BARBAARINTA TOGAN
Qeybta 5aad:
XALKA DIIRADDA SAAR
Inaad diiradda saartid xalka waxa ay farxad badani u keeneysaa
qoysa oo dhan.
Barbaariyuhu haddii uu diiradda saaro xalka – halki uu mushkiladda
ka abbaari lahaa- faa’iidadeedu kuma koobna ilmaha yaryar kaliya, waxayse wax
weyn ka tartaa oo lagu guuleystay dadka waa weyn, gaar ahaan dhalinyarada soo
baxeysa hablo iyo wiilal.
Habdhaqanka ah in la raadiyo xalka diiraddana la saaro reerka kama
fogeyneyso oo qura dhaqannadi tabnaa ee aynu horay usoo xusnay, balse waxa ay
xoojisaa xiriirka reerka dhexdiisa ah. Habkan in dadka waa weyn loo adeegsado
kama duwana ilmaha yaryar, waxaase natiijadiisa dhaqsi lagu arki karaa marka
dadka waaweyn loo adeegsanayo.
Ilmaha yaryar badanaa dhaqanka rabshadda wataa
waa mid ku abuuran, mana badna inay ku fakaraan inay rabshada u adeegsadaan si
ay welwel ugu keenaan waalidka, balse dadka waa weyn ciifada ay ku dhaqaaqaan
waxa ay fursad kaga raadiyaan waalidka meelaha uu ka jilcanyahay si ay kaga
faa’iideystaan, waxeyna isku bedeshaa hub ay uga aar goostaan waalidka, si ay
dantooda kaga gaaraan.
Waxaan qeybtan ku soo qaadan doonaa haddii Allah idmo waxyaabaha
inankaaga ka caawin kara inu fahmo dareenkiisa.
1. Jaheynta dareenkiisa
dhanka wanaagsan (togan):
marka aad aragtid inankaaga oo ku jira xaalad argagax, welwel iyo kacsanaan ah
ama ka badbadis arrimihiisa ah, kaalintaada waxa ay tahay inaad dareenkaas
taban aad ka jeediso, isla markaana ku duwdid mid togan. Ka dalbo inuu dhoola
caddeeyo, qalbigiisa farxad ku beer adigoo adeegsanaya xirfadaha aad soo
baraty.
2. Waano fudud: sii waanooyin gaaban adigoon ku
dheeraan, ka caawi inuu dareenkiisa barto, una fahmo si cad.
3. Weydiimo furan: weydii su’aalo furan oo aad ku halmaamsiineyso
dareenka taban ee uu dareemayo, weydiimahaas waa inay noqdaan kuwo saadaal
fiican beeraya ama dhisaya tusaalooyin fikir togan ku qotoma.
4. Umuuji dabacsanaan
iyo naxariis: usheeg
heerka uu gaarsiisanyahay beerjileeca aad u heyso, adigoo adeegsanay luqad
dabacsan oo dhaqaajineysa dareenkiisa.
5. Si dhug leh u
dhageyso: dhugmo u
dhageysashadu waxa ay beereysaa dareen qiime badan, dhaaf ha u hadlee si
xorriyad leh adigane dhageyso marka uu hadlayo, weliba indhahaaga ku eeg marka
uu hadlayo, hana ku mashquulin wax kale, tani waxa ay ku abuureysaa ilmaha yar
dareen togan.
Lasoco Qeybta 6aad
No comments:
Post a Comment