ku talogal aheyn, waxaa ku dul daatay miiska galaas caano ku jireen. Durbadiiba waxaa qeylo dhagaha ugu shubtay hooyadeed kuna tiri: waxaan aaminsanahay in da’daadu gaartay xilligi aad kala baran laheyd sida koobka loo qabto! Imisa jeer baan kuu sheegay inaad si taxaddar leh wax u sameysid? Balse sida caadada ah waxba ma fahmeysid, warne lagaaga noog.
Aabaheed oo caro awgeed indhuhu casaadeen baa sii raacsaday: taas kama suuroobeyso weligeed, waayo waa maangaab, weligeedne sidaa bay ahaan doontaa.
Inanti yareyd ee Arwa maxey galabsatay oo intaasoo weerar ah loogu soo qaaday? Koob caano ah oo ku dul daatay miiski cuntada… eedeyn, dhaliil iyo jeesjees, dhaqankan waxa uu inantaa qalbigeeda ku reebaya raad aan qurxooneyn, laga yaabee inuu sanado badan sii jiro, tiiyoo ay usii dheertahay inuu geliyo kalsooni darro nolosheeda dambe saameysa.

Tusaalaha 2aad:
Waa inan 8 jir ah oo lagu magacaabo C/laahi, waxa uu la quraacanayay hooyadiis iyo aabihiis, waxa uu daadshay koob caano ah oo hooyadiis ugu talogashay inuu cabo, durbadiiba aabihiis baa ku yiri: inankeygiyow koobka toosi si inta hartay aad u daba qabtid “caano daatay hambadoodaa la qabtaa’’. Hooyadiis baa iyadane uraacisay: inankeygiyow dhaqso bood oo wax lagu nadiifiyo miiska inoo keen. Iyadane intay istaagtay bay keentay isbuunyo iyo biyo waxa ayna udhiibtay inankeeda, kuna tiri: inankeygiyow isbuunyada ku masax caanaha halka ay ku daateen.
C/laahi waxa uu eegay labadiisa waalid si kalgaceyl ku jiro, waxa uuna dareensiiyay inuu ka xunyahay sida uu waxyeelay, mar dambane inaaney dhici doonin sidan oo kale.
Inankan C/laahi waxa uu kaga gudbay mowqifkan culus dareen ku beeray inuu mustaqbalka digtoonaanayo, khaladkane uu ka faa’iideystay, abaalne uu uga hayo labadiisa waalid oo si kal iyo lab ah ugacan qabtay.

Labadaas tusaale markaan isbarbardhigno waxaa noo muuqaneysa kala duwanaashaha qaabka waalidiinta ay uga falceliyeen khaladaadka carruurtooda oo da’ ahaan iyo falkaba is beegan.
Barbaarinta jaheysan ee carruurta waxa ay marwalba xoogga saartaa in dhaliisha lagu jeediyo falka aan habbooneyn ee carruurta ka dhacay ee ma ahan in shakhsiyadda carruurta wax taabanayo laga dhigo.

La Soco Qeybta 11aad

Monday, 13 July 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 9aad:


SIDEEN U ABAALMARINNAA?

1.    La falgal adigoo adeegsanaya sidan:

o   Adigoo dhoolacaddeynaya tilmaan ka bixi waxa uu qabanayo, tusaale: Qolkaaga si heer sare ah ayaad u hagaajisay
o   Faallo togan ka bixi xaaladda inankaaga ama muuqaalkiisa; tusaale: waxaad tahay inan nadiif ah, labiskaaguna wuu kugu habboonyahay.
o   Cod la maqlayo oo waadax ah ku muuji xaaladda inankaaga; tusaale: waan kuu jeedaa waad ku raaxeysaneysaa waxbarashadaada; waxaan dareemayaa inaad diiradda saareysid leyliga laguu soo diray; waan ku arkaa waxaad tahay inan adkeysi badan oo xoog leh.

