Runtii waa garnaqsi ku salaysan xaqiiqo jirta oo aqallada soomaaliyeed badankood la hagooganyihiin, waa sheeko wax badan u ifineysa akhristaha bannaanka ka taagan dhismaha qalfoofta guurka, islamarkaana dareen dhamac ah ku qabaneysa kan qalfooftaas aynu sheegnay dhex fadhiya, ee qab weynidu meel dhigatay, sheekadane aad mooddo inay isagu taabaneyso.
Waa garnaqsi gabadh soomaaliyeed ku faqeyso wax in badan hooyooyinkii hore laabta ugu silsiladeysnaa, dhaqankeenuna - meelaha uu ku qallafsanyahay - uu raggu ugu hiilinayay, waa garnaqsi ay yartahay inay ku dhiirato gabadh soomaaliyeed, iyadoo nolosheeda oo idil uga tanaasuleyso dhaqan xumida ragga qaar. Waa garnaqsi ina soo xasuusinaya tuducyo ka mid ah maanso aad u dheer oo uu leeyahay Abwaan Hadraawi:
Ragoow ka adkoow xilkaaga,
La saayira ooryihiinna,
Irmaanta xaqeeda siiya,
Ragoow ubadkaaga toosi,
Wixii arrin kaa daboolan,
Iimaanka ku baadi-doona,
Afeefna ka yeesha xaajo,
Yaanan ararta idinku dheereyne fadlan si deggen u akhriya oo xaqiiqada jirta wada dhadhamiya.
Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
"Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guursadeen nin Soomaaliyeed, haddii aan guursadana waxba uma dhaleen."
Odhaaahdan xanafta iyo xajiinta miidhana waxa tidhi baa igu maqaalo ah gabadh cad oo ah kalkaaliso ka shaqaysa qaybta umulaha ee cusbitaal ku yaal Iswiidhan. Haddaba maadaama aan ahay nin Soomaaliyeed, hadalkani wuxuu igu riday xanaaq iyo xayraan wada socda. Waxa uu hadalkaasi igu dhaliyay waydiimo badan oo ay ka mid yihiin: Tolow ma gogosha ayay ku saluugtay; mise gowska? Ma garashada mise gacan fudaydka? Dumarka Soomaaliyeedse odhaahdan sideebay u arkaan? Waydiimahan dhan aan u qaado aniga oo garan la’ ayuun buu Eebbe igu il-haamiyay: Miyaad caawaba xaaskaaga waydiisid aragtideeda ku aaddan odhaahdan, bal si aad arrintaba ugaba gungaadhid.
Haddaba caways Jimceed ayuun bay ahayd markii aan irridka gurigayga garaacay, ee ay iga furtay ooridaydii oo indha kuulan, dabno guduudan, da’ yaraanina ka muuqato. Bariido aan diirranayn ka dib markii aan gudaha sii galay waxa i qaadaa dhigay caraf iyo udgoon, oo meel aan joogo intaan garan waayay, ayaan is idhi tolow ma ku booddaa! Laakiin, waxaan samayn lahaaba waxaan ka baqe qabay in ay carruurtu soo jeedo, waayo habeenno badan bay iga gaagixiyeen kalaabtu. Haddaba qolalka markii aan fiiriyay ee aan ogaaday in ay galin horeba seexisay ayaan uurka ka farxay, hoostana ka qoslay, ogaadayna in ay Jimce tahay.
Sidiisaba Jimcaha sharci baa ka yaallay, sida dhaqankeenna ku cad. Haddaba hawli ha ii danbaysee, waydiintii igu mudnayd ayaan dirqi ku xasuustay, oo aan u bandhigay xaaska. Inta ay iga ag kacday, ayay igu tidhi: “Waa runteed, waanay saxan tahay. Anba nin Soomaaliyeed haddaan sidan moodayo ma guursadeen”. Yaab! Dareenkii hammi ee igu abuurnaa inta uu hoos u dhacay ayaan ku idhi: “Oo hadda wada joogeenna miyaad ka xun tahay?” Inta ay foorarsatay ayay tidhi: “Kamana xumi, kumana faraxsani”. Waar bal inkaartan kaalaya! “Naa toban sano ayaan ku qabay, oo shan carruura ayaad ii leedahay ee maxaynu ku wada joognay haddaa?” “Waynu iska wada joognaa uun” ayay si quusi ka muuqato iigu jawaabtay. “Waynu iska wada joognaa uun hadal maaha, ee maxaad iga tabanaysaa aniga?" Ayaan si xog raadin ah u waydiiyay? “Haddii aan kuu sheego, ma kol baad qaadanaysaa?” Ayay iyada oo shanta dhabanada ku haysa ina soo eegaysa tidhi. “Waan qaadanayaa, ee ii sheeg Saytuun” Ayaan si quudarrayni ka muuqato ugu idhi. (Saytuun: Waxaan ugu yeedhaa marka aan xodxodanayo rabana in ay wax ii sheegto, ama wax i siiso) .
Inta ay si wanaagsan u soo fadhiisatay ayay hadalkii ku bilowday. “Horta caawa habeen aad ka wanaagsan tahay ma aan arag intii aynu wada joognay, waayo waxa iiga kaa muuqda danayn iyo debecsanaan badan. Taas baana keenaysa inaan uurkayga kuu dooxo, oo aan tabashadayda kuu soo bandhigo. Maalintii aan ku guursanayay waxaan is lahaa wuxuu kuu noqon hooyo, aabbo, walaal iyo wehel rumaad. Waxaan is lahaa cidlo danbe dareemi maysid, ciishoon maysid, cabashana hadalkeedaba daa. Waxaan is lahaa wuu kula kaftami, wuu ku kool koolin, waanu kuu kaalmayn. Waxaan is lahaa wuu ku dhegaysan, wuu ku dhaqaalayn, wuuna kuu dhego nuglaan. Waxaan is lahaa wuu ku maamuusi, wuu ku marxabaysiin, waanu ku macsiin mar walba. Waxaan is lahaa wuu ku daadahayn, wuu ku dalxiis gayn, waanu kula dawaafi. Waxaan is lahaa wuu kula damqan, wuu kula digigixoon, wuuna kula diirnixi. Waxaan is lahaa wuu ku caawin, wuu kula cawayn, wuuna kula ciyaari. Waxaan is lahaa waad ku faani, waad ku farxi, waanad ku fantasiyayn. Waxaan is lahaa wuu ku raali galin, wuu kuu raaxayn, waanad ku rayn. Waxaan is lahaa wuu kuu naxariisan, wuuna ku nasin. Waxaan is lahaa wuu kula tashan, wuu ku tilmaami, waanu ku tiirin. Waxaan is lahaa wuu kula haasaawi, wuu kula hadli, waanu kula hawshoon.
Ilayn haweenku hadal bay ku nool yihiine. Waxaan is lahaa jacaylkiina wuu kobcin doonaa, waanu kordhin doonaa. Waxaanse is lahaaba, waxba iimaad noqon. Haddii aad noqotayna, waxaad noqotay annaani. Sababtoo ah, hadh iyo habeen waxaad ka fikirtaa cuntadaada, cabitaankaaga iyo kufsashadayda.
Haa kufsashadayda, dareen godlin ma lihid, gacan salaax laguguma oga, gacaltooyana haba sheegin. Sidii aad waraabe tahay baad igu soo booddaa, luquntana isugu kay laabtaa, laabtana igaga dhacdaa, dabadeedna si arxan daran ii luf-luftaa oo aad iiga muraadsataa. Shanta carruura ee aan kuu hayaba waxaad igaga dhashay kufsi sharciyaysan. Uurka intii aan ku siday ilamaad xanuunsan, imanaad xannaanayn. Fooshaydii garabkayga ma aad taagnayn, gacantaydu kuma haysan, galiilyada aan qabana war umaad hayn, ee bannaanka ayaad iska joogtay. Mararna waabad iska maqnayd.
La soco Qeybta 2aad
Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
2 comments:
Masha Allaah waan ka helay sheekadan aad ayaana ugu farax sanahay ineey sheegato dhibaatada heeysato waxaan rajeeynayaa ineey ku dayan doonaan gabdho badan Insha Allaah
Aad baad u mahadsantahay Iqra'
Post a Comment