Thursday, 20 May 2010

Waxyeellada sigaarka iyo buuriga

Waxyeellada sigaarka iyo buuriga
Waxaa diyaariyay:
Dr. C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr.Insi)
Kulliyadda Caafimaadka,
Jaamacadda UST, Sanca, Yemen.
Email: insi12@hotmail.com ama insiyare@yahoo.co.uk
Qeybta 1aad….
Qeybaha ay ka koobantahay diraasaddan:-
1. Arar.
2. Halka ay ka soo jeeddo tubaakada asal ahaan.
3. Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo idil. (qiyaaso la sameeyay).
4. Walxaha ku jira sigaarka.
5. Qiiqa sigaarka imisa ayaa loo qeybiyaa?
6. Walxaha ku jira sigaarka ee kansarka dhaliya
7. Qabatinka Nikotiinka iyo hidda wadayaasha.
8. Halista caafimaad ee walxaha ku jira tubaakada.
9. Sigaar cabidda darajada labaad. Maxaa loola jeedaa?
10. Sababaha keena cabbidda sigaarka.
11. Sababaha keena sii wadidda cabidda sigaarka.
12. Deegaannada caalamka iyo cabidda sigaarka.
13. Diinteena islaamka maxay ka qabtaa sigaarka?
14. Side loola dagaallami karaa sigaarka iyo guud ahaan tubaakada?
15. Sidee ujoojin karaa qofka caba sigaarka?
16. Qorshaha joojinta sigaarka.
17. Maxaad ku bedeli kartaa nikotiinka?
18. Faa'iidooyinka joojinta sigaarka.
19. Gunaanad.
Arar
Qormadan haddii Alle ii oggolaado waxaan kaga hadli doonaa, waxyeellada caafimaad ee ay leedahay tubaakada si guud, sigaarkana si gaar ah. Anigoo cilmi ku salayn doono waxaana soo qaadan doono diraasado caalami ah oo dunida lagu soo bandhigay, tiro koobyo ay samaysay WHO oo ka hadlaya baahsanaanta balwaddan iyo aragtiyada diinta ee ku aaddan sigaarka. Waxaan kaloo jeclahay inaan soo bandhigo talooyin ku aaddan hababka qofka balwaddan isticmaala ka saacidi kara joojinteeda, anigoo si kooban usoo bandhigayo faa'iidooyinka uu ka helayo haddii uu joojiyo balwaddan. Waxaan kaloo soo bandhigi doonnaa haddii Eebbe laga helo, hababka loola dagaallami karo loona ciribtiri karo balwaddan caalamka oo idil fara ba'an ku haysa.

Tubaakadu halkay ka timid asal ahaan?
Sigaarku ma ahayn wax caalamku yaqiinay wixi ka horreeyay heliddii qaaradda Ameerika, dabadeedna gumaystayaashii reer yurub ee qaaraddaas qabsaday ayaa usoo qaaday yurub, halkaasna kaga sii faaftay dunida inteeda kale.

Tirada dadka cabba sigaarka dunida oo idil:-
Inkastoo dhammaan noocyada tubaakadu (sigaarka, buurida, badeecadda) ay waxyeello leeyihiin, haddana kan ugu caansan uguna waxyeello badan waa sigaaarka qiiqiisa la cabbo. Ururka caafimaadka adduunka ayaa ku waramay in sanadkii 1998ki dad gaarayay 1.235 bilyan oo qof ay cabbayeen sigaarka, iyadoo dadka dunida tiradooda ay ahayd 5.926 bilyan oo qof, tiradaas dadka cabba sigaarka ayaa sii kordhayso, waxaana la filayaa in sanadka 2020ka ay gaarto 1.671 bilyan oo qof.
Waxyeelada caafimaad ee buuriga waa mid muhiim ah, waxa ayna ku xirantahay hadba sida loo cuno (la calaliyo, la ursado ama la dhuuqo) iyo xaddiga la cunayo. Waxyeelada caafimaad ee sigaarka oo ah kan ugu isticmaalka badan buurida, waxaa ka mid ah kansarka sambabada, cudurrada ku dhaca wadnaha iyo wareegga dhiigga.ururka caafimaadka adduunka waxa uu ku qiyaasay sanadki 2002, in waddamada horumaray dhimashada ragga 26% iyo dumarka 9% lala xariiriyay cabbista sigaarka. Waddamada soo korayo ayaa lagu waramay in isticmaalka buurida ay kor ukacdo 3.4% sanad kasta.