2.    Ammaan:

   Usheeg inaad la dhacsantahay hab dhaqankiisa kuna faraxsantahay:
  • Maashaa Allaah, shaqo wacan ayaad heysaa, adiga waxaad tahay inan aad u wacan.
  • Aad baan ugu raaxeysanayaa inaan ku arko adigoo howl waxtar leh qabanaya.
  • Waa shaqo fiican oo in leysku xushmeeyo mudan, waxaan la dhacsanahay howlkarnimadaada.


3.    Dhoolacaddeey:

Inankaaga umuuji dhoolacaddeyn, iskuna day in indhahaagu la xariiraan indhihiisa, waa kulan dhoolacaddeyntu ay ka hadleyso sida aad ugu qaddarineysid dhaqankiisa. Isku day in dhoolacaddeyntu ka soo go’do laabtaada, kana tarjumeyso dareenkaaga iyo riyaaqiddaada, waayo dhoolacaddeynta iska dhig-dhigidda ahi si fudud ayey carruurtu ku gartaan.

4.    Dhaqannadiisa qaar kamid ah soo koobiyey:

Inankaaga waxyaabaha uu sameeyo qaar soo koobiyey, sida inaad dhaajisid ama ka daba dhahdid hadallada qaar, ama haddii waxa uu ku cayaarayo cod sameynayaan inaad codkaas dhaajisid. Dhaajintaas waxa ay falgal weyn usameyneysaa adiga iyo inankaaga.

5.    La cayaar:


Waxa uu noqon karaa mid ka mid ah hababka ugu fiican ee aad ku muujin kartid abaalmarinta dhaqanka wanaagsan, ka soo dhexbax xeyndaabki waanada iyo xukunnada aad ku rideysay.
La cayaarista ubadka waxa ay ka tarjameysaa inaad ilmahaaga si dhab ah ula joogtid, tani waxa ay furfureysaa ilmaha yar, wuuna dareemayaa inaad la dhacsantahay dhaqanki uu sameeyay, taasoo kalsooni siineysa iyo inuu yeesho qiimi uu halbeeg uga dhigto dhaqannada togan.
Carruurta oo lala cayaaro, bannaanka loo wado, lala saaxiibo waxa ay wax weyn ka tartaa hababka barbaarinta wanaagsan ee aan colaadda iyo isqabqansiga laheyn.

6.    Ka gudub fudfudeydka inankaaga:

Carruurtu aad bay u fududyihiin waxa ayna ku kacaan falal la xariira da’dooda. Inaad abaalmarisid dhaqanka wanaagsan ee uu sameeyo waxa ay ka dhigantahay inaad indhahane ka laabato fudfudeedka iyo xasildarrida carruurnimadu keento, islamarkaana aadan diiradda saarin. 
Dhaqannada fudfudeedka carruurnimada la xariira oo aad indhaha ka laabato kama dhigna inaad aqbalsantahay, balse waxa uu ka dhiganyahay in faragelinta aad ku sameyneysid noqoto mid togan oo wax dhisaysa, sida inaad madaxa uruxdid adigoo tusaya inaadan ku qanacsaneyn falkaas, adigoo faallo bixin ama xukun ridin.


La soco Qeybta 10aad

Monday, 6 July 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 8aad:

ABAAL MARI HABDHAQANKA TOGAN

Waa beddel fiican oo hab ciqaabeedka lagaga gudbi karo, waxa ay dhiseysaa shakhsiyadda togan ee uu ababiye kastaa ku han weynyahay, waa dhowr tallaabo oo fal ahaan isu dhammeystiraya, waxaadna ku adeegsan kartaa noloshaada qoyseed ama xaaladaha caadiga. Waxa ay lama huraan noqoneysaa xaaladaha degdegga ah ee ay dhacaan dhibaatooyinka dhexmara ubadka iyo waalidiinta, si gaar ah marka ilmuhu la soo baxaan habdhaqan welwel ku keenaya waalidka ama dhaqan ahaan iyo diin ahaanba aan habbooneyn.

