Sunday, 3 March 2013

Sirta Nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?


Qeybta 2aad:-
 
Haddaba haddii sidaa loo kala fogyahay, waxaa nala gudboon inaan ka hadalno maxaa quruxda lagu qiimeeyaa oo ay raggu ku eegaan gabadha.

Jirka: muuqaalka jirka, sara joogga, dhererka, buuxsanaantiisa ama caatanimadiisa, kala shubnaashaha xubnaheeda iwm. Iyadoo qolo walbaahi ku saleyneyso dhaqankooda, waxaanse rabaa inaan wax ka dhaho xubnaha ugu badan ee quruxda gabadha laga eego.

1.      Wejiga: waa meesha ugu horreysa ee indhuhu qabanayaan, waxa uuna door weyn ka cayaaraa quruxda gabadha, waayo waxaa ku yaal xubno aad u muhiim ah, sida:-
  1. Indhaha: tilmaamo badan ayaa laga bixiyaa quruxdooda, sida inay cadyihiin, wiilkoodu madawyahay, buluug yahay ama beey leeyahay iwm. Si kastoo la tilmaamaba waxaa shaki la'aan ah inay yihiin quruxda dumarka xubno aad usoo saara.
  2. Sunniyaha: waa labada baar ee dusha sare kaga xeeran labada indhood, waxa ayna soo saaraan quruxda indhaha, qolaba si ha u tilmaantee waxaa la tilmaamaa kuwa madow oo haddana dhuuban inay yihiin quruxda. Waana tan uu Axmed Cali Cigaal leeyahay:  '' …  sunniyaha bil dhalatiyo sida qaanso lagu dhigay '', dumarkana badanaa waxaynu aragnaa iyagoo sunniyaha jara si isu qurxiyaan.
  3. Bushimaha: dibnaha waxaa la tilmaamaa midabkooda, jileecooda, adeeggooda, yaraantooda ama weynidooda
  4. Dhabanka: sida kuwa kore qoloba si bey utilmaantaa quruxdiisa, sida; buuxsanaantiisa, dhuubnaantiisa ama shubnaashihiisa, midabkiisa iwm
  5. Sanka: badi dadyowga waxa ay tilmaamaan sanka qoran ama tooxan, waana xubin aad ubisha quruxda gabadha.qarniga aynu joogno ee casriga tiknoloojiyada ahna waxaa quruxda lagu sii bilaa qalliimo casri ah gaar ahaa kan qurxinta ama plastic surgery, sankana waxa uu nasiib u helay inuu noqdo mid kamid ah xubnaha ugu badan ee qalliimadaas lagu sameeyo.
Ururka dhaqaatiirka qalliinka qurxinta ee Mareykanka (American societies of plastic surgeons) warbixin ay kaga hadlayeen shanta xubnood ee ugu badnaa oo qalliinkaas lagu sameeyay sanadki tegay waxa ay kala ahaayeen:
·         Naasaha (giijintooda)
·         Sanka (qurxinta qaabkiisa)
·         Bushimaha (yareyntooda ama weyneyntooda)
·         Qurxinta isha daboolkeeda (maqaarka ku dahaaran isha)
·         Weji giijin (waxaa laga baabi'inayaa miinta ama canyayuubka)
Shantaaas uguma sareysa oo qura dhanka dumarka, balse dhanka raggana way ugu sareeyaan, waxaase ay ukala horreeyaan sedan:
·         sanka
·         isha daboolkeeda
·         bushimaha
·         naasaha oo la yareeyo
·         weji giijin
Waxaa warbixintaas inooga cad in shantaas xubnood afar ka mid ah ay ku yaaliin wejiga, weliba tan shanaadna ay tahay xubin ka mid ah kuwa quruxda dumarka. Waxaase yaab leh in ragguna aaney meesha ka marneyne ooy isla shantaas dumarku qurux darteed usameeyaan ay iyana ugu sarreyso.

