BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:
Qeybta 6aad:
Todobaadki hore waxa ay inoo joogtay inagoo tixeynay tusaalooyin khuseeya sida diiradda loo saaro xalka ee aan mushkiladda loogu rafan, waxaan ka soo hadalnay shan qodob, maantane halkii bay inooga sii socon inshaa allaah.
6. Dareensii inaad la
dhacsantahay: marka uu kula hadlayo ama uu fal togan
sameynayo wejigaaga haka akhriyo sidaad ugu riyaaqsantahay, madaxa urux ama
oraah ahaan ugu sheeg, sida; waa hagaag, waad wanaagsantahay iwm
7. Dareenkiisa magacyo
u bixi: ku gacan qabo inuu
dareenkiisa kala fahmo adigoo ubixinaya magacyo ama tilmaamo khuseeya hadba
dareenka uu muujinayo markaas.
8. Ku caawi riyadiisa: maskaxdiisa inay dhisato mala awaal
khuseeya riyadiisa waxaa ka caawin kara adiga waalidow, waxaad weydiisa su’aalo
furan oo riyadaas dhisi kara, tusaale ahaan: bal ka waran haddii ay kuu rumowdo
riyadaada iyo hammigaaga mustaqbalka? Tani waxa ay ka caawineysaa inuu uguuro dhanka
togan ee dareenkiisa, waxaa intaa sii dheer waa hab ka mid ah hababka lagu
kobciyo heerka curinta iyo hal-abuurka ee carruurta.
Isbedelka awooddiisa
waxa ay ka bilaabaneysaa inaad ku qanacsantahay lagamamaarmaanimada inaad
baratid xirfadaha ababinta togan, kana takhalustid hab-dhaqanka taban ee
carruurteena aan kula dhaqanno. Waxa ayna xoogga saareysaa inuu hab fikirkeenu
noqdo mid togan kana fogaanno kan taban.
Qeybtan hoose waxaan
kusoo tixeynaa tusaalooyin tilmaamaya fikirka taban, innagoo garab dhigeyna
bedelkeeda togan:
Lasoco Qeybta 7aad
No comments:
Post a Comment