Qeybta 4aad uguna dambeysa taxanaheeni
Diinta islaamka iyo gudniinka Gabdhaha
Diinta islaamka waxa ay waajib ka dhigtay gudniinka wiilasha, balse kama hadlin gabdhaha, dadka u ololeeya ama ku dooda in arrintaasi ka mid tahay sunnaha nabiga NNKH waxa ay soo daliishadaan xadiiskan ku qoran sunan abuu daawuud oo sheegaya: ummu cadiyah al-ansaariyah waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu ku yiri:
[أشمي ولا تنهكي، فإن ذلك أحظى للمرأة، وأحب إلى البعل]
micnaha waxa weeye: ''marka aad gudeysid gabdhaha ha wada jarin (kintirka), sidaa ayaa iyada u fiican ninkeedana jecelyahay''. Xadiiskan waa daciif, waana kan kaliya ee ay soo daliishadaan dadka muslimiinta ah ee gudniinka sameeya.
Haddii xataa aan ka soo qaadno in xadiiskan lagu dhaqmo waxa uu ka hadlayaa waa in la jaro qolofta ku dahaaran kintirka (koofida kintirka), ee ma ahan in la jaro kintirka laf ahaantiisa, waana nooca muslimiintu u yaqaaniin gudniinka sunniga ah. Waxaa kaloo jira qaar muslimiinta ka mid ah oo sunniga uyaqaan in la jaro Kintirka iyo faruuryaha yar yar, balse taasi waa mid aan hadalka ku jirin.
Inkastoo culimada muslimiinta ay isku khilaafsanyihiin jiritaanka wax la yiraahdo gudniinka gabdhaha, haddana waxa ay isku wada raacsanyihiin inaaney jirin nusuus cad oo diini ah oo ku sheegaya inuu sunno yahay gudniinka gabdhaha (iskaba daa waajib inuu yahaye). Arrinta kaliya ee ay ku soo daliishanayaana waa xadiiskaa daciifka ah.
Haddaba gudniinka gabdhaha dadka ku dhaqma waxa ay ku saleeyaan inuu yahay qeyb ka mid ah Diinta islaamka, iyagoo haddana sameynaya fircooniga oo culimada dhammaantood ay ka mideysanyihiin inuusan bannaaneyn. Culimada qaar ayaa sheegaya in gudniinka gabdhaha uu sharaf uyahay.
Ilaah SWT wax kasta waxa uu u abuuray xikmad uu isagu ogyahay, xubnahan laga jarayo gabadha waxaa ku jira xikmad uu ilaah ka leeyahay. Ilaah waxa uu quraankiisa meelo badan ku sheegay in abuurista bani aadamka uu u abuuray si aan nusqaan laheyn.
Diinteena waxa ay xaaraantinimeysay in abuurista ilaah wax laga bedelo, axaadiis iyo aayado fara badan ayaana arrintaa taabanayo, aan qaar ka soo qaadanno aayadahaas.
Ilaah waxa uu yiri:
(وخلق كل شيء فقدّره تقديرا)
suuratul furqaan, aayadda 2aad
Oo micnaheedu yahay: (Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyay)
(هو الذي يصوّركم في الأرحام كيف يشاء لا إله إلا هو العزيز الحكيم)
suuratu aala cimraan, aayadda 6aad
Oo micnaheedu yahay: (Waana "Eebbe" kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana casiis xikmad badan).
(لقد خلقنا الإنسان في أحسن تقويم )
suuratu altiin, aayadda 4aad
Oo micnaheedu yahay: (Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).
(لعنه اللهم وقال لأتخذنّ من عبادك نصيبا مفروضا** ولأ ضلنهم ولأمنينهم ولأمرنهم فليبتكن ءاذان الأنعام ولأمرنهم فليغيرنّ خلق الله ومن يتخذالشيطان وليا من دون الله فقد خسر خسرانا مبينا)
aayadaha 118 iyo 119 suuratul nisaa'
micnaheedu waa: (allaha naxariista ka fogeeyo, Waxa uu "Sheydaan" yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan abuurka Alle, ruuxii "Eebbe ka sokow" sheydaan wali ka dhigtaa khasaare cad buu khasaaray).
Aayadahan waxa ay inoo caddeynayaan in sheydaan uunan nasaneyn oo muslimiinta qaar ka mid ah uu amarro siinayo, haddii xoolaha dhegaha laga jarayo uu isagu amray dadka si ay abuurka alle u bedelaan maxaad ka oran laheyd akhristow xubnaha gabadha muslimadda ah laga jarayo dowrka uu ku leeyahay?
Axaadiis badan oo waxaa jirta ka hadlaysa in nabigu NNKH uu lacnaday dumarka timaha isku xariiriya, kuwa ilkaha fanaxda (fantaxda) usameeya iyo kuwa shabbadeynta sameeya (tattooing), dhammaantood waxa ay ku kaceen oo ay lacnaddaas ku muteysteen waa inay abuurka ilaah wax ka beddeleen, sideedana lacnad marka ay Meesha soo gasho waa arrin kabaa'irta ka mid ah. Sidaa awgeed in gabadha laga jaro xubnaha taranka waxa ay soo hoos galeysaa arrimaha wax ka beddelidda abuurka ilaah, waana amarrada sheydaanku dadka ku luminayo. Haddii gudniinka gabadha diinteeda iyo wanaaggeeda ku jiro nabiga NNKH ayaa inoo caddeyn lahaa, nana fari lahaa inaan ku dhakhsanno, balse taa caksigeed ayayba arrintu tahay.
Guurka waxa uu ilaah ugu talo galay in labada is qabtaa ku raaxeystaan, ma ahan iney isku dhibsadaan.
Ilaah waxa uu leeyahay:-
(ومن ءاياته أن خلق لكم من أنفسكم أزواجاً لتسكنوا إليها وجعل بينكم مودة ورحمة, ...)
Suuratu al-ruum, aayadda 21aad.
Micnaheeduna waa: (ilaah aayadihiisa waxaa ka mid ah inuu idiin abuuray xaasas si aad ugu xasishaan, waxa uuna dhexdiina dhigay kalgacal iyo naxariis).
Haddii gabadha la xubno jaro waxaa Meesha ka baxayo kalgaceylki ay u qaadi laheyd ninkeeda, maadaama dareenkeedi wixi saacidayay laga dabar gooyay, taana waxa ay ka dhigantahay in abuurista ilaah wax laga beddelay.
Isku soo wada xooriyoo arrinta gudniinka gabdhaha waxaan u kala saareynaa diiniyan laba qeybood:
1. Mid xaaraan cad ah oo culimada dhammaantood ay isku raacsanyihiin xaaraantinimadiisa, waana kan ku lug yeesha jaridda Xubin ka mid ah xubnaha taranka dumarka ee aan horey usoo sheegnay
2. Mid culimada qaar ay u arkaan mid aan dhib laheyn, waana kan khuseeya jaridda koofida Kintirka ama buuryada
Labada qeyboodba ma ahan wax diiniyan nala faray, aragtideydana waxa ay iigula muuqataa in loo baahanyahay in gebigoodba laga mamnuuco Dalkeena, maadaama gabdhaheenu waaya badan ay ku caddibnaayeen xubno goyn aan ku tilmaami karo inay tahay nolol duug lamid ah tii carabti jaahiliga ay ku sameyn jireen gabdhahooda oo ay nolosha ku duugi jireen.
Gabagabo
Marka aan si fiican u eegno dhammaan waxyaabaha aan ku soo uruurinay qormadan waxaa qof kasta maskaxdiisa soo maaxaneysaa jawaabta su'aasha ah; gudniinka faa'iido iyo khasaaro keebuu u keenaa gabdhaha? , dabcan dhib mooyee faa'iido haba yaraatee ma lahan nooc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waana arrin badanaa ku saleysan caado dhaqameed fool xun oo kumannaan sano soo socotay, waana qeyb ka mid ah caadooyinka islaamka uyaqaano jaahili, taa oo ood wadaag la ah nolol duuggii gaaladi carabta ku sameyn jireen gabdhahooda iyagoo aaminsanaa inay ceeb tahay in gabari kuu dhalato. Tan gudniinkana waxa ay dadku ku andacoodaan haddii aadan gabadha gudin ceeb ayay kuu keeneysaa, iyagoo ku sheega inaan xaaraanta laga jarin!!.
Waxa ay dhahaan dadka aan aqoonta badan laheyn: '' caado la gooyay caro alley leedahay ''!!, iyagoo isku dayaya inay kaa dhaadhiciyaan in waxani haddii aaney Diinta sal ku laheyn ay tahay dhaqankii ayeeyayaasheeni hore ku noolaayeen. Haddii dhaqanka ka horyimaado Diinta ama ummadda waxyeeleynayo waa iska caddahay inay waajib noqoneyso in la gooyo.
Waxa ay ila tahay in arrintani ubaahantahay wacyigelin qoto dheer oo ay iska kaashadaan culimada Diinta, dhakhaatiirta, aqoonyahannada, haweenka iyo saxaafadda, si loo joojiyo dhaqankan lidka ku ah nolosha gabdhaheena, weliba waxaa kaloo muhiim ah in dawladdu ka soo saarto sharci si cad u mamnuucaya nooc kasta oo gudniinka gabdhaha ah. Sidoo kale waxaa khalal weyn ka jiraa sida aragtideyda ah habka barbaarinta ubadka ee soomaalida, waana kan qeybta ugu weyn ka qaato sii socoshada dhaqankan gummaadka ah ee lagu hayo gabdhaheena, dadkeenana waxaa ka maqan habka saxda ah ee diinteena islaamka ina fareyso inaan carruurteena ku barbaarinno.
Gunaanadka qormadan waxaan waano toos ah u dirayaa waalid kasta oo Soomaaliyeed gaar ahaan hooyooyinka inay ilaahey ka baqaan, gabdhahoodana aaney ku ciqaabin dambi aaney galabsan, waxyaabaha marmarsiiyada ahna ay iska daayaan, waayo haddii gabadha sharafteedu ku jirto gudniinka qur'aanka ama sunnaha nabiga NNKH ayaa lagu qeexi lahaa, waxa uu ilaah leeyahay:
(ما فرطنا في الكتاب من شيء) suuratul ancaam, aayadda 38aad
Micnaheeduna waa: kitaabka waxba ugamaanan tegin.
Oo wax kasta oo danaheena adduun iyo aakhiraba ku jira waa inoo caddeeyay islaamka, sidaa awgeed hooyo kasta ha xasuusnaato in waxani aaney Diinta sal ku laheyn, gabadhaada wanaageedana waxa uu ku jiraa inaad raacdo sida diinteenu na amareyso, barbarian wanaagsanna aad ku barbaariso si ay hadhow baari kuugu noqoto.
Tixraaca qormada:-
1. Alexia Lewnes, ed (2005). "Changing a harmful social convention: female genital cutting/mutilation" (PDF). Innocenti Digest (Florence, Italy: Giuntina): 1–2. ISBN 88-89129-24-7. https://www.unicef.de/fileadmin/content_media/presse/fotomaterial/Beschneidung/Beschneidung.pdf. Retrieved 2007-12-24.
2. Clinical anatomy by regions. 8th edition. Richard S S.nell, MD. PhD
3. (PDF) Eliminating Female Genital Mutilation – An interagency statement OHCHR, UNAIDS, UNDP, UNECA, UNESCO, UNFPA, UNHCR, UNICEF, UNIFEM, WHO. Department of Reproductive Health and Research (RHR), World Health Organization. 2008.. http://www.who.int/reproductive-health/publications/fgm/fgm_statement_2008.pdf
4. S Elmusharaf; N Elhadi, L Almroth (2006-07-15). "Reliability of self reported form of female genital mutilation and WHO classification: cross sectional study". BMJ 333 (7559): 124. doi:10.1136/bmj.38873.649074.55. PMID 16803943
5. Definition used by the World Health Organization
6. "Female genital mutilation". World Health Organization. June 2000. http://www.who.int/mediacentre/factsheets/fs241/en/index.html. Retrieved 2008-01-23.
7. Frequently Asked Questions on Female Genital Mutilation (FGM)
8. Pieters, Guy, M.D.; Albert B. Lowenfels, M.D., F.A.C.S. (April 1977). "Infibulation in the Horn of Africa". New York State Journal of Medicine 77 (6): 729–731. http://www.cirp.org/pages/female/pieters1.
9. Razor's Edge – The Controversy of Female Genital Mutilation
10. Stop FGM in Kurdistan
11. "Female genital mutilation in Iraqi Kurdistan. Presented at the 1ère Journée Humanitaire sur la Santé des Femmes dans le Monde, Paris, France". Gynécologie sans Frontières. 27.03.2006. http://www.stopfgmkurdistan.org/html/english/updates/update003e.htm.
12. Skaine, R (2005). Female genital mutilation: Legal, cultural and medical issues. Jefferson, North Carolina, USA: McFarland. ISBN 0-7864-2167-3.
13. Monjok E, Essien EJ, Holmes L (April 2007). "Female genital mutilation: potential for HIV transmission in sub-Saharan Africa and prospect for epidemiologic investigation and intervention". Afr J Reprod Health (African Journal of Reproductive Health / La Revue Africaine de la Santé Reproductive, Vol. 11, No. 1) 11 (1): 33–42. doi:10.2307/30032486. PMID 17982946. http://www.bioline.org.br/request?rh07004.
14. Pepin J, Plamondon P, Alves AC, Beaudet M, Labbe AC (2006). "Parenteral transmission during excision and treatment of tuberculosis and trypanosomiasis may be responsible for the HIV-2 epidemic in Guinea-Bissau". AIDS 20 (9): 1303–11. doi:10.1097/01.aids.0000232239.05545.33. PMID 16816560. http://cat.inist.fr/?aModele=afficheN&cpsidt=17906484.
15. Komisaruk, B. et al.: The Science of Orgasm. JHU Press, 2006. For an interview with two of the researchers, see "Exploring the Mind-Body Orgasm", http://www.wired.com/medtech/health/news/2007/01/72325
16. Mah K, Binik YM: "Are orgasms in the mind of the body? Psychosocial versus physiological correlates of orgasmic pleasure and satisfaction". Journal of Sex and Marital Therapy 31:187–200, 2005.
17. Hanny Lightfoot-Klein. "Prisoners of Ritual: Some Contemporary Developments in the History of Female Genital Mutilation," presented at the Second International Symposium on Circumcision in San Francisco, Apr. 30-May 3, 1991.
Wabillaahi tawfiiq…
Dhammaad
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
Mareeg lagu soo bandhigo aqoon la xariirta caafimaadka, dhaqanka, sheekooyin iyo madadaalo.
Monday, 13 September 2010
Tuesday, 7 September 2010
Gudniinka gabdhaha
Qeybta 3aad…
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com
Waxyeellada gudniinka gabdhaha
Caafimaadka:-
Da'da badanaa ay sameeyaan waa inta udhexeysa 4 ilaa 8 sano, balse waxa uu dhici karaa da' kasta laga billaabo ilmanimada ilaa qaan gaarka. Habka loo maro falkaas waxa uu keeni karaa waxyeello deg deg ah sida:-
o Xanuun daran
o Shook
o Dhimasho
o Dhiig bax xad dhaaf ah
o Teetano
o Kaadida oo ku xiranta
o Nabarro ka soo baxa xubnaha taranka
o Caabuq ama infekshan ka dhasha qalabka oo aan la jeermis dilin
Waxyeellada kale ee waqtiga dheer soconaya waxaa ka mid ah:
1. Infekshannada ku dhaca hab dhiska kaadida iyo taranka: waxaana keena xirmidda waddadi ay mari lahaayeen kaadida iyo dhiigga caada
2. Madhaleysnimo
3. Boog hoosaad ka soo baxda maqaarka: gaar ahaan gudniinka ku lug yeesha kintirka. Boogahaas waxa ay keeni karaan caabuq u baahda fara gelin caafimaad.
4. Marka ugu horreysa ee ay galmo sameyso gabadha waxaa soo waajahaya xanuun aad u badan, taasoo qasab ka dhigeysa in la furo bushimaha waa weyn. Mararka qaar waxaa dhacda in ragga ay nolosha la wadaagayaan ay middi soo qaataan isla markaana furaan, taas oo keeni karta dhibaato badan.
5. Gabadha la mariyay gudniinka fircooniga ah waxaa dhacda in ay dhibsato galmada hammiga jinsiga oo yaraada awgii.
6. Dhalmada oo ku adkaata: maadaama xubnihi ay ilmuhu soo mari lahaayeen qaarkood lagu gummaaday gudniinka, waxaa dhacda iney dhib weyn kala kulanto foosha iyo ilamaha soo bixiddooda, weliba si aad ah loo jar jaro jirkeeda.
Bishi juun 2006 daraasad ay sameysay WHO waxa ay shaki ka muujisay badbaadada jaridda xubnaha taranka nooc kasta oo ay ahaato. [5] Daraasaddan oo lagu sameeyay 28,393 dumar ah oo jooga qolalka dhalmada 28 xarun umulin oo ku yaala dalalka Burkiina faaso, Gaana, Kenya, Sinigaal iyo Suudaan. Waxaa la adeegsanayay nooca daraasadeed ee loo yaqaan cohort. Tiro badan oo hooyooyinkaas ka mid ah waxa ay soo mareen FGM. Sida ku cad cabbirka (criteria) WHO, dhammaan qeybaha kala duwan ee gudniinka gabdhaha waxa ay leeyihiin halis sii kordheysa oo ah dhimashada ilmaha dhalanaya (15% Nooca 1aad, 32% Nooca 2aad, and 55% Nooca 3aad). Hooyooyinka lagu sameeyay Nooca 3aad ee gudniinka 30% waxa ay halis u yihiin in lagu sameeyo qalliin si carruurta looga soo saaro, isla markaana uu kordhaayo 70% inuu la soo gudboonaado dhiig bax kaddib dhalmada marka loo eego dumarka aan lagu sameynin gudniinka. Qiyaaso kale oo aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in kunkiiba 10 ilaa 20 carruurta dhalaneysa ee afrika ay dhintaan xilliga foosha sababo la xariira gudniinka hooyada.
HIV: waxaa jira ilaa xad cilmi baaris yar oo laga sameeyay saameynta ay jaridda xubinta taranka dumarka ku leedahay faafidda jeermis dhaliyaha keena Aydhiska loona yaqaan HIV.[13] Daraasadaha qaar ayaa sheegaya inay jirto halis sii kordheysa oo jeermis dhaliyaha HIV uu ku hayo dumarka lagu sameeyay gudniinka. [14]
Saameynta galmada: saameynta uu gudniinka ku yeesho waaya aragnimada dhanka galmada ee dumarka waa mid kala duwan. Gudniinka Meesha kama saaro dhammaan dareenka, balse waxa uu hoos u dhigaa suuragalnimada inay dhacdo waxa loo yaqaan ''ruxanka galmada" ama (biyo bax). Dareenka ka dhasha galmada waa fal aad u adag oo ay ku lug leeyihiin shabakad weyn oo dareenwad ah oo ku yaala gudaha iyo hareeraha Cambarka, faruuryaha waaweyn iyo kuwa yar yar, afka ilma galeenka, ilma galeenka iyo Kintirka, taa waxaa sii dheer falgal nafsiyadeed iyo fikirka oo dowr weyn ka qaato. [15][16]
Saameynta nafsadda: laxawga ka dhasha gudniinka waxa uu gabadha ku reebaa xasuus naxdin leh, waana mid waqti dheer socota, soona noq noqota, waxayna ka dhalataa jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta oo ay ummusho.
Waa maxay qiilka ay heystaan dadka u ololeeya gudniinka gabdhaha?
Marka laga soo tago inay diin ku saleeyaan waxaa dad badani ku sheegaan caado fiican oo gabadha u horseedeyso inay noqoto gabadh Deggen oo asluub leh, haddii aan la gudinna ay gabadhu fud fudeyd badnaaneyso, ugu damebyntina ay ceeb u keeni karto reerkeeda, waayo ayey leeyihiin cadka aan laga jarin ayaa sabab u ah. Sidoo kale waxyaabaha ay ku saleeyaan waxaa ka mid ah in gudniinka uu ilaalinayo gabadhnimadeeda.
Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu qoslo marka lasoo Hadal qaado waxaa ka mid ah, in dadka qaar aaminsanyihiin haddii aan la jarin Kintirka gabadha uu dheeraanayo ilaa xad uu ka soo baxo booska uu ku yaal. Khabiirka lagu magacaabo Hanny Lightfoot-Klein, oo sanado badan ku qaatay dalalka Kenya, Masar iyo Suudaan ayaa sheegay in ''Suudaan laga aaminsanyahay haddii aan la jarin kintirka uu korayo dherer la eg qoorta boola boolada ilaa uu ka soo raaracsado ama ka soo lusho lugaha dhexdooda, isagoo u tartamaya xubinta ragga (guska). [17]
Dhammaan waxyaabaha ay soo daliishadaan ma ahan wax sal kutaagan, waxa ayna ubadanyihiin caadatul qoom ama dhaqan ahaan, waana mid loo baahanyahay in bulshada laga dabar gooyo maadaama dhib mooyee aan dani ugu jirin gabdhaha dhibbanayaasha ah.
La soco Qeybta 4aad iyo usbuuca dambe inshaa allaah

Tuesday, 31 August 2010
Gudniinka gabdhaha
Qeybta 2aad...
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com ama insi12@hotmail.com
Noocyada Gudniinka Gabdhaha
Sida uu u dhigay ururka caafimaadka adduunka (WHO), Jaridda xubinta taranka ee dumarka (FGC) waxa ay ka koobantahay dhowr qeybood. Waxyeelladeedana waxa ay ku xirantahay hadba inta unug ee laga jaray xubinta taranka. WHO iyadoo adeegsaneysa erey bixinta ah FGM waxa ay uqeybisay 4 qeybood oo waa weyn [3], inkastoo ay doodi ka jirto in dhammaan gudniinka gabdhaha ay hoos imanayaan afartaan qeybood iyo arrinta la xariirta kalsoonida xogaha la hayo. [4]
Nooca 1aad: WHO waxa ay qeybta kowaad ka dhigtay in ''si buuxda ama bar ah loo jaro kintirka (clitoridectomy) iyo/ ama qolofta ku dahaaran (koofida kintirka) (clitoral hood)''; noocan waxaa loo sii kala qeybin karaa qeyb hoosaadyadan:
Ia: in la jaro koofida kintirka oo qura (taasoo aragtiyada qaar leeyihiin waa mid udhiganta gudniinka ragga)
Ib: in la jaro kintirka iyo qoloftiisa. [3]
Nooca 2aad: WHO waxa ay ku qeexday nooca 2aad: ''jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar iyo/ama jaridda bushimaha waa weyn''. Sidoo kale noocan waxaa loo sii kale qeybin karaa:-
IIa: jaridda bushimaha yar yar kaliya
IIb: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar
IIc: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka, bushimaha yar yar iyo kuwa waa weyn. [3]
Nooca 3aad: jarid iyo giijin (tolid)
WHO waxa ay ku qeexday nooca 3aad: '' in la yareeyo afka unugga dhalmada iyo galmada (cambarka) iyadoo lagu abuurayo dabool sijilaateysan oo laga keenay jaridda iyo dib u meeleynta bushimaha yar yar iyo/ama bushimaha waaweyn, iyadoo ay la socoto ama aaney la socon jaridda kintirka (jarid iyo giijin)''. [5] Waa habka ugu ballaaran ee curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka, waxa uuna gaarayaa 10% dhammaan noocyada kale, waxaana lagu sheegay qaaradda Afrika. [6] Noocan jaridda iyo giijinta isugu jira waxaa loo yaqaan gudniinka fircooniga ah. [7]
jaridda iyo giijinta waxa ay saameysaa unugyo ballaaran oo ka tirsan xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal, waxaana ka mid ah: faruuryaha yar yar gebi ahaantood iyo qeybaha gudaha xiga ee faruuryaha waa weyn. Dabadeedne bushimaha waaweyn ayaa la isku tolaa iyadoo la adeegsanayo qodax ama waxyaabaha wax lagu tolo. Kaddibna waxaa la isku xiraa labada lugood ee gabadha muddo 2-6 todobaad ah si looga hortago dhaq dhaqaaq iyo in loo saamaxo inay reystaan labada dhinac ee xubinta taranka, muddadaas waxay gabadhu dhib badan kala kulantaa kaadida, saxarada iwm, waayo dhulki oo dhan ayaa la wada jaray oo dhaawac ah, luguhna way isku xiranyihiin. Waxba ma soo harin, darbiyo hilib la jar jaray ah uun baa usoo haray, ka soo billaw bisaqa (shuunka) ilaa futada (halka laga saxaroodo) !!!, waxa keliya ee loo reebay waa dalool aad u yar oo qeybta hoose looga tago si ay uga soo baxaan kaadida iyo dhiigga caadada. Falkan sameyntiisa waxaa lagu sameeyaa miyi iyo magaalo, waxaase sii daran miyiga oo aqoon la'aanta baahsan ee ka jirta ay saacideyso sii socoshadiisa, waxaana fuliya dumarka waa weyn ama umuliso dhaqmeedka tuulooyinka jooga, iyadoon la isticmaalin qalab la jeermis dilay iyo kabaabiso. [8]
Mar kale ayaa la furaa giijintaas xilliga arooska ay galeyso gabadha, marka ay foolaneyso ama xilliyada qaar marka ay dhibaato kala kulanto soo bixidda dhiigga caadada. Marka ay dhaleyso gabadha la mariyay gudniinka noocan ah, unugga dhalmada ee la jar jaray uma fidsamayo sida dumarka kale ee aan la googoyn xubnahooda, dabadeedne dhakhaatiirtu waxa ay ku qasbanaanayaan inay gebi ahaan furaan giijintaas, badanaana waxaa dhacda in dib loo giijiyo kaddib dhalmada.
Nooca 4aad: wixi ka duwan qeybaha aan horey usoo sheegnay waxa ay soo wada hoos galayaan qeybta 4aad. Ururka caafimaadka adduunka WHO waxa uu ku qeexay qeybta 4aad: ''hab kasta oo waxyeeleynaya xubnaha taranka dumarka iyadoo aaney jirin sabab caafimaad oo keentay, tusaale ahaan waxaa ka mid ah; daloolin, wax ku mudid, jarid, xoqid iyo gubid''.[3] Noocan 4aad waxaa asal ahaan lagu arkay qaar ka mid ah bulshoodyinka sinji ahaan ka go'an dadyowga kale ee dunida ku nool.
Baahsanaanta Gudniinka Gabdhaha
Hay'adda u doodda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxa ay ku qiyaastay in inkabadan 130 milyan oo dumar ah uu saameeyay nooc ka mid ah noocyada gudniinka gabdhaha, iyadoo in kabadan 3 milyan oo kalene ay halis u yihiin in lagu sameeyo gudniin sanad kasta.
Afrika ku dhawaad 92 milyan oo ah gabdho da'doodu tahay 10 jir iyo ka badan ayaa la qiyaasay in lagu sameeyay gudniinka, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka. Xubno jaridda gabdhaha waxaa si weyn looga isticmaalaa 28 dal oo afrikaan ah. [9] Waxa uuna caan ka yahay dalalka ku yaal inta udhexeysa Sinigaal (galbeed) ilaa xeebta afrikada bari (bari), iyo sidoo kale Masar (waqooyi) ilaa Tansaaniya (koonfur). Sidoo kale waxaa lagaga dhaqmaa qeybo ka mid ah jasiiradda carabta. Dalka ugu badan caalamka ee lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha waa Masar, waxaana xiga Suudaan, Itoobiya iyo Maali.
Daraasadaha qaar waxa ay tilmaamayaan sidan hoos ku qoran:
L Dalka laga isticmaalo Tirada %
1 Masar 97%
2 Suudaan 90%
3 Itoobiya 80%
4 Maali 92%
5 Eretereeya 89%
6 Burkiina faaso 77%
7 Muuritaaniya 71%
8 Ivory coast 45%
9 Sinigaal 28%
10 Jaad 45%
11 Jamhuuriyadda Afrikada dhexe 36%
12 Kenya 32%
13 Yemen 23%
14 Nayjeeriya 19%
15 Benin 17%
16 Tansaaniya 18%
17 Gaana 5%
18 Nayjar 5%
19 Soomaaliya Lama hayo
20 Jabuuti Lama hayo
21 Jam. Dim. Koongo Lama hayo
22 Yugaandha Lama hayo
23 Togo Lama hayo
24 Laybeeriya Lama hayo
25 Siraalyoon Lama hayo
26 Gaambiya Lama hayo
Soomaaliya iyo jabuuti waxa ay ku jiraan dalalka sida xad dhaafka ah u adeegsada gudniinka gabdhaha gaar ahaan Nooca loo yaqaan fircooinga. Sida ku cad daraasadaha qaar waxa ay ku jiraan dalalka kor udhaafayo 95% heerka isticmaalkooda.
Gudniinka gabdhaha waxaa afrika ku dhaqma bulshooyin kala caqiidooyin duwan. Jasiiradda carabta waxaa ka jira nooca 1 & 2aad, waxa ayna ugu yeeraan gudniinka sunniga ah, gaar ahaan carabta afrikaanka ka soo jeeda. Waxa uu si gaar ah uga dhacaa noocan waqooyiga sacuudiga, koonfurta jordan iyo waqooyiga ciraaq (Kurdistan) [10][11]. Waddamada khaliijka waxaa ku dhaqma bulshooyinka ka yimaada bariga afrika iyo dooxada niil. Meelaha kale ee ay ka dhacaan waxaa ka mid ah; dhulka xeebaha Yemen, deegaanno ka tirsan Indoniisiya, bartamaha Seerbiya, dadka muhaajiriinta ah ee tegay Ustareeloya iyo Yurub. Balse sharciyada adag ee arrintaa ka yaala awgood aad ayay u yartahay inta xaalad ee la ogaado waqtiyadan dambe, waxa ayna sameeyaan xilliyada ay fasaxyada ku tagaan dalalka ay marki hore ka soo hayaameen.
Curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka (FGM) waxa ay socotay muddo dheer ka hor diimaha islaamka iyo kiristanka. Waraaqo ay leeyihiin giriiggi hore oo taariikhdoodu u noqoneyso 163 sano ka hor billaabashada taariikhda miilaadiga (dhalashadi nabi ciise (cs)) ayaa sheegaya in gabdhaha masaarida ahi lagu sameeyo gudniin, isla markaana gudniinka asalkiisa uu ka yimid Masar iyo dooxada Niil waqtigii faraacinta. Sidoo kale waxaa jira caddeymo laga helay meydadki faraacinta oo muujinaya inuu jiray gudniinka gabdhaha noocyada 1 &3aad. [12]
La soco Qeybta 3aad iyo salaasada soo socota inshaa allaah

Tuesday, 24 August 2010
Gudniinka gabdhaha
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com ama insi12@hotmail.com
Qeybta 1aad…
Qeybaha ay ka koobantahay qormada:-
1. Gogoldhig
2. Maxaa loo yaqaan gudniinka gabdhaha?
3. Xubnaha taranka dumarka:
a. Xubnaha taranka ee gudaha ku jira
b. Xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal
4. Noocyada Gudniinka Gabdhaha:
i. Nooca 1aad
ii. Nooca 2aad
iii. Nooca 3aad
iv. Nooca 4aad
5. Baahsanaanta Gudniinka Gabdhaha
6. Waxyeellada gudniinka gabdhaha
7. Waa maxay qiilka ay heystaan dadka u ololeeya gudniinka gabdhaha?
8. Diinta islaamka iyo gudniinka gabdhaha
9. Gabagabo
Gogoldhig
Mahad oo dhan waxaan leh allaah SWT oo ii suura geliyay inaan si guul leh ku dhammeeyo qormadan, isla markaana aan ku saleeyo cilmi iyo xaqiiq jirta. Nabad gelyo iyo naxariisna dushiisa allaha yeelo nabigeena suuban Muxammed (NNKH), oo inoo caddeeyay wax kasta oo badbaadadeena ku jirto adduun iyo aakhiro, intaa dabadeed.
Qormadan waxa ay si faah faahsan uga hadleysaa gudniinka gabdhaha si guud, anigoo soo badnhigi doona marka ugu horreysa kuwa ay yihiin xubanaha lagu dabar gooyo waxan loogu yeero gudniinka gabdhaha, noocyada uu uqeybsamo oo ku saleysan qeybinta ururka caafimaadka adduunka, waxaa kale oo aan si fiican uga hadli doonaa dhaqankan gummaadka ku saleysan meelaha ugu badan oo uu caalamka ka jiro, waxyeelladiisa caafimaad iyo nafsiyadeed, ugu dambeyntina waxaan soo bandhigayaa Diinta ma raad bay ku leedahay mise waa la masabidayaa?
Qormadan waxaan rajaynayaa inay aad ugu qanci doonaan dadkeena Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaheena oo loogu sheekeeyo in lagu daahirinayo gudniinka, waxaana aaminsanahay in dad badan oo u dagaalama gudniinka gabdhaha ay xaqiiqda aan soo bandhigayo garowsan doonaan, ayna u horseedi doonto inay ka tanaasulaan waxyeeleynta gabdhahooda, waxaana filayaa in si fiican loo fahmi doono in waxa aan ka hadlayo uunan ahayn gudniinka fircooniga ah ee uu yahay gudniinka gabdhaha guud ahaantiisa, anigoon u kala saareyn fircooni iyo kan kale oo ay ugu yeeraan sunni!, waana garowsanahay in dad badan ay ku noqon doonto wax ay qaadan waayaan, waxaanse diyaar u ahay inaan qof walba kala doodo si cilmiyeysan, inagoo isasoo hordhigeyno wax kasta oo daliil noqon kara, dhanka Diinta iyo dhan kasta oo horseedi kara inaan walaalahey ku qanciyo xaqiiqda aan indhaha la iska tiri karin ee ku saabsan gudniinka gabdhaheena.
Maxaa loo yaqaan gudniinka gabdhaha?
Gudniinka gabdhaha waxaa caalami ahaan loo yaqaanaa FGM oo laga soo gaabiyay ''Female Genital Mutilation'' macnaheeduna waxa weeye: curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka ee dumarka.
Taageerada ereygan FGM waxa ay soo baxday daba yaaqadii todobaatameeyadi. Sanadki 1990ki ayaa ereygan FGM waxaa lagu qaatay shirweynihi 3aad ee IAC (Inter-African Committee) ee dhaqamada aafeeya caafimaadka dumarka iyo dhallaanka oo ka dhacay Addis Ababa; sanad kaddibne waa 1991kiye WHO (ururka caafimaadka adduunka) ayaa sheegtay in QM (qaramada midoobay) ay qaadatay erey bixintaas.[1]
Erey bixinnada kale ee isla arrintan loo adeegsado waxaa ka mid ah:-
Female genital cutting (FGC) = jaridda xubinta taranka dumarka
Female circumcision = gudniinka dumarka
Xubnaha taranka dumarka
Xubnaha taranka dumarka waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah:
Xubnaha taranka ee gudaha ku jira: waxaa ka mid ah; ugxan sidayaasha (ovaries), tubooyinka ilma galeenka (uterine tubes), ilma galeenka (uterus) iyo Cambarka (vagina) ama siilka (marka laga reebo afkiisa oo ka tirsan qeybta bannaanka).
Xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal: waxaa ka mid ah; afka daloolka Cambarka (vaginal orifice), faruuryaha yaryar iyo waaweyn (labia minora and majora), iyo Kintirka (clitoris). [2]
Waxa aan ka hadli doonaa haddii ilaah yiraahdo xubnaha uu saameeyo gudniinka ama xubno jaridda gabdhaha loo geysto waana kuwa bannaanka ku yaala.
1. Kintirka: waxa uu ku yaalaa qeybta ugu sarreysa dhismaha bannaanka ee taranka dumarka ama halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu inyar ka sareeyaa daloolka kaadida, waxa uuna udhigmaa xubinta galmada iyo kaadida ee ragga (guska), marka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, qaab dhisme ahaane wuu u egyahay. Madaxiisuna waxa uu ku hoos qarsanyahay qolofta ama koofida ku dahaaran kintirka ee loo yaqaan buuryada (prepuce), waxaana ku dhex jira xididdo fara badan oo dhiigga qaada.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno qaab sameysanka iyo Shaqada xubintan waxaan ubaahannahay inaan inyar qooraansanno anatamigeeda.
Salka Kintirka: waxa uu ka sameysanyahay 3 kuus oo unugyada dareenka kacsiga wada ah, waxaana lagu magacaabaa bulb of vestibule (kuuska kanaalka), iyo labada lugood ee bidix iyo midig ee Kintirka. Kuuska iyo labada lugood waxa ay la mid yihiin kuwa guska oo isla magacaas wata.
Jirka Kintirka: waxa uu ka koobanyahay labada jir boholaad (corpora cavernosa) oo ay ku daboolanyihiin murqaha loo yaqaan ischiocavernousus.
Madaxa Kintirka: waa kuus yar oo unugyada kacsiga wata, koofina u ah jirka Kintirka, waxa uuna leeyahay dareen wadayaal aad u fara badan oo ka qeyb qaata dareenka macaansiga, waxa uuna qeyb ahaan ku hoos jiraa buuryada (prepuce).
Guud ahaan Kintirka shaqadiisu waa mid dowr weyn ku leh dareenka macaansiga galmada ee dumarka. Marka uu kaco waxaa labada faruuryood ee waaweyn ka soo buuxsama dhiig, qanjirraduna dheecaan ayay soo daayaan si ay ufududeeyaan howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaan ee galmada.
2. Cambarka (siilka):-
Waa tubo muruq ah oo xariirsan laga soo billaabo afaafka hore ee ilma galeenka ilaa daloolka bannaanka ah ee siilka, dherer ahaan waxa uu gaarayaa 8 ilaa 9 cm (sentimitir), waana xubinta galmada iyo dhalmada ee dumarka, waxaa kale oo uu u shaqeeyaa qaab wasakh saarid xilliyada caadada iyo umusha. Afka daloolka cambarka gabadha aan weli guursan waxaa ku yaala xuub jilcan oo loo yaqaan xuubka bikaarada, dhexda ayuuna ku leeyahay dalool uu soo maro dhiigga caadada, xuubkan badanaa waxa uu dillaacaa galmada ugu horreysa, isagoo ka jeexma dhanka hoose ee xigta futada ama dhanka hoose dhinac. Daloolkaas waxa uu udhexeeyaa daloolka kaadida iyo futada (halka laga saxaroodo).
3. Faruuryaha waaweyn:-
Waa laba laalaab oo maqaar ah, labada dhinacna ka xiga daloolka Cambarka, waana maqaar timo ka soo dhashaan, waxa ay ka soo billowdaan halka loo yaqaan bisaqleyda socotana ilaa meel in yar ka sareysa halka laga saxaroodo, halkaa oo ay ku kulmaan labada lakab. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin qeybo xeyr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal ah oo aad u sareeya. Waxaa kale oo ku dhex jira xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.
4. Faruuryaha yaryar:-
Waa laba laalaab oo maqaar khafiif ah, kuna yaala inta udhexeysa faruuryaha waaweyn iyo daloolka Cambarka, waxa uuna xigaa gudaha, mana lahan wax tin ah, waxaana laftooda soo gaara dhiig aan yareyn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxa ay ku kulmaan xuubka bikaarada gadaashiisa waxaana loo yaqaanaa fourchette, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxaa ku dhex yaala daloolka kaadida (dhanka sare) iyo kan Cambarka (dhanka hoose).
Waa maxay kaalinta uu cayaaro dhiigga imaanaya unugyada taranka?
Inkastoo ay tahay arrimo isku wada xiran oo lab iyo dhedigba ay wadaagaan, lehna waxyaabo kiciya (dhiiri geliya), sida aragga, codka, urta, taabashada iyo kuwo kale, haddana dhammaantood waxa ay isugu soo biyo shubanayaan dareen wadka maqaarka iyo xubnaha taranka ku yaal oo masuuliyadda ugu dambeysa ee gudbinta iska leh. Xididada dareenkaas wada ayaa ugu dambeynti waxaa ku biiraya kuwa dhiigga ku quudiya xubnaha taranka ee loo yaqaan internal pudendal arteries, waxa ayna faracyo badan ku leeyihiin unugyada dareenka kacsiga wada. Marka ay shaqo ahaan isla qabsadaan xididdada dhiigga iyo kuwa dareen-wadka waxaa dhacaya in la ballaariyo dhex roorka kuwa dhiigga ku shubaya xubnaha taranka oo uu dhiig fara badan ku hooro unugyada dareenka kacsiga (erectile tissues), dabdeedna jir boholaadka (corpora cavernosa) ayaa waxaa ka buuxsamaya dhiigga wayna fidsamayaan, taasna waxay keeneysaa in la cadaadiyo xididada dhiigga ka soo qaada xubnahaas taranka. Tan micnaheedu waxa weeyaan in dhiiggi ka baxayay unugyada dareenka kacsiga la xayiray, taasoo cadaadiska sii badineysa. Halkaas markey arrintu mareyso Kintirka iyo unugga galmada ragga (guska) labaduba waxaa u kordhaya dherer iyo ballac waana waxa loo yaqaan kacsashada (erection).
La soco Qeybta 2aad iyo todobaadka dambe

Tuesday, 13 July 2010
Waxyeellada sigaarka iyo buuriga
Waxyeellada sigaarka iyo buuriga
Qeybta 3aad….
Diinteena islaamka maxay ka qabtaa sigaarka?
Culimadi hore ee muslimiinta ee waa weynaa kama aaney hadlin tubaakada, maadaama ay tahay wax dunida ku cusub oo dhowr qarni uun laga joogo marki uu billawday isticmaalkeeda, balse fuqahada mucaasariinta ah ayaa inbadan ka hadlay aaraa' fara badana ka dhiibtay, isagoo mid walba uu ku salaynayo sida uu ufahmay waxyeelladeeda.
Diinta islaamka si guud ayay uga hadashay waxyaabaha xaaraanta ah; culimada fiqhiga ee diinta islaamka dhowr ra'yi ayay ka kala qaateen sigaarka, qaarbaa yiri waa xaaraan, qaarna waxa ay yiraahdeen waa karaahi, halka qaarna ay ku gaabsadeen inaaney haynin wax xaaraan ka dhigaya. Balse khilaafyadaa faraha badan ma galaynee waxaan ku soo gaabsan doonaa adillada taabanaysa arrintan ee kitaabka iyo sunnada nabiga (NNKH).
1- Dhibta uu ukeenayo nafta:-
Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay:-
[ولاتلقوا بأيديكم إلى التهلكة ] سورة البقرة (195)
Aayaddaa kor ku qoran waxa uu Alle ku leeyahay: ''naftiina haku ridina halaag''.
[ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيماً] سورة النساء(29)
Naftiinna ha dilina maxaa yeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan.
Sigaarka qofka cabba waxa aan soo aragnay in nafsaddiisa uu geliyo dhib u horseeda inuu halaag ku rido, taasoo ah in cudurro halis ah ku dhacaan. Sidaa awgeed waxa uu ka hor imaanayaa mid ka mid ah waxyaabaha diinta ay ku magacado shanta daruuro oo loo baahanyahay inaan dhowrno, oo ah nafta. Waxa ayna kala yihiin: diinta, nafta, caqliga, maalka iyo dhasha.
2- Hantida ku lumayso sida macni darrada ah:-

[................ ولا تبذّرتبذيراً* إن المبذّرين كانوا إخوان الشياطين وكان الشيطان لربه كفوراً] سورة الإسراء (27).
Micnaha aayaddani waxa weeyaan:'' ha ku cayaarin hantida cayaarid, kuwa maalka ku cayaara waa shayaadiinta walaalahood, shaydaankuna waa mid ku kufrin badan rabbigiis''.
Sidaan ogsoonahay sigaarka waxaa uga baxdo dadka cabba lacag aad u badan, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa in qofka sigaarka cabbaya uunan hanti badan lahayn, naftiisana ay ubaahantahay ama carruurtiisa iyo ehelkiisa, taasna diiniyan waa khalad. Xataa haddii uu lacagtaa awooddeeda leeyahay waxaa jira malaayiin muslimiin ah oo ku gaajoonaya dunida daafaheeda, ma daw baa inuu balwaddan ku bixiyo lacag uu gaajada uga bi'in karo kumannaan muslimiin baahan?!!
Meelaha kale ee na tusinaya xaaraantinimadiisa waxaa ka mid ah: in sigaarka laga soo dhoofiyo waddan gaalo ah oo cadaawad kala dhexeyso muslimiinta, lacagtaas oo keenayso inuu ku awoodaysto dalkaas, hadhowna u adeegsado muslimiinta.
Maadaama uu sigaarku wax udhimay laba kamid ah daruuraadka islaamka, waa xaaraan isticmaalkiisa iyo ka ganacsigiisa, sida ay qabaan fuqahada ugu waa weyn muslimiinta.
3- Habbiso ayuu leeyahay:-
Eeg xadiiskan ay warinayso hooyada mu'miniinta Ummu salama.
عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ قَالَتْ: نَهَى رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ كُلِّ مُسْكِرٍ وَمُفَتِّرٍ. سنن أبي داود
''Waxa uu nabigu reebay wax kasta oo wax sarqaamiya, habbisana keenaa”. Xadiiskan ayaa nagaga filan xaaraan noqoshada sigaarka, haddii uunan wax sarqaamin xataa waxa uu keenaa habbiso.
Adillada diinta islaamka aan ka helaynaa aad ayay u fara badanyihiin, waxaana ka mid ah:
[ الّذين يتّبعون الرّسول النبيّ الأمّيّ الّذي يجدونه مكتوباً عندهم فى التّوراة والإنجيل يأ مرهم بالمعروف وينهاهم عن المنكر ويحلّ لهم الطّيّبات ويحرّم عليهم الخبآئث ....................الآية] سورة الأعراف (157)
Ilaahay wuxuu yiri: “Kuwa raacaya Rasuulka, Nebiga ummiga ah oo ay agtooda ka helayaan, isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka, kaasoo faraya waxa san kana reebaya waxa xun, una xalaalaynaya waxyaalaha wanwanaagsan kana xarrimaya waxyaalaha xunxun”.
Sidee loola dagaallami karaa sigaarka iyo guud ahaan tubaakda?
In lala dagaallamo buurida waa wax lagama maarmaan ah, waxaana jira habab badan oo loo mari karo joojinteeda, waxaana ka mid ah:-
1- Wacyi gelin: dadka ayaa waxaa la barayaa dhibaatada ay leedahay buurida, guud ahaan iyo sigaarka gaar ahaan, waxaana la isticmaalayaa hababka wax loo wacyi geliyo oo dhan sida; muxaadarooyin lagu qabto meelaha dad weynuhu isugu yimadaan, lagana hadlo waxyeelladiisa; adeegsiga qalabka warbaahinta, idaacadaha iyo telefishinnada; soo bandhigidda sawirro muujinaya cudurrada uu keeno sigaarka iwm.
2- Ka joojinta cabbidda sigaarka goobaha dadku udhanyihiin, sida gaadiidka, garoonnada, baararka iwm.
3- Joojinta in xayeysiis loo sameeyo sigaarka noocyadiisa kala duwan, taa bedelkeedana la badiyo xayeesiis ka dhan ah sigaarka.
4- In lagu soo rogo canshuuro fara badan sharikaadka keena sigaarka, warshadaha sameeyana dalka laga mamnuuca haddiiba ay jiraan.
Sidee ujoojin karaa qofka cabba sigaarka?
Sigaarka cabbiddiisa waxaad ku joojin kartaa inaad raacdo talooyinka soo socda, haddii Allaah idmana waad ku guulaysan doontaa joojinta sigaarka:-
1- Xasuuso waxa ay diinta ka qabto sigaarka, noqona qof leh karti iyo go'aan adag, hana iska dhaadhicin inaadan awoodin joojintiisa.
2- Xasuuso in waxyeellada sigaarka ee soo gaarayo nafsadaada iyo tan ehelkaada oo ah dadka kuugu dhow.
3- Xasuuso cudurrada uu keeno sigaarka ee halista ah sida kansarka sambabada.
4- Xasuuso in lacagta kaaga baxdo sigaarka ay mudanyihiin ehelkaada iyo carruurtaada inay noloshooda ku kabaan.
5- Ka suuli gurigaaga iyo goobtaada shaqo wax alle wixi xiriir la leh sigaarka iyo sawirradiisa ama xayeysiisyadiisa.
6- Dabeecadda sigaar cabbidda ku bedel caadooyin kale sida cabbidda casiir iyo isticmaalka caday.
7- Cab maalin walba 8 koob oo biyo ah.
8- Si joogta ah u sameey alamiinto (jimicsi), waxay in badan kaa saacidaysaa inaanay dhib kale ku soo gaarin sida miisaankaada inuu siyaado.
9- Usheeg ehelkaada iyo asaxaabtaada go'aanka joojinta sigaarka ee aad gaartay.
10- Ha tegin goobihi aad kula cabbi jirtay asaxaabtaada sigaarka.
11- Xasuuso in balwaddan sigaarka ay unugulyihiin carruurtaada inay si fudud kaaga daydaan, waayo carruurtu aad ayay uxiiseeyaan waxa dadka waa weyn sameeyaan.
12- Booqo xarumaha la dagaallanka sigaarka iyo hay'adaha ku shaqada leh arrimahaas, si aad talooyin dheeraad ah uga soo heshid.
13- Xasuuso in usbuuca ugu horreeya uu yahay kan ugu dhibka badan, waayo jirkaaga waxa uu weli ku tiirsanyahay nikotiinka, muddadaas gudaheedana astaamaha ka dhalanaya joojinta sigaarka waxa ay yihiin kuwa ka dhib badan xilliyada dambe.
14- Xasuuso in xaaladaha niyad jabka ah ay ugu badanyihiin 3 da bilood ee ugu horreeya marka aad joojinaysid sigaarka, lagana yaabo in walwal iyo mooraal dillaac kugu dhaco mararka qaar, sida marka aad la kulanto ama la fariisato saaxiib cabbaya sigaarka.
15- Ogow in dadka sigaarka cabba kan ugu guusha badan uu yahay kan joojiya sigaarka, haddii aad mar ku sidbato oo aad xabbad qac ka siiso qaado go'aan inaadan xabbad labaad unoqon weligaa.
Qorshaha joojinta sigaarka
Marka aad damacsantahay joojinta sigaarka, sameyso qorshe howleed gaar ah, dadkana usheeg inaad doonayso joojinta sigaar cabbidda, weydiisana inay gacan kaa siiyaan go'aankaada sidaad ku fulin lahayd, iskuna day inaad raacdo talooyinkan hoos ku qoran:-
i. Qor liis ay ku qoranyihiin faa'iidooyinka caafimaad ee aad ka helaysid joojinta sigaarka, kuna dheji meel kuu muuqata sida darbi, talaajadda dusheeda ama meel kasto oo ay ishaadu mar kasta ku dhacayso.
ii. Sameyso cunnooyin fudud oo aan cuslayn, si aad ucunto marka aad dareento inaad aad ugu baahantahay sigaarka.
iii. Maalintaada ku billaabo koob liin bambeelmo ah (burtuqaal), waayo waxa uu kaa saacidayaa in jirkaaga laga suuliyo nikotiinka, isagoo weliba leh (burtuqaalka) dhadhan aad uraaxo badan.
iv. Qor qiyaasta lacagta kaaga baaqato sigaarka sitimaan kasta, kaddibna xisaabi inta kaaga baaqan doonto sanadka dambe haddii EEBE ku gaarsiiyo.
v. Iska yarey cabidda kafayiinka, waayo diraasad ayaa sheegtay in kafayiinka uu keeno inuu qofku u hiloobo nikotiinka, sidaa awgeed ha badsanin cabidda bunka ama qaxwaha (kaffee) iyo shaaha.
vi. Ka fogaw cunidda shukulaatada, waayo dadka qaar marka ay cunaan waxa ay raboodaan sigaarka.
vii. Noqo qof go'aan adag leh, hana is dhiibin haddii aad mar qaldanto, xasuusnawna in inbadan oo dadki sigaarka horay ucabbi jiray ah aaney ku guulaysan joojintiisa illaa isku daygi labaad ama seddexaad kaddib mooyee.
Maxaad ku bedeli kartaa nikotiinka?
Waxaa jira waxyaabo kale oo aad ku bedeli karto nikotiinka, sida xanjada oo aad calaliso waxa ay kaa saacidaa ilaa xad inaad is halmaamsiisid sigaarka.
Waxaa kaloo jira dawooyin suuqa laga heli karo, kuwaasoo yareynaya ku tiirsanaanta nikotiinka, balse dawooyinkaas waxaa habboon inaad isticmaasho la tashi dhaqtar kaddib, waxa ayna soconayaan dhawr bilood.
Faa'iidooyinka joojinta sigaarka
Si kasta oo uu qofku u caafimaad daran yahay, joojinta sigaarka waxa ay dheeraynaysaa cimrigaaga, noloshaadana way kuu hagaagaysaa, bal ila eeg faa'iidooyinka hoos ku qoran:
1. 20 daqiiqo kaddib marka aad sigaarka joojiso, wareegga dhiiggaaga waxa uu billaabayaa inuu soo hagaago.
2. 8 saacadood kaddib, waxa uu dhiiggaagu awoodayaa inuu soo qaado oksajiin fara badan, kaddib marka la baabi'iyo nus ka mid ah CO iyo nikotiinka ku jiray dhiiggaaga.
3. 24 saac kaddib, unugyada cas cas ee dhiigga waxa ay si buuxda usoo xambaarayaan oksajiinka, kaddib marka laga takhaluso gebi ahaan neefta sunta ah ee loo yaqaan CO (karboon hal oksaydh).
4. 2 maalmood kaddib jirkaaga kuma harayo wax raad nikotiin ah.
5. 2 usbuuc kaddib, celceliska garaaca wadnaha iyo caddaadiska dhiigga waxa ay ku soo laabanayaan heerka caadiga ah.
6. 5 sano kaddib, khatarta inuu kugu dhaco wadne istaag ayaa hoos udhacaysa ilaa nus, marka la barbar dhigo dadka cabbaya sigaarka.
7. 10-15 sano kaddib, khatarta inuu kugu dhaco kansarka sambabada ayaa hoos udhacaysa ilaa nus, marka la bar bardhigo kuwa cabba sigaarka.
Gunaanad
Gebo gebada diraasaddan waxaan rabaa inaan is xasuusinno in balwaddan sigaarka ama tubaakada ay tahay musiibo heer caalami ah, waxaana jira in kumannaan soomaali ah cabbaan, kharash fara badan uga baxo si ay u qanciyaan niyaddooda u ooman balwaddaas.
Malaayiin muslimiin ah ayaa musiibadan dhex dabaalanaya, iyadoo qaarkood ay billaabeen dhallinyaranimadoodi, dabadeedna marki ay waynaadeen iska jari waayay, waayo waxaa gacanta ku dhigay nikotiinka, waxaa xataa ka dhacda dalalka islaamka ah qaarkood in la arkay culimo waa weyn oo caan ah oo cabba, isla markaana iftooda inay xaaraan tahay sigaarka cabiddiisa.
Waxaan rajaynayaa in akhristayaasha sharafta leh ay wax badan uga baxday waxyeellada balwadda sigaarka iyo guud ahaan buuriga, aragtiyada laga kala bixiyay, halista ay caafimaadka ugeysatana ay uga korortay aqoon. Dadka balwaddan lehna waxaan filayaa inay joojin doonaan isticmaalkeeda, maadaama ay garteen halisteeda, waxaana rajaynayaa inay raaci doonaan talooyinka aan kor ku xusay, si ay uga adkaan waxyeelladeeda; anigoo Ilaah uga baryaya inuu ka suuliyo laabtooda jaceylka iyo rabitaanka ay uqaadaan balwadda.
Ugu dambayn waxaan ka codsanayaa cid walba oo akhrisa qormadan inay ugudbiso qof ay taqaan ama ay jeceshahay oo isticmaala balwaddan, si uu uga faa'iidaysto talooyinka iyo aqoonta ku jirta qormadan gudahiisa.
Dhammaad.....
Waxaa diyaariyay:
Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr. Insi).
University of science and technology
Sanca; jamhuuriyadda Yemen.
E-mail: insi12@hotmail.com ama insiyare@yahoo.co.uk
Tixraaca qoraalka
________________________________________
[[1]] Facchinetti et al. α,β-Unsaturated Aldehydes in Cigarette Smoke Release Inflammatory Mediators from Human Macrophages. American Journal of Respiratory Cell and Molecular Biology. Vol. 37, pp. 617-623, 2007. DOI: 10.1165/rcmb.2007-0130OC.
[[2]] Dr. C. Everett Koop. "Smoking and smokeless tobacco". Retrieved on July 15, 2006.
[[3]] World health report 2002: reducing risks, promoting healthy life.
[[4]] Access : Genetic link for lung cancer identified : Nature News.
[[5]] Smoking increases teen depression .
[[6]] Ferrucci L, Izmirlian G, Leveille S, et al (1999). "Smoking, physical activity, and active life expectancy". Am. J. Epidemiol. 149 (7): 645–53. PMID 10192312.
[[7]] Doll R, Peto R, Boreham J, Sutherland I (2004). "Mortality in relation to smoking: 50 years' observations on male British doctors". BMJ 328 (7455): 1519. doi:10.1136/bmj.38142.554479.AE. PMID 15213107.
[[8]] Doll R, Peto R, Wheatley K, Gray R, Sutherland I (1994). "Mortality in relation to smoking: 40 years' observations on male British doctors". BMJ 309 (6959): 901–11. PMID 7755693.
[[9]] Centers for Disease Control. "Cigarette Smoking Among Adults - United States, 2006". Retrieved on 2008-01-04.
[[10]] Associated Press. "Tobacco expected to kill 1 billion this century". MSNBC. Retrieved on 2008-01-04].
[[11]] Witschi H (Nov 2001). "A short history of lung cancer". Toxicol. Sci. 64 (1): 4–6. PMID 11606795.
[ [12]] Adler I. Primary malignant growths of the lungs and bronchi. New York: Longmans, Green, and Company; 1912., cited in Spiro SG, Silvestri GA (Sep 2005). "One hundred years of lung cancer". Am. J. Respir. Crit. Care Med. 172 (5): 523–9. doi:10.1164/rccm.200504-531OE. PMID 15961694.
[[13]] The Tobacco Reference Guide". Retrieved on 2006-07-15.
[[14]] Peate I (2005). "The effects of smoking on the reproductive health of men". Br J Nurs 14 (7): 362–6. PMID 15924009.
[[15]] Korenman SG (2004). "Epidemiology of erectile dysfunction". Endocrine 23 (2-3): 87–91. doi:10.1385/ENDO:23:2-3:087. PMID 15146084.
[[16]] Kendirci M, Nowfar S, Hellstrom WJ. (2005). "The impact of vascular risk factors on erectile function". Drugs Today (Barc) 41 (1): 65–74. doi:10.1358/dot.2005.41.1.875779. PMID 15753970.
[[17]] Quitting Smoking: Why To Quit and How To Get Help - National Cancer Institute.
[[18]] Health : Young smokers' heart attack risk", BBC. Retrieved on 2005-12-18.
[[19]] Johnson GK, Slach NA (2001). "Impact of tobacco use on periodontal status" (PDF). J Dent Educ 65 (4): 313–21. PMID 11336116.
[[20]] waa maaddo ku milanto biyaha iyo khamriga, lagana helo kaffeega (bunka), shaaha iyo waxyaabo kale. Waxa uu kicin ku sameeyaa dhimirka, gaar ahaan maskaxda qeybta loo yaqaan cerebrum, waxaa kale oo uu saamayn ku leeyahay murqaha iyo habdhiska wadnaha iyo wareegga dhiigga. Sidoo kale waxa uu saameyn kaadi badin ah ku leeyahay kilyaha.
[[21]] Jarvis MJ (Jan 2004). "Why people smoke". BMJ 328 (7434): 277–9. doi:10.1136/bmj.328.7434.277. PMID 14751901. PMC:324461.
[[22]] Sacco KA, Bannon KL, George TP (Dec 2004). "Nicotinic receptor mechanisms and cognition in normal states and neuropsychiatric disorders". J. Psychopharmacol. (Oxford) 18 (4): 457–74. doi:10.1177/0269881104047273. PMID 15582913.
[[23]] Kumari V, Postma P (2005). "Nicotine use in schizophrenia: the self medication hypotheses". Neurosci Biobehav Rev 29 (6): 1021–34. doi:10.1016/j.neubiorev.2005.02.006. PMID 15964073.
[[24]] a) Agarwal A, Prabakaran SA, Said TM (2005). "Prevention of oxidative stress injury to sperm". J. Androl. 26 (6): 654–60. doi:10.2164/jandrol.05016. PMID 16291955.
b) Robbins WA, Elashoff DA, Xun L, et al (2005). "Effect of lifestyle exposures on sperm aneuploidy". Cytogenet. Genome Res. 111 (3-4): 371–7. doi:10.1159/000086914. PMID 16192719.
[[25]] Emsley, John. Nature's Building Blocks. 2001. Oxford University Press.
[[26]] Venners SA, Wang X, Chen C, et al (May 2004). "Paternal smoking and pregnancy loss: a prospective study using a biomarker of pregnancy". Am. J. Epidemiol. 159 (10): 993–1001. PMID 15128612.
[[27]] The U.S. Surgeon General's Report (Chapter 5; pages 180-194).
[[28]] Berlin, Ivan; Edward G. Singleton; Anne-Marie Pedarriosse; Sylvie Lancrenon; Alexis Rames; Henri-Jean Aubin; Raymond Niaura (2003-11). "The Modified Reasons for Smoking Scale: factorial structure, gender effects and relationship with nicotine dependence and smoking cessation in French smokers". Addiction 98 (11): 1575-83. doi:10.1046/j.1360-0443.2003.00523.x. Retrieved on 2008-07-14.
[[29]] http://www.wpro.who.int/media_centre/fact_sheets/fs_20020528.htm.

Tuesday, 6 July 2010
تحقيق الحماس الذاتي بعشر خطوات
تحقيق الحماس الذاتي بعشر خطوات
1) حدد الهدف
إن من الأهمية بمكان أن تحدد أهدافاً واضحة في حياتك لكي تحقق النجاح بالمستوى المطلوب . والطلاب الذين يرغبون أن يمارسوا مهنة محددة في مستقبل حياتهم كالطب والكتابة والتأليف ..........الخ
لا بد لهم ن تحديد أهدافهم بشكل أدق , فلا يكفي أن يقول الطالب مثلاً:" أريد أن اعمل في مجال العلوم" بل يجب أن يحدد مثل هذا الطالب فرع العلوم الذي يريد أن تخصص فيه , ومتى يريد أن يبدأ عمله فيه , بتوفيق الله وعونه . وان الوقت الذي ستحدده لنفسك للبداية بهذا العمل هو أمر هام جداً وأنك إذا فعلت ذلك فإنك تضع على نفسك عبء تنفيذ هذا الالتزام وتحقيقه وإن هذا الحثّ والتحريض الذاتيين سيعينانك على المضي قدما لتحقيق الهدف الذي اخترته
ولا بد للطلاب من أن يحددوا لأنفسهم أهدافاً قصيرة الأجل وأهدافاً أخر طويلة الأجل
فالأهداف القصيرة الأجل هي التي يمكن إنجاز مهماتها وتحقيقها بالكامل خلال أسبوعين إلى عشرة أسابيع
مثل :" أريد الحصول على تقدير ممتاز في هذا الفصل
وأما الهدف الطويل الأجل فهو مثل :" أريد التخرج من الجامعة بمعدل ممتاز , واحصل على بعثة لمنحة دراسية , أو متابعة الدارسة العليا في مجال التخصص "
فإذا لم تعرف ما هو الهدف الذي تريد تحقيقه في هذه الحياة , فابدأ تعلّم هذا بشكل عملي وواقعي منذ الآن
احضر المحاضرات التي تناقش مثل هذه الموضوعات . التحق بدورات خاصة
2) تنميه الرغبة والتفكير المتروي
يجب أن تبدأ بإشعال النار والنفخ أو التهوية عليها بعد أن تنتهي من صياغة الأهداف التي تريد تحقيها لنفسك
اقتطع دقيقه من وقتك الثمين كل يوم لترتاح فيها قليلاً وتتأمل أغلق عينيك وتصوًر نفسك وقد حققت الهدف الذي تريده وتطمح لتحقيقه تدرب على هذا التصور كل يوم وستنمو بذلك الرغبة في تحقيق الهدف المنشود
يجب عليك أن تتعلم كيفيه استخدام عقلك بشكل بنّاء
ابحث عن الأمور التي لا تعرفها أو تلك التي تريد التعرف على المزيد من المعلومات عنها أن كثير من الطلاب يحصلون على درجات سيئه في اختباراتهم لأنهم اعتمدوا على افتراضات خاطئة خلال الفصل الدراسي كأن يعتقدوا أن جزءا من المقرر غير هام ولن يأتي سؤال منه في الاختبارات, أسال المدرس عما تريد, استخدم الطريقة العقلانية للتفكير لتحميس نفسك بشكل ذاتي للقيام بالأعمال التي تريد تحقيقها للنجاح .
إن القدرة علي التفكير العقلاني الإيجابي كافية .بعون الله للتغلب على معظم عادات الفشل التي توجد لدي الإنسان بشكل عام .
أنظر بعين الاعتبار إلي فوائد العادات الجيدة للدراسة
1) إن الدراسة تستغرق وقتاً أقل من غيرها من الأعمال
2) تحسن المظهر العام للطالب
3) الحصول على تركيز دراسي أفضل
4) الإحباط اقل وإعادة القراءة أقل أيضا
5) تحسين عادات التفكير
6) الحصول على مزيد من المرفه
7) تطوير الثقة بالنفس علمياً واجتماعياًُ
أن القوه التي يحملها التكفير المتروي الواثق والنفس المطمئنة هي أداه فعاله جداً يمكن استخدامها لتحسين الذات من مختلف النواحي ويجب ألا تهمل هذا السلاح الفعال لأنه لا حدود للعقل والفكر
3) أعمل على تطوير مزايا إيجابية لشخصك
لا شك أن الشخص الإيجابي يجذب إليه الأشخاص الإيجابيين مثله بحيث يؤدي هذا إلى تجاوب ودعم متبادل من قبل الفرقين فالطالب الإيجابي النظرة متحمس ومندفع ومحب للحياة مقبل عليها بكلّه
وعلاوة علي ذلك فهو طالب شريف وهو شخص يمكن الاعتماد عليه.
وإن الشخصية الإيجابية تتماشى تماما مع العقل السليم والجسم السليم كل باعتدال وتناول كميات قليلة من الطعام ووجبات متعددة إذا أمكن تناول وجبات غذائية متوازنة تحتوي على كافه البر وتينات والنشويات والألياف والدهون المعتدلة والمأكولات التي تساعد علي تحسين الصحة بشكل عام .
مارس التدريبات الرياضية بالمعتدلة بشكل دوري
اقرأ كل ما تستطيع من قراءته من المعلومات المفيدة طالع كتب العلوم والتفسير والحديث والفلسفة والأدب والتاريخ ولا تنسى كتب السير الذاتية وتراجم الرجال المتفوقين الأبطال والرواد إن هذه كنوز يجب أن تعرفها
4) اختر أصدقائك بعناية فائقة
لا يفكر كثير من الطلاب أحيانا بأهم المؤثرات على حياتهم وهذا أمر هام جداً وأن الأشخاص الذين تراهم باستمرار لهم اثر كبير على حياتك وتصرفاتك بشكل عام
وغالبا ما يميل الفرد إلى التأثير بأسلوب حياة الأشخاص الذين يصادقهم فالمرء على دين خليله ولينظر أحدكم من يخالل
5) ثق بقدراتك الذاتية
أن الثقة بالنفس والثقة بالقدرات الذاتية هما أول متطلبات النجاح الدراسية وذلك قبل الأهداف وقبل الرغبة في الدراسة فإذا لم تكن واثقاً من قدراتك الذاتية فلا داعي للمحاولة أليس كذلك ؟
وقد يفكر الفرد بأنه بحاجة إلى عنصر سحري للنجاح ولا يدري ما هو هذا العنصر فهل تعتقد انك تفتقر إلي الأدوات والوسائل والمصادر والفرص والقدرة أو هل ينقصك الذكاء ؟ يجب أن تكفّ عن هذا التفكير السلبي وتوقفه تما ماً ولنحاول الآن عمل جرد نتفقد فيه الهبات والمزايا التي اختصك الله بها
لقد حباك الله بمئة مليون عصب استقبال حس _بصري
لقد أكرمك الله بنظام سمعي بالغ الدقة رائع التصميم باهر العمل والأداء تبحث تستمع إلى كافه ما يجري حولك
لقد شرفك الله بالكلام علي سائر مخلوقاته.
لقد هيّا لك الله (500) عضله في جسمك تحملك أينما تريد وأكثر من (200) عظمه وأكثر من (100) كيلو متراً من شبكات الشرايين والأوردة
وتصور القلب الذي ينبض من (100000) مائة ألف نبضة يومياً دون توقف ويضخ اكثر من (4000) جالون من الدم
هل تشكو إذن من قلة الثروة أن ثروتك الشخصية لا حدود لها فاحمد الله عليها
6) عزز موقفك دائما
أن افضل طريقه للحصول على المزيد من النجاح هي أن تكافئ نفسك على إنتاج السلوك المطلوب فمثلاً إذا حدد لنفسك الحصول على درجه "ممتاز" فيستحسن أن تكافئ نفسك على هذا الإنجاز بإعطائها شيئاً ترغب الحصول عليه فقد ترغب بعشاء فاخر أو ثوب جديد أو غير ذلك مما ترغب به كن منصفاً مع نفسك .
أن المكافآت أو الثواب هي المحرك الأساسي وراء تحقيق أهدافك
7) احصل على مهارات متخصصة
يمكن أن تكون أحد أفضل الطلاب الناجحين إذا كانت لديك المهارات اللازمة والمعلومات المناسبة,والثقة بالنفس , والحماس الذاتي للعمل والدراسة ويمكن حضور بعض الدورات الخاصة لتنميه المهارات الفردية اللازمة للنجاح الدراسي إلي جانب قراءة الكتب فهناك دورات خاصة لتنمية المهارات المختلفة ودورات للقراءة السريعة مع التركيز ودورات لاجتياز الاختبارات بنجاح .
8) استخدم أدوات التحميس العقلية الذاتية الخاصة
يمكن أن تكون عملية التحميس الذاتية سهلة التحقيق إذا عرفت كيف تعمل هذه الطريقة خذ مثلاً امراً لا تتحمس القيام به ولنفترض أنه الدراسة
والآن ,أبدا بتلوين هذا العمل التي تراها وتحبها عندما تتحمس للقيام بعمل آخر فإذا كنت تشعر بأن الصوت القادم إليك هو الذي يحمّسك للقيام بالعمل المطلوب أضف هذا الصوت الي الصورة التي تراها وحاول أن تجري كافه التغيرات اللازمة ليصبح هذا العمل الذي لا تتحمس ذاتياً للقيام به مماثلاً أو مقارباً للعمل الذي تحبه وتتحمس ذاتياً للقيام به
إن ما تفعله في الواقع هو أن تحول العمل الممل أو غير المرغوب به الي عمل تتحمس للقيام به
9)حاول حل المشكلات الشخصية
يصعب التركيز على الطالب إذا كان يواجه مشكلات شخصية حتى ولو كانت لديه مهارات دراسية ممتازة
10)حاول تنميه الصبر عندك
تذكر أن النصر مع الصبر وأن الصبر لا يعدله شئ في الحياة، وتذكّر أن هناك كثيراّ من الموهوبين غير الناجين في حياتهم بسبب عدم صبره.
مع تحيات: د. أبو ابتسام

Monday, 5 July 2010
Waxyeellada sigaarka iyo buuriga
Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr. Insi)
Qeybta 2aad….
Cudurrada uu keeno sigaarka:-
1- Cudurrada wadnaha iyo wareegga dhiigga:-
Sigaarku waxa uu kor uqaadaa fursadaha cudurrada wadnaha. Walxo badan oo buurida ku jira ayaa waxa ay horseedaan inay ciriiri noqdaan xididdada dhiigga qaada, iyadoo kor ukacdo suurtogalnimada inay xidhmaan, sidaana uu wadnuhu ku joogsado ama uu dhiig ku firmo maskaxda. Marka la tixraaco diraasad ay sameeyeen koox caalami ah oo cilmibaarayaala, dadka da'doodu ka yar tahay 40 jir waxa ay 5 jibbaar halis uyihiin inuu wadnuhu joogsado haddii ay sigaar cabbaan [[18]].
Sigaarka waxa uu isku dhexyaac ku keenaa garaaca wadnaha, waayo waxa uu sababaa sii daynta Adrenaline, waxaana la ogaaday in dadka sigaarka cabba uu ku badanyahay mootul fajaha iyo cudurka loo yaqaan Angina, waayo dhiig xinjir ah ayaa waxa uu xiraa xididdada wadnaha quudiya ee loo yaqaan ''coronary arteries'', waxaa kale oo ku badan in jirka qeyb ka mid ah qallasho, kaddib marka ay xinjir xirto xididdo muhiim ah oo quudiya qeybo maskaxda ka mid ah. Sidoo kale sigaarka waxa uu sare uqaadaa garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, waxaana sidaa ku dhaca cudurka dhiig karka.
2. Caafimaadka afka:-
Waxaa laga yaabaa in xaaladda ugu daran ee sigaarka iyo buuridu ku keenaan afka ay tahay kansarka afka. Si kastaba ha ahaatee, sigaarku waxaa kale oo uu afka ku keenaa cudurro kale oo horay loogu gooni yeelay dadka sigaarka cabba, sida xanuunno ku dhaca unugyada ku wareegsan ilkaha (periodontitis), oo lala xariiryay dadka cabba sigaarka ama cabbi jiray. Buurida kale ee aan sigaarka ahayn waxa ay keentaa ciridka oo burbura iyo nabarro ka soo baxa xuubka qafiifka ah ee ku dahaaran afka. Ilaa 90% dadka laga helay xanuunka unugyada ku wareegsan ilkaha oo aan ku biskoon hababka caadiga ah ee wax lagu daweeyo waxa ay ahaayeen dad sigaarka cabba[[19]]. Sigaarka waa kan ugu muhiimsan waxyaabaha midabka uyeela ilkaha, waxa uuna ur qurmuun uyeelaa afka. Waxyaabaha kale ee loo aaneeyo sigaarka waxaa ka mid ah: xanuunka loo yaqaan (leukoplakia) oo ah nabarro cad cad oo ka soo baxa xuubka jilcan ee ku dahaaran afka iyo nabarro yar yar oo midab beey ah leh kana soo baxa dhanxanaga (smoker's palate). Waxaa taa sii dheer in badan oo dadka sigaarka cabba ka mid ah ayaa lagu arkay inay waayeen dareenka dhadhaminta iyo isbedel ku yimaada dhareerka. Ilkaha oo daatana waxa ay 2 ilaa 3 jeer ka sarreeyaan dadka aan sigaarka cabbin.
3. Habdhiska kaadida:-
Walxaha kansarka dhaliya ee ku jira sigaarka waxa ay raacayaan dhiigga, dabadeedna waxa ay keenaan waxyeello fara badan sida: kansarrada ku dhaca kaadi haysta iyo kilyaha, iyo xanuunnada iyo kansarka qanjidhka barostataha loo yaqaan.
4. Maqaarka:-
Sigaarka cabiddiisa waxa uu keenaa inuu jilco maqaarka jirka, taasoo sababteeda ay leedahay isagoo saamayn weyn ku leh xididdada dhiigga, kuwaasoo maqaarka siiya cunnooyin iyo oksajiin oo muhiim u ah caafimaad qabka maqaarka.
5. Habdhiska dhaqaaqa:-
Diraasado la sameeyay ayaa isku xiray cabidda sigaarka iyo jileeca lafaha dumarka, waxaana loo aneeyay waxyaabo ku jira samaysanka sigaarka. Waxaa kaloo jirta xaqiiq ah in dumarka cabba sigaarka ay ka hor gaari ogyihiin dumarka aan cabbin da'da ilma goynta.
6. Waxyeelada jir iyo maskaxeed ee sigaarka:-
Dadka sigaarka cabba waxaa lagu arkay saameyn jir iyo maskax ahaaneed. Kuwa sigaarka ku cusub cabistiisa waxa ay la kulmaan lalabo (nausea), dawakhaad (dizziness) iyo garaaca wadnaha oo deg dega. Calaamadahaas aan farxadda lahayn way iska baaba'aan muddo kaddib, haddii uu qofku sii wado cabbidda sigaarka, jirkuna wuu la qabsanayaa walxaha kiimikaad ee sigaarka ku jira sida nikotiinka. Nikotinka waxa uu maskaxda uga fal galaa si lamid ah kaffayiin [[20]]. Qaar ka mid ah dadka wax ka qoray arrintan ayaa sheegay in sigaarku siyaadiyo xoog saaridda maskaxda (mental concentration). Dadka sigaarka cabba waxa ay sheegaan inay ku raaxaystaan cabbiddiisa, tasoo qayb ka ah sababaha inaanay joojin karin xataa haddii ay ogyihiin halista caafimaad ee uu leeyahay. Dhadhanka, urta iyo aragtida oo ay kaga raaxaystaan ayaa ah waxyaabaha keenaya inay aad udaneeyaan ku raaxaysiga cabbiddiisa, waxaa taa sii dheer jaceylka ay isku qaadaan sigaar cabbayaasha kale. Sigaarka cabiddiisa muddo dheer waxa ay joojisaa dareenka wax urin ee qofka.
Inta badan dadka sigaarka cabba haddii ay waayaan ama loo diido waxaa lagu arkaa deggenaasho la'aan, dhirif, af qallayl iyo wadnaha garaaciisa oo deg dega. [[21]]Haddii mudda dheer uu waayana waxay keeni kartaa hurdo la'aan iyo xataa niyad jab. Dhicidda astaamahan waa mid deg deg ah, waqtiga uu ubaahanyahay in lagu bur buriyo qeyb ahaan nikoyiinka waa saacad qura. Astaamahana waxaa la arki karayaa xataa haddii qofku cabbo in yar oo sigaar ah ama si aan nidaamsanayn, 4-5 xabadood oo sigaar ah inta badan da' yarta cabta sigaarka. Ku tiirsanaanta nikotiinka ee dadka horay ucabbi jiray sigaarka waxay joogsataa qiyaas ahaan 10 ilaa 20 maalmood kaddib, inkastoo tirada soo dhaweeyayaasha nikotiinka ee maskaxda si joogta ah wax looga bedelo, ku tiirsanaanta maskaxda waxaa laga yaabaa inay sii socoto bilo ama sanado.
Si ka duwan maandooriyaasha qaar iyo khamriga, nikotiinka ma bedelo xirfadaha dhaq dhaqaaq, garaad, go'aan qaadasho iyo awoodaha luqadeed ee sigaar cabbaha inta uu cabbayo, balse astaamaha ka dhasha joojintiisa, sida deggenaasho la'aanta iyo tabar darro inuu xoogga saaro wax dhageysiga ama fahamka ayaa saameyn ku yeelan karo xirfadihi aan horay usoo sheegnay.
Inta badan waxyeelladan waxaa sabab u ah ka siibashada nikotiinka, sidaa awgeed sigaar cabbayaasha aan weli qabatimin nikotiinka kama cabanayaan dhibaatooyinkaas.
Diraasado ayaa soo jeedinaya in xiriir ka dhexeeyo cabbidda sigaarka iyo xanuunno maskaxda ah, iyagoo soo daliishada tirada sii kordhayso dadka sigaarka cabba ee ka cabanaya xanuunno dhimir xanuun ah (schizophrenia)[[22]] iyo suurtagalnimada in sigaarka uu yareeyo astaamaha xanuunnada maskaxda[[23]], balse tani ma aha mid lagu qanci karo.
Nikotiinka waa mid keena qabatin aad u sareeya. Marka tubaakada la gubo, inta badan nikotiinka wuu fur furmaa; xaddi yar ayaana ku filan inuu sababo ku tiirsanaan jired, iyadoo ku tiirasanaanta xoogga badan ee maskaxdana ay sii soconayso. Marka aan tixraacno diraasad ay sameeyeen Henningfield iyo Benowitz, nikotiinka waxa uu ka qabatin badan yahay gebi ahaan xashiishka, kafayiinka, khamriga, kokayin iyo herowinta, marka laga eego ku tiirsanaanta jir iyo maskax ahaaneed. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego saameynta xoogga badan ee ka timaada joojinta khamriga, kokayinta iyo herowinta, nikotiinka wuu suurto galnimo yaryahay ku tiirsanaanta walxahaas aan kor ku soo xusay. Diraasado kale ayaa iyana sheegaya in ku tiirsanaanta maskaxeed ee nikotiinka ay ka sareyso tan ka dhalata maandooriyaasha , xataa khamriga. Borofesar Jennifer O'Loughlin oo wax ka dhiga jaamicadda McGill University ayaa sheegay in la qabsiga nikotiinka ay dhacdo si dhakhso ah kaddib 4 bilood marka sigaar cabidda la billaabo.
7. Taranka:-
a) Saamaynta ay ku leedahay unugyada nool ee ku jira manida ragga:-
Waxaa jira caddaymo isa soo taraya oo sheegaya halista buuridu u leedahay shahwada ragga iyadoo disha unugyada manida [[24]]. Sidaa awgeed ayaa dawladaha qaar waxay ka codsadeen warshadaha sameeya sigaarka in digniin lagu dhejiyo baakadda sigaarka. Cabbidda sigaarka waxa uu sare uqaadaa qaadashada curiyaha cadmium la yiraahdo, waayo geedka tubaakada waxa uu dhulka ka soo nuugaa curiyaal bir ah. Cadmium kiimikaad ahaan waxa uu lamidyahay Zinc, waxaana laga yaabaa inuu bedelo Zinc DNA polymerase taasoo dowr muhiim ah ka cayaarta soo saarista shahwada. Zinc inuu bedelo Cadmium hawsha DNA polymerase waxa ay waxyeelo weyn ukeentaa xiniinyaha [[25]].
b) Dhicis lama filaan ah:-
Tiro diraasado ah ayaa muujiyay in isticmaalka tubaakada ay cunsur muhiim ah u tahay dhicinta lama filaanka ah ee dumarka uurka leh ee sigaarka cabba, iyo inay halisyo kale oo badan ukeenayso ilmaha uurka jiifa. Cabidda darajada labaad ee sigaarka waxa ay halis lamid ah ku leedahay uur jiifta, sida ay sheegtay diraasad in '' cabidda waalidka ee sigaarka waxa ay sii kordhisaa halista in xilli hore uu waxyeeloobo uurka'' [[26]].
c. Sigaarka iyo uurka:-
Saamaynta uu sigaarka ku leeyahay hooyada uurka leh waa mid halis ah; waxa uu keenaa inay dhicis joogta ah uu ku dhaco, miisaanka carruurta dhalanaysa oo ka yar heerka caadiga ah, ilmaha oo in badan uurka ku dhinta, iyo sare ukaca xanuunnada sambabka ee carruurta naaska nuugaysa.
d. Xaaladda loo yaqaan SIDS:-
Sigaar cabidda darajada labaad waxaa lala xariiriyay xaaladda dhimashada deg degga ah ee dharab ku jirta loona yaqaan SIDS (Sudden Infant Death Syndrome). Ilmaha yar yar ee u dhinta xaaladdan ayaa la ogaaday inay sambabadooda ku jiraan xaddi sare oo nicotine iyo cotinine ah, kana sareeya kuwa udhinta sababo kale. Cabbidda sigaarka hooyada inta ay uurka leedahay waxa uu kor uqaadaa halista SIDS, iyadoo carrruurtuna marka ay dhashaan ubanbaxaan sigaarka darajada labaad ay iyana keento halista SIDS, xataa haddii uunan waalidku cabbin sigaarka inta ay uurka ku jireen ilmaha. Nicotine ka ka yimaada sigaarka waxa uu ka gudbaa caanaha hooyada ee naasaheeda ku jira, sidaa ayuuna carruurta ku gaaraa nicotine ka[[27]].
Sigaar cabidda darajda labaad
Waxaa loola jeedaa in meel sigaar lagu cabbayo uu joogo qof aan isagu cabbin, dabadeedna qiiqa sigaarka ka baxayo uu jiido, sidaa awgeedna uu ku noqday qof sigaar jiiday oo sambabadiisana ay gasho qiiqa sigaarka, balse aan gacantiisa ku cabbin.
Diraasad la sameeyay ayaa caddeysay in qiiqa sigaarka oo uu jiido qof aan cabbin sigaarka aaney ka waxyeelo yarayn kan sigaaka cabbaya, haddii aanayba ka darnayn.Sigaar cabbidda darajada labaad waa isku jirka qiiqa gubtay ee sigaarka ama badeecadda ee ku aruuray sambabada ee uu neefsanayo qofka cabbaya. Taasoo qofka la jooga sigaar cabbaha uu neef ahaan ujiido muddo badanna hawada ku jirta kaddib marka sigaarka la damiyo, waxayna sababi kartaa waxyeello ballaadhan oo dhinaca caafimaadka la xariira, sida kansar, infekshinnada ku dhaca neef mareenka iyo cudurka neefta ama naqaska. Ma jirto heer aamin ah oo sigaar cabidda darajada labaad ah, xataa waxyar oo aad ubanbaxdaa waxa uu sababi karaa in dhiigga qeybaha ka tirsan ee platelets loo yaqaan ay noqdaan kuwa dheg dheg ah, taasoo waxyeelayso xididdada dhiigga wada, hoosna udhigta heerka xawaaraha qul qulka ee coronary vessels, sidoo kale waxa uu hoos udhigaa isbedelka garaaca wadnaha, taasoo sare uqaadayso fursadda inuu wadnaha istaago.
Sigaar cabidda darajada labaad waxa ay si khaasa halis weyn ku haysaa carruurta yar yar. Waxa ay masuul ka tahay in 150,000 ilaa 300,000 oo carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano uu ku dhaco cudurrada ku dhaca qaybta hoose ee neef mareenka, iyadoo dhalisay in isbitaal la dhigo carruur gaaraysa 7,500 ilaa 15,000 sanad walba. Waxaa kale oo ay sababtaa 430 carruur aad u yar yar oo udhimata SIDS dalka mareykanaka gudihiisa sand kasta.Sigaar cabidda darajada labaad waxa ay sababtaa waxyeelada uu keeno kan heerka kowaad, gaar ahaan cudurrada wadnaha iyo kansarka. Dadka aan sigaarka cabbin ee u banbaxa qiiqa sigaarka iyagoo gurigooda ama goobta shaqada jooga waxaa sare ukacayo halista inuu ku dhaco cudurrada wadnaha 25-30%, kansarka sambabada ku dhacana 20-30%.
Marki sigaarka laga mamnuucay goobaha xiran ee dadka udhanyihiin dalka Scotland bishi maarso 2006, waxaa hoos udhacay 17% dadki isbitaalka loo dhigayay xaaladda loo yaqaan acute coronary syndrome, 67% hoos udhacaas waxa uu ahaa dadka aan sigaarka cabbin.
Sababaha keena cabbidda sigaarka:
1- Xayeysiiska faraha badan ee loo sameeyo sigaarka.
2- Cadaadiska dhalinta kala kulanto asaagooda cabba sigaarka: ururrada la dagaallama sigaarka cabbiddiisa ayaa ku cawda in da'yarta ay ubillaabaan cabbidda sigaarka sababo la xariira cadaadis kaga yimaada asaagood iyo dhaqanno ku dayasho saaxiibadood.
3- Waalidka oo sigaarka cabba: carruurta ay waalidkood cabbaan sigaarka way kaga dhawyihiin fursad ahaan kuwa aan waalidkood cabbin.
4- Sawirrada sigaarka la cabbayo ee filimada, telefishinada iyo cayaaraha: sigaar cabbidda oo laga daawado filimada waxaa lala xariiriyay billaabidda dhalinyarada soo baxaysa sigaarka ku billaabaan iyagoo uga dayanay fannaan ama jilaa ay xiisaynayaan oo cabbaya sigaarka. Sida lagu sheegay diraasad laga sameeyay filimada oo socotay inti udhexeysay sanadihi 1988 ilaa 1997, 87% filimada waxaa lagu muujiyaa isticmaalka noocyo kala duwan oo buurida ah, celcelis ahaan 5 dhacdo filimkiiba. Filimada loogu tala galay dadka da'doodu ka sareysa 18 sano ayaana ah kuwa ugu dhacdooyin badan ee lagu muujiyo muuqaallo habab kala duwan oo isticmaalka buurida.
Sababaha keena sii wadidda cabbidda sigaarka:
Waxaa ka mid ah:
1- Sigaarka oo uu qabatimo dabadeedna uu joojin kari waayo.
2- Farxad laga raadiyo sigaar cabbidda.
3- Buuqa iyo walaahowga in la isaga yareeyo.
4- Bulshada oo wada cabta [[28]].
5- Kicin iyo xifaaltan dhalinta dhexdeeda ah.
6- Moodid in cabbiddiisa ay kaa dhigayso reer magaal.
7- Caado ka dhigasho.
Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka
Sigaarka waxaa cabba dad kor udhaafaya 1.1 bilyan oo qof dunida oo dhan. Dalalka horumaray ayaa cabbiddiisa hoos usii dhacaysaa, halka kuwa soo koraya uu kor ukacaya 3.4% sanadkiiba [[29]].
Baahsanaanta cabbidda sigaarka iyo jinsiga
GOBOLKA RAGGA DUMARKA
Afrika 29 4
Maraykanka 35 22
Bariga mediterraniya 35 4
Yurub 46 26
Koonfur bari Aasiya 44 4
Galbeedka baasifiga 60 8
Qiyaastan waxaa sameeyay ururka caafimaadka adduunka (WHO) sanadki 2000.
La soco qeybta 3aad todobaadka dambe inshaa allaah.

Thursday, 20 May 2010
Funny English proverbs
1. To study a subject best, understand it thoroughly before you start.
2.The fellow who never makes a mistake takes his orders from one who does.
3. Never insult an alligator until after you have crossed the river
4. Men marry women with the hope they will never change. Women marry men with the hope they will change. Invariably they are both disappointed.
5.You cannot get to the top by sitting on your bottom.
6. Parents can tell but never teach, unless they practice what they preach.
7. Half of the people in the world are below average
8.Love is temporary insanity curable by marriage
9. A conclusion is simply the place where someone got tired of thinking
10.It is easier to fight for principles than to live up to them
I am sure you will enjoy them.

Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr.Insi)
Kulliyadda Caafimaadka,
Jaamacadda UST, Sanca, Yemen.
Email: insi12@hotmail.com ama insiyare@yahoo.co.uk
Qeybta 1aad….
Qeybaha ay ka koobantahay diraasaddan:-
1. Arar.
2. Halka ay ka soo jeeddo tubaakada asal ahaan.
3. Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo idil. (qiyaaso la sameeyay).
4. Walxaha ku jira sigaarka.
5. Qiiqa sigaarka imisa ayaa loo qeybiyaa?
6. Walxaha ku jira sigaarka ee kansarka dhaliya
7. Qabatinka Nikotiinka iyo hidda wadayaasha.
8. Halista caafimaad ee walxaha ku jira tubaakada.
9. Sigaar cabidda darajada labaad. Maxaa loola jeedaa?
10. Sababaha keena cabbidda sigaarka.
11. Sababaha keena sii wadidda cabidda sigaarka.
12. Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka.
13. Diinteena islaamka maxay ka qabtaa sigaarka?
14. Side loola dagaallami karaa sigaarka iyo guud ahaan tubaakada?
15. Sidee ujoojin karaa qofka caba sigaarka?
16. Qorshaha joojinta sigaarka.
17. Maxaad ku bedeli kartaa nikotiinka?
18. Faa'iidooyinka joojinta sigaarka.
19. Gunaanad.
Arar
Qormadan haddii Alle ii oggolaado waxaan kaga hadli doonaa, waxyeellada caafimaad ee ay leedahay tubaakada si guud, sigaarkana si gaar ah. Anigoo cilmi ku salayn doono waxaana soo qaadan doono diraasado caalami ah oo dunida lagu soo bandhigay, tiro koobyo ay samaysay WHO oo ka hadlaya baahsanaanta balwaddan iyo aragtiyada diinta ee ku aaddan sigaarka. Waxaan kaloo jeclahay inaan soo bandhigo talooyin ku aaddan hababka qofka balwaddan isticmaala ka saacidi kara joojinteeda, anigoo si kooban usoo bandhigayo faa'iidooyinka uu ka helayo haddii uu joojiyo balwaddan. Waxaan kaloo soo bandhigi doonnaa haddii Eebbe laga helo, hababka loola dagaallami karo loona ciribtiri karo balwaddan caalamka oo idil fara ba'an ku haysa.
Tubaakadu halkay ka timid asal ahaan?
Sigaarku ma ahayn wax caalamku yaqiinay wixi ka horreeyay heliddii qaaradda Ameerika, dabadeedna gumaystayaashii reer yurub ee qaaraddaas qabsaday ayaa usoo qaaday yurub, halkaasna kaga sii faaftay dunida inteeda kale.
Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo idil:-
Inkastoo dhammaan noocyada tubaakadu (sigaarka, buurida, badeecadda) ay waxyeello leeyihiin, haddana kan ugu caansan uguna waxyeello badan waa sigaaarka qiiqiisa la cabbo. Ururka caafimaadka adduunka ayaa ku waramay in sanadkii 1998ki dad gaarayay 1.235 bilyan oo qof ay cabbayeen sigaarka, iyadoo dadka dunida tiradooda ay ahayd 5.926 bilyan oo qof, tiradaas dadka cabba sigaarka ayaa sii kordhayso, waxaana la filayaa in sanadka 2020ka ay gaarto 1.671 bilyan oo qof.
Waxyeelada caafimaad ee buuriga waa mid muhiim ah, waxa ayna ku xirantahay hadba sida loo cuno (la calaliyo, la ursado ama la dhuuqo) iyo xaddiga la cunayo. Waxyeelada caafimaad ee sigaarka oo ah kan ugu isticmaalka badan buurida, waxaa ka mid ah kansarka sambabada, cudurrada ku dhaca wadnaha iyo wareegga dhiigga.ururka caafimaadka adduunka waxa uu ku qiyaasay sanadki 2002, in waddamada horumaray dhimashada ragga 26% iyo dumarka 9% lala xariiriyay cabbista sigaarka. Waddamada soo korayo ayaa lagu waramay in isticmaalka buurida ay kor ukacdo 3.4% sanad kasta.
Walxaha ku jira sigaarka
Sigaarku waxa uu ka koobanyahay kudhawaad 4000 oo walxood oo isugu jira hawo iyo walxo kiimikaad oo qabsada sambabada. Hawooyinka waxaa ugu caansan; Karboon hal oksaydh (CO), Haydarojiin siyanayd (hydrogen cyanide), ammooniya, nitrojiin oksaydh. Walxaha kale ee kiimikaad waxaa ugu caansan nikotiin, binsiin, daamur iyo bolooniyam.
b) Haydarojiin siyanayd: waa sun loo isticmaalo qolalka dadka lagu toogto hawada.
t) D.D.T.: waa sun cayayaanka lagu buufiyo.
j) Methanol: waa shidaalka lagu shubo sawaariikhda (gantaallada).
x) Asitoon: waxaa lagu dhaqaa midabada si loo tir tiro.
Kh) Ammoniya: waxaa lagu nadiifiyaa dhulka sibirka ah.
d) Tolowin: waxaa loo adeegsadaa warshadaynta si wax loo milo.
r) Finool: waxaa lagu nadiifiyaa weelasha iyo sibirrada.
s) Biyotin: waa gaaska ku jira janta siigarka (wallaacadda).
sh) Kadmiyom: waxaa loo isticmaalaa batariyada baabuurta.
dh) Karboon hal oksaydh (CO): waa neef sun ah oo ku jirta qiiqa baabuurta.
Qiiqa ka dhasha cabbidda sigaarka waxaa loo kala qaybiyaa 2 qeyb oo kala ah:-
1- Qaybta tooska ah: waa qiiqa uu liqayo qofka cabayo sigaarka, oo ah 15% xaddiga qiiqa ka baxayo sigaarka, waxa ayna ka koobantahay walxo si dhaqso ah loo gubay, sidaa awgeed isu uruursanaantoodu way yartahay ilaa xad.
2- Qeybta aan tooska ahayn: waa qiiqa uu tufayo qofka cabayo sigaarka, waxa ayna gaareysaa 85% qiiqa sigaarka ka baxaya, waxaana ku jira maaddooyin si tartiib ah u gubtay, sidaa awgeed isu uruursanaanteedu way sareeysaa, waxyeeladeeduna wuu ka daranyahay kan tooska ah, gaar ahaan dadka muddo dheer u banbaxayay qiiqaas, sida carruurta qofka cabba sigaarka, xaaskiisa iyo dadka kula nool hooyga ama goobta shaqada la jooga.
Walxaha ku jira sigaarka ee kansarka dhaliya:
Cabidda qiiqa buurida waxaa ku jira tiro aad u badan oo ah walxo awood badan oo keena kansarka, sida; akroliin iyo benzobayrin.Qofka oo muddo dheer u banbaxo ama la kulmo walxaha ku jira sigaarka sida karboon hal oksaydh, siyanaydh iyo isku dhisyada kale ee waxyeeleeya sambabka iyo unugyada halbowlayaasha ayaa la rumeysanyahay inay masuul ka yihiin waxyeelaynta wadnaha iyo jilicsanaanta kiisaska hawada ee sambabada, taasoo keenaysa emphysema iyo COPD. Maaddada akroliin ee kansarka dhalisa iyo kuwa kale ee iyada laga soo dhiraandhiriyay ayaa sidoo kale keena xanuuno dabadheeraada oo ku dhaca neefmareenka [[1]].
1- Walxaha kansarka dhaliya ee noole ka soo jeeda (organic carcinogenes):-
Waxaa ku jira sigaarka in kabdan 19 walxood oo kansarka dhaliya[[2]], kuwa ugu awoodda badanna waxaa ka mid ah:-
Polynuclear aromatic hydrocarbons: waa walxo sidoo kale laga helo daamurka ama laamiga, waana maaddo aad u keenta kansarka. Waxaa kale oo ay keenaan isbedel ku yimaada hidda sidayaasha (genetic mutation).
Akroliin, Nitrosamines
Nikotiin: waa kan ugu caansan walxaha ku jira sigaarka, mana ahan oo qura kansar dhaliye, ee waxa uu dardar geliyaa kobcidda burooyinka halista ah (tumors).
2- Walxaha kansarka dhaliya ee shucaaca leh (Radioactive carcinogens):
Marka laga soo tago walxaha kansarka dhaliya ee aan shucaaca, waxaa ku jira sigaarka xaddi yar oo lead-210 (210Pb) iyo polonium-210 (210Po) labadoodaba waa kansar dhaliyayaal bixiya shucaac. Curiyahan Lead 210 waxaa laga dhaliyaa burburka curiyaha radium-226, burburkeeda waxaa ka soo baxa radon-222; lead 210 kaddibna wuxuu usii burburaa bismuth-210 iyo polonium 210, iyadoo soo saarta qurubyada biita (beta particles) labada tallaababa. Walxaha ay ka koobanyihiin curiyayaashan ayaa dabadeed dega sambabada qofka sigaarka cabba, iyagoo ciriiri geliya socodka hawada; waxaana la soo helay in uruursanaanta walxahaas ay ku badanyihiin halka ay ku kala qeybsamaan bronchioles in kabadan 100 jeer inta ku jirta isku darka dhammaan sambabada. Tan oo ka dhigaysa in dadka sigaarka cabba la kulmayaan waxyeelo ka badan dadka kale. Tusaale ahaan Polonium 210, waxa uu soo saaraa walxaha aadka u tamarta badan ee loo yaqaan qurubyada alfa (alpha particles), taasoo cufkeeda awgii, lagu tiriyo inaaney dhexgeli karin maqaarka in kabadan 40 micrometres, balse sameysa waxyeelo badan (oo lagu qiyaasay 100 jibbaar ka badan waxyeelada ay hidde wadayaasha ugeystaan shucaacyada kale) marka hab sigaarka oo kale uu ku keenayo in lagu soo saaro jirka gudahiisa, halkaas oo dhammaan tamarta lagu soo saaro ay nuugayaan unugyada jirka ee la deriska ah. (Lead 210 wuxuu sidoo kale soo saaraa shucaaca gamma).
Curiyayaasha shucaaca bixiya ee ku jira tubaakada waxa ay ka mid yihiin macdanta badan ee ku jirta ciidda, balse dusha sare ee caleenta dheg dhegga leh ee buurida ayay ku soo dhegaan si ka badan geedaha kale oo aan lahayn sifadan. Si la filan karana shucaaca ka yimaada tubaakada way kala duwanyihiin, waxa ayna ku xiranyihiin hadba halka iyo sida uu u koray geedka tubaakada.
Waxaa laga helay beerka sigaar cabbayaasha xaddi aad ufara badan oo ah curiyaha polonium 210, kana badan dadka aan cabin sigaarka. Curiyahan waxa uu la midoobaa unugyada lafaha, isagoo shucaac joogta ah ku bixiya dhuuxa ku jira lafaha, waxa uuna sabab weyn unoqon karaa kansarka dhiigga ku dhaca ee loo yaqaan (leukemia), inkastoo tani aan weli la xaqiijin.
Qabatinka Nikotiinka iyo hidda wadayaasha:
B) Qurubka Nikotiin (Nicotine molecule):
Iyadoo la tixraacayo seddex diraasadood oo kala gooni ah oo fangareeyeen dawladaha yurub iyo mareykanka, ayaa saynisyahannada waxay ku qeexeen in xiriir hidde wade uu jiro oo dadka ka dhigaya inay aad u qabatimaan buurida. Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaana dadka qaar ka dhigaya inuu cabbo sigaar fara badan, dhibna ay ku noqoto joojinta cabiddiisa, isagoo suurta galnimada inuu ku dhaco kansarka sambabadana uu kordho 80% [[3]].
Astaamaha hidda wadayaasha in ka badan 35,000 oo qof (oo badankood cabba ama cabbi jireen sigaarka) ayaa waxaa sahan ku sameeyay saynisyahanno 3 diraasadood oo kala gooni gooni ah, oo seddexdaba diiradda lagu saaray isla isbedellada dhaxaleed.
Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaa warbixin ugudbisa soo dhaweeyayaasha (receptors) uu nikotiinka ku leeyahay unugyada, waxaana la gartay goob uu ku leeyahay chromosome 15 [[4]]. in isbedel ku yimaada hal nuqul ayaana kor uqaadi karto halista in qofka uu ku yimaada kansarka sambabada 30%, halka laba nuqul oo isbedel ahna ay 80% kor uqaadi karaan. Hiddo wadaha ayaa la ogaaday inuu sabab uyahay 14% xaaladaha kansarka sambabada.
T) Nikotiinka iyo qabatinka:
Nikotiinka ku jira sigaarka waa kiciye dhaliya dareen firfircooni ah, waxa uuna ka midyahay walxaha ugu muhiimsan ee keena in qofka sii wado cabidda buurida. Inkastoo xaddiga nikotiinka ee sigaarka ku jiraa uu yar yahay, haddana waxa uu weli ku filanyahay inuu keeno ku tiirsanaan xag jir iyo maskaxeedba ah. Xaddiga nikotiinka ee uu jirka ka nuugo sigaarka waxa ay ku xirantahay waxyaabo fara badan, waxaana ka mid ah nooca tubaakada, in la calaliyay iyo in la fiiltareeyay. Inkastoo sigaarka siyaabo kala duwan loo xayeysiiyay oo xataa lagu tijaabiyay mashiinno si loo yareeyo daamurka halista badan ee ku jira, haddana diraasado ayaa muujiyay in marka uu sigaarka cabo qof bani aadmi ahi (mashiinka bedelkiisa) ay ka helaan isla xaddiga qiiqi baxayay. Liqidda isku dhiska qiiqaas waa mid ka mid ah hababka ugu deg degsiinyaha badan ee dhiigga wax loo gaarsiiyo, waxaana ka horreeya oo qura cirbadda.
Celcelis ahaan waxay ku qaadanaysaa walxahaas inay ku gaaraan maskaxda 10 ilbiriqsi. Natiijada ka dhalata wax galnimada walxahan ayaa sigaar cabayaal badani waxay muujiyeen inaanay awoodin joojinta cabidda sigaarka. Kuwa isku dayaya joojinta sigaarka ee aan isku dhiibin nikotiinka 3 bilood way awoodaan inay sigaar la'aan noolaadaan inta ka hartay noloshooda [12]. Waxaa jira oo laga yaabaa in mooraal dillaac ku dhaco dadka isku dayaya joojinta sigaarka, sida walxaha kale ee maskaxda saameeya. Mooraal dillaacu waxa u ku badanyahay dhlinyarada da'doodu u dhexeysa 13-19 sano jir ee sigaarka caba, waxa ayna afar jibaar kaga dhawyihiin asaagooda aan sigaarka cabbin[[5]].
Nikotiinka waxa uu door ka cayaaraa dhacdooyinka daran ee cudurrada qaar (sida maskaxda oo dhiig ku furma, tabar darro galmoodka ah, iyo cudurrada wadnaha), isagoo sababa soo daynta Adrenalin, oo sare uqaadda cadaadiska dhiigga,iyo garaaca wadnaha.
Halista caafimaad ee walxaha ku jira tubaakada:
Sigaar cabbayaasha joogtada ah waxaa lagu qiyaasay inay noolaadaan 2.5[[6]] ilaa 10[[7]] sano in ka yar kuwa aan sigaarka cabbin, ilaa nus ka mid ah ragga sigaarka cabba ayaana u dhinta cudurro la xariira sigaarka [[8]]. Tusaale ahaan dalka maraykanka, Cudurrada lala xariiriyay sigaarka iyo guud ahaan buurida ayaa dila sanad walba ku dhawaad 438,000 oo muwaadiniin mareykan ah [[9]], maalintina waxaa udhimata 1200 oo mareykan ah, taasoo ah sababta ugu weyn ee keenta dhimasho laga hortagi karay dalka mareykanka. Ururka caafimaadka adduunka ayaa sheegay in tubaakadu ay keenayso dhimashada hal bilyan oo qof qarnigan gudahiisa [[10]].
Halista tubaakada waxay si gaar ah u keentaa cudurrada wadnaha, si gaar ah sigaarka waxa uu keenaa wadnaha oo shaqadiisa gaba (wadne istaag), cudurrada ku dhaca neefsadeenka sida cudurka sambaba xiranka ee daba dheeraada ''Chronic Obstructive Pulmonary Disease'' (COPD) iyo cudurka buufsanka kiisaska hawada ee loo yaqaan (emphysema), iyo kansarka, gaar ahaan kansarka sambabada iyo kansarrada ku dhaca cunaha iyo afka. Sidoo kale waxay sii kordhisaa halista kansarka ku dhaca ganaca (pancreas) 75%. Wixi ka horreeyay dagaalki kowaad ee dunida, kansarka sambabada waxa uu ahaa wax aad dhif u ah oo dhaqaatiirta qaar aaney weligood arag xirfaddooda inta ay wadeen, balse dagaalki kaddib oo ay caan noqotay cabbista sigaarka, waxaa si safmar ah loo arkayay kansarka sambabada ku dhaca [[11]] [[12]]. Waxyeeladaa kor ku xusan waa kansarka sambabada ku dhaca oo qura.
Waxyeelada la xariira tabar darrada xagga galmoodka waxaa lagu qiyaasay 85% inay ku badanyihiin ragga cabba sigaarka marka la barbardhigo kuwa aan cabbin [[13]], waxa ayna fure utahay hawl gabnimada ku timaada sare u kaca xubinta taranka ragga (erectile dysfunction)[[14]][[15]], sigaarku waxa uu keenaa tabar darro galmoodka la xariira, waayo waxa uu sare uqaadaa ciriirinta ama yareynta halbowlayaasha dhiigga wada ee xubinta taranka[[16]].
Kororka halista cudur ee qofka waxa ay saami wadaag toos ah la tahay dhererka muddada uu cabbayay sigaarka iyo xaddiga uu cabbo mar kasta. Si kastaba ha ahaatee, haddii uu qofku joojiyo sigaarka waxaa tartiib tartiib hoos ugu dhacaya halistan, ayadoo waxyeelada uu jirka ka soo kabanayo [[17]].
waxaa lala xariiriyay sigaarka:-
a. Noocyo badan oo kansar ah, gaar ahaan kansarka sambabada, kilyaha, cunaha, madaxa iyo dhuunta, kansarka naasaha, kaadi haysta, hunguriga, ganaca iyo caloosha. Waxaa kale oo jira caddeymo muujinaya halista kansarka dhiigga ku dhaca ee (leukemia) loo yaqaan, kansarka nooca loo yaqaan (squamous cell carcinoma) ee ku dhaca duleelada sanka, kansarka beerka, lafaha, dhuunta iyo qeybta hoose ee mindhicirrada iyo dabada, kansarrada xameetiga, qanjidhka loo yaqaan adrenal gland iyo mindhicirrada yar yar.
b. Cudurrada wadnaha iyo wareegga dhiigga
o Xanuun kadis ah oo maskaxda ku dhaca oo jirka qaarkiis hawl gab kadhiga (stroke).
o Cudurrada xididdada dhiigga ee darafka (peripheral vascular disease )
c. Cudurrada neefmareenka
o Hargabka.
o Cudurka sambaba xiranka ee daba dheeraada, cudurka buufsanka kiisaska hawada (emphysema) iyo burukiitada.
d. Cudurrada la xariira abuurista carruurta Birth defects ee hooyada cabta sigaarka carruurta ay dhasho ku imaan karo.
e. Cudurka caadka (Cataracts) ee keena indha la'aanta.
f. Hawl gabnimada garaadka
o Cudurka Alzheimer's iyo hoos udhaca awoodda waxgarasho. Xasuus la'aan iyo kartida waxgarasho ee dhalinta soo koreyso ee sigaarka cabta oo hoos udhacda.
o Yaraanshaha maskaxda (cerebral atrophy)
g. Tabar darro la xariirta galmoodka (Impotence).
Faa'iidooyinka laga helayo joojinta sigaarka waa mid dhakhso loo helayo, waxaana ka mid ah; cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo heerkulka ayaa caadi ku soo laabanayo, halista inuu wadnuhu istaagana hoos ayay udhaceysaa; waxaana soo hagaagaya kartida wax dhadhaminta, urta iyo wareegga dhiigga ee qofka cabba sigaarka.
Waxaa la ogaaday in sababta ugu weyn ee keenta sii wadidda cabista sigaarka ay tahay maaddada ku jirta ee la yiraahdo nikotiin. Si kastaba ha ahaatee, liqidda qiiqa ka imaanaya caleemaha holcaya ayaa dhalinaysa tiro badan oo walxo dhis kimikaad firfircoon ah, taasoo si dabacsan ula mid ah daamurka (laami) oo leh walxo fara badan oo fal gal kiimikaad oo waxyeeleynaya caafimaadka.
La soco qeybta 2aad...

Thursday, 13 May 2010
Naas nuujinta
Naas nuujinta:Diinta islaamka iyo Cilmiga sayniska
Waxaa diyaariyay:
Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr.Insi)
Kulliyadda Caafimaadka,
Jaamacadda UST, Sanca, Yemen.
Email: insi12@hotmail.com ama insiyare@yahoo.co.uk
Qeybta 2aad…
Caanaha hooyda iyo caanaha warshadeysan ama xoolaha
Caanaha naaska waxaa ku jira in ku dhow 1000 walxood oo dhammaantood faa'iido u leh ilmaha yar, marka la barbardhigo caanaha xoolaha ama warshadeysan oo aaney ku jirin marka laga reebo walxo yar.
Borotiinnada iyo amayno aasidhka:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira borotiinnada aad uu ugu baahanyahay ilmuhu, halka kuwa lo'da ay ku jiraan borotiinno aan shaqo ku lahayn iyo kuwo xasaasiyad ku keena ilmaha. Intaa waxaa sii dheer, borotiinnada ku jira caanaha hooyada waa kuwo si fudud uu shiidi karo dheefshiidka ilamah yar inkayar 15 daqiiqo, halka kuwa caanaha lo'da ay yihiin kuwo aaney shiidi karin dheefshiidka carruurta, una baahan inkabadan saacad, taasoo fursad siinaysa in qaarkood ay gaaraan mindhicirrada ka hor inta aan la shiidin, isla markaana sababa xasaasiyad ku beeranta ilmaha yar.
Caanaha hooyada waxaa ku yar amayno aasidhka la yiraahdo phenyl alanine, halka caanaha lo'dana ay qani ka yihiin amayno aasidhkaas, sidaa daraadeed waxaa jira cudur dhaxal ah oo la yiraahdo phenylketonuria, carruurta qabta xanuunkan waxa ay waxyeelo daran kala soo gudboonaataa caanaha lo'da, maadaama amayno aasidhkan uu ku badanyahay, balse wax dhib ah kalama kulmaan marka naaska la nuujiyo [[42],[43]].
Sidoo kale caanaha naaska waxaa ku jira xaddi badan oo cysteine:methionine kana badan inta ku jirta caanaha lo'da. Maskaxda ilmaha yarna waxaa ku yar insaymka la yiraahdo cystathionase oo methionine ubedela cysteine, waana maaddada (cysteine) muhiimka uah korriinshaha maskaxda carruurta, ahna isha ugu weyn ee laga helo taurine.
Sokorta:-
Xaddiga Sokorta caanaha ee lactose la yiraahdo kuna jirta caanaha hooyada waa 7%, halka caanaha lo'da ay ku jiraan 4.7%. Lactose ka waxa uu ka koobanyahay (glucose + glactose), sidaa awgeedna xaddiga sokorta lactose ee aadka ugu sareeya caanaha naaska waxa ay lagama maarmaan uyihiin sameysanka iyo korriinshaha maskaxda carruurta, gaar ahaan bilaha ugu horreeya noloshooda. Dhanka kale caanaha naaska hooyada waxa ay qani ka yihiin Sokorta nooca silsiladdiisa gaabantahay ee loo yaqaan oligosaccharides oo lagama maarmaan u ah korriinshaha maskaxda ilmaha mar dhaw dhashay, halka inta badan caanaha la warshadeeyay aaney lahayn sokortaas.
Aasidh dufaneedka (fatty acids):-
Kolistaroolka waxa uu ka mid yahay dufanaha muhiimka u ah korriinshaha maskaxda, sameynta nudaha Dareen wadka iyo dheecaanka xameetiga ku jira. Caanaha warshadaysan waxaa ku jira xaddi dhan 1-2 mg/100cm2, halka naaska hooyada ay ku jiraan xaddi dhan 7-47mg/100cm2.
Caanaha naaska hooyada waa isha ugu weyn ee laga helo dufanaha arachidonic acid (AA) iyo docosahexaenoic acid (DHA), labada sano ee ugu horreeya, waayo jirka carruurta ma soo saari karo labadan maado ee muhiimka u ah korriinshaha maskaxdooda.
Macdanta iyo Faytamiinnada:-
Caanaha hooyada waxaa ku jira Macdanta uu ubaahanyahay ilmaha, xaddi munaasib ah oo dheeli tiran, jirkooduna si fudud ushiidi karo. Halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi fara badan oo faa'iido lahayn, dhib iyo daalna ku keena kilyaha ilmaha yar.
Caanaha naaska waxaa ku jira Macdanta la yiraahdo bir ama (iron) xaddi dhan 1mg/litre, waana xaddi si dhammeystiran unuugi karo jirka ilmaha, halka caanaha lo'da ay ku jiraan xaddi dhan 12mg/litre. Badnaashahaasna waxay keentaa waxyeello jirka gaarta.Caanaha naaska waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo lactoferrin oo fududeysa in jirku nuugo birta 50-70%, taasoo ka dhigta ilmaha naaska hooyada nuuga kuwa ay yartahay inay ku dhacdo dhiigyarida [[44]]. Intaa waxaa sii dheer, caanaha naaska waxaa ku jira in kabadan 15 curiye, insaymyo iyo faytamiinis badan iyo in kabadan 15 hormuun.
Ka hortagga bakteeriyada iyo jeermis dhaliyaasha:-
Caanaha naaska waxaa ku jira xaddi fara badan oo ah lysozyme, oo muhiim u ah ka hortaga bakteeriyda cudurrada dhalisa ee dheefshiidka, waxaana ku jira xaddi 30 jeer ka badan inta ku jirta caanaha lo'da, waxaa kale oo caanaha naaska ku jira bakteeriyada faa'iidada leh ee la yiraahdo Lactobacillaceae oo ka hortagta inay ku badato dhefshiidka bakteeriyada nooca loo yaqaan (gram +ve) xaddi kabadan 10 jeer inta ku jirta caanaha lo'da.
Mugga qanjidhka loo yaqaan thymus galand ee carruurta naaska hooyada la nuujiyo waxa uu dhanyahay labalaabka kuwa aan naaska la nuujin. Qanjidhkan waa mid dowr weyn ka cayaara difaaca jirka.
Jadwal isbarbardhigaya caanaha hooyada iyo caanaha warshadeysan [[45],[46]]
Nafaqo CAANAHA NAASKA CAANAHA LA WARSHADEEYAY FAALLO
Dux ( Dufan) • Waxa ay qani ka yihiin maskax dhisaha omega 3s, magac ahaana loo yaqaan DHA iyo AA.
• Waxa ay si weyn u daboolayaan baahida ilmaha, heerka daboolideedana hoos ayuu udhacayaa markasta oo uu ilmuhu sii weynaado.
• waxay qani ka yihiin kolesterol
• Dhammaantiis jirka ilmuhu wuu soo nuugaa.
• Waxaa ku jira insaymka burburiya dufanka ee loo yaqaan laybees (lipase).
• kuma jiro DHA
• ma wada dabooli karo baahida ilmaha.
• kuma jiro kolesterol.
• dhammaantiis jirka ilmaha sooma nuugo.
• Kuma jiro laybees. Dufanka waa kan ugu muhiimsan nafaqada ku jirta naaska hooyada, kamaqnaashaha DHA iyo Kolesterol waxa ay ilmaha ku keenaysaa inuu ku dhaco cudurrada maskaxda iyo wadnaha ee dadka waa weyn ku dhaca.
Dufanka aan jirku soo nuugin waxa ay ku keentaa ilmaha la siiyo caanaha lo'da ama warshadeysan inay dhigaan saxaro aad u ur badan.
Borotiinis • Waa mid jilcan, si fududna lagu shiidi karo.
• intooda badan waa mid jirku nuugo.
• Waxaa ku jira Laktoferrin.
• Waxaa kale oo ku jira Laysosaym, oo lid ku ah ilma-aragtida (antimicrobes).
• Waxay qani ka yihiin borotiinnada dhisa maskaxda iyo jirka.
• Waxay qani ka yihiin walxaha korriinshaha ee loo yaqaan (growth factors).
•waxaa ku jira borotiinnada hurdada keena ama dhaliya. • Way adagtahay shiididiisa.
• Dhammaantiis lama soo nuugo, aadna way ugu adagtahay kilyaha ilmaha.
• Kuma jiro laktoferrin.
• Kuma jiro Laysosaym.
• Way ka liitaan borotiinada dhisa jirka iyo maskaxda.
• way ka liitaan walxaha korriinshaha (growth factors)
• Kuma jiraan borotiinnada hurdada dhaliya. Ilmaha yar xasaasiyad kama qaadaan borotiinnada caanaha naaska ku jira.
Karbohaydareyt • Waxay qani ka yihiin laaktoos.
•waxay qani ka yihiin (oligosaccharides), oo xoojiya Caafimaadka mindhicirrada. •kuma jiro laaktoos qaar ka mid ah caanaha warshadeysan.
• way ku yartahay Sokorta nooca loo yaqaan oligosaccharides Laaktoos waxa uu muhiim uyahay horumarka maskaxda. Heerkiisana waxay bar barro la tahay weynaanta iyo kobaca maskaxda.
Difaac xoojiye •waxay qani ka yihiin unugyada cad cad ee dhiigga, halki mar oo uu nuugana waxa uu ka helayaa malaayiin.
• Waxaa kale oo ay qani ka yihiin walxaha difaaca jirka ee loo yaqaan immunoglobulins. • Kuma jiraan unugyada cad cad ee dhiigga.
• in yar oo Igs ayaa ku jira, balse waa kuwo aanan jirka ubaahnayn. Marki hooyada la kulanto jeermis, jirkeeda waxa uu sameysanayaa difaac (antibodies) dabadeedna ilmaha naaskeeda nuugaya ayay ugudbinaysaa (antibodies) iyadoo usii marinayso caanaha.
Faytamiinis & Macaadin • aad ayuu usoo nuugaa irka, gaar ahaan birta, zinc, iyo calcium
•50-75% birta jirku wuu soo nuugaa.
• waxaa ku jira xaddi badan oo ah seleniyam oo ah (antioxidant)
• si fiican jirka uma soo nuugo.
•5-10% birta ayuu jirku soo nuugaa.
• Waxaa ku jira xaddi yar oo ah seleniyam. Faytamiinnada iyo macaadinta ku jirta caanaha naaska waa kuwo intooda badan jirku soo nuugo. Si ay taa ubuuxiyaan waxa ay sameeyaan warshadaha caanaha inay ku daran xaddi fara badan oo ah macaadiinta iyo Faytamiinnada ka maqan, taasoo culeys ka dhigeysa in caloosha ilmaha yari shiiddo.
Insaymis & Hormuunno • Waxay qani ka yihiin dheecaannada wax shiida sida laybees iyo amilees.
• Waxay qani ka yihiin hormuunnada thyroid, prolactin, Oxytocin, iyo inkabadan 15 kale.
• Waxay ku xirantahay hadba cuntada hooyada cuneyso.
• warshadda marka la marinayo waxaa dhimanaya insaymiska waxshiida.
• Waxay kaloo dishaa hormuunnada muhiimka ah.
Insaymyada waxshiida waxa ay xoojiyaan caafimaadka mindhicirrada. Waxay kaloo gacan ka geystaan dheeli tirka falalka kiimikaad ee jirka ka dhacaya.
Jadwal caddeynaya xaddiga ay kaafinayaan caanaha naaska iyo baahida ilmaha sanadkiisa 2aad.
Baahida ilmaha Xaddiga uu daboolayo naaska Baahida ilmaha Xaddiga uu daboolayo naaska
Tamar 29% Foolik aasidh 76%
Borotiin 43% Faytamiin B12 94%
Kaalsiyam 36% Faytamiin 60%
Faytamiin A 75%
Miisaanka u kordhaya carruurta naaska nuugta:-
Ilmaha naaska la nuujiyo caadiyan waxaa u kordha miisaan, waxaana ku soo koobayaa sidan:-
0–4 bilood: 170 garaam todobaadkiiba
4–6 bilood: 113–142 garaam todobaadkiiba
6–12 bilood: 57–113 garaam todobaadkiiba
Celcelis ahaan carruurta naaska la nuujiyo miisaankoodu wuu laba jibbaarmaa marka ay gaaraan 5-6 bilood. Marka ay sanad gaaraane waxa uu gaaraa 2.5 jibbaar miisaanki ay ku dhasheen. Muuqaal ahaan carruurta naaska la nuujiyo marka ay sanad gaaraan way ka dhisma qurxanyihiin kuwa caanaha la siiyo [ [47] ].
Naas nuujinta gaarka ah:-
Naasnuujinta gaarka ah waxaa loola jeedaa in ilmuhu nuugo caanaha naaska oo qura iyadoo loo raacin waxyaabo kale (sida biyo, casiir, caano kale oo aan naaska ahayn, iyo cunto nooc kasta oo ay ahaataba 6da bilood ee ugu horreeya noloshooda).
Naas nuujinta waxa ay soconaysaa iyadoo ay cunto la socoto wixi ka dambeeya 6bilood ilaa 2 sano jir.
Naas nuujinta carruurta ee gaarka ah waxaa la siinayaa ilmaha 6 ilaa 14 jeer maalinti. Ilmaha kol dhaw dhashay waxa uu isticmaali karaa 30 ilaa 90ml, kaddib 4ta todobaad ee ugu horreysa waxa uu isticmaali karaa ilaa 120ml.
Sidaa awgeed marka naaska la nuujinayo ilmaha waxaa hooyada looga baahanyahay inaaney ka joojin ilaa ay ka dareento in naaskeeda aanu caano ku jirin, waayo nafaqada ugu badan iyo difaaca jirka waxa ay la socdaan qeybaha dhexe iyo dambe ee caanaha.
Ma jirtaa xaalado hooyadu aaney naaska nuujin karin ilmaheeda?
Naas nuujinta oo ah fal dabiiciya oo eebe ku uumay aadanaha, way yartahay inay dhacdo xaalad aanaey hooyadu nuujin karin ilmaha ay dhashay. Culeysyo fara badan ayaa si fudud waxaa loogu xallin karaa adeeg wanaagga caafimaad ee isbitaalka hooyadu ku umuleyso, umuliso tababaran, dhaqaatiir iyo shaqaale caafimaad oo feejigan iyo latalin wanaagsan oo naas nuujinta ah.
Waxaa jira xaalado aan caafimaad ahaan hooyada loo oggolayn inay ilmaha nuujiso, sida hooyada qabta HIV iyo tan ku summowday wasakhda deegaanka sida curiyaha lead oo kale. Waxaa kaloo jira xaalado dhif ah oo aaney caano ka imaanayn naaska hooyada, sababtoo ah hormuunka caanaha dhaliya ee prolactin la yiraahdo oo yar ama aan la soo saarin awgeed, xaaladdan waxaa keena cudur loo yaqaan Sheehan's syndrome, oo ka dhasha cadaadiska dhiigga oo si kedis ah hoos ugu dhaca waqtiga dhalmada sababtoo ah dhiigbax culus.
Tixraaca Qormada________________________________________
[ 1 ] http://www.childinfo.org/eddb/brfeed/
[ 2 ] http://www.aleijaz.net/artman/publish/article86.htm
[ 3 ] http://www.breastfeedingonline.com/
[ 4 ] http://www.obgyn.net/pb/articles/DHA_formula.htm
[ 5 ] http://www.obgyn.net/pb/pb.asp?
[ 6 ] http://www.christianitytoday.com/cpt/9g39/g3049.html
[ 7 ] Donath S, Amir LH 2000, Rates of breastfeeding in Australia by State and socio-economic status: Evidence from the 1995 National Health Survey. J Paediatr Child Health 36: 164168-.
[ 8 ] http://www.breastfeeding.asn.au/bfinfo/sustained.html
[ 9 ] Zetterstrom R 1999, Breastfeeding and infant -mother interaction. Acta Paediatr S430: 16-
[ 10 ] http://ar.essortment.com/feedingbottle_rcdw.htm
[ 11 ] Horwood LJ, Darlow BA, Mogridge N 2001, Breast milk feeding and cognitive ability at 78- years Arch Dis Fetal Neonatal 84: F23-F27.
[ 12 ] http://medicalreporter.health.org/tmr0297/breastfeed0297.html
[ 13 ] http://kidshealth.org/parent/growth/feeding/breast_bottle_feeding.html
[ [14] ] http://www.drgreene.com/21_552.html
[ [15] ] http://www.kellymom.com/nutrition/immunefactors.html
[ [16] ] http://kidshealth.org/parent/growth/feeding/breast_bottle_feeding.html
[ [17] ] http://www.55a.net/firas/arabic/index.php?
[ [18] ] Schanler RJ, Hurst NM, Lau C. The use of human milk and breastfeeding in premature infants. Clin Perinatol 1999;26(2):379398-.
[ [19] ] Stabin MG, Breitz, H. Breast milk secretion of Radiopharmaceuticals; Mechanisms, findings and radiation dosimetry. J Nucl Med 2000;41(5):863873-.
[ [20] ] http://www.naturalfamilyonline.com/5-bf/312-formula-report.htm
[ [21] ] Armstrong J, Reilly JJ (2002). "Breastfeeding and lowering the risk of childhood obesity". Lancet 359 (9322): 2003–4. doi:10.1016/S0140-6736(02)08837-2. PMID 12076560.
[ [22] ] Ip S, Chung M, Raman G, et al. (2007). "Breastfeeding and maternal and infant health outcomes in developed countries". Evid Rep Technol Assess (Full Rep) (153): 1–186. PMID 17764214. http://www.ahrq.gov/downloads/pub/evidence/pdf/brfout/brfout.pdf. Retrieved 2009-09-22.
[ [23] ] Horta BL, Bahl R, Martines JC, Victora CG (2007). Evidence on the long-term effects of breastfeeding: systematic reviews and meta-analyses. Geneva, Switzerland: World Health Organization. ISBN 9789241595230. http://whqlibdoc.who.int/publications/2007/9789241595230_eng.pdf. Retrieved 2009-09-22.
[ [24] ] Moulden A.(1994). Feeding difficulties part II. Artificial feeding. Aust Fam Physician 23:1907-1912.
[ [25] ] Wyllie R. (1996). Cowʼs milk protein allergy and hypoallergenic formulas. Clin Pediatr 35:497-500.
[ [26] ] Koenig JS, Davies AM, Thach BT. (1990). Coordination of breathing, sucking and swallowing during bottle feedings in human infants. J Appl Physiol 69: 16231629-.
[ [27] ] Virtanen SM, et al. (1993). Early introduction of dairy products associated with increased risk of IDDM in Finnish children. Diabetes 42:1786-90.
[ [28] ] Gerstein HC. (1994). Cow's milk exposure and type 1 diabetes mellitus. Diabetes Care 17: 1319-.
[ [29] ] Verge CF, et al. (1994). Environmental factors in childhood IDDM. A population-based, case-control study. Diabetes Care 17:13819-.
[ [30] ] Mayer-Davis EJ, Dabelea D, Lamichhane AP, et al. (2008). "Breast-feeding and type 2 diabetes in the youth of three ethnic groups: the SEARCh for diabetes in youth case-control study". Diabetes Care 31 (3): 470–5. doi:10.2337/dc07-1321. PMID 18071004.
[ [31] ] http://www.aleijaz.net/artman/publish/article86.htm
[ [32] ] Schneider, A.P.(1987). Risk Factor for Ovarian Cancer. N Engl J Med.
[ [33] ] Rosenblatt KA, Thomas DB (1993). WHO Collaborative Study of Neoplasia and Steroid Contraceptives. Int J Epidemiol. 22:192197-.
[ [34] ] Yoo,KY, et al. (1992). Independent protective effect of lactation against breast cancer: A case-control study in Japan. Amer J Epidemiol. 135 (7):72633-
[ [35] ] http://www.lalecheleague.org/Release/cancer.html
[ [36] ] http://breastfeed.com/resources/articles/101reasonsp1.htm
[ [37] ] Layde PM, et al. (1989). The independent associations of parity, age at first full term pregnancy, and duration of breastfeeding with the risk of breast cancer. J Clinical Epidemiol. 42: 96373-.
[ [38] ] http://www.bab.com/news/full_news.cfm?
[ [39] ] Chua S, Arulkumaran S, Lim I et al. (1994). Influence of breastfeeding and nipple stimulation on postpartum uterine activity. Br J Obstet Gynaecol 101:804805-.
[ [40] ] Kramer, F. (1993). Breastfeeding reduces maternal lower body fat. J. Am Diet Assoc 93(4): 42933-.
[ [41] ] Dewey KG, Heinig MJ, Nommwen LA. Maternal weight-loss patterns during prolonged lactation. Am J Clin Nutr (1993).58:162166-.
[ [42] ] http://classes.aces.uiuc.edu/AnSci308/HumanLact.html
[ [43] ] Rogan WJ. (1996). Pollutants in breastmilk. Arch Pediatr Adolesc Med 150(9): 981-990.
[ [44] ] http://medicalreporter.health.org/tmr0297/breastfeed0297.html
[ [45] ] http://www.wiessinger.baka.com/bfing/breastvbottle/breastvbottle.html
[ [46] ] http://www.kidsdirect.net/BD/infants/breast/chart.htm
[ [47] ] "Weight gain (Growth patterns) ". AskDrSears.com. http://www.askdrsears.com/html/2/T023600.asp. Retrieved 2007-04-03

Subscribe to:
Posts (Atom)