Saturday, 9 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA


KAROONE KADEED BADANAA!?

Qeybta 3aad:


Marka uu qofku ku dhaco xanuunkan COVID-19 waxa uu celcelis ahaan xilli huuriskiisu yahay 2-10 maalmood, waa laga bilaabo maalinta uu fayrasku jirkaaga galo ilaa calaamadaha ka soo baxayaan, muddadaas kaddib waxaa bilaabanaya soo if baxa calaamadaha koowaad oo muddo usbuuc ah sii darsanaya, intaas kaddib fayrasku waxa uu gaaray ama uu helay waddadi uu umarayay sambabada, halka ugu hooseysa sambabka ee oksajiinta iyo dhiiggu isku weydaartaan, waa booska uu ugu jecelyahay fayraskan si uu u howlgalo, isla waqtigaas difaaci jirkeenu waxa uu sii wadaa dagaalkiisi, waxaa dagaalkaas faafay ka dhalanaya in sambabada halka oksajiinta dhiigga ku weydaarto bukato, sambabka ayaa xanuunku wada gaarayaa, waxa ay keeneysaa in dhiigga ay ku adkaato inuu si habboon u gaaro habdhisyada kala duwan ee jirkeena, meeshaas marki la marayo waxaa soo ifbaxaya calaamado khatar ah oo muujinayaa in bukaankaas xaaladdiisu aaney fiicneyn, waxaa shaqada joojinaya habdhisyada jirka qaarkood, midba mar, ilaa ugu dambeynti ay gaarto in bukaankaas dhinto.

Haddaad isku aragtid calaamadaha hore ee xanuunkan ama calaamadaha hargabka caadiga ah, gurigaaga joog, waayo waxa aad dareemeysid waxa uu noqon karaa hargab caadi ah, ama COVID-19. Waxaanu ognahay in tira aad ubadan oo bukaannada ka mid ah aaney xaaladdoodu ka gudbeyn marxaladdan hore, sidaa awgeed welwel maloo baahna, keliya ka soo qaad in waxa aad dareentay uu yahay hargabki, islamarkaana wac lambarka telefoonka loogu talagalay xaaladda degdegga ah si aad macluumaad u heshid. Tiro yar oo xaaladaha ka mid ah ayaa ugudbaya sambabada inay xanuunsadaan oo qasab ka dhigeysa inay isbitaalka aadaan, xataa aadidda isbitaalka kaddib khatarta in qofku galo xaalad aad usii khatar ah ma badna.

Haddaba haddii weli faafitaanka COVID-19 uu si xawli ah usocdo, rajaduna ay sii yaraaneyso maalinba maalinta xigta, waxaa inagala rabaa inaan isku caawino hergelinta hababka kala fogeynta bulshada oo inaga caawinaya in inteena aan bixitaankoodu muhiim aheyn ay guryaha joogaan, inta kale ee howlaha muhiimka ah u baxayane ay raacaan talooyinka caafimaad ee COVID-19 lagula tacaalayo, tani waxa ay kaloo albaabada ufureysaa in inteena xanuunsata ay helaan adeeg caafimaad oo fiican, ayna yareyso khatarta inay ugudbaan xaaladaha culus ilaa heer macquul ah. Sidaas ayaan ku dhaafi karnaa Karoona, markasta oo aan fikraddaas isla garano waxaa degdeg isu bedelaya xaaladda safmareenkan COVID-19.

Ugu dambeyn gacmahaaga si joogta ah ugu dhaq biyo soconaya ugu yaraan 20 ilibirqsi iyo saabuun.

DHAMMAAD

W/Q: Dr. C/qaadir Insi

Wednesday, 6 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA

KAROONE KADEED BADANAA!?

Qeybta 2aad

Korona ayaa gudaha jirkeena galay:

Fayrasku waa wax aad uyar, inaan inagu aragno iska daaye xataa noolaha kale ee ilma aragtida ah ee Bakteeriyada qudheedu ma arki karto!. Waxa uu ka sameysanyahay habdhis aad ufudud, waana sirta uu aad ugu howlgalayo, waxa uu ka sameysanyahay dahaar borotiin ah oo ku wareegsan qeyb ka mid ah hidde sidaha RNA loo yaqaan, waxa uuna leeyahay tilmaan laf dhabar u ah waana awoodda uu uleeyahay inuu sameysto nuqullo (koobiyaal) fara badan.