Sidoo kale xubnaha wejiga la xariira waxaa ka mid ah; timaha iyo qoorta. Wejigu waa xubin uu nabigeena NNKH uu inaga reebay in dhib la gaarsiiyo ama wax xun lagu tilmaamo, xadiiska uu weriyay Imaam Axmed ee kahadlayay xuquuqda gabadhu ku leedahay ninkeeda, waxaana ku jiray (…., Wejiga haka garaacin, wax xun na haku tilmaamin, ….), taasoo micnaheedu yahay inaanan gabadha ku dhihin hadallo xun sida; wejigaada allaha xumeeyo, ama ereyo ay soomaalidu adeegsato sida; wejigaa ha gubto iwm.
Wejiga iyo xubnaha ku yaal oo quruxda ugu badan siiya gabadha waa muraayadda ay wadato, haddii qof qurux tilmaamayana waxa uu marka ugu horeysa tilmaamaa wejiga iyo xubnaha ku yaal, siduu doono ha u tilmaamee. Waxaana garan kareynaa qiimahooda markaan eegno suugaanta ay ummadi leedahay ee quruxda dumarka lagu sifeynayo.

Haddaba maadaama uu wejigu qiimahaas leeyahay, gabdho badan ayaa si ay u gaaraan astaamo ay isleeyihiin quruxda ayaad ku gaareysaan awgood waxa ay marsadaan dawooyin la isku caddeeyo, taasoo waxyeello u geysata jirkooda, midabkooda  qaaliga ahna ku bah dila sidaa.
Walaasheyda soomaaliyeedey midabka uu Ilaah kuu dhaliyay waa midka ugu qaalisan dunida, sidaada ayaadna ku qurux badantahaye ha isticmaalin dawooyinka ama kareemyada la is mariyo, adigoo caddaan raadinaya. Waxaanse rabaa si aad ugu qanacdid taladeyda inaan soo qaato diraasad ay qortay hay'adda mareykanka u qaabilsan cuntada iyo dawada (food and drug administration  FDA). Warbixinta ayay ku sheegtay in kareemyada la isku caddeeyo ay ku jiraan walxo kiimikaad oo waxyeello ba'an gaarsiiya qaab dhismeedka maqaarka iyo weliba caafimaadka guud ee jirka, waxaana ka mid ah curiyeyaal bir ah sida; mercury iyo lead oo ka mid ah walxaha suntan ah ee caafimaadka waxyeelleeya, waxaa kaloo ku jira noole ilm aragti ah sida bakteeriya. Dr Charles Lee oo la taliye sare u ah FDA waxa uu ku xusay warbixintaas in '' curiyaaha Mercury ee ku jira kareemyadaas uu waxyeello u geysto xubnaha muhiimka ah ee  jirka sida; kilyaha iyo hab dhiska dareen wadka dhexe, isla markaana uu wax udhimmayo korista ama sameysanka maskaxda ee uur ku jirta iyo carruurta yar yar''. Sidoo kale khabiirka cilmiga suntan ee FDA Dr. Mike Bolgen waxa uu ku sheegay warbixintaas in '' dadka gaar ahaan carruurta  uu mercury ga jirkooda ku geli karo iyagoo taabta hooyadood marka ay marsato ama la joogistooda iyo weliba neefsigaba''.
Sidoo kale FDA warbixinteeda kuma koobneyn oo qura kareemyada la marsado'e waxaa kale oo ku jiray waxa loo yaqaan rooseetada ay dumarku ku caseeyaan bushimahooda, waxa ayna sheegtay in baaritaan ay sameysay ay ku ogaadeen in dhammaan samballadii tijaabada laga qaaday uu ku jiro curiyaha suntan ah ee Lead, taasoo iyana ah fajaciso dumar badani ka yaabisay, waayoo rooseetada waxaa marsada inta badan dumarka oo qurux ka raadsha.
Haddaba waxaan jeclahay inaan iminka waxyar ka tilmaamo qaab dhismeedka maqaarkeena si aan u qiyaasno dhibaatada ba'an ee ay u geysaneysanayaan walxahaas la is mariyo.

Maqaarkeenu waxa uu ka koobanyahay seddex dabaqad ama lakab oo is dulsaaran oo kala ah: 1. Epidermis                                 2. Dermis                                 3. Subcutaneous
Seddexdaa dabaqadood waxaa ku dhex yaala xididdo dhiig wada, dareen wadayaal, limfas, qanjidhada dhididka, jiridda timuhu ka soo baxaan, qanjidhada subkanta ah ee maqaarka u yeela saliidda,unugyo difaaca jirka ku shaqoleh kana qeyb qaata bogsashada boogaha, unugyada midabeeya maqaarka iyo kuwo kale.
Maqaarkeena waxa uu Allah usameeyay sifo u gaara oo ah inuu iscusbooneysiiyo, tusaale ahaan; dabaqada ugu sareysa (Epidermis) waxay isku cusbooneysiidaa 30 ki maalmoodba mar, haddii uu aad isku bedelo waqtigaas kordhid iyo hoos udhacba waxaa dhalanaya cudur.