Waa tallaabo waxtar weyn leh si loo yareeyo xasaradaha ka aloosmaya waalidiinta iyo ubadkooga, waxaana ku soo dhaqmay ababiyaashii waa weynaa oo uu ugu horreeyo Nabigeena Muxammad NNKH, oo aan waxbadan aragnay isagoo yar iyo weyn wanaagga ku abaal marin jiray, jannada ugu bishaareeyay asxbtiisa qaar, qaar magacyo ama naaneysyo fiican u bixiyay, qaarkooda ammaanay, udhoolacaddeeyay, qaarkood wax siiyay, iwm.

Tallaabadan waxa ay ubaahantahay inaad maskaxdaada ka tirtid dhaqan laga yaabay inuu ku duqoobay oo xasaasiyad ka qaba habdhaqanka carruurta ee aan habbooneyn, isla markaana wax iska caadi ah u aragta habdhaqanka wanaagsan ama togan ee ubadkeenu la yimaadaa. Tallaabadan waxa ay na bareysaa inaan habdhaqanka wanaagsan ku abaalmarino ubadka, billawga hore aad bay waalidiinta qaar ugu adkaataa, waayo nolosha maalinlaha ah ee mujtamaceena waxa ay ku socotaa mid ka duwan tan aan ka hadleyno, oo ah dhaqanka aan fiicneyn in leysku ciqaabo, kan wanaagsane aan leysku abaalmarin.

Istiraatiijiyaddan waxa ay leedahay awood ballaaran oo ay ku dhiseyso shakhsiyadda ubadka soo koraya, weliba heer aaney maleysan Karin barbaariyaashu, haddii ay raacaan siyaasadda ah; inaan xoogga la saarin habdhaqanka ilmaha yar ee la socda da’dooda, balse dadka waaweyn aaney aqbali Karin - sida; or orodka, inay wax ku falaadaan si ay u ogaadaan waxa uu ka sameysanyahay, inay sahmiyaan deegaanka ku xeeran iwm - oo ay muujiyaan saamaxaad dhaqannadaas la xariira, isla markaana ay raacaan istiraajiyaddan (Abaal mari dhaqanka togan), waxa ay gaarayaan natiijo weyn oo khuseysa filashada iyo himilada uu ka leeyahay shakhsiyadda ilmahooda.

Waxaa jira laba qaab oo loo abaalmariyo habdhaqanka togan, labada qaabne waxa ay lama huraan uyihiin carruurta, waalidkane waa inuu adeegsado hadba sidi loogu baahdo, waxa ayna kala yihiin:

    1.    Ammaan gaar ah: waa hab abaalmarin oo gooni ah, waxaa la adeegsanayaa inta uu ilmaha yar sameynayo falka togan, sida inaan dhahno; maashaa allaah, sheekadan aad qortay aad bay uqurux badantahay; adiga aad baad u caqli badantahay. Ama “Maashaa allaah, cayaartan aad sameysay way qurux badantahay; adiga waxaad tahay inan wax curiska ku fiican”.

    2.    Dareenka gaarka ah: habkan kuma xirna howl gaar ah oo uu ilmuhu qabanayay, balse waa nooc ka mid ah dareenka isku xira waalidka iyo ilmaha yar. Dareenka togan waxa uu Alle u abuuray in la soo muujiyo ee ma ahan in la qarsado. 

      Habkan waxa uu ka mid yahay abaalmarinnada carruurta loo sameeyo, adigoo adeegsanaya ereyo sida: inankeygiyow aad baan kuu jeclahay, waxaad tahay inan caqli badan. Ilmaha yar baahi badan buu uqabaa inuu in badan maqlo ereyadaas oo kale oo ay ka muuqato darenka waalidnimo ee togan.