Waa sidan waxa dhaca marka uu fayraskan galo unug nool oo jirkeena ka mid ah, waxa uu ku qasbayaa hidde-sidaha unugaas u gaarka ahaa inuu soo saaro hidde-sidaha fayraska, oo waxa uu u adeegsanayaa sida inuu isagu leeyahay, waqti kooban gudahiis unugaas waxaa ka buuxsamaya fayrasyadan oo dabadeed uga sii gudbaya unugyada kale.
Waxaa lagu magacaabaa fayrasyada koofiyada leh, waayo dahaarkiisa borotiinka ah ee ku wareegsan waxa uu u egyahay taaj ka boqorka, ‘haa waa taajka boqorka!’, waxaa ka soo taagtaagan wax aad fara mooddo, kuwaas oo u fududeynaya inuu fayrasku ku dhago unugyada sida koolada loo adeegsado sameynta kabaha iyo boorsooyinka, balse fayrasyada dhan ma awoodaan inay ku dhagaan unugyada noolnool, xaqiiqdu waxa ay tahay tiro aad uyar ayaa awoodda inay aadanaha xanuun ukeenaan, inta kalene jirkiisa ayey ka gudbaan iyagoon saameyn yeelan.

Marka ay fayrasyadu ku dhacayaan qeybta sare ee neef mareenka, waa dhuunta iyo tubada sare ee hawada u sida sambabka, jirkeenu waxa uu ugu jawaabayaa inuu udiro ciidamadiisa difaaca, unugyada cad cad ee dhiigga, waxa ay tagayaan halku xanuunku asiibay, waxaana meeshaas ka bilaabaneysa in la is farasaaro, waa dagaal jilbaha la isku aasanayo oo u dhexeeya difaaca jirkeena iyo fayraskan nasoo weeraray, dabadeed waxaan arkeenaa calaamadaha koowaad ee cudurka, oo ah:

      o   Qandho: calaamadan waxaa lagu arkaa 90% bukaanada
      o   Qufac qallalan: oo isna lagu arko 70% bukaanada
      o   Daal jireed: 40% bukaannada lagu arko
      o   Neef qabatin: oo lagu arko 20% bukaannada

Haddana iyadoo ay sidaa tahay warbixinnadu kuma koobna sida lagu faafinayo baraha bulshada, waxaa jira calaamado kale oo sida durayga ah, waxaa ka mid ah; madax xanuun, dhuun xanuun, lalabo, shuban oo xaalado kale lagu arki karo.

La soco Qeybta 3aad

W/Q: Dr. C/qaadir Insi


Tuesday, 5 May 2020

WAXYAR OO KAA YAABIYA

 KAROONE KADEED BADANAA?!