La soco Qeybta 3aad...

Thursday, 28 February 2013

Sirta nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?

Qeybta 1aad:-

Noola kasta oo koonkan dul jooga waxa uu leeyahay lab iyo dheddig, si uu usii socdo noociisa ama uusan udabar go'in, waana xeer ka mid ah xeerarka uu Eebbe ugu talagalay nolosha dunida. Bani aadmiga oo kamid ah noolahaas waxa uu kaga duwanyahay inuu leeyahay doorasho ama caqli uu wax ku kala xusho, waxa uuna sidaa soo waday ilaa waagii uu Allah abuuray Aadan iyo Xaawo, oo rag iyo dumar iscalmanayeen si ay ugu socdaan sunnaha rabbi u jideeyay koonkan, iyagoo nolosha wadaaga hadba labadi ku guuleysata xulashada 1aad oo ah doorashada ugu adag ee soo marata qof kasta noloshiisa. Inkastoo rag iyo dumarba wax doortaan haddana waxaa inta badan bannaanka soo dhiga rabitaankooda ragga, waana dabci uu Alle udhaliyay, sidaa awgeedne qormadan waxaan ku lafa guri doonaa haddii Alle laga helo waxyaabaha ay ragga ku xushaan dumarka.

Majirto halbeeg go'an oo la isku wada raacsanyahay oo dunida dhammi wadaagto, balse waxaan isku dayi doonaa inaan isku soo uruuriyo waxyaabaha ugu caansan ama ugu muhiimsan ee ay raggu eegaan, inta badanna waxa ay hoos imaanayaan afar qodob oo waaweyn, waxaana afartooda ay ku wada xusanyihiin xadiiska micnihiisu yahay: [haweeney waxaa loo guursadaa 4 walxood: quruxdeeda, hantideeda, tolkeeda (reerka ay ka dhalatay), iyo diinteeda ee dooro tan diinta leh]. Sida inooga muuqata xadiiskan nabigeena NNKH waxa uu noo sheegay Qurux, Hanti ama lacag, Nasab iyo Cilmi diineed, waxaana jeclahay inaan si fiican u faaqido laba qodob oo kamid ah afartaas oo kala ah: quruxda iyo aqoonta, halka labada kale aan ka gudbi doono, waayo badanaa waxa ay la xariirtaa daneysi gaar ah iwm.

Qurux: quruxdu waa muuqaal hibo ah oo uu Alle siiyo uunkiisa, mid walibana uu qeyb ka helo hibadaas, haba loo kala batee; tusaale ahaan: waxaynu naqaanaa in nebi Yuusuf  (CS) uu Ilaah  usiiyay nasiib ahaan quruxda barkeed. Quruxdu waa wax ay ummad weliba oo meel ku nool u yaqaanaan tilmaamo u gaar ah, mana jirto qodobo loo dhanyahay. Bil misaal; carabti hore waxa ay gabadha qurxan uyaqaaneen gabadha jirkeedu buuxo, buurnaan iyo caatana udhexeysa, indhaha buur buuran, isla markaana wiilkoodu madawyahay, timo dhaadheer oo madaw leh, sanka shuban, midabkeeduna cadyahay. Halka Furus ama dalka hadda Iiraan loo yaqaan ay kaga duwanaayeen inay gabadhu dheertahay. Reer galbeedkana  in gabadhu caato tahay, weliba qaabka kuwa dharka xayeysiiya, dheertahay, timaheeduna dahabi yihiin. Jabbaan ne gabdha qoobabka iyo cagaha gaaban. Balse dadyow reer Afrika ah gaar ahaan dadka koonfurta Suudaan ay gabadha qurxani uyaqaanaan tan madax xiiran, bushimaha ad adag, aadna u madow. Soomaalida sidey uyaqaanaan gadaal ayaan si fiican uga hadli doonaa.

Haddaba haddii sidaa loo kala fogyahay, waxaa nala gudboon inaan ka hadalno maxaa quruxda lagu qiimeeyaa oo ay raggu ku eegaan gabadha.
La soco qeybta 2aad...