Inaad cabbirtid dareenkaaga togan isla markaana aad abaalmarisid hab dhaqanka wanaagsan ee carrurta, waxa ay kaa dhigeysaa inaad keydsatid tamar badan oo kaaga lumi laheyd jawaabta aad ka bixineysid dhaqannada la dhibsado ee carruurta, sida qeylada iyo carada badan, kuwaas oo aanan keeneyn faa’iido barbaarineed oo la taaban karo. Islamarka uu ilmuhu sameeyo dhaqan wanaagsan ama togan sameey abaalmarin khuseyso dhaqan wanaggaas, wixi uu wanaajiyo xoogga saar, xataa haddii uu joojiyo dhaqan xumi uu sameyn jiray waa inaad ku abaalmarisid joojintaas, waayo inuu dhaqan xun joojiyo waa fal togan oo leysku abaalmariyo, ku muuji oraah, tusaale: ugu dambeynti oohinti waad joojisay waadne dhoolacaddeysay, maashaa allaah, iwm.

Dhaqanka aan fiicneyn ee uu inankaagu joojiyay inaad ku abaalmariso wax lala yaabo oo ka badbadis ah miyaad uqaadatay? Maya waa iga dhab, waa inaad ku abaal marisaa, sidaas ayey diinteenu na tusineysaa. 

Waxaan ku soo xasuusinayaa xadiisulqudsigan qiimaha badan ee uu warinayo C/laahi Ibnu Cabbaas RC, kuna qoran saxiixeynka.
Ibnu Cabbaas waxa uu nabiga NNKH ka weriyay, in Rabbi SWT uu yiri: “Ilaahey waxa uu qoray xasanaadka iyo xumaanta wuuna kala caddeeyay, qofki damca wanaag oo aan sameynin waxa uu Alle uqoraa xasanad buuxda, haddiise uu damco oo uu sameeyo waxa uu uqoraa Alle agtiisa toban xasanaad ilaa todobo boqol laab ilaa ka sii badan, haddii uu damco xummaan balse uusan sameynin waxa uu Alle uqoraa xasanad buuxda, haddiise uu damco xummaan islamarkaana sameeyo waxa uu Alle uqoraa hal xummaan (dambi)”.

Sida nooga muuqata xadiiskaas, alle waxa uu abaalmarin nagu siinayaa xummaan aan haweysanay balse aan ka joogsannay, waa dhaqan aad u qiime badan inaan abaalmarinno carruurteena marka ay ka joogsadaan wax khaldan oo ay ku kici jireen.

La soco Qeybta 9aad

Monday, 29 June 2020

ABABIYE

                                                          BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 7aad:

TUSAALE SII EE AMAR QALLALAN HA SIIN

Istiraatiijiyaddan waa mid ka mid ah hababka barbaarinta togan ee dhisaya shakhsiyadda ubadkeena – Allaha dhowree-, waxa ayna uhorseedeysaa inay si wacan u dhageystaan su’aalaheena, una diyaar garoobaan ka jawaabistooda. Waddada ugu habboon ee aan ku gaari karno ujeeddadaasne waa inaan innaga ka fogaanno soo saarista amarrada qallalan. Amarradaas nafta aadanaha ma oggola, waana mid eebbe ku abuuray, ugana duway noolaha kale, naftaas waxa ay leedahay mowqif, ra’yi ay jaangoynayaan hab dhaqankiisa maalinlaha ah. Sidoo kale qofka marwalbo daba socda amarrada isaga khuseeya ee bannaanka uga imaanaya waxa uu ku noolaanayaa qanacsanaan la’aan iyo isagoon laheyn wax uu aaminsanyahay oo haga hab dhaqankiisa.

Nabigeena Muxammad (NNKH) waxa uu dhisayay 13 sanadood oo uu Maka joogay caqiiddo iyo qanaacad si ay asaas ugu noqoto dhismaha shakhsiyadda adag ee muslimka ee loo diyaarinayo inay xambaarto shucladda kheyrka ah ee aadanaha loo soo dejiyay.

Soo saarista amarrada qallalan ee ilmaha la siiyo waxa ay dhalayaan wax badan oo dhaqanno taban ah, waxaa ka mid ah:
1.    Inay yaraato ismaqalka waalidka iyo ilmaha
2.    Inuu daciifo xiriirka qoyseed, ayna nuglaato nudda isku xireysa xubnaha kala duwan ee qoyska
3.    Carrurta waxa ay u horseedeysaa fallaagonimo iyo madax adeyg, waxaana hoos u dhacaya dhismaha shakhsiyaddiisa.

MAXAA BEDDEL UNOQON KARA AMARRADA QALLALAN?

Barbaarinta togan waxa ay xoogga saareysaa ka fogaanshaha amarrada noocaas ah, waxa ayna beddelkeeda diirrada saartaa su’aalo in laga dhigo weliba lagu celceliyo.

Tusaale ahaan:
Halki aad inankaaga ku dhihi laheyd; Qolkaaga hagaaji (amar), waxaad isticmaaleysaa sidan: Qolkaaga ma hagaajineysaa? Weliba adigoo muujinaya dabacsanaan iyo deggenaan, ama waxaad dhihi kartaa; Qolkaaga goormaad hagaajineysaa?

Su’aalahan oo kale way cadyihiin, ilmaha yar dhiirigelin ayey siinayaan inuu shaqada galo, balse waxaa qasab ah qaabka aan wax uweydiineyno inaan ka ilaalino inay u ekaato su’aalo shaki lagu gelinayo awooddiisa ama umuuqda jeesjees; sida: Qolkaaga ma hagaajin kartaa? Ama Qolkaaga ma quruxsan kartaa?

Carruurta yar waxa uu ilaah ku abuuray dareen aad usarreeya oo ay ku fahmi karaan marka hadalka afka aad ka leedahay iyo ifafaalaha wejigaagu muujinayo ay is khilaafsanyihiin.  Tusaale adiga oo is dhahaya hababkan togan ee barbaarinta umuuji inankaaga oo iska dhigdhigeysid inaad raaceysid istiraatiijiyadaha aan soo xusnay misne aysan qalbiga kaa jirin oo akhrinta wejigaaga laga dareemayo caksigeeda…… tani si fudud buu usoo saarayaa inankaaga, sheekadaadane waxa ay noqoneysaa hal bacaad lagu lisay.

La Soco Qeybta 8aad

Wednesday, 24 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 6aad:

Todobaadki hore waxa ay inoo joogtay inagoo tixeynay tusaalooyin khuseeya sida diiradda loo saaro xalka ee aan mushkiladda loogu rafan, waxaan ka soo hadalnay shan qodob, maantane halkii bay inooga sii socon inshaa allaah.

6.    Dareensii inaad la dhacsantahay:  marka uu kula hadlayo ama uu fal togan sameynayo wejigaaga haka akhriyo sidaad ugu riyaaqsantahay, madaxa urux ama oraah ahaan ugu sheeg, sida; waa hagaag, waad wanaagsantahay iwm
7.    Dareenkiisa magacyo u bixi: ku gacan qabo inuu dareenkiisa kala fahmo adigoo ubixinaya magacyo ama tilmaamo khuseeya hadba dareenka uu muujinayo markaas.
8.    Ku caawi riyadiisa: maskaxdiisa inay dhisato mala awaal khuseeya riyadiisa waxaa ka caawin kara adiga waalidow, waxaad weydiisa su’aalo furan oo riyadaas dhisi kara, tusaale ahaan: bal ka waran haddii ay kuu rumowdo riyadaada iyo hammigaaga mustaqbalka? Tani waxa ay ka caawineysaa inuu uguuro dhanka togan ee dareenkiisa, waxaa intaa sii dheer waa hab ka mid ah hababka lagu kobciyo heerka curinta iyo hal-abuurka ee carruurta.