Walxaha ku jira sigaarka
Sigaarku waxa uu ka koobanyahay kudhawaad 4000 oo walxood oo isugu jira hawo iyo walxo kiimikaad oo qabsada sambabada. Hawooyinka waxaa ugu caansan; Karboon hal oksaydh (CO), Haydarojiin siyanayd (hydrogen cyanide), ammooniya, nitrojiin oksaydh. Walxaha kale ee kiimikaad waxaa ugu caansan nikotiin, binsiin, daamur iyo bolooniyam.
b) Haydarojiin siyanayd: waa sun loo isticmaalo qolalka dadka lagu toogto hawada.
t) D.D.T.: waa sun cayayaanka lagu buufiyo.
j) Methanol: waa shidaalka lagu shubo sawaariikhda (gantaallada).
x) Asitoon: waxaa lagu dhaqaa midabada si loo tir tiro.
Kh) Ammoniya: waxaa lagu nadiifiyaa dhulka sibirka ah.
d) Tolowin: waxaa loo adeegsadaa warshadaynta si wax loo milo.
r) Finool: waxaa lagu nadiifiyaa weelasha iyo sibirrada.
s) Biyotin: waa gaaska ku jira janta siigarka (wallaacadda).
sh) Kadmiyom: waxaa loo isticmaalaa batariyada baabuurta.
dh) Karboon hal oksaydh (CO): waa neef sun ah oo ku jirta qiiqa baabuurta.
Qiiqa ka dhasha cabbidda sigaarka waxaa loo kala qaybiyaa 2 qeyb oo kala ah:-
1- Qaybta tooska ah: waa qiiqa uu liqayo qofka cabayo sigaarka, oo ah 15% xaddiga qiiqa ka baxayo sigaarka, waxa ayna ka koobantahay walxo si dhaqso ah loo gubay, sidaa awgeed isu uruursanaantoodu way yartahay ilaa xad.
2- Qeybta aan tooska ahayn: waa qiiqa uu tufayo qofka cabayo sigaarka, waxa ayna gaareysaa 85% qiiqa sigaarka ka baxaya, waxaana ku jira maaddooyin si tartiib ah u gubtay, sidaa awgeed isu uruursanaanteedu way sareeysaa, waxyeeladeeduna wuu ka daranyahay kan tooska ah, gaar ahaan dadka muddo dheer u banbaxayay qiiqaas, sida carruurta qofka cabba sigaarka, xaaskiisa iyo dadka kula nool hooyga ama goobta shaqada la jooga.
Walxaha ku jira sigaarka ee kansarka dhaliya:
Cabidda qiiqa buurida waxaa ku jira tiro aad u badan oo ah walxo awood badan oo keena kansarka, sida; akroliin iyo benzobayrin.Qofka oo muddo dheer u banbaxo ama la kulmo walxaha ku jira sigaarka sida karboon hal oksaydh, siyanaydh iyo isku dhisyada kale ee waxyeeleeya sambabka iyo unugyada halbowlayaasha ayaa la rumeysanyahay inay masuul ka yihiin waxyeelaynta wadnaha iyo jilicsanaanta kiisaska hawada ee sambabada, taasoo keenaysa emphysema iyo COPD. Maaddada akroliin ee kansarka dhalisa iyo kuwa kale ee iyada laga soo dhiraandhiriyay ayaa sidoo kale keena xanuuno dabadheeraada oo ku dhaca neefmareenka [[1]].
1- Walxaha kansarka dhaliya ee noole ka soo jeeda (organic carcinogenes):-
Waxaa ku jira sigaarka in kabdan 19 walxood oo kansarka dhaliya[[2]], kuwa ugu awoodda badanna waxaa ka mid ah:-
Polynuclear aromatic hydrocarbons: waa walxo sidoo kale laga helo daamurka ama laamiga, waana maaddo aad u keenta kansarka. Waxaa kale oo ay keenaan isbedel ku yimaada hidda sidayaasha (genetic mutation).
Akroliin, Nitrosamines
Nikotiin: waa kan ugu caansan walxaha ku jira sigaarka, mana ahan oo qura kansar dhaliye, ee waxa uu dardar geliyaa kobcidda burooyinka halista ah (tumors).
2- Walxaha kansarka dhaliya ee shucaaca leh (Radioactive carcinogens):
Marka laga soo tago walxaha kansarka dhaliya ee aan shucaaca, waxaa ku jira sigaarka xaddi yar oo lead-210 (210Pb) iyo polonium-210 (210Po) labadoodaba waa kansar dhaliyayaal bixiya shucaac. Curiyahan Lead 210 waxaa laga dhaliyaa burburka curiyaha radium-226, burburkeeda waxaa ka soo baxa radon-222; lead 210 kaddibna wuxuu usii burburaa bismuth-210 iyo polonium 210, iyadoo soo saarta qurubyada biita (beta particles) labada tallaababa. Walxaha ay ka koobanyihiin curiyayaashan ayaa dabadeed dega sambabada qofka sigaarka cabba, iyagoo ciriiri geliya socodka hawada; waxaana la soo helay in uruursanaanta walxahaas ay ku badanyihiin halka ay ku kala qeybsamaan bronchioles in kabadan 100 jeer inta ku jirta isku darka dhammaan sambabada. Tan oo ka dhigaysa in dadka sigaarka cabba la kulmayaan waxyeelo ka badan dadka kale. Tusaale ahaan Polonium 210, waxa uu soo saaraa walxaha aadka u tamarta badan ee loo yaqaan qurubyada alfa (alpha particles), taasoo cufkeeda awgii, lagu tiriyo inaaney dhexgeli karin maqaarka in kabadan 40 micrometres, balse sameysa waxyeelo badan (oo lagu qiyaasay 100 jibbaar ka badan waxyeelada ay hidde wadayaasha ugeystaan shucaacyada kale) marka hab sigaarka oo kale uu ku keenayo in lagu soo saaro jirka gudahiisa, halkaas oo dhammaan tamarta lagu soo saaro ay nuugayaan unugyada jirka ee la deriska ah. (Lead 210 wuxuu sidoo kale soo saaraa shucaaca gamma).
Curiyayaasha shucaaca bixiya ee ku jira tubaakada waxa ay ka mid yihiin macdanta badan ee ku jirta ciidda, balse dusha sare ee caleenta dheg dhegga leh ee buurida ayay ku soo dhegaan si ka badan geedaha kale oo aan lahayn sifadan. Si la filan karana shucaaca ka yimaada tubaakada way kala duwanyihiin, waxa ayna ku xiranyihiin hadba halka iyo sida uu u koray geedka tubaakada.
Waxaa laga helay beerka sigaar cabbayaasha xaddi aad ufara badan oo ah curiyaha polonium 210, kana badan dadka aan cabin sigaarka. Curiyahan waxa uu la midoobaa unugyada lafaha, isagoo shucaac joogta ah ku bixiya dhuuxa ku jira lafaha, waxa uuna sabab weyn unoqon karaa kansarka dhiigga ku dhaca ee loo yaqaan (leukemia), inkastoo tani aan weli la xaqiijin.
Qabatinka Nikotiinka iyo hidda wadayaasha:
B) Qurubka Nikotiin (Nicotine molecule):
Iyadoo la tixraacayo seddex diraasadood oo kala gooni ah oo fangareeyeen dawladaha yurub iyo mareykanka, ayaa saynisyahannada waxay ku qeexeen in xiriir hidde wade uu jiro oo dadka ka dhigaya inay aad u qabatimaan buurida. Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaana dadka qaar ka dhigaya inuu cabbo sigaar fara badan, dhibna ay ku noqoto joojinta cabiddiisa, isagoo suurta galnimada inuu ku dhaco kansarka sambabadana uu kordho 80% [[3]].
Astaamaha hidda wadayaasha in ka badan 35,000 oo qof (oo badankood cabba ama cabbi jireen sigaarka) ayaa waxaa sahan ku sameeyay saynisyahanno 3 diraasadood oo kala gooni gooni ah, oo seddexdaba diiradda lagu saaray isla isbedellada dhaxaleed.
Kala duwanaashaha dhaxaleed ayaa warbixin ugudbisa soo dhaweeyayaasha (receptors) uu nikotiinka ku leeyahay unugyada, waxaana la gartay goob uu ku leeyahay chromosome 15 [[4]]. in isbedel ku yimaada hal nuqul ayaana kor uqaadi karto halista in qofka uu ku yimaada kansarka sambabada 30%, halka laba nuqul oo isbedel ahna ay 80% kor uqaadi karaan. Hiddo wadaha ayaa la ogaaday inuu sabab uyahay 14% xaaladaha kansarka sambabada.
T) Nikotiinka iyo qabatinka:
Nikotiinka ku jira sigaarka waa kiciye dhaliya dareen firfircooni ah, waxa uuna ka midyahay walxaha ugu muhiimsan ee keena in qofka sii wado cabidda buurida. Inkastoo xaddiga nikotiinka ee sigaarka ku jiraa uu yar yahay, haddana waxa uu weli ku filanyahay inuu keeno ku tiirsanaan xag jir iyo maskaxeedba ah. Xaddiga nikotiinka ee uu jirka ka nuugo sigaarka waxa ay ku xirantahay waxyaabo fara badan, waxaana ka mid ah nooca tubaakada, in la calaliyay iyo in la fiiltareeyay. Inkastoo sigaarka siyaabo kala duwan loo xayeysiiyay oo xataa lagu tijaabiyay mashiinno si loo yareeyo daamurka halista badan ee ku jira, haddana diraasado ayaa muujiyay in marka uu sigaarka cabo qof bani aadmi ahi (mashiinka bedelkiisa) ay ka helaan isla xaddiga qiiqi baxayay. Liqidda isku dhiska qiiqaas waa mid ka mid ah hababka ugu deg degsiinyaha badan ee dhiigga wax loo gaarsiiyo, waxaana ka horreeya oo qura cirbadda.
Celcelis ahaan waxay ku qaadanaysaa walxahaas inay ku gaaraan maskaxda 10 ilbiriqsi. Natiijada ka dhalata wax galnimada walxahan ayaa sigaar cabayaal badani waxay muujiyeen inaanay awoodin joojinta cabidda sigaarka. Kuwa isku dayaya joojinta sigaarka ee aan isku dhiibin nikotiinka 3 bilood way awoodaan inay sigaar la'aan noolaadaan inta ka hartay noloshooda [12]. Waxaa jira oo laga yaabaa in mooraal dillaac ku dhaco dadka isku dayaya joojinta sigaarka, sida walxaha kale ee maskaxda saameeya. Mooraal dillaacu waxa u ku badanyahay dhlinyarada da'doodu u dhexeysa 13-19 sano jir ee sigaarka caba, waxa ayna afar jibaar kaga dhawyihiin asaagooda aan sigaarka cabbin[[5]].
Nikotiinka waxa uu door ka cayaaraa dhacdooyinka daran ee cudurrada qaar (sida maskaxda oo dhiig ku furma, tabar darro galmoodka ah, iyo cudurrada wadnaha), isagoo sababa soo daynta Adrenalin, oo sare uqaadda cadaadiska dhiigga,iyo garaaca wadnaha.
Halista caafimaad ee walxaha ku jira tubaakada:
Sigaar cabbayaasha joogtada ah waxaa lagu qiyaasay inay noolaadaan 2.5[[6]] ilaa 10[[7]] sano in ka yar kuwa aan sigaarka cabbin, ilaa nus ka mid ah ragga sigaarka cabba ayaana u dhinta cudurro la xariira sigaarka [[8]]. Tusaale ahaan dalka maraykanka, Cudurrada lala xariiriyay sigaarka iyo guud ahaan buurida ayaa dila sanad walba ku dhawaad 438,000 oo muwaadiniin mareykan ah [[9]], maalintina waxaa udhimata 1200 oo mareykan ah, taasoo ah sababta ugu weyn ee keenta dhimasho laga hortagi karay dalka mareykanka. Ururka caafimaadka adduunka ayaa sheegay in tubaakadu ay keenayso dhimashada hal bilyan oo qof qarnigan gudahiisa [[10]].
Halista tubaakada waxay si gaar ah u keentaa cudurrada wadnaha, si gaar ah sigaarka waxa uu keenaa wadnaha oo shaqadiisa gaba (wadne istaag), cudurrada ku dhaca neefsadeenka sida cudurka sambaba xiranka ee daba dheeraada ''Chronic Obstructive Pulmonary Disease'' (COPD) iyo cudurka buufsanka kiisaska hawada ee loo yaqaan (emphysema), iyo kansarka, gaar ahaan kansarka sambabada iyo kansarrada ku dhaca cunaha iyo afka. Sidoo kale waxay sii kordhisaa halista kansarka ku dhaca ganaca (pancreas) 75%. Wixi ka horreeyay dagaalki kowaad ee dunida, kansarka sambabada waxa uu ahaa wax aad dhif u ah oo dhaqaatiirta qaar aaney weligood arag xirfaddooda inta ay wadeen, balse dagaalki kaddib oo ay caan noqotay cabbista sigaarka, waxaa si safmar ah loo arkayay kansarka sambabada ku dhaca [[11]] [[12]]. Waxyeeladaa kor ku xusan waa kansarka sambabada ku dhaca oo qura.
Waxyeelada la xariira tabar darrada xagga galmoodka waxaa lagu qiyaasay 85% inay ku badanyihiin ragga cabba sigaarka marka la barbardhigo kuwa aan cabbin [[13]], waxa ayna fure utahay hawl gabnimada ku timaada sare u kaca xubinta taranka ragga (erectile dysfunction)[[14]][[15]], sigaarku waxa uu keenaa tabar darro galmoodka la xariira, waayo waxa uu sare uqaadaa ciriirinta ama yareynta halbowlayaasha dhiigga wada ee xubinta taranka[[16]].
Kororka halista cudur ee qofka waxa ay saami wadaag toos ah la tahay dhererka muddada uu cabbayay sigaarka iyo xaddiga uu cabbo mar kasta. Si kastaba ha ahaatee, haddii uu qofku joojiyo sigaarka waxaa tartiib tartiib hoos ugu dhacaya halistan, ayadoo waxyeelada uu jirka ka soo kabanayo [[17]].
waxaa lala xariiriyay sigaarka:-
a. Noocyo badan oo kansar ah, gaar ahaan kansarka sambabada, kilyaha, cunaha, madaxa iyo dhuunta, kansarka naasaha, kaadi haysta, hunguriga, ganaca iyo caloosha. Waxaa kale oo jira caddeymo muujinaya halista kansarka dhiigga ku dhaca ee (leukemia) loo yaqaan, kansarka nooca loo yaqaan (squamous cell carcinoma) ee ku dhaca duleelada sanka, kansarka beerka, lafaha, dhuunta iyo qeybta hoose ee mindhicirrada iyo dabada, kansarrada xameetiga, qanjidhka loo yaqaan adrenal gland iyo mindhicirrada yar yar.
b. Cudurrada wadnaha iyo wareegga dhiigga
o Xanuun kadis ah oo maskaxda ku dhaca oo jirka qaarkiis hawl gab kadhiga (stroke).
o Cudurrada xididdada dhiigga ee darafka (peripheral vascular disease )
c. Cudurrada neefmareenka
o Hargabka.
o Cudurka sambaba xiranka ee daba dheeraada, cudurka buufsanka kiisaska hawada (emphysema) iyo burukiitada.
d. Cudurrada la xariira abuurista carruurta Birth defects ee hooyada cabta sigaarka carruurta ay dhasho ku imaan karo.
e. Cudurka caadka (Cataracts) ee keena indha la'aanta.
f. Hawl gabnimada garaadka
o Cudurka Alzheimer's iyo hoos udhaca awoodda waxgarasho. Xasuus la'aan iyo kartida waxgarasho ee dhalinta soo koreyso ee sigaarka cabta oo hoos udhacda.
o Yaraanshaha maskaxda (cerebral atrophy)
g. Tabar darro la xariirta galmoodka (Impotence).

Faa'iidooyinka laga helayo joojinta sigaarka waa mid dhakhso loo helayo, waxaana ka mid ah; cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo heerkulka ayaa caadi ku soo laabanayo, halista inuu wadnuhu istaagana hoos ayay udhaceysaa; waxaana soo hagaagaya kartida wax dhadhaminta, urta iyo wareegga dhiigga ee qofka cabba sigaarka.
Waxaa la ogaaday in sababta ugu weyn ee keenta sii wadidda cabista sigaarka ay tahay maaddada ku jirta ee la yiraahdo nikotiin. Si kastaba ha ahaatee, liqidda qiiqa ka imaanaya caleemaha holcaya ayaa dhalinaysa tiro badan oo walxo dhis kimikaad firfircoon ah, taasoo si dabacsan ula mid ah daamurka (laami) oo leh walxo fara badan oo fal gal kiimikaad oo waxyeeleynaya caafimaadka.
La soco qeybta 2aad...

No comments: