Qeybta 4aad:
Marki la isku soo wada xooriyoo qaababkan
ardayda waxa ay ku keeneysaa iyagoo heerar hoose marayaan inay u kale miirmaan
ama ugu leexdaan takhasusyada ay berito baran lahaayeen, oo baaritaanno dheeri
ah sameyn kara xilliyada fasaxa, teeda kale habki hore ee ardaygu martida ka
ahaa waxtarkiisu wuu liitay, ardaygane waxaa saarnaa cadaadis weyn oo dhanka
maskaxda ah, oo laga yaabo isagoon fahamsaneyn ujeedada laga leeyahay iyo waxa
laga doonayo inuu isku dhibo inuu ama xifdiyo ama siyaabo kale adeegsado.
Marxaladda maanta dalku marayo
markaan eegno waxbadan in laga qabtaa nidaamkan jahawareersan way adagtahay,
dugsiyada waxbarashadane qiyaas ahaan 100% ayaan dhihi karaa waa kuwo gaar loo
leeyahay, haddane sidaa oo ay tahay waxaan u hayaa talo haddii si fiican loogu
fiirsado iyagane qiime weyn unoqoneyso ubadkeenane waxtareysa.
Talada aan u hayo marka hore inay
ilaah uga baqaan carruurtaas oo ay masuuliyaddooda waxbarida gutaan,
isdabamarinta iyo qishka ay sameynayaan iyagoo fiirsanaya shilimaad yarne iska
joojiyaan. Marka xigta inay tijaabiyaan nidaamyadan aan kor ku soo xusay ama
baariaan ka sameeyaan, dabadeedne qaabka barbaarinta ay maanta wadaan wax ka
duwan na tusaan, iyaga dhexdoodana ku tartamaan. Shardi ma ahan inay waxkasto
isku dayaan bilowgii, balse waxay sameyn karaan dugsi kastaahi sanad
dugsiyeedkan hal qodob ha tijaabiyo, sanadka xigane natiijada ha soo
uruuriyaan, dabadeedne iyaga dhexdooda hakala faa’iideystaan, oo qola kasta
caqabadaha ay la kulantay kuwa kale ha u sheegto si wadada usoo gaabato, haddii
intaa la helo waxaa hubanti ah in wax weyn isbedelayaan, waxaadna ogaataan
dalka maanta waxa wax qaban karo waa inta gaar loo leeyahay, haddii rabitaan
sax ah laga helo iyaga oo is jiidjiidkane iska daayaan waxay horseedi karaan in
manhajka dugsiyada lagu soo celiyo wadadii toosneyd.
Gebagebadi bulshadeenu maskaxda ma
beelin, weline waxaa ku jira aqoonyahanki shalay dalka hoggaamin jiray, waxaa
kaloo ku soo kordhay aqoonyahan dhiig cusub wata oo qaarkood ku soo noolaaday
ama wax kusoo bartay dadyow islaameed dhexdood, maskaxdaas dalkeenu leeyahay
waxaan rajeynayaa inay dhaqaaqdo, oo aaney aamusnaan sida hadda socota, si aan
u badbaadino hambadi ka hartay jiilka sii lumaya ee aan is ogeyn inuu
lunsanyahay.
Dhammaad
No comments:
Post a Comment