Isbedelka awooddiisa waxa ay ka bilaabaneysaa inaad ku qanacsantahay lagamamaarmaanimada inaad baratid xirfadaha ababinta togan, kana takhalustid hab-dhaqanka taban ee carruurteena aan kula dhaqanno. Waxa ayna xoogga saareysaa inuu hab fikirkeenu noqdo mid togan kana fogaanno kan taban.

Qeybtan hoose waxaan kusoo tixeynaa tusaalooyin tilmaamaya fikirka taban, innagoo garab dhigeyna bedelkeeda togan:


Lasoco Qeybta 7aad

Monday, 15 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:


Qeybta 5aad:
XALKA DIIRADDA SAAR
Inaad diiradda saartid xalka waxa ay farxad badani u keeneysaa qoysa oo dhan.
Barbaariyuhu haddii uu diiradda saaro xalka – halki uu mushkiladda ka abbaari lahaa- faa’iidadeedu kuma koobna ilmaha yaryar kaliya, waxayse wax weyn ka tartaa oo lagu guuleystay dadka waa weyn, gaar ahaan dhalinyarada soo baxeysa hablo iyo wiilal.
Habdhaqanka ah in la raadiyo xalka diiraddana la saaro reerka kama fogeyneyso oo qura dhaqannadi tabnaa ee aynu horay usoo xusnay, balse waxa ay xoojisaa xiriirka reerka dhexdiisa ah. Habkan in dadka waa weyn loo adeegsado kama duwana ilmaha yaryar, waxaase natiijadiisa dhaqsi lagu arki karaa marka dadka waaweyn loo adeegsanayo. 

Ilmaha yaryar badanaa dhaqanka rabshadda wataa waa mid ku abuuran, mana badna inay ku fakaraan inay rabshada u adeegsadaan si ay welwel ugu keenaan waalidka, balse dadka waa weyn ciifada ay ku dhaqaaqaan waxa ay fursad kaga raadiyaan waalidka meelaha uu ka jilcanyahay si ay kaga faa’iideystaan, waxeyna isku bedeshaa hub ay uga aar goostaan waalidka, si ay dantooda kaga gaaraan.
Waxaan qeybtan ku soo qaadan doonaa haddii Allah idmo waxyaabaha inankaaga ka caawin kara inu fahmo dareenkiisa.

1.    Jaheynta dareenkiisa dhanka wanaagsan (togan): marka aad aragtid inankaaga oo ku jira xaalad argagax, welwel iyo kacsanaan ah ama ka badbadis arrimihiisa ah, kaalintaada waxa ay tahay inaad dareenkaas taban aad ka jeediso, isla markaana ku duwdid mid togan. Ka dalbo inuu dhoola caddeeyo, qalbigiisa farxad ku beer adigoo adeegsanaya xirfadaha aad soo baraty.

2.    Waano fudud: sii waanooyin gaaban adigoon ku dheeraan, ka caawi inuu dareenkiisa barto, una fahmo si cad.

3.    Weydiimo furan: weydii su’aalo furan oo aad ku halmaamsiineyso dareenka taban ee uu dareemayo, weydiimahaas waa inay noqdaan kuwo saadaal fiican beeraya ama dhisaya tusaalooyin fikir togan ku qotoma.

4.    Umuuji dabacsanaan iyo naxariis: usheeg heerka uu gaarsiisanyahay beerjileeca aad u heyso, adigoo adeegsanay luqad dabacsan oo dhaqaajineysa dareenkiisa.

5.    Si dhug leh u dhageyso: dhugmo u dhageysashadu waxa ay beereysaa dareen qiime badan, dhaaf ha u hadlee si xorriyad leh adigane dhageyso marka uu hadlayo, weliba indhahaaga ku eeg marka uu hadlayo, hana ku mashquulin wax kale, tani waxa ay ku abuureysaa ilmaha yar dareen togan.

Lasoco Qeybta 6aad