Monday, 18 February 2013

20ka qof ee ugu awoodda badan dunida


Majallada caank ah ee  FORBES ayaa soo daabacday shakhsiyaadki ugu awoodda badnaa sanadki tagay dunida, waxaana ka soo qaadan doonaa 20 ka ugu sareysa magacyadooda (top 20), waxa ayna kala yihiin:-


1. BARACK OBAMA

Madaxweynaha Mareykanka, da'da: 51

2. ANGELA MERKEL

Ra'iisulwasaaraha Jarmalka, da'da: 58

3. VLADIMIR PUTIN

Madaxweynaha Ruushka. da'da: 60

4. BILL GATES

Aasaasaha Microsoft. da'da :57

5. POPE BENEDICT XVI

Ninka ugu sareeya mad-habta katolika (madaxweynaha fatikaanka). da'da: 85

6. BEN BERNANKE

Guddoomiyaha hay'adda keydka federaalka ee mareykanka. da'da: 59

ABDULLAH BIN ABDULAZIZ AL SAUD

Boqorka Sacuudiga. da'da: 88

8. MARIO DRAGHI

Madaxweynaha bankiga dhexe ee Yurub. da'da: 65

9. XI JINPING

Xoghayaha guud ee xisbiga shuuciga ah ee Shiinaha. da'da: 59

10. DAVID CAMERON

Ra'iisulwasaaraha Biritan. da'da: 46

11. CARLOS SLIM HELU

Guddoomiyaha Hay'adda Carlos Slim Foundation. da'da: 72

12. SONIA GANDHI

Guddoomiyaha xisbiga Indian National Congress. da'da: 66.

13. LI KEQIANG

Ra'isulwasaaraha kuxigeenka Shiinaha.da'da: 57.

14. FRANCOIS HOLLANDE

Madaxweynaha  France. da'da: 58.

15. WARREN BUFFETT

Guddoomiyaha fulinta Berkshire Hathaway. da'da: 82. 

16. MICHAEL BLOOMBERG

Duqa magaalada New York City. da'da: 70.

17. MICHAEL T. DUKE

Guddoomiyaha fulinta Wal-Mart. da'da: 63.

18. DILMA ROUSSEFF

Madaxweynaha  Brazil. da'da: 65

19. MANMOHAN SINGH

Ra'iisulwasaaraha Hindiya. da'da: 80.

20. SERGEY BRIN & LARRY PAGE

Aasaasayaasha  Google. da'dooda: 39.

