Qeybta 2aad...
Waxaa diyaariyay:
Dr C/qaadir C/llaahi Cumar (Dr Insi)
University of Science and Technology (UST)
Sana'a --- Republic of Yemen.
e-mail: dr_insi@hotmail.com ama insi12@hotmail.com
Noocyada Gudniinka Gabdhaha
Sida uu u dhigay ururka caafimaadka adduunka (WHO), Jaridda xubinta taranka ee dumarka (FGC) waxa ay ka koobantahay dhowr qeybood. Waxyeelladeedana waxa ay ku xirantahay hadba inta unug ee laga jaray xubinta taranka. WHO iyadoo adeegsaneysa erey bixinta ah FGM waxa ay uqeybisay 4 qeybood oo waa weyn [3], inkastoo ay doodi ka jirto in dhammaan gudniinka gabdhaha ay hoos imanayaan afartaan qeybood iyo arrinta la xariirta kalsoonida xogaha la hayo. [4]
Nooca 1aad: WHO waxa ay qeybta kowaad ka dhigtay in ''si buuxda ama bar ah loo jaro kintirka (clitoridectomy) iyo/ ama qolofta ku dahaaran (koofida kintirka) (clitoral hood)''; noocan waxaa loo sii kala qeybin karaa qeyb hoosaadyadan:
Ia: in la jaro koofida kintirka oo qura (taasoo aragtiyada qaar leeyihiin waa mid udhiganta gudniinka ragga)
Ib: in la jaro kintirka iyo qoloftiisa. [3]
Nooca 2aad: WHO waxa ay ku qeexday nooca 2aad: ''jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar iyo/ama jaridda bushimaha waa weyn''. Sidoo kale noocan waxaa loo sii kale qeybin karaa:-
IIa: jaridda bushimaha yar yar kaliya
IIb: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka iyo bushimaha yar yar
IIc: jaridda qeyb ahaan ama gebi ahaan kintirka, bushimaha yar yar iyo kuwa waa weyn. [3]
Nooca 3aad: jarid iyo giijin (tolid)
WHO waxa ay ku qeexday nooca 3aad: '' in la yareeyo afka unugga dhalmada iyo galmada (cambarka) iyadoo lagu abuurayo dabool sijilaateysan oo laga keenay jaridda iyo dib u meeleynta bushimaha yar yar iyo/ama bushimaha waaweyn, iyadoo ay la socoto ama aaney la socon jaridda kintirka (jarid iyo giijin)''. [5] Waa habka ugu ballaaran ee curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka, waxa uuna gaarayaa 10% dhammaan noocyada kale, waxaana lagu sheegay qaaradda Afrika. [6] Noocan jaridda iyo giijinta isugu jira waxaa loo yaqaan gudniinka fircooniga ah. [7]
jaridda iyo giijinta waxa ay saameysaa unugyo ballaaran oo ka tirsan xubnaha taranka ee bannaanka ku yaal, waxaana ka mid ah: faruuryaha yar yar gebi ahaantood iyo qeybaha gudaha xiga ee faruuryaha waa weyn. Dabadeedne bushimaha waaweyn ayaa la isku tolaa iyadoo la adeegsanayo qodax ama waxyaabaha wax lagu tolo. Kaddibna waxaa la isku xiraa labada lugood ee gabadha muddo 2-6 todobaad ah si looga hortago dhaq dhaqaaq iyo in loo saamaxo inay reystaan labada dhinac ee xubinta taranka, muddadaas waxay gabadhu dhib badan kala kulantaa kaadida, saxarada iwm, waayo dhulki oo dhan ayaa la wada jaray oo dhaawac ah, luguhna way isku xiranyihiin. Waxba ma soo harin, darbiyo hilib la jar jaray ah uun baa usoo haray, ka soo billaw bisaqa (shuunka) ilaa futada (halka laga saxaroodo) !!!, waxa keliya ee loo reebay waa dalool aad u yar oo qeybta hoose looga tago si ay uga soo baxaan kaadida iyo dhiigga caadada. Falkan sameyntiisa waxaa lagu sameeyaa miyi iyo magaalo, waxaase sii daran miyiga oo aqoon la'aanta baahsan ee ka jirta ay saacideyso sii socoshadiisa, waxaana fuliya dumarka waa weyn ama umuliso dhaqmeedka tuulooyinka jooga, iyadoon la isticmaalin qalab la jeermis dilay iyo kabaabiso. [8]
Mar kale ayaa la furaa giijintaas xilliga arooska ay galeyso gabadha, marka ay foolaneyso ama xilliyada qaar marka ay dhibaato kala kulanto soo bixidda dhiigga caadada. Marka ay dhaleyso gabadha la mariyay gudniinka noocan ah, unugga dhalmada ee la jar jaray uma fidsamayo sida dumarka kale ee aan la googoyn xubnahooda, dabadeedne dhakhaatiirtu waxa ay ku qasbanaanayaan inay gebi ahaan furaan giijintaas, badanaana waxaa dhacda in dib loo giijiyo kaddib dhalmada.
Nooca 4aad: wixi ka duwan qeybaha aan horey usoo sheegnay waxa ay soo wada hoos galayaan qeybta 4aad. Ururka caafimaadka adduunka WHO waxa uu ku qeexay qeybta 4aad: ''hab kasta oo waxyeeleynaya xubnaha taranka dumarka iyadoo aaney jirin sabab caafimaad oo keentay, tusaale ahaan waxaa ka mid ah; daloolin, wax ku mudid, jarid, xoqid iyo gubid''.[3] Noocan 4aad waxaa asal ahaan lagu arkay qaar ka mid ah bulshoodyinka sinji ahaan ka go'an dadyowga kale ee dunida ku nool.
Baahsanaanta Gudniinka Gabdhaha
Hay'adda u doodda Xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxa ay ku qiyaastay in inkabadan 130 milyan oo dumar ah uu saameeyay nooc ka mid ah noocyada gudniinka gabdhaha, iyadoo in kabadan 3 milyan oo kalene ay halis u yihiin in lagu sameeyo gudniin sanad kasta.
Afrika ku dhawaad 92 milyan oo ah gabdho da'doodu tahay 10 jir iyo ka badan ayaa la qiyaasay in lagu sameeyay gudniinka, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka. Xubno jaridda gabdhaha waxaa si weyn looga isticmaalaa 28 dal oo afrikaan ah. [9] Waxa uuna caan ka yahay dalalka ku yaal inta udhexeysa Sinigaal (galbeed) ilaa xeebta afrikada bari (bari), iyo sidoo kale Masar (waqooyi) ilaa Tansaaniya (koonfur). Sidoo kale waxaa lagaga dhaqmaa qeybo ka mid ah jasiiradda carabta. Dalka ugu badan caalamka ee lagaga dhaqmo gudniinka gabdhaha waa Masar, waxaana xiga Suudaan, Itoobiya iyo Maali.
Daraasadaha qaar waxa ay tilmaamayaan sidan hoos ku qoran:
L Dalka laga isticmaalo Tirada %
1 Masar 97%
2 Suudaan 90%
3 Itoobiya 80%
4 Maali 92%
5 Eretereeya 89%
6 Burkiina faaso 77%
7 Muuritaaniya 71%
8 Ivory coast 45%
9 Sinigaal 28%
10 Jaad 45%
11 Jamhuuriyadda Afrikada dhexe 36%
12 Kenya 32%
13 Yemen 23%
14 Nayjeeriya 19%
15 Benin 17%
16 Tansaaniya 18%
17 Gaana 5%
18 Nayjar 5%
19 Soomaaliya Lama hayo
20 Jabuuti Lama hayo
21 Jam. Dim. Koongo Lama hayo
22 Yugaandha Lama hayo
23 Togo Lama hayo
24 Laybeeriya Lama hayo
25 Siraalyoon Lama hayo
26 Gaambiya Lama hayo
Soomaaliya iyo jabuuti waxa ay ku jiraan dalalka sida xad dhaafka ah u adeegsada gudniinka gabdhaha gaar ahaan Nooca loo yaqaan fircooinga. Sida ku cad daraasadaha qaar waxa ay ku jiraan dalalka kor udhaafayo 95% heerka isticmaalkooda.
Gudniinka gabdhaha waxaa afrika ku dhaqma bulshooyin kala caqiidooyin duwan. Jasiiradda carabta waxaa ka jira nooca 1 & 2aad, waxa ayna ugu yeeraan gudniinka sunniga ah, gaar ahaan carabta afrikaanka ka soo jeeda. Waxa uu si gaar ah uga dhacaa noocan waqooyiga sacuudiga, koonfurta jordan iyo waqooyiga ciraaq (Kurdistan) [10][11]. Waddamada khaliijka waxaa ku dhaqma bulshooyinka ka yimaada bariga afrika iyo dooxada niil. Meelaha kale ee ay ka dhacaan waxaa ka mid ah; dhulka xeebaha Yemen, deegaanno ka tirsan Indoniisiya, bartamaha Seerbiya, dadka muhaajiriinta ah ee tegay Ustareeloya iyo Yurub. Balse sharciyada adag ee arrintaa ka yaala awgood aad ayay u yartahay inta xaalad ee la ogaado waqtiyadan dambe, waxa ayna sameeyaan xilliyada ay fasaxyada ku tagaan dalalka ay marki hore ka soo hayaameen.
Curyaaminta ama dhaawicidda xubinta taranka dumarka (FGM) waxa ay socotay muddo dheer ka hor diimaha islaamka iyo kiristanka. Waraaqo ay leeyihiin giriiggi hore oo taariikhdoodu u noqoneyso 163 sano ka hor billaabashada taariikhda miilaadiga (dhalashadi nabi ciise (cs)) ayaa sheegaya in gabdhaha masaarida ahi lagu sameeyo gudniin, isla markaana gudniinka asalkiisa uu ka yimid Masar iyo dooxada Niil waqtigii faraacinta. Sidoo kale waxaa jira caddeymo laga helay meydadki faraacinta oo muujinaya inuu jiray gudniinka gabdhaha noocyada 1 &3aad. [12]
La soco Qeybta 3aad iyo salaasada soo socota inshaa allaah
No comments:
Post a Comment