Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr. Insi)
Qeybta 2aad….
Cudurrada uu keeno sigaarka:-
1- Cudurrada wadnaha iyo wareegga dhiigga:-
Sigaarku waxa uu kor uqaadaa fursadaha cudurrada wadnaha. Walxo badan oo buurida ku jira ayaa waxa ay horseedaan inay ciriiri noqdaan xididdada dhiigga qaada, iyadoo kor ukacdo suurtogalnimada inay xidhmaan, sidaana uu wadnuhu ku joogsado ama uu dhiig ku firmo maskaxda. Marka la tixraaco diraasad ay sameeyeen koox caalami ah oo cilmibaarayaala, dadka da'doodu ka yar tahay 40 jir waxa ay 5 jibbaar halis uyihiin inuu wadnuhu joogsado haddii ay sigaar cabbaan [[18]].
Sigaarka waxa uu isku dhexyaac ku keenaa garaaca wadnaha, waayo waxa uu sababaa sii daynta Adrenaline, waxaana la ogaaday in dadka sigaarka cabba uu ku badanyahay mootul fajaha iyo cudurka loo yaqaan Angina, waayo dhiig xinjir ah ayaa waxa uu xiraa xididdada wadnaha quudiya ee loo yaqaan ''coronary arteries'', waxaa kale oo ku badan in jirka qeyb ka mid ah qallasho, kaddib marka ay xinjir xirto xididdo muhiim ah oo quudiya qeybo maskaxda ka mid ah. Sidoo kale sigaarka waxa uu sare uqaadaa garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga, waxaana sidaa ku dhaca cudurka dhiig karka.
2. Caafimaadka afka:-
Waxaa laga yaabaa in xaaladda ugu daran ee sigaarka iyo buuridu ku keenaan afka ay tahay kansarka afka. Si kastaba ha ahaatee, sigaarku waxaa kale oo uu afka ku keenaa cudurro kale oo horay loogu gooni yeelay dadka sigaarka cabba, sida xanuunno ku dhaca unugyada ku wareegsan ilkaha (periodontitis), oo lala xariiryay dadka cabba sigaarka ama cabbi jiray. Buurida kale ee aan sigaarka ahayn waxa ay keentaa ciridka oo burbura iyo nabarro ka soo baxa xuubka qafiifka ah ee ku dahaaran afka. Ilaa 90% dadka laga helay xanuunka unugyada ku wareegsan ilkaha oo aan ku biskoon hababka caadiga ah ee wax lagu daweeyo waxa ay ahaayeen dad sigaarka cabba[[19]]. Sigaarka waa kan ugu muhiimsan waxyaabaha midabka uyeela ilkaha, waxa uuna ur qurmuun uyeelaa afka. Waxyaabaha kale ee loo aaneeyo sigaarka waxaa ka mid ah: xanuunka loo yaqaan (leukoplakia) oo ah nabarro cad cad oo ka soo baxa xuubka jilcan ee ku dahaaran afka iyo nabarro yar yar oo midab beey ah leh kana soo baxa dhanxanaga (smoker's palate). Waxaa taa sii dheer in badan oo dadka sigaarka cabba ka mid ah ayaa lagu arkay inay waayeen dareenka dhadhaminta iyo isbedel ku yimaada dhareerka. Ilkaha oo daatana waxa ay 2 ilaa 3 jeer ka sarreeyaan dadka aan sigaarka cabbin.
3. Habdhiska kaadida:-
Walxaha kansarka dhaliya ee ku jira sigaarka waxa ay raacayaan dhiigga, dabadeedna waxa ay keenaan waxyeello fara badan sida: kansarrada ku dhaca kaadi haysta iyo kilyaha, iyo xanuunnada iyo kansarka qanjidhka barostataha loo yaqaan.
4. Maqaarka:-
Sigaarka cabiddiisa waxa uu keenaa inuu jilco maqaarka jirka, taasoo sababteeda ay leedahay isagoo saamayn weyn ku leh xididdada dhiigga, kuwaasoo maqaarka siiya cunnooyin iyo oksajiin oo muhiim u ah caafimaad qabka maqaarka.
5. Habdhiska dhaqaaqa:-
Diraasado la sameeyay ayaa isku xiray cabidda sigaarka iyo jileeca lafaha dumarka, waxaana loo aneeyay waxyaabo ku jira samaysanka sigaarka. Waxaa kaloo jirta xaqiiq ah in dumarka cabba sigaarka ay ka hor gaari ogyihiin dumarka aan cabbin da'da ilma goynta.
6. Waxyeelada jir iyo maskaxeed ee sigaarka:-
Dadka sigaarka cabba waxaa lagu arkay saameyn jir iyo maskax ahaaneed. Kuwa sigaarka ku cusub cabistiisa waxa ay la kulmaan lalabo (nausea), dawakhaad (dizziness) iyo garaaca wadnaha oo deg dega. Calaamadahaas aan farxadda lahayn way iska baaba'aan muddo kaddib, haddii uu qofku sii wado cabbidda sigaarka, jirkuna wuu la qabsanayaa walxaha kiimikaad ee sigaarka ku jira sida nikotiinka. Nikotinka waxa uu maskaxda uga fal galaa si lamid ah kaffayiin [[20]]. Qaar ka mid ah dadka wax ka qoray arrintan ayaa sheegay in sigaarku siyaadiyo xoog saaridda maskaxda (mental concentration). Dadka sigaarka cabba waxa ay sheegaan inay ku raaxaystaan cabbiddiisa, tasoo qayb ka ah sababaha inaanay joojin karin xataa haddii ay ogyihiin halista caafimaad ee uu leeyahay. Dhadhanka, urta iyo aragtida oo ay kaga raaxaystaan ayaa ah waxyaabaha keenaya inay aad udaneeyaan ku raaxaysiga cabbiddiisa, waxaa taa sii dheer jaceylka ay isku qaadaan sigaar cabbayaasha kale. Sigaarka cabiddiisa muddo dheer waxa ay joojisaa dareenka wax urin ee qofka.
Inta badan dadka sigaarka cabba haddii ay waayaan ama loo diido waxaa lagu arkaa deggenaasho la'aan, dhirif, af qallayl iyo wadnaha garaaciisa oo deg dega. [[21]]Haddii mudda dheer uu waayana waxay keeni kartaa hurdo la'aan iyo xataa niyad jab. Dhicidda astaamahan waa mid deg deg ah, waqtiga uu ubaahanyahay in lagu bur buriyo qeyb ahaan nikoyiinka waa saacad qura. Astaamahana waxaa la arki karayaa xataa haddii qofku cabbo in yar oo sigaar ah ama si aan nidaamsanayn, 4-5 xabadood oo sigaar ah inta badan da' yarta cabta sigaarka. Ku tiirsanaanta nikotiinka ee dadka horay ucabbi jiray sigaarka waxay joogsataa qiyaas ahaan 10 ilaa 20 maalmood kaddib, inkastoo tirada soo dhaweeyayaasha nikotiinka ee maskaxda si joogta ah wax looga bedelo, ku tiirsanaanta maskaxda waxaa laga yaabaa inay sii socoto bilo ama sanado.
Si ka duwan maandooriyaasha qaar iyo khamriga, nikotiinka ma bedelo xirfadaha dhaq dhaqaaq, garaad, go'aan qaadasho iyo awoodaha luqadeed ee sigaar cabbaha inta uu cabbayo, balse astaamaha ka dhasha joojintiisa, sida deggenaasho la'aanta iyo tabar darro inuu xoogga saaro wax dhageysiga ama fahamka ayaa saameyn ku yeelan karo xirfadihi aan horay usoo sheegnay.
Inta badan waxyeelladan waxaa sabab u ah ka siibashada nikotiinka, sidaa awgeed sigaar cabbayaasha aan weli qabatimin nikotiinka kama cabanayaan dhibaatooyinkaas.
Diraasado ayaa soo jeedinaya in xiriir ka dhexeeyo cabbidda sigaarka iyo xanuunno maskaxda ah, iyagoo soo daliishada tirada sii kordhayso dadka sigaarka cabba ee ka cabanaya xanuunno dhimir xanuun ah (schizophrenia)[[22]] iyo suurtagalnimada in sigaarka uu yareeyo astaamaha xanuunnada maskaxda[[23]], balse tani ma aha mid lagu qanci karo.
Nikotiinka waa mid keena qabatin aad u sareeya. Marka tubaakada la gubo, inta badan nikotiinka wuu fur furmaa; xaddi yar ayaana ku filan inuu sababo ku tiirsanaan jired, iyadoo ku tiirasanaanta xoogga badan ee maskaxdana ay sii soconayso. Marka aan tixraacno diraasad ay sameeyeen Henningfield iyo Benowitz, nikotiinka waxa uu ka qabatin badan yahay gebi ahaan xashiishka, kafayiinka, khamriga, kokayin iyo herowinta, marka laga eego ku tiirsanaanta jir iyo maskax ahaaneed. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego saameynta xoogga badan ee ka timaada joojinta khamriga, kokayinta iyo herowinta, nikotiinka wuu suurto galnimo yaryahay ku tiirsanaanta walxahaas aan kor ku soo xusay. Diraasado kale ayaa iyana sheegaya in ku tiirsanaanta maskaxeed ee nikotiinka ay ka sareyso tan ka dhalata maandooriyaasha , xataa khamriga. Borofesar Jennifer O'Loughlin oo wax ka dhiga jaamicadda McGill University ayaa sheegay in la qabsiga nikotiinka ay dhacdo si dhakhso ah kaddib 4 bilood marka sigaar cabidda la billaabo.
7. Taranka:-
a) Saamaynta ay ku leedahay unugyada nool ee ku jira manida ragga:-
Waxaa jira caddaymo isa soo taraya oo sheegaya halista buuridu u leedahay shahwada ragga iyadoo disha unugyada manida [[24]]. Sidaa awgeed ayaa dawladaha qaar waxay ka codsadeen warshadaha sameeya sigaarka in digniin lagu dhejiyo baakadda sigaarka. Cabbidda sigaarka waxa uu sare uqaadaa qaadashada curiyaha cadmium la yiraahdo, waayo geedka tubaakada waxa uu dhulka ka soo nuugaa curiyaal bir ah. Cadmium kiimikaad ahaan waxa uu lamidyahay Zinc, waxaana laga yaabaa inuu bedelo Zinc DNA polymerase taasoo dowr muhiim ah ka cayaarta soo saarista shahwada. Zinc inuu bedelo Cadmium hawsha DNA polymerase waxa ay waxyeelo weyn ukeentaa xiniinyaha [[25]].
b) Dhicis lama filaan ah:-
Tiro diraasado ah ayaa muujiyay in isticmaalka tubaakada ay cunsur muhiim ah u tahay dhicinta lama filaanka ah ee dumarka uurka leh ee sigaarka cabba, iyo inay halisyo kale oo badan ukeenayso ilmaha uurka jiifa. Cabidda darajada labaad ee sigaarka waxa ay halis lamid ah ku leedahay uur jiifta, sida ay sheegtay diraasad in '' cabidda waalidka ee sigaarka waxa ay sii kordhisaa halista in xilli hore uu waxyeeloobo uurka'' [[26]].
c. Sigaarka iyo uurka:-
Saamaynta uu sigaarka ku leeyahay hooyada uurka leh waa mid halis ah; waxa uu keenaa inay dhicis joogta ah uu ku dhaco, miisaanka carruurta dhalanaysa oo ka yar heerka caadiga ah, ilmaha oo in badan uurka ku dhinta, iyo sare ukaca xanuunnada sambabka ee carruurta naaska nuugaysa.
d. Xaaladda loo yaqaan SIDS:-
Sigaar cabidda darajada labaad waxaa lala xariiriyay xaaladda dhimashada deg degga ah ee dharab ku jirta loona yaqaan SIDS (Sudden Infant Death Syndrome). Ilmaha yar yar ee u dhinta xaaladdan ayaa la ogaaday inay sambabadooda ku jiraan xaddi sare oo nicotine iyo cotinine ah, kana sareeya kuwa udhinta sababo kale. Cabbidda sigaarka hooyada inta ay uurka leedahay waxa uu kor uqaadaa halista SIDS, iyadoo carrruurtuna marka ay dhashaan ubanbaxaan sigaarka darajada labaad ay iyana keento halista SIDS, xataa haddii uunan waalidku cabbin sigaarka inta ay uurka ku jireen ilmaha. Nicotine ka ka yimaada sigaarka waxa uu ka gudbaa caanaha hooyada ee naasaheeda ku jira, sidaa ayuuna carruurta ku gaaraa nicotine ka[[27]].
Sigaar cabidda darajda labaad
Waxaa loola jeedaa in meel sigaar lagu cabbayo uu joogo qof aan isagu cabbin, dabadeedna qiiqa sigaarka ka baxayo uu jiido, sidaa awgeedna uu ku noqday qof sigaar jiiday oo sambabadiisana ay gasho qiiqa sigaarka, balse aan gacantiisa ku cabbin.
Diraasad la sameeyay ayaa caddeysay in qiiqa sigaarka oo uu jiido qof aan cabbin sigaarka aaney ka waxyeelo yarayn kan sigaaka cabbaya, haddii aanayba ka darnayn.Sigaar cabbidda darajada labaad waa isku jirka qiiqa gubtay ee sigaarka ama badeecadda ee ku aruuray sambabada ee uu neefsanayo qofka cabbaya. Taasoo qofka la jooga sigaar cabbaha uu neef ahaan ujiido muddo badanna hawada ku jirta kaddib marka sigaarka la damiyo, waxayna sababi kartaa waxyeello ballaadhan oo dhinaca caafimaadka la xariira, sida kansar, infekshinnada ku dhaca neef mareenka iyo cudurka neefta ama naqaska. Ma jirto heer aamin ah oo sigaar cabidda darajada labaad ah, xataa waxyar oo aad ubanbaxdaa waxa uu sababi karaa in dhiigga qeybaha ka tirsan ee platelets loo yaqaan ay noqdaan kuwa dheg dheg ah, taasoo waxyeelayso xididdada dhiigga wada, hoosna udhigta heerka xawaaraha qul qulka ee coronary vessels, sidoo kale waxa uu hoos udhigaa isbedelka garaaca wadnaha, taasoo sare uqaadayso fursadda inuu wadnaha istaago.
Sigaar cabidda darajada labaad waxa ay si khaasa halis weyn ku haysaa carruurta yar yar. Waxa ay masuul ka tahay in 150,000 ilaa 300,000 oo carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano uu ku dhaco cudurrada ku dhaca qaybta hoose ee neef mareenka, iyadoo dhalisay in isbitaal la dhigo carruur gaaraysa 7,500 ilaa 15,000 sanad walba. Waxaa kale oo ay sababtaa 430 carruur aad u yar yar oo udhimata SIDS dalka mareykanaka gudihiisa sand kasta.Sigaar cabidda darajada labaad waxa ay sababtaa waxyeelada uu keeno kan heerka kowaad, gaar ahaan cudurrada wadnaha iyo kansarka. Dadka aan sigaarka cabbin ee u banbaxa qiiqa sigaarka iyagoo gurigooda ama goobta shaqada jooga waxaa sare ukacayo halista inuu ku dhaco cudurrada wadnaha 25-30%, kansarka sambabada ku dhacana 20-30%.
Marki sigaarka laga mamnuucay goobaha xiran ee dadka udhanyihiin dalka Scotland bishi maarso 2006, waxaa hoos udhacay 17% dadki isbitaalka loo dhigayay xaaladda loo yaqaan acute coronary syndrome, 67% hoos udhacaas waxa uu ahaa dadka aan sigaarka cabbin.
Sababaha keena cabbidda sigaarka:
1- Xayeysiiska faraha badan ee loo sameeyo sigaarka.
2- Cadaadiska dhalinta kala kulanto asaagooda cabba sigaarka: ururrada la dagaallama sigaarka cabbiddiisa ayaa ku cawda in da'yarta ay ubillaabaan cabbidda sigaarka sababo la xariira cadaadis kaga yimaada asaagood iyo dhaqanno ku dayasho saaxiibadood.
3- Waalidka oo sigaarka cabba: carruurta ay waalidkood cabbaan sigaarka way kaga dhawyihiin fursad ahaan kuwa aan waalidkood cabbin.
4- Sawirrada sigaarka la cabbayo ee filimada, telefishinada iyo cayaaraha: sigaar cabbidda oo laga daawado filimada waxaa lala xariiriyay billaabidda dhalinyarada soo baxaysa sigaarka ku billaabaan iyagoo uga dayanay fannaan ama jilaa ay xiisaynayaan oo cabbaya sigaarka. Sida lagu sheegay diraasad laga sameeyay filimada oo socotay inti udhexeysay sanadihi 1988 ilaa 1997, 87% filimada waxaa lagu muujiyaa isticmaalka noocyo kala duwan oo buurida ah, celcelis ahaan 5 dhacdo filimkiiba. Filimada loogu tala galay dadka da'doodu ka sareysa 18 sano ayaana ah kuwa ugu dhacdooyin badan ee lagu muujiyo muuqaallo habab kala duwan oo isticmaalka buurida.
Sababaha keena sii wadidda cabbidda sigaarka:
Waxaa ka mid ah:
1- Sigaarka oo uu qabatimo dabadeedna uu joojin kari waayo.
2- Farxad laga raadiyo sigaar cabbidda.
3- Buuqa iyo walaahowga in la isaga yareeyo.
4- Bulshada oo wada cabta [[28]].
5- Kicin iyo xifaaltan dhalinta dhexdeeda ah.
6- Moodid in cabbiddiisa ay kaa dhigayso reer magaal.
7- Caado ka dhigasho.
Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka
Sigaarka waxaa cabba dad kor udhaafaya 1.1 bilyan oo qof dunida oo dhan. Dalalka horumaray ayaa cabbiddiisa hoos usii dhacaysaa, halka kuwa soo koraya uu kor ukacaya 3.4% sanadkiiba [[29]].
Baahsanaanta cabbidda sigaarka iyo jinsiga
GOBOLKA RAGGA DUMARKA
Afrika 29 4
Maraykanka 35 22
Bariga mediterraniya 35 4
Yurub 46 26
Koonfur bari Aasiya 44 4
Galbeedka baasifiga 60 8
Qiyaastan waxaa sameeyay ururka caafimaadka adduunka (WHO) sanadki 2000.
La soco qeybta 3aad todobaadka dambe inshaa allaah.
No comments:
Post a Comment