Waxaa dunida ka jiray bilihi u dambeeyay welwel aad u baahsan oo laga qabay xanuunkan uu dhaliyo feyraska ee loo yaqaano COVID-19, waxaa meel kasta ku baahay talooyin fara badan oo xanuunkan ku saabsan, calaamadihiisa, sida la isaga ilaalin karo iwm, waxaase in badan talooyinkaas ka muuqata inaaney dhabta ka hadleyn oo in badan marin habaabin ku jirto, baraha bulshada ayaa waxkasta lagu baahiyay, macluumaadka qaarne waa laga badbadiyay.
Haddaba waxaan rabaa inaan qormadeydan ku iftiimiyo waxyaabo ku saabsan xanuunkan, balse waxaan ku hormarayaa wadiiqooyinka lagu nadiifiyo guryaha iyo jirkaba si aad uga hortagtid COVID-19, waa tallaabooyin aan dhib badneyn, kana fudud sida dadka qaar usawiranayaan ama loogu sharraxay baraha bulshada.
Tusaale haddaad go’aansatay inaad akhrisid ilaha warbixineed ee xanuunkan sharraaxaadda ka bixinaya sida; Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ama xarumaha ka hortagga xanuunada faafa ee dalalku leeyihiin, waxaad arkeysaa inay si weyn ugu hormarinayaan ama xoogga saarayaan in qofku isticmaalo biyo socda iyo saabuun marka uu gacmaha meyranayo, sababtuna waxa weeye fayrasyada dahaarkoodu waxa uu ka sameysanyahay dufan, saabuuntuna ay si fiican usuulin karto dufanka.
Haddaad gurigaaga ka baxdid, islamarkaana aadan uhelin jaanis aad gacmaha ku meyrato biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa Aalkolada (Alcohol) lagu iibiyo farmashiyaasha, balse haddaad damacsantahay inaad nadiifiso gurigaaga waxaad diyaarsan kartaa dareere isku dhis ah oo aad si fudud guriga ugu diyaarsan kartid, waxaad soo qaadaneysaa qaaddo ama malgacad Koloriin ah kaddibne waxaad ku qaseysaa hal liiter oo biyo ah.
Waxaa aad loola yaabay in baraha bulshada lagu faafiyay iskujir kiimikaad oo ka kooban xaddi sare oo koloriin ah iyo Aalkolo, iyo mararka qaar waxyaabo kale oo kiimiko ah, dhibaatada ka imaaneysa waxyaabahaas khaldan waxa ay waxyeelo ba’an ugeystaan indhaha iyo sambabada dadka gurigaas ku nool, fadlan iska ilaali walxaha kiimikaad ee si aan cilmiyeysneyn loo diyaariyay.
Gacma dhaqiddu ujeedka qudha ee laga leeyahay waa in fayraskaas aad ka horjoogsatid inuu soo gaaro ugu horreyn sankaaga, marka xigane afkaaga iyo indhahaaga, waxaa jira laba wadiiqo oo waaweyn oo uu ku faafo xanuunkan (ilaa hadda). Tan Koowaad (waa tan ugu badan ee la arkay inay aad u faafiso): waa inaad ugu soo gashid qof xanuunsan xeyndaab 2-4mitir ah, qofkan waxa uu cudurka ugudbin karaa sankaaga ugu horreyn haddii uu qufaco ama hindhiso. Tan labaad: waa in qofka xanuunsan uu fayraska kaga tago meel uu taabtay, sida Alaabada iwm. Waxaan naqaanaa in fayraskan uu ku dul noolaan karo sadxiyada alaabaha ama darbiyada muddo saacado ilaa maalmo gaari karta, haddane sidaa ay tahay tan koowaad ayaa ah tan ugu shaacsan ee cudurku ku faafo.
Fayraskan nooca uu yahay ee koofiyada wata waxa ay ku dhegi karaan kuna faafaan inay alaabaha ama dabiyada dushooda qabsadaan, sidaa awgeed waa inaan ka digtoonaa taabashada wax kasta xilliyada aan adeeganeyno ama magaalada mareyno iyo inta aan joogno xaafadaheena islamarkaana aan gacmaha si joogta ah ugu meyrano biyo iyo saabuun inta ugu badan ee aan sameyn karno maalinti. Bal ka warama hadduu fayraskan galo jirkeena muxuu ku sameynayaa?
La soco Qeybta 2aad
Dr. C/qaadir Insi

Wednesday, 15 August 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 3aad:
7. HADDII AAD DHICISTAY AMA DILANTAY: inaad dhakhtarkaaga u sheegtid dilanka ama dhiciska ku soo maray waxa ay ka caawineysaa inuu qiimeyn sax ah ku sameeyo xanuunka aad ka cabaneysid.
8. WAXA AAD DAREEMEYSID MASKAX AHAAN: marka uu dhakhtarku ku weydiiyo dareenkaaga u sheeg sida aad wax u aragtid ama u dareemeysid, si wareysigiisu u noqdo mid nuxur leh waa inuu dareemaa inaadan dareenkaaga ka qarineynin.
9. XARIIRKAAGA GALMADA: haddii uu ku weydiiyo dhakhtarkaaga inta xaas ee aad leedahay ama ninkaagu xaasas kale leeyahay runta u sheeg hana ka labalabeyn. Waxaa jiraa xanuuno la isugu gudbiyo galmada, waana muhiim in wareysigaaga laga helo inaad xaas tahay ama leedahay.

10. MARKI KUUGU DAMBEYSAY AAD DHAKHTAR AADID: dhakhtarkaaga haddii uu ku weydiiyo runta sheeg, dadka qaar qaba cudurrada raaga (Chronic Diseases) waxaa la faraa inay sameeyaan la socosho xanuunkooda ah mar walba, dhakhtarka markaad u tagtid waxa uu ku weydiinayaa goorma ayaa kuugu dambeysay ee aad checking sameysay?
                                                      DHAMMAAD

Friday, 18 May 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 2aad:
4. SIDA AAD U ISTICMAASHO DAWADAADA: marka uu dhakhtarkaaga kuu qoro dawo, muddo kaddibne aad u soo laabato adigoo ka cabanaya isla cilladi, waxa uu ku weydiinayaa sidaad u isticmaashay dawadi uu ku siiyay, waxa lagaa doonayo waa inaad si daacad ah ugu sheegtid habka aad u isticmaashay dawadi, haddii ay kaa khaldaneyd wuu ku saxayaa, haddii aadan khaldaneyne sida habboon ayuu kugu hagayaa.
5. BALWADDAADA: dhakhtarku waxa uu ku weydiinayaa inaad balwad leedahay, nooca balwaddaada, imisa jeer baad maalinti isticmaashaa, iwm. haka been sheegin balwaddaada iyo habka aad u isticmaashid, waayo waxaa ku xiran caafimaadkaaga.