Monday, 11 February 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 8aad:
Waxaan iminka rabaa inaan laba ama Seddex Tusaale aan ka soo qaato qaabki asaxaabta iyo taabiciinti ay ugu dhaqmeen wixi uu baray nabiga NNKH ee maareynta Carada.
Saxaabiga weyn ee abuu darril_gifaari (rc) ayaa addoonkiisa waxa uu maalin ku yiri: (maxaad rida ugu deysay calafka farasku cuni lahaa?) markaasuu yiri (addoonki): waxaan rabay inaan kaa careysiiyo. Abuu dar waxa uu yiri:(ilaah baan ku dhaartaye waxaan ka dari oon ku dari Carada ajir, ilaah dartiis ayaan kuu xoreeyay).
Caalimki weynaa ee C/llaahi ibnu Mubaarak ayaa la weydiiyay: noo soo koob dabeecadda wanaagsan; waxa uu yiri: Carada oo laga tago.
Cali bin Xuseen ayaa waxa uu lahaa gabar jaariyad ah oo weysada u diyaarisa, maalin baa kirliga ay weysada ku siday ka fakaday oo wejiga ka daqray Cali bin Xuseen, markaasuu madaxa kor uqaaday, gabadhi baa ku tiri: ilaah SWT waxa uu leeyahay: {و الكاظمين الغيظ}        ( kuwa carooda qariya). Markaasuu ku yiri: waan qariyay caradeyda. Waxa ay tiri: {و العافين عن الناس} (kuwa dadka iska cafiya). Markaasuu yiri: ilaah wuu kaa cafiyay.  Waxa ay tiri: {والله يحب المحسنين} (ilaah waxa uu jecelyahay kuwa ixsaanka sameeya). Makaasuu yiri: iska tag xor baad tahaye.
Goormaa diintu na amreysaa inaan caroono?
Dhammaan aayadaha iyo axaadiista aan soo qaadanay ee ka hadlaya inaan la caroon ama la qariyo micnahoodu ma ahan in caradu dhammaanteed ay tahay wax aan habbooneyn, balse waxaa jira marar ay bannaantahay iyo marar ay waajib tahay in la caroodo.
Carada loo baahanyahay: haddii Diinta ilaah meel looga dhaco qofka muslimka ah waxaa looga baahanyahay inuu ka caroodo kana dhiidhiyo inti tabartiisa ah. Tusaale ahaan imaamu axmed iyo ibnu maajah waxa ay soo arooriyeen xadiis uu weriyay C/llaahi bin Camar bin Caas (rc) oo dhahayay: rasuulka ilaah ayaa ku soo baxay asaxaabta oo ka doodaya qadarta, caro dartiis waxaa mooddaa nabiga wejigiisa NNKH in lagu dhuftay xabbad rummaan ah (isbedelka wejigiisa ka muuqda awgiis), markaasuu yiri: [ma kan baa laydin faray? Ama ma kan baa laydiin abuuray? Quraanka baad ku dhufaneysaan qaarkiis qaarka kale, waa kan sababti loo halaagay ummadihi idinka horreeyay] saxaabiga xadiiska werinaya waxa uu yiri: kuma farxin meel aan dib uga soo dhacay nabiga NNKH sidaan ugu farxay meeshaas aan dib uga soo dhacay.
Sidoo kale waxaa jira meelo badan oo soo arooray in nabigu NNKH uu carooday, sida marki Usaama bin zeyd (rc) uu nabiga uga shafeecay gabadhi reer makhsuum ee wax xaday.
Haddaba ilaahey dartiis in loo caroodaa waa mid la mahadiyay aadna loogu baahanyahay inaan ilaalino, balse waxaa jira laba qeyb kale oo caro ah:
Mid bannaan: in qofku ka caroodo wax aan macsi ilaah ku jirin isagoon xadkiisa dhaafeyn, carrabkiisa iyo xubnihiisana ilaalinayo wax dhib ah ma lahan, inuu iska cafiyo oo caradiisa qariyo ayaase ukheyr badan.
Caro aan la oggoleyn: qofka inuu caroodo isagoo sheydaan u hiilinayo, baadil sameynayo ama qabyaalad iyo waxyaabo aan bannaaneyn ku jira waa wax ilaah dhaliilay, bal eeg aayadda 26aad ee suuratul fatxi.
Gunaanad:
 Isu soo wadaduuboo qormadan waxaan ka fahmi karnaa in risaalada uu xambaarsanaa nabi Muxammed NNKH ay tahay mid wadata  mucjiso cilmiyeed oo ilaa maanta meelo badan aan la gaarin in lagu ogaado qaabka sayniska casriga ah uu wax u dhigo, waxyaabaha qaarna ay si cad u muujisay mucjisada risaalada nabigeena NNKH, sida tan carada ama xanaaqa oo qaabka uu u xaliyay sunnaha muddo iminka laga joogo in kabadan 1400 sano aan horay loo arag. Inta caqliga leh dadyowga aan muslimka aheyne ay fahmi karaan in waxa uu waday ay ahaayeen waxyi ilaah.

Tixraaca qormada
1.      Kitaabka quraanka kariimka
2.      Fathul bari (Ibn Hajr Al-asqalani)
3.      (PDF) physiology of anger. Dr harry Mill. PhD. http://www.mentalhelp.net/poc/view_doc.php?type=doc&id=5805&cn=116
4.      Al-eajaz magazine. 33th volume. Jumadal akhirah , 1430H
5.      Anger management tips. Mayo Clinic Hospital official website



DHAMAAD...

Thursday, 7 February 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 7aad:
i.                    Dariiqa nabiga NNKH ee daweynta Carada:-
Waxa uu ka koobanyahay 5 qaaciddo oo aan usoo koobi doono sida soo socota inshaa allaah:
1.      Aamus marka aad carooto:
Nabiga NNKH waxa uu ugu baaqay qofka careysani inuu amuso isla marka uu Carada dareemo.
C/llaahi Bin Cabbaas (rc) waxaa laga weriyay inuu nabigu NNKH yiri: [wax bara oo bishaareeya hana culