Monday, 29 June 2020

ABABIYE

                                                          BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 7aad:

TUSAALE SII EE AMAR QALLALAN HA SIIN

Istiraatiijiyaddan waa mid ka mid ah hababka barbaarinta togan ee dhisaya shakhsiyadda ubadkeena – Allaha dhowree-, waxa ayna uhorseedeysaa inay si wacan u dhageystaan su’aalaheena, una diyaar garoobaan ka jawaabistooda. Waddada ugu habboon ee aan ku gaari karno ujeeddadaasne waa inaan innaga ka fogaanno soo saarista amarrada qallalan. Amarradaas nafta aadanaha ma oggola, waana mid eebbe ku abuuray, ugana duway noolaha kale, naftaas waxa ay leedahay mowqif, ra’yi ay jaangoynayaan hab dhaqankiisa maalinlaha ah. Sidoo kale qofka marwalbo daba socda amarrada isaga khuseeya ee bannaanka uga imaanaya waxa uu ku noolaanayaa qanacsanaan la’aan iyo isagoon laheyn wax uu aaminsanyahay oo haga hab dhaqankiisa.

Nabigeena Muxammad (NNKH) waxa uu dhisayay 13 sanadood oo uu Maka joogay caqiiddo iyo qanaacad si ay asaas ugu noqoto dhismaha shakhsiyadda adag ee muslimka ee loo diyaarinayo inay xambaarto shucladda kheyrka ah ee aadanaha loo soo dejiyay.

Soo saarista amarrada qallalan ee ilmaha la siiyo waxa ay dhalayaan wax badan oo dhaqanno taban ah, waxaa ka mid ah:
1.    Inay yaraato ismaqalka waalidka iyo ilmaha
2.    Inuu daciifo xiriirka qoyseed, ayna nuglaato nudda isku xireysa xubnaha kala duwan ee qoyska
3.    Carrurta waxa ay u horseedeysaa fallaagonimo iyo madax adeyg, waxaana hoos u dhacaya dhismaha shakhsiyaddiisa.

MAXAA BEDDEL UNOQON KARA AMARRADA QALLALAN?

Barbaarinta togan waxa ay xoogga saareysaa ka fogaanshaha amarrada noocaas ah, waxa ayna beddelkeeda diirrada saartaa su’aalo in laga dhigo weliba lagu celceliyo.

Tusaale ahaan:
Halki aad inankaaga ku dhihi laheyd; Qolkaaga hagaaji (amar), waxaad isticmaaleysaa sidan: Qolkaaga ma hagaajineysaa? Weliba adigoo muujinaya dabacsanaan iyo deggenaan, ama waxaad dhihi kartaa; Qolkaaga goormaad hagaajineysaa?

Su’aalahan oo kale way cadyihiin, ilmaha yar dhiirigelin ayey siinayaan inuu shaqada galo, balse waxaa qasab ah qaabka aan wax uweydiineyno inaan ka ilaalino inay u ekaato su’aalo shaki lagu gelinayo awooddiisa ama umuuqda jeesjees; sida: Qolkaaga ma hagaajin kartaa? Ama Qolkaaga ma quruxsan kartaa?

Carruurta yar waxa uu ilaah ku abuuray dareen aad usarreeya oo ay ku fahmi karaan marka hadalka afka aad ka leedahay iyo ifafaalaha wejigaagu muujinayo ay is khilaafsanyihiin.  Tusaale adiga oo is dhahaya hababkan togan ee barbaarinta umuuji inankaaga oo iska dhigdhigeysid inaad raaceysid istiraatiijiyadaha aan soo xusnay misne aysan qalbiga kaa jirin oo akhrinta wejigaaga laga dareemayo caksigeeda…… tani si fudud buu usoo saarayaa inankaaga, sheekadaadane waxa ay noqoneysaa hal bacaad lagu lisay.

La Soco Qeybta 8aad

Wednesday, 24 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 6aad:

Todobaadki hore waxa ay inoo joogtay inagoo tixeynay tusaalooyin khuseeya sida diiradda loo saaro xalka ee aan mushkiladda loogu rafan, waxaan ka soo hadalnay shan qodob, maantane halkii bay inooga sii socon inshaa allaah.

6.    Dareensii inaad la dhacsantahay:  marka uu kula hadlayo ama uu fal togan sameynayo wejigaaga haka akhriyo sidaad ugu riyaaqsantahay, madaxa urux ama oraah ahaan ugu sheeg, sida; waa hagaag, waad wanaagsantahay iwm
7.    Dareenkiisa magacyo u bixi: ku gacan qabo inuu dareenkiisa kala fahmo adigoo ubixinaya magacyo ama tilmaamo khuseeya hadba dareenka uu muujinayo markaas.
8.    Ku caawi riyadiisa: maskaxdiisa inay dhisato mala awaal khuseeya riyadiisa waxaa ka caawin kara adiga waalidow, waxaad weydiisa su’aalo furan oo riyadaas dhisi kara, tusaale ahaan: bal ka waran haddii ay kuu rumowdo riyadaada iyo hammigaaga mustaqbalka? Tani waxa ay ka caawineysaa inuu uguuro dhanka togan ee dareenkiisa, waxaa intaa sii dheer waa hab ka mid ah hababka lagu kobciyo heerka curinta iyo hal-abuurka ee carruurta.

Isbedelka awooddiisa waxa ay ka bilaabaneysaa inaad ku qanacsantahay lagamamaarmaanimada inaad baratid xirfadaha ababinta togan, kana takhalustid hab-dhaqanka taban ee carruurteena aan kula dhaqanno. Waxa ayna xoogga saareysaa inuu hab fikirkeenu noqdo mid togan kana fogaanno kan taban.

Qeybtan hoose waxaan kusoo tixeynaa tusaalooyin tilmaamaya fikirka taban, innagoo garab dhigeyna bedelkeeda togan:


Lasoco Qeybta 7aad

Monday, 15 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:


Qeybta 5aad:
XALKA DIIRADDA SAAR
Inaad diiradda saartid xalka waxa ay farxad badani u keeneysaa qoysa oo dhan.
Barbaariyuhu haddii uu diiradda saaro xalka – halki uu mushkiladda ka abbaari lahaa- faa’iidadeedu kuma koobna ilmaha yaryar kaliya, waxayse wax weyn ka tartaa oo lagu guuleystay dadka waa weyn, gaar ahaan dhalinyarada soo baxeysa hablo iyo wiilal.
Habdhaqanka ah in la raadiyo xalka diiraddana la saaro reerka kama fogeyneyso oo qura dhaqannadi tabnaa ee aynu horay usoo xusnay, balse waxa ay xoojisaa xiriirka reerka dhexdiisa ah. Habkan in dadka waa weyn loo adeegsado kama duwana ilmaha yaryar, waxaase natiijadiisa dhaqsi lagu arki karaa marka dadka waaweyn loo adeegsanayo. 

Ilmaha yaryar badanaa dhaqanka rabshadda wataa waa mid ku abuuran, mana badna inay ku fakaraan inay rabshada u adeegsadaan si ay welwel ugu keenaan waalidka, balse dadka waa weyn ciifada ay ku dhaqaaqaan waxa ay fursad kaga raadiyaan waalidka meelaha uu ka jilcanyahay si ay kaga faa’iideystaan, waxeyna isku bedeshaa hub ay uga aar goostaan waalidka, si ay dantooda kaga gaaraan.
Waxaan qeybtan ku soo qaadan doonaa haddii Allah idmo waxyaabaha inankaaga ka caawin kara inu fahmo dareenkiisa.

1.    Jaheynta dareenkiisa dhanka wanaagsan (togan): marka aad aragtid inankaaga oo ku jira xaalad argagax, welwel iyo kacsanaan ah ama ka badbadis arrimihiisa ah, kaalintaada waxa ay tahay inaad dareenkaas taban aad ka jeediso, isla markaana ku duwdid mid togan. Ka dalbo inuu dhoola caddeeyo, qalbigiisa farxad ku beer adigoo adeegsanaya xirfadaha aad soo baraty.

2.    Waano fudud: sii waanooyin gaaban adigoon ku dheeraan, ka caawi inuu dareenkiisa barto, una fahmo si cad.

3.    Weydiimo furan: weydii su’aalo furan oo aad ku halmaamsiineyso dareenka taban ee uu dareemayo, weydiimahaas waa inay noqdaan kuwo saadaal fiican beeraya ama dhisaya tusaalooyin fikir togan ku qotoma.

4.    Umuuji dabacsanaan iyo naxariis: usheeg heerka uu gaarsiisanyahay beerjileeca aad u heyso, adigoo adeegsanay luqad dabacsan oo dhaqaajineysa dareenkiisa.

5.    Si dhug leh u dhageyso: dhugmo u dhageysashadu waxa ay beereysaa dareen qiime badan, dhaaf ha u hadlee si xorriyad leh adigane dhageyso marka uu hadlayo, weliba indhahaaga ku eeg marka uu hadlayo, hana ku mashquulin wax kale, tani waxa ay ku abuureysaa ilmaha yar dareen togan.

Lasoco Qeybta 6aad

Thursday, 11 June 2020

MAAN GUURSADEEN! (Sheeko Gaabn)

Waxa ay inoo joogtay gabadhii marwada aheyd ee seygeedi u waday garnaqsiga, weline iyadiibaa warkii wadata ee ku soo dhawaada.

Qeybta 2aad:

Carruurta hayntooda, cuntada karinteeda, dharka caddayntiisa iyo guriga carfintiisaba cududaha ayaan kaga jabay, haddana cishana kaama maqlin eray mahad naq ah. Waxaad ii aragtaa addoon kuu shaqaysa, waxaanan isku arkaa agoon yar oo kula joogta.
Maalinna imaad odhan maxaad u baahan tahay macaan? Xataa, imaad odhan eray macaan oo diiriya dareenkayga dayra dhaafuhu qallajiyeen, ama dhalaaliya buuraha barafeed ee qalbigayga ku samaysmay. Dharaarna iimaad hadiyadayn ubax yar oo ka tarjumaya jacaylka aad ii qabto, (Iimaba qabtide). Galab qudha aniga iyo carruurta noomaad kaxayn beeraha la daawado ee dalxiiska loo tago. Habeenna ma aynaan xusin jacaylkii isku keen keenay ee aynu beryo biqlidiisa ka shaqaynaynay.
Bakhaylnimada gacmeed ee aad leedahay waxa kuu dheer bakhaylnimo caaddifadeed. Ad adkaanta iyo eray qallafsanaanta waxaad u aragtaa ragganimo. Halka aad debecsanaanta iyo diir-naxa u aragtid dumarnimo.

Waan dareensanahay inaad annaga noo dhididaysid, noo dhibtoonaysid, noona dhan qalmaysid, laakiin miyaad xanuunsan haddii aad eray san igu tidhaa marka aad sii baxayso, ina sii maca-salaamayso, marka aad soo noqotana i tidhaa; waan kuu xiisay xabiibi. Miyaad dhiman haddii aad isii dhunkato. Ma dhulkaa kula gu’i haddii aad tidhaa: Waan ku jecelahay, iyaga oo ubadkeennu ku maqlayaan. Miyaa lagu doorin, haddii aad iska dayso hooyadiin u yeedha, oo aad tidhaa: Ina abtiday Saytuun iigu yeedha? Mise waa lagu derderi haddii aad dabacsanaan iyo dulqaad ii muujiso. Haddaba miyaynaan iska wada joogin uun waadigii ila yaabanaaye? Ayay si garnaqsi ku jiro ii tidhi.

Aaaaah, wax aan idhaa intaan garan waayay ayaan madaxa ruxay, aniga oo qajilaad iyo qiiro wax aan u kala garan waayay jidhkayga dhameeyeen. Hadalka ayay sii wadatay, waxaanay tidhi:
"Wallaahi, marka aan Telefishanada ka arko aabbe ubadkiisii iyo ooridiisii daadahaynaya intaan muraaqoodo ayaan haddana murugoodaa. Markaaan arko nin ooridiisa ku ammaanaya waxa ay u qabato intaan qiiroodo, ayaan haddana qarracmaa. Marka aan arko nin ooridiisa la tashanaya intuu xiise i qaado ayaan haddana xanaaqaa."

Waan ogahay in dhankayga gaabis badani ka jiro, laakiin anigu dumar baan ahay, oo hadba sida aad iga dhigto ayuun baan ahaanayaa. Haddii aad ii dhibirsanaato, anna waan kuu dhego nuglaanayaa. Haddii aad ii debecsanaato anna waan kuu dul-qaadanayaa. Haddii aad ii mahad naqdo anna waan ku maamuusayaa. Haddii aad i weheshato anna waan kugu wayraxayaa. Haddii aad i ammaanto anna waan kuu dararayaa. Samaynta waxanina ma adka ee la qabsi bay ubaahan yihiin. Waan dareemi karaa in dhaqanku xakame bir ah inagu hayo, laakiin miyaanay dhici karin inaan ka kufrinno intiisa xun ee aan xaaladdeena ku habboonayn? Miyaanay dhici karin inaan inagu qaabayno qaabka aynu u wada noolaanayno? Miyaynaan abuuri karin nolol tan aan hadda ku jirno, ka xallad iyo xiisa badan?
Miyaynaan hormuud lagu daydo u noqon karin Soomaalidan iska wada joogta? Haddii aad qaab dhaqankaaga wax ka bedel ku samayso, haa waynu noqon karnaa, ee maad ka bedeli?

Aaaah… goblan talo adduunyooy, gaaridaan jeclaayeen, gabdhahaba ka doortee, gurboodkayga haysaa, garnaqsigan abuurtee, miyaan kaba garaabaa? Mise waan giriifaa? Gobi waa tii garawdee, waydiimahaa sare ka jawaabidooda awood waan u waayay, goor danbe ayaanse si qiiro iyo qushuuci ku jirto u idhi: Waan samayn karnaa macaan, waanan ka bedelayaa, waanan ku jecelahay. Maanta ka horna umaan qalmin inaan nin kuu ahaado. Laakiin, kun jeer baan kaa raalli galinayaa gefafka aad iga tirsanayso ee wada macquulka. Intaasi haddii ay yaa Allaah igaga soo baxday, waxaan arkay iyada oo illintu dhabanadeeda dul hoorayso oo hiqdhabanaysa. Markaasan anna is hayn waayay oo aan naxariis iyo kal gacal la ilmeeyay. Waanu isku soo haadnay oo saacado ayaanu iskudul-hiqlaynaynay, annaga oo duminayna dayrkii Barlin ee dhexdayada ku gudbanaa, dabiibaynana mashaacirtayadii dakharadu ku yaalleen.

Markii aanu is laab-xaadhanay habeenkaa barakaysan, waxaannu go’aansanay inaannu bog cusub u furno noloshayada danbe. Haddii aannu arrintaasi niyad samaan iskula qaadanay, inta ay iga kacday iyada oo aad balanbaalis moodo ayay casho suqaara oo aan carruurtuba malaha cunin ii keentay. Waligay casho ka dhadhan macaanayd! Afka ayay sidii ilmo yar iigu gurtay, markaasaan hooyaday macaan soo xasuustay. Cashadii waanu ku dul haasawnay, ku dul kaftannay, kuna dul faraxnay.

Haasaawuhu isaga oo meel dhexe noo maraya ayaan si kaftana u waydiiyay: Gacaliso Saytuuneey, nin Soomaaliyeed malaha maad guuuu…… Anniga oo aan hadalkaa dhammayn bay igu soo booday oo inta ay afka i qabatay, igu tidhi: Ha odhan hadalkaa mar danbe, Ilaah baan kugu dhaariyee. Haye macaan inta aan idhi, ayaanu kobtii ka hinqannay annaga oo u sii jeedna qolkii hurdada, intii aannu sii soconay waanu isa sii daadahaynaynay, annaga oo is leh: Ha dhicin, ha dheelliyin. Sidii baanu qolka ku galnay, isla markiibana albaabka ayaan hoosta ka xidhay. Illaa haddana wuu ka xidhan yahay oo hawl gal millatari baa ka socda.

Waxaa Qoray: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

--DHAMMAAD--


Wednesday, 10 June 2020

MAAN GUURSADEEN! (Sheeko Gaabn)



Runtii waa garnaqsi ku salaysan xaqiiqo jirta oo aqallada soomaaliyeed badankood la hagooganyihiin, waa sheeko wax badan u ifineysa akhristaha bannaanka ka taagan dhismaha qalfoofta guurka, islamarkaana dareen dhamac ah ku qabaneysa kan qalfooftaas aynu sheegnay dhex fadhiya, ee qab weynidu meel dhigatay, sheekadane aad mooddo inay isagu taabaneyso.

Waa garnaqsi gabadh soomaaliyeed ku faqeyso wax in badan hooyooyinkii hore laabta ugu silsiladeysnaa, dhaqankeenuna - meelaha uu ku qallafsanyahay - uu raggu ugu hiilinayay, waa garnaqsi ay yartahay inay ku dhiirato gabadh soomaaliyeed, iyadoo nolosheeda oo idil uga tanaasuleyso dhaqan xumida ragga qaar. Waa garnaqsi ina soo xasuusinaya tuducyo ka mid ah maanso aad u dheer oo uu leeyahay Abwaan Hadraawi:

Ragoow ka adkoow xilkaaga, 
La saayira ooryihiinna, 
Irmaanta xaqeeda siiya, 
Ragoow ubadkaaga toosi, 
Wixii arrin kaa daboolan, 
Iimaanka ku baadi-doona, 
Afeefna ka yeesha xaajo,

Yaanan ararta idinku dheereyne fadlan si deggen u akhriya oo xaqiiqada jirta wada dhadhamiya.

Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

"Haddii aan noqon lahaa gabadh Soomaaliyeed, maan guursadeen nin Soomaaliyeed, haddii aan guursadana waxba uma dhaleen."
Odhaaahdan xanafta iyo xajiinta miidhana waxa tidhi baa igu maqaalo ah gabadh cad oo ah kalkaaliso ka shaqaysa qaybta umulaha ee cusbitaal ku yaal Iswiidhan. Haddaba maadaama aan ahay nin Soomaaliyeed, hadalkani wuxuu igu riday xanaaq iyo xayraan wada socda. Waxa uu hadalkaasi igu dhaliyay waydiimo badan oo ay ka mid yihiin: Tolow ma gogosha ayay ku saluugtay; mise gowska? Ma garashada mise gacan fudaydka? Dumarka Soomaaliyeedse odhaahdan sideebay u arkaan? Waydiimahan dhan aan u qaado aniga oo garan la’ ayuun buu Eebbe igu il-haamiyay: Miyaad caawaba xaaskaaga waydiisid aragtideeda ku aaddan odhaahdan, bal si aad arrintaba ugaba gungaadhid.

Haddaba caways Jimceed ayuun bay ahayd markii aan irridka gurigayga garaacay, ee ay iga furtay ooridaydii oo indha kuulan, dabno guduudan, da’ yaraanina ka muuqato. Bariido aan diirranayn ka dib markii aan gudaha sii galay waxa i qaadaa dhigay caraf iyo udgoon, oo meel aan joogo intaan garan waayay, ayaan is idhi tolow ma ku booddaa! Laakiin, waxaan samayn lahaaba waxaan ka baqe qabay in ay carruurtu soo jeedo, waayo habeenno badan bay iga gaagixiyeen kalaabtu. Haddaba qolalka markii aan fiiriyay ee aan ogaaday in ay galin horeba seexisay ayaan uurka ka farxay, hoostana ka qoslay, ogaadayna in ay Jimce tahay.

Sidiisaba Jimcaha sharci baa ka yaallay, sida dhaqankeenna ku cad. Haddaba hawli ha ii danbaysee, waydiintii igu mudnayd ayaan dirqi ku xasuustay, oo aan u bandhigay xaaska. Inta ay iga ag kacday, ayay igu tidhi: “Waa runteed, waanay saxan tahay. Anba nin Soomaaliyeed haddaan sidan moodayo ma guursadeen”. Yaab! Dareenkii hammi ee igu abuurnaa inta uu hoos u dhacay ayaan ku idhi: “Oo hadda wada joogeenna miyaad ka xun tahay?” Inta ay foorarsatay ayay tidhi: “Kamana xumi, kumana faraxsani”. Waar bal inkaartan kaalaya! “Naa toban sano ayaan ku qabay, oo shan carruura ayaad ii leedahay ee maxaynu ku wada joognay haddaa?” “Waynu iska wada joognaa uun” ayay si quusi ka muuqato iigu jawaabtay. “Waynu iska wada joognaa uun hadal maaha, ee maxaad iga tabanaysaa aniga?" Ayaan si xog raadin ah u waydiiyay? “Haddii aan kuu sheego, ma kol baad qaadanaysaa?” Ayay iyada oo shanta dhabanada ku haysa ina soo eegaysa tidhi. “Waan qaadanayaa, ee ii sheeg Saytuun” Ayaan si quudarrayni ka muuqato ugu idhi. (Saytuun: Waxaan ugu yeedhaa marka aan xodxodanayo rabana in ay wax ii sheegto, ama wax i siiso) . 

Inta ay si wanaagsan u soo fadhiisatay ayay hadalkii ku bilowday. “Horta caawa habeen aad ka wanaagsan tahay ma aan arag intii aynu wada joognay, waayo waxa iiga kaa muuqda danayn iyo debecsanaan badan. Taas baana keenaysa inaan uurkayga kuu dooxo, oo aan tabashadayda kuu soo bandhigo. Maalintii aan ku guursanayay waxaan is lahaa wuxuu kuu noqon hooyo, aabbo, walaal iyo wehel rumaad. Waxaan is lahaa cidlo danbe dareemi maysid, ciishoon maysid, cabashana hadalkeedaba daa. Waxaan is lahaa wuu kula kaftami, wuu ku kool koolin, waanu kuu kaalmayn. Waxaan is lahaa wuu ku dhegaysan, wuu ku dhaqaalayn, wuuna kuu dhego nuglaan. Waxaan is lahaa wuu ku maamuusi, wuu ku marxabaysiin, waanu ku macsiin mar walba. Waxaan is lahaa wuu ku daadahayn, wuu ku dalxiis gayn, waanu kula dawaafi. Waxaan is lahaa wuu kula damqan, wuu kula digigixoon, wuuna kula diirnixi. Waxaan is lahaa wuu ku caawin, wuu kula cawayn, wuuna kula ciyaari. Waxaan is lahaa waad ku faani, waad ku farxi, waanad ku fantasiyayn. Waxaan is lahaa wuu ku raali galin, wuu kuu raaxayn, waanad ku rayn. Waxaan is lahaa wuu kuu naxariisan, wuuna ku nasin. Waxaan is lahaa wuu kula tashan, wuu ku tilmaami, waanu ku tiirin. Waxaan is lahaa wuu kula haasaawi, wuu kula hadli, waanu kula hawshoon. 

Ilayn haweenku hadal bay ku nool yihiine. Waxaan is lahaa jacaylkiina wuu kobcin doonaa, waanu kordhin doonaa. Waxaanse is lahaaba, waxba iimaad noqon. Haddii aad noqotayna, waxaad noqotay annaani. Sababtoo ah, hadh iyo habeen waxaad ka fikirtaa cuntadaada, cabitaankaaga iyo kufsashadayda.
Haa kufsashadayda, dareen godlin ma lihid, gacan salaax laguguma oga, gacaltooyana haba sheegin. Sidii aad waraabe tahay baad igu soo booddaa, luquntana isugu kay laabtaa, laabtana igaga dhacdaa, dabadeedna si arxan daran ii luf-luftaa oo aad iiga muraadsataa. Shanta carruura ee aan kuu hayaba waxaad igaga dhashay kufsi sharciyaysan. Uurka intii aan ku siday ilamaad xanuunsan, imanaad xannaanayn. Fooshaydii garabkayga ma aad taagnayn, gacantaydu kuma haysan, galiilyada aan qabana war umaad hayn, ee bannaanka ayaad iska joogtay. Mararna waabad iska maqnayd.

La soco Qeybta 2aad 

Waxaa Qoray Sheekadan: Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Sunday, 7 June 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 4aad:

Maxaa lagu xalliyaa Hab-dhaqanka aan fiicneyn ee carruurtu ku kacaan?

Waxaan hoos ku soo uruurineynaa dhowr tallaabo oo naga caawinaya inaynu xoogga saarno xalka mushkiladda taagan.

    1.    Tilmaan ka bixi mushkiladda taagan: tilmaan ka bixintu waa inaad xaddidid mushkiladda taagan, si qayaxan haddaan u dhigo; halkee cilladdu ka jirtaa? Waase noocee? Waalidka marka uu si weydiiyo qaabkan waxaa u fududaaneysa inuu soo xeero cilladda taagan, waxa ayna baranayaan habdhaqan kasta oo uu ilmuhu ku kaco oo dadka waaweyn aaney ku qancin ma dhihi karnaa waa mushkilad taagan, mise mararka qaar waa ka badbadis dadka waa weyni sameynayaan iyo madax adeeggooda?

Tusaale ahaan wiilkaagu aad buu u cayaar badanyahay oo guriga ayuu kor iyo bari ugu boodboodayaa, ama aad buu u weydiimo badanyahay, manta dhan wax kasta ayuu ku weydiinayaa waa maxay waxani? Yaa leh? Maxaa lagu qabtaa? Sidee loo isticmaalaa? Maxaa aqalkeena loo keenay? Iwm. Mushkiladda inaad xaddiddaa waxa ay ka dhigantahay inaad meesha ka saartay isticmaalka hababka barbaarinta taban ee aan horay usoo xusnay.
Tusaale kale: ilmahaaga yar waxa uu meel aan habbooneyn ku tuuray qobka muuska… waa cillad jirta laakin waxaanu ubaahanahay inaynu xaddidno cilladdan, waxaynu leenahay markaas: qobka muuska waxa uu sababayaa in lagu simbiririxdo kaddibne dhib ku yimaado qofka ku joogsaday.

     2.    Macluumaad sii ilmaha yar: mushkiladda jirta inaad macluumaad ku saabsan siisid ilmaha yar waxa ay ka dhigantahay inaad wax bareysid ama aad xasuusineysid, marka aad dhowr jeer casharkaas kusoo celcelisidne waxa uu ku dhagayaa maskaxda ilmaha yar si uu uga fogaado mushkiladahaas, isla markaana uu xoogga saaro xalkooda.

Inaad ilmaha yari macluumaadkaas siisid waxa ay dareensiineysaa masuuliyad, waxa ayna siineysaa kalsooni uu ku qabo inuu ka tallaabi karo habdhaqanka lagu diidanyahay, taa waxaa dheer inuu dareemayo in shakhsiyaddiisu weyntahay.
Tusaale ahaan; ilmahaagu waxa uu afka ku furaa gasacadaha cabitaanka lagu keeno, halki aad adeegsan laheyd hababki tabnaa ee kore, usheeg in dhaqankan uu wax u dhimayo ilkihiisa oo uu tabartooda daciifinayo.
   
    3.    Xal ukeen: mushkiladda inaad xaddidid waxa ay bareysaa wiilkaaga inuu barto halka sirtu ka quruntay, macluumaadka aad siisayne way usii xaqiijinayaan, waxa ka dhimman waxa ay noqonayaan inaad xalka tilmaantid.

Tusaale:
o   Qobka muuska waxaad ku riddaa qashinka
o   Gasaca waxaad ku furtaa furaha loogu talagalay
o   Khudaarta waxaa la cunaa marki aad iska meydhtid kaddib

    4.    Hadalkaaga soo gaabi: war dheer, tilmaan fara badan iyo macluumaad tira beel ah waxa uu ku keenayaa ilmaha inuu ka daalo oo uu ku caajiso hadalkaaga, sidaa awgeed markasta oo uu warkaagu koobanyahay wuu ka saameyn badanyahay kana qancin ogyahay warka dheer.
Hadalka kooban waxa uu siinayaa ilmaha farxad inuu dib isku qiimeeyo ah, jaanis uu ku fakari karo iyo inuu go’aan qaato si uu isbedel usameeyo.
Habdhaqankan waxa uu ilmaha ka kobcinayaa maskax ahaan iyo caqli ahaanba.

    5.    Dareenkaaga usheeg: inaad usheegtid dareenkaaga iyo ixtiraamka aad uheyso dareekiisa waxa ay ilmaha yar ka dhigayaan mid kuula fal gala si togan oo jaceyl xambaarsan, tanine waxa ay isku soo dhaweyneysaa nafsadda ilmaha iyo waalidka.

Qaabka aad dareenkaaga usheegeysid waxa uu noqon karaa adiga oo usheega waxa aad ka filaneyso, tusaale ahaan; ‘’waxaan kaa filanayaa inaad noqoto mid nidaamsan, dabeecaddiisu hagagsantahay, salaadaha dhowraya iwm’’. Ama ‘’waxaan kaa filanayaa inaad si naxariis leh ula dhaqantid walaashaa kaa yar’’.
Dareenkaaga markaad cabbireysid waa inaadan soo qaadin mowqifkaaga taban ee inankaaga hab dhaqankiisa aad ka taagantahay, dareenkaaga taban u daa hab-dhaqanka, dareenkaaga togane ilmahaaga taabsii. Ha isku qasin oo kala saar hab-dhaqanka inankaaga iyo shakhsiyaddiisa, waayo shakhsiyaddu waa waxa aynu rabno inaan dhisno, ee ma ahan inaan dilno, haddeynu shakhsiyaddiisa taabanno si toos ah ama si dadban waxaynu ku ridnay bohol ay adkaan doonto sida uu uga samata baxo.

Tusaale: waxaan ka xumaadaa inaan arko qolkaaga oo sidan isugu dhex yaacsan.
Waxaan ka rajeynayaa wiilkeyga aan jeclahay in qolkiisu noqdo mid habeysan oo qurux badan.

Lasoco Qeybta 5aad

Tuesday, 2 June 2020

QALINKAA WAX SUUREEYA


 Qeybta 3aad:

Wax akhrintu waa inay noo noqoto manhaj nololeed oo xataa ka sareaya hiwaayad, waxaana habboon inaaney ku soo marin maalin aadan wax akhrin. Akhrisku ma ahan wax uun iska akhri ee waa inuu ahaadaa mid hadaf wata, oo waxa aad akhrineysid faa'iido kugu biirinayaan. Isku day inaad gurigaaga ka sameysatid maktabad yar oo aad ku keydsato buugaagta. Akhri bil kasta ugu yaraan hal buug oo 200 bog gaaraya, kana baxsan takhasuskaaga. Caadada wax akhriska waxa ay faa'iido kale oo dheeriya uleedahay carruurteena aan barbaarineyno, waxa ay u tahay tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan. 

Waxaan aad u ammaanayaa dadaallo ay hor boodayaan dhalinyaro soomaaliyeed oo sanadihi u dambeeyay ku soo badanayay dalka iyagoo sameynaya naadiyaal wax akhris iyo maktabado guud oo degmooyin iyo magaalooyin badan laga hergeliyay, waxaa kaloo ammaan mudan bandhigyada buugaagta oo dalka kusoo badatay. Waa tallaabo in la dhiirigeliya mudan, waana inaan halkaas lagaga harine la gaarsiiyo aqalladeena, si dhaqanka akhrisku caado inoo noqdo.
Sawirkan kore waxa uu inoo muujinayaa qiimaha akhrisku leeyahay, waa sawir dadka reer Jabbaan ay ku barayaan carruurtooda in miisaanka saxda ah ee qofku leeyahay aaney aheyn inta kiilogaraam ee culeyska jirkiisa, balse uu yahay inta buug ee uu akhriyay. Bal eeg ilmahaas yar ee buugaagtaas waa weyn akhriyay ayaa ka miisaan badan (ka nafci badan) ninkan weyn ee buuran balse buuggaa yar uun akhriyay.

Akhrisku waxa uu yareynayaa waqtiga faraha badan ee aan ku lumino baraha bulshada, oo inta badan si macno darro ah aan u adeegsanno. Akhrisku waxa uu meesha ka saarayaa dabeecad ay dadka qaar caadeysteen oo ah inay kugu yiraahdaan: Waqtiga ayaan isku dhaafinayaa cayaartan ama baraha bulshada. Maya waqtiga ha is dhaafsiine kaga faa'iideyso wax ku anfaco adduun iyo aakhiro.

Akhrisku waxa uu kobciyaa garaadka akhristaha, awoodda wax falaanqeyn ee akhristaha, awoodda maskax-shiileed ee uu sameyn karo iyo aqoonta uu kororsanayo. Akhriskaaga badan waxa uu maskaxdaada ku beerayaa inaad macluumaadkaas faraha badan aad qoraal ka sameysid, wax falaanqeysid, islamarkaana faallo ka bixisid, markaas waxay maskaxdaadu foolaneysaa aqoonta ay rimantahay, waxaana umuliso unoqonaya qalinka. Haa waa qalinki aan ka soo hadleynay beryahan, halkaasne waxaa is weheshanaya buugaagtii faraha badneyd ee aad akhrineysay, maankaaga ay ka guuxayaan fikradaha, aqoonta, xikmadaha iyo qalinkii tarjumaanka u ahaa oo si farshaneysan aad ula wadaagtid baalasha warqadaha buugga aad wax ku qoreysid, dabadeed waxaa miraha ka dhasha macaankooda muudsanaya akhristayaasha qoraalkaaga ugu raaxeynaya maankooda ooman.

Waxaan rabaa qoraalkeyga kooban inaan ku soo gebagabeeyo maanso uu leeyahay abwaan Max’ed Ibraahim Warsame oo Hadraawi lagu garan ogyahay, waxa ay ku jirtay “Sirta nolosha” waxa ayna ka hadleysaa qalinka, buugga iyo aqoonta guud ahaan, waxa uuna yiri:

Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara-ku-hayntiisa
Weligaa ha sii deynin

Sisin iyo ku beer muufo
lyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabadda seeskeeda

Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka

Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan tobanka saamood leh
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mowdka
Dar samaysan baa yaalla

Erey sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo.

Heedhee Sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seemman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi

Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye
.”

                                                                           
-----DHAMMAAD-----

Monday, 1 June 2020

QALINKAA WAX SUUREEYA

 

Qeybta 2aad:

Waxaa sii lumaya adeegsiga, fahamka iyo akhriska suugaanta soomaaliyeed ee dhalinta maanta, taana waxey noo horseeday inaynu lumino faa’iidooyinka akhriska suugaanta oo aanan soo koobi karin. 
Waa marka horee, waa madaddaalo dareenkeenna sabaalisa. Marka labaadne aqoon baynu ka qaadannaa afkeena, hiddaheena iyo sooyaalka taariikheed ee aynu leenahay. Akhrisku waxeynu ku baranaa dad qalaad, dalal, dhaqammo, caadooyin iyo degaammo kuweenna ka geddisan oo laga yaabo inay na xiiso geliyaan. 

Sawirkan waxa uu dadka ku dhiirigelinayaa wax akhriska xataa haddey qaraqmayaan. Waxa uu ku yaalaa Singapore.

Afkeenu waxa uu leeyahay xeer iyo naxwe u gaar ah, kuwaasoo leh dhawaaqyo iyo astaamo ku saabsan afka, dhawaaqane waxaa lagu aqoonsadaa summado, balse taa uma sii daadagayoo waa bad aynaan kaga dhammaaneyn qoraallo gaaban iwm, waxaanse rabaa inaan inyar ila eegtaan tixdan soo socota oo ku saabsan murtida hadalka, waxaana tiriyay abwaankeeni weynaa AUN Xaaji Aadan Afqallooc:

Mataanaha xuruuftoo soddona waa midh waxa dheere
Hal waliba milguu leeyahoo odhaah ku muujaaye
Maskaxda iyo laabtiyo wadnaha meel kastaba ruuxa
Sida ilaha maaxduu xubnaha ugu mushaaxaaye
Xididdo murugsan mawjado bad ah iyo maylinaa wada’e
Dalqaduu ku kala miirmo buu mudan ku yeeshaaye
Hadba maanku wuxuu doonayaa soo mufhuum baxa’e
Kolkaasuu af lagu maamuliyo muhindis doonaaye”


Suugaanta soomaaliyeed siyaabo kala duwan ayey uga hadashay waxtarka qalinka tix iyo tiraab ba, tixda qaar aragnay, qaarne way kusoo xigtaaye, dhanka tiraabta aan inyar ka soo laacee waxaad waxyar ila eegtaan qoraal siduu u dheeli tiranyahay aad la ashqaraareyso, islamarkaana aad jecleysan doonto tilmaanta qalinka laga bixiyay, waa marka qalinka xaqiisa lagu laro maan fayow, loona maalo dararta maskax lashiilay inta akhrisaneysa, waa qoraa Aadan-cadde oo kaga faallooday qoraalkiisii “Naftii Hure”, isagoo noo suureynaya qalinka, waxa uuna yiri:

"Waa abuurane barakaysan oo la maamuusay. Wax Rabbi uumay isaga ayaa ugu horreeyay. Jiritaankiisa ayay sooyaalka dunida iyo aqoontuba abaal weyn u hayaan. Mucjisooyinkiisa ayay ka mid tahay in uu xidhiidhiyo afkaarta bani’aadamkii kumanyaal sano ka hor jiray iyo kuweennan hadda jooga. Insaanka dunida ku uummani muu is fahmeen haddii aanu isagu isku sidkin. Haddii aynnu jiritaankiisa dunida ka tirtirno waxa innoo soo baxaysa duni kale oo mugdi ah oo haddii indhaha faraha lagaa gelinayo aanad waxba arkaynin. Duni kala faquuqan oo aan af iyo fikir midna isku fahmin. Duni aan ujeeddo iyo ka-jeeddo toona lahayn oo qof walba ogaalkiisu yahay inta ishiisu gaadho oo kali ah. Qiimahaas uu dunida u leeyahay iyo waxtarkiisaas if iyo aakhiroba gaadhsiisan awgii ayuu Rabbi abuuraneyaasha isaga ugu hor abuuray islamarkaana magaciisa ugu dhaartay" (Aadan-cadde, 2016).

Lasoco Qeybta 3aad