6. DAWOOYINKA DHEERIGA AH EE AAD ISTICMAASHO: dadka qaar waxa ay si joogto ah  u qaataan dawooyin iyo dhir fitamiin ahaan u isticmaalaan iyadoon loo qorin, dhakhtarkaaga u sheeg tirada aad ka cuntid, sida aad u isticmaashid iwm. waxa uu doonayaa inuu ku caawiyo ee ma ahan inuu wax kaa sheegayo. Waxyaabaha la xariira dawo dhireedka waxaa ka imaan karta khatar caafimaad oo badan, u sheeg dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo talada ugu habboon.
La soco Qeybta 3aad.....

Monday, 16 April 2018

10 WAXYAABOOD OO AAN LAGA BEEN SHEEGIN MARKAAD DHAKHTARKAAGA LA JOOGTID

Qeybta 1aad:
1. QALLIIN HORE U SAMEYSAY: marka uu ku wareysanayo dhakhtarkaaga waxa uu ku weydiinayaa su'aalo fara badan oo la xariira caafimaadkaagi hore, weligaa haka been sheegin taariikhdaada caafimaad ee ku soo martay, gaar ahaan haddii aad horay usoo martay qalliin, waayo waxaa dhaci karta in cilladda aad u timid ay xariir la leedahay qalliinka aad sameysay muddo ka hor.
2.  DA'DAADA: da'du waa muhiim inaad si saxan u sheegtid, waxaa jira xanuunno ku badan da' gooni ah oo aan laga helin cimriga intiisa kale. Da'da oo aad run ka sheegtaa waxa ay kaa saacidi kartaa waxyaabo badan oo xanuunkaaga la xariira oo aan la garan laheyn haddii aad da' been ah qoratid.

3. CUNTADAADA: nooca raashinka aad cunto inaad dhakhtarka usheegtid marka uu ku weydiiyo waa qasab. In badan xanuunnada la xariira dheefshiidka iyo nafaqeynta waxa ay si qoto dheer xariir adag ula wadaagaan nooca raashinka aad isticmaasho.
La soco Qeybta 2aad

Monday, 21 November 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 6aad

25. Hubso waqtiga soo laabashada:
Inta aadan isbitaalka ka bixin waxaad si fiican meel ugu qorataa maalinta soo laabashadaada iyo cidi aad la kulmi laheyd ama ku daryeeli laheyd, sidoo kale waxaad hubsataa inta ballantaas ka horreysa wixi macluumaad aad u baahato cidi aad kala xariiri laheyd. Istiraatiijiyada ugu muhiimsan isbitaallada waa inay iska ilaaliyaan inaad mar labaad xanuunki laguu seexiyo isbitaalka, weliba waqti yar kaddib marka lagaa soo saaro.

26. Dulqaad muuji:
Qolalka gargaarka koowaad ama deg degga ah loogu talagalay waxaa dhacda in bukaanadu ku dhibtoodaan oo waqti dheer ku jiraan iyagoo dareensan inaan shaqo loo heyn ama la qaabilin, waxa lagaa doonayo inaad ogaato waa in halkaas bukaannadu inta badan ku qaataan waqti aan loo baahneyn oo gaaraya ugu yaraan 20 daqiiqo, ka hor inta aan wax loo qaban ama go'aan laga gaarin xaaladooda, sidaa awgeed dulqaad sameey.

27. Xiliyada qaar lama ilaawi karo:
Waxaa soo mara isbitaallada waqtiyo adag ama bukaanno xaalado la garan waayay ama aad u daran la keeno, mararka qaar waxaa dhacda in bukaan dadaal dheer lo galay badbaadintiisa, oo ay isugu tageen shaqaalaha ugu badan, haddane la badbaadin waayo.

Xigasho: MICHELLE CROUCH  
                RD

Dhammaad

Friday, 11 November 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 5aad:

21. Cabitaan qalliinka ka hor:

Sida caadiga aheyd isbitaalladu waxa ay bukaanka u sheegaan inaanu waxna cabin waxna cunin wixi ka dambeeya saq dhexe habeenka ka horreeya maalinta qalliinka lagu sameynayo bukaanka, taasoo micnaheedu yahay in bukaannada ay soo wajahi karto oon, baahi iyo xasillooni la'aan, si gaar ah bukaannada qalliinkoodu dhacayo galabki. Sida ay dhawaan caddeeyeen ururka Americal Society of Anesthesiologists: Cuntooyinka la dubay iyo dufanka leh ma cuni karo bukaanka 8 saacadood ka hor qalliinka, noocyada kale ee raashinkana ma loo oggola 6 saacadood ka hor qalliinka. Cabitaanka biyaha, qudrad la shiiday oo aney ku jirin miraha dhexda, waa uu qaadan karaan bukaanka ilaa 2 saacadood ka hor xilliga qalliinka.

22. Nasiinada badan ma caawiso biskoosashada:

Bukaanka haddii aaney jirin sabab caafimaad oo dhaqdhaqaaqa loogu diiday waxaa lagama maarmaan ah inuu dhaqdhaqaaq sameeyo, sidaa awgeed sariirta ka kac, soco oo kafateeriayda tag, daarada soo socsoco, bannaankana tag, si aad uga fogaato in dhiigaadu sameeyo xinjir. Sida uu sheegayo Dr. Roy Benaroch, diraasad la sameeyay ayaa sheegeysa in dadka waayeelka ah ee bukaan jiifka ah, haddii ay dhaqsi socdaan isbitaalka gudihiisa ay yareeneyso saacadaha uu sii jiifi lahaa isbitaalka.

23. Diiwaangasho talooyinka:

Diraasado la sameeyay ayaa caddeynaya in bukaannadu halmaamaan 40 ilaa 80% waxa dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaashu u sheegaan, xataa haddii ay madaxa u ruxayaan marka wax loo sheegayo. Qofka kula joogo hakuu qoro, ama dhakhtarka weydii: 'makaa duuban karaa macluumadan?'. Waqtiga aad ugu baahida badan tahay inaad keydsatid macluumaadka waa xilliga dhakhtarka lagaa saarayo, markaas oo aad heleysid warbixinno la xariirta habka aad dawada u qaadaneysid iyo booqashada xigta.

24. Dalbo nuqul warbixinnadaada caafimaad:

Nuqullo ka qaado warbixinnada sheybaarka, sawirrada ama raajada iyo wixi la mid ah, iyo weliba dukumiintiga bixitaanka iyo haddii qalliin laguugu sameeyay warbixintiisa, inta aadan isbitaalka ka bixin.

25. Codso hurdo raaxo badan:

46. Request a Full Night's Sleep
Haddii xaaladaadu hagaagsantahay waxaad dhakhtarka ka codsan kartaa inaan hurdada lagaa qasin ama kalkaaliyaashu kuu kicin hubinta astaamaha caafimaad ee muhiimka ah (vital signs) iwm, saacado kooban sida; saqda dhexe ilaa aroorti 6:00 am, dhakhtarku waxa uu amri karaa kalkaaliyaasha in laguu fuliyo codsigaada, taasoo kuu suuragelineysa inaad heshid hurdo aan lagaa qasin, waase haddii aad deggentahay qol keligaa gaar kuu ah.

Xigasho: MICHELLE CROUCH  
                RD

La Soco Qeybta 6aad


Sunday, 6 November 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 4aad:

16. Haddii Lagu Seexiyo, wax qor:
Marka laguu xaqiijiyo inaad jiif tahay oo aad seexaneysid isbitaalka waxaad diyaarsataa buug iyo qalin. Waa dabeecad lagu yaqaan isbitaallada in marki uu bukaan seexdo uu jahawareer la kulmo, marka haddiiba aad ogaal leedahay waxaad qorataa dhakhaatiirta kuu timid ee ku baartay, taariikhaha ay  kuu yimaadeen, iyo warbixinnada caafimaadkaada la xariira oo ay ku siiyeen. Sidoo kale waxaad sii diyaarsataa su'aalaha aad dooneysid inaad weydiisid dhakhaatiirta ee caafimaadkaada khuseeya. Nidaamkan waxa uu si gaar ah kuu anfacayaa marka laguugu soo dallaco lacagta isbitaalka oo laga yaabo inay ku qorantahay dhakhaatiir talo weydiin loogu yeeray oo caafimaadkaada ka talo bixinayay.

17. Keenso waxyaabaha aad uga baahantahay suuliga:
Musqulaha isbitaallada intooda badan waa meel aan habbooneyn, haddii aad ubaahantahay shampoo, saabuun iyo shanle waa inaad gurigaada kala timaadaa kuwo nadiif ah, waayo haddii xataa aad ka heshid isbitaalka alaabahaas waa kuwo la isticmaalay oo waxtar laheyn.

18. Barkimo raaxo leh:
Haddii aad u baahantahay barkin aad ku raaxeysatid ama dhowr barkimood, ku talagal inaad xaafadaada kala timaadid tiradaad doontid, waayo isbitaalladu ma lahan tiro ku filan bukaannada, ama heerka raaxada uu filanayo bukaanka.

19. Cuntada Isbitaallada waad ku xanuunsan kartaa:
Inta badan wax xariir ah malahan qeybta cuntada iyo farmashiga, sidaa daraadeed cuntada laguu keenayo ma ahan mid xaaladaada caafimaad loogu talagalay. Markasta weydii dhakhtarkaada haddii ay jiraan cuntooyin aan laguu oggoleyn. Haddii aad la xanuunsantahay xanuun u baahan cunto gaar ah, waxaa xasuusnaataa in cunto kuu gaar ah laguu soo diyaariyaa.

20. Jadwalka qalliimada:
Xilliyada ciidaha ama fasaxa todobaadka waxaa inta badan isbitaallada ka howlgala dhakhaatiir aan khibrad badan laheyn, kalkaaliyaal aan waaya arag aheyn iyo shaqaale yar. Baaritaannada waa weyn ee sheybaarka waxaa suuragal ah inaan laheli karin. Sidaa awgeed haddii aad laheyd ballan in qalliin culus laguugu sameeyo ah oon deg deg aheyn, jadwalkaada ka dhig bilowga sitimaanka, markaas waxaa laga yaabaa inaadan sii jiifin isbitaalka ilaa fasaxa usbuuca inta laga gaarayo.

Xigasho: MICHELLE CROUCH  
                RD

La Soco Qeybta 5aad

Tuesday, 1 November 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 3aad:

11. Isbitaalladu waxa ay garab taaganyihiin Dhakhaatiirta:
Isbitaalladu waxa ay dhiirigeliyaan in dhakhtarku ahaado mid faraxsan. Dhakhaatiirtu waxa ay soo jiitaan bukaannada lacagta uu ka helayo isbitaalka. Haddii bukaan uu ka soo cawdo dhakhtar ama ay sare u kacdo heerka taya xumida daweynta dhakhtarka, isbitaalka waxa uu garab istaagaa dhakhtarka.

12. Isbishaaliistayaashu waxa ay xoojiyaan lacagta biilka:
Dhakhaatiirta aan tababarka sare heysan waxa ay markasta u yeeraan isbishaaliistayaasha si ay ula tashadaan, bukaankana u wada caawiyaan. Haddii isbishaaliistayaasha ay maalin kasta ku baaraan ama fiisito ku mariyaan, waxa ay ka go'antahay lacagta laguugu soo dallici doono. Sidaa awgeed weydii booqashadan maalinlaha ah inay daruuri tahay iyo inkale.

13. Weydii sidi aad dhakhsi u biskoon laheyd:
Maadaama isbitaalka jiifkiisa maalin kasta uu kharash kugu socdo, habka ugu fudud ee lagu yareyn karo lacagahaas waa inaad ka fakartaa hab aad dhaqsi ugu bugsan karto ama soo dedejinayo in lagaa saaro isbitaalka.

14. Iska hubi biilka laguugu soo dallacay:
Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tobanki isbitaalba sideed ay soo dallacaan biil khaldan, sidaa awgeed iska hubi biil laguugu soo dallacay. Waxaa suuragal ah inaad ku aragtid dawo aadan qaada, ama dawo maalmo ka hor lagaa joojiyay in xisaabteedi iska socotay. Xisaabta warqadda ku qoran waa bilow lee, ee  wada xaajood sameey si lagaaga dhimo inti macquul ah (20%, 30%, ama 50%).

15. Baaritaannada dheeriga ah:
Baaritaan la sameeyay ayaa caddeynaya in 15% ilaa 30% baaritaannada iyo dawooyinka bukaanka la siiyo ay yihiin kuwa aan aheyn lagamamaarmaan. Qeyb ahaan waxaa codsaday bukaanka ama dadka la socda, ama waxaa loo sameeyaa si looga fogaado in khalad xaga daweynta ah. Sidaa awgeed dhakhtarkaada marka uu dalbanayo baaritaanno weydii sababta loo diray baaritaanka iyo waxa uu ka raadinayo, iyo waxa iska bedeli karo daryeelkaada haddii aad diidid.

Xigasho: MICHELLE CROUCH  
                RD

La soco Qeybta 4aad

Sunday, 30 October 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 2aad:

6. Kalkaaliyaasha waa la cadaadiyaa:
Isbitaalada inta badan waxay ku qasbaan kalkaaliyaasha inay u shaqeeyaan bukaanno ka badan inta ay awoodaan, haddana iyadoo ay sidaa tahay ayaa diraasado la sameeyay waxa ay muujiyeen in marka kalkaaliyuhu masuul ka yahay tiro yar oo bukaanno ay ka dhalato natiijo fiican oo wax ku ool ah. Cilmi-baare Linda Aiken oo ka tirsan jaamacadda Pennsylvania waxay ogaatay in markasta oo kalkaaliyaha dusha loo saaro hal bukaan oo ka dheeri ah inta loogu talagalay ay sare u kaceyso 7% in inta dheeriga ay u dhawaadaan dhimasho.

7. Maamulayaashu waa jeeb weyn:
Maamulayaasha sarsare ee isbitaalada,  tusaale ahaan dalka mareykanka waxay qaataan kharash fara badan. Madaxda maamullada sare CEO loo yaqaan waxa ay sanadki uruursadaan sanadki adduun lacageed oo udhexeeya $400,000 ilaa $500,000, lacagahaasi kuma jiraan gunnooyinka iyo faa'iidoyinaka dheeriga ah.

8. Dhakhaatiirtu way daalanyihiin:
Haddii aad gudaha usii gashid habka shaqada dhakhaatiirta waxaad arkeysaa in dhakhaatiirta sarsare ee masuulka ka ah qeybaha ay ku qasbaan kuwa ka hooseeya inay shaqeeyaan waqtiyo dheeri ah ama qalliinka galaan muddo dheer, iyadoon isbedel ku imaan lacagaha ama gunnooyinka ay qaataan.

9. Adigoon ogeyn ayaa laguugu soo dallici karaa lacag dheeri ah:

Xataa haddii aad dooratay isbitaalka iyo dhakhtarka ku qali lahaa ama ku daweyn lahaa, ma jirto damaanad qaad in cid aan isaga aheyn ku daweynin. Waxaa dhici karta in howsha baxnaanintaada ay ka qeyb qaataan raajiiste (radiologist), suuxiye (anesthesiologist), Pathologist iyo xataa caawiyaasha dhakhtarka, dabadeedne - waa yaab! - laguugu soo dallaco lacag ka sareysa inti hore.

10. Weydii haddi lagu seexinayo:

Waxaa laga yaabaa inaad habeen dhan isbitaalka joogtid, balse si rasmi ah aan laguugu sheegin in lagu seexinayo, taa bedelkeeda isbitaalka, waxaa laga yaabaa inay kugu yiraahdaan: dusha ayaa lagaala soconayaa muddo ee halkaa tag. Si aad uga badbaado in waqti badan kharash dheeri ah laguugu soo dallaco weydii inaad jiif tahay iyo inkale.

Xigasho: MICHELLE CROUCH 
RD 

La soco Qeybta 3aad


Friday, 28 October 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 1aad:
1. Dooro isbitaal tababar bixiyo (teaching Hospital):
Marka laga hadlayo adeegyada caafimaadka sida qalliimada culus waxaa aad u sareeya adeeg ahaan iyo tayo ahaan isbitaallada lagu tababaro dhakhaatiirta, kuwaas oo safka hore kaga jira cilmi baarista caafimaadka. Ardayda baraneysa caafimaadka iyo dhakhaatiirta heerarka sare ee tababarrada maraya waxa ay si taxaddar leh u weydiiyaan bukaannada su'aalo ama wareystaan, taasoo keeneysa in isbedellada bukaanka xaaladdiisa ku imaanayo ilgooni ah lagu hayo, kana hortageyso inay dhacaan khaladaad. Isbitaallada tababarrada bixiya waxaa aad ugu yar dhibaatooyinka bukaanka uu ka qaado daryeel la'aanta, islamarkaana waxay leeyihiin natiijo ka wanaagsan kuwa kale.

2. Il gooni ah ku haay qeybta gargaarka degdegga ah:
Qaar ka mid ah isbitaallada, qeybta gargaarka degdegga ah malahan adeegyo fiican ama tayo leh, tiiyoo ay u dheertahay inay soo dallacaan kharash fara badan. Qeybahaas waxaad aadaa marki aad yara dareento xaalad aan cusleyn, balse xanuunada waaweyn waxaad raadisaa qeybaha leh trauma center, halkaas waxaa inta badan laga helaa isbishaalisteyaal.

3. Dhowr nadaafadda:
Jeermisku waxa uu ku noolyahay meel kasta, waana uu safri karaa. Xataa haddii dhakhtarkaadu gamcaha soo meydho waxaa laga yaabaa shaatiga cad ee uu gashanyahay darfihiisa inuu ku sido jeermis ka yimid qol kale oo uu bukaan jiifo. Sidaa awgeed dalbo inaad isticmaashid dareeraha jeermis dilka ama aalkolo, adigoo marinaya calaacalaha iyo cidiyaha hoostooda, albaabada meelaha laga qabto, musqulaha halka laga falaasho iwm. Gamcahaagana meydh ka hor cunta cunista ama diyaarinta.

4. Ku soo biir wadahadalka:
Kalkaaliyaha ka codso in bukaanka agtiisa uu idinku siiyo macluumaadka aad u baahantihiin ama la xariira bukaanka xaaladiisa, tani waxa ay ka fiicantahay inuu macluumaadka kugu siiyo miiska kalkaaliyaashi fariistaan, waxayna idinka caawineysaa inaad wada saxdaan wixi ka khaldan warbixinta la bixinayo.

5. Ha mashquulin kalkaaliyaha:
Diraasad la sameeyay ayaa tilmaantay in markasta oo ay badantahay mashquulinta kalkaaliyaha xilliga uu diyaarinayo dawada ay badantahay inuu khalad dhaco. (Halki mar waxa ay khatartu kor u kaceysaa 12%).

Xigasho: MICHELLE CROUCH (Readers digest)

La Soco Qeybta 2aad

Thursday, 20 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 4aad:

Marki la isku soo wada xooriyoo qaababkan ardayda waxa ay ku keeneysaa iyagoo heerar hoose marayaan inay u kale miirmaan ama ugu leexdaan takhasusyada ay berito baran lahaayeen, oo baaritaanno dheeri ah sameyn kara xilliyada fasaxa, teeda kale habki hore ee ardaygu martida ka ahaa waxtarkiisu wuu liitay, ardaygane waxaa saarnaa cadaadis weyn oo dhanka maskaxda ah, oo laga yaabo isagoon fahamsaneyn ujeedada laga leeyahay iyo waxa laga doonayo inuu isku dhibo inuu ama xifdiyo ama siyaabo kale adeegsado.
Marxaladda maanta dalku marayo markaan eegno waxbadan in laga qabtaa nidaamkan jahawareersan way adagtahay, dugsiyada waxbarashadane qiyaas ahaan 100% ayaan dhihi karaa waa kuwo gaar loo leeyahay, haddane sidaa oo ay tahay waxaan u hayaa talo haddii si fiican loogu fiirsado iyagane qiime weyn unoqoneyso ubadkeenane waxtareysa.
Talada aan u hayo marka hore inay ilaah uga baqaan carruurtaas oo ay masuuliyaddooda waxbarida gutaan, isdabamarinta iyo qishka ay sameynayaan iyagoo fiirsanaya shilimaad yarne iska joojiyaan. Marka xigta inay tijaabiyaan nidaamyadan aan kor ku soo xusay ama baariaan ka sameeyaan, dabadeedne qaabka barbaarinta ay maanta wadaan wax ka duwan na tusaan, iyaga dhexdoodana ku tartamaan. Shardi ma ahan inay waxkasto isku dayaan bilowgii, balse waxay sameyn karaan dugsi kastaahi sanad dugsiyeedkan hal qodob ha tijaabiyo, sanadka xigane natiijada ha soo uruuriyaan, dabadeedne iyaga dhexdooda hakala faa’iideystaan, oo qola kasta caqabadaha ay la kulantay kuwa kale ha u sheegto si wadada usoo gaabato, haddii intaa la helo waxaa hubanti ah in wax weyn isbedelayaan, waxaadna ogaataan dalka maanta waxa wax qaban karo waa inta gaar loo leeyahay, haddii rabitaan sax ah laga helo iyaga oo is jiidjiidkane iska daayaan waxay horseedi karaan in manhajka dugsiyada lagu soo celiyo wadadii toosneyd.

Gebagebadi bulshadeenu maskaxda ma beelin, weline waxaa ku jira aqoonyahanki shalay dalka hoggaamin jiray, waxaa kaloo ku soo kordhay aqoonyahan dhiig cusub wata oo qaarkood ku soo noolaaday ama wax kusoo bartay dadyow islaameed dhexdood, maskaxdaas dalkeenu leeyahay waxaan rajeynayaa inay dhaqaaqdo, oo aaney aamusnaan sida hadda socota, si aan u badbaadino hambadi ka hartay jiilka sii lumaya ee aan is ogeyn inuu lunsanyahay.

                                                                                                                                     Dhammaad