Qeybta 3aad:
11. Isbitaalladu waxa ay garab taaganyihiin Dhakhaatiirta:
Isbitaalladu waxa ay dhiirigeliyaan in dhakhtarku ahaado mid faraxsan. Dhakhaatiirtu waxa ay soo jiitaan bukaannada lacagta uu ka helayo isbitaalka. Haddii bukaan uu ka soo cawdo dhakhtar ama ay sare u kacdo heerka taya xumida daweynta dhakhtarka, isbitaalka waxa uu garab istaagaa dhakhtarka.
12. Isbishaaliistayaashu waxa ay xoojiyaan lacagta biilka:
Dhakhaatiirta aan tababarka sare heysan waxa ay markasta u yeeraan isbishaaliistayaasha si ay ula tashadaan, bukaankana u wada caawiyaan. Haddii isbishaaliistayaasha ay maalin kasta ku baaraan ama fiisito ku mariyaan, waxa ay ka go'antahay lacagta laguugu soo dallici doono. Sidaa awgeed weydii booqashadan maalinlaha ah inay daruuri tahay iyo inkale.
13. Weydii sidi aad dhakhsi u biskoon laheyd:
Maadaama isbitaalka jiifkiisa maalin kasta uu kharash kugu socdo, habka ugu fudud ee lagu yareyn karo lacagahaas waa inaad ka fakartaa hab aad dhaqsi ugu bugsan karto ama soo dedejinayo in lagaa saaro isbitaalka.
14. Iska hubi biilka laguugu soo dallacay:
Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in tobanki isbitaalba sideed ay soo dallacaan biil khaldan, sidaa awgeed iska hubi biil laguugu soo dallacay. Waxaa suuragal ah inaad ku aragtid dawo aadan qaada, ama dawo maalmo ka hor lagaa joojiyay in xisaabteedi iska socotay. Xisaabta warqadda ku qoran waa bilow lee, ee wada xaajood sameey si lagaaga dhimo inti macquul ah (20%, 30%, ama 50%).
15. Baaritaannada dheeriga ah:
Baaritaan la sameeyay ayaa caddeynaya in 15% ilaa 30% baaritaannada iyo dawooyinka bukaanka la siiyo ay yihiin kuwa aan aheyn lagamamaarmaan. Qeyb ahaan waxaa codsaday bukaanka ama dadka la socda, ama waxaa loo sameeyaa si looga fogaado in khalad xaga daweynta ah. Sidaa awgeed dhakhtarkaada marka uu dalbanayo baaritaanno weydii sababta loo diray baaritaanka iyo waxa uu ka raadinayo, iyo waxa iska bedeli karo daryeelkaada haddii aad diidid.
Xigasho: MICHELLE CROUCH
RD
La soco Qeybta 4aad

No comments:
Post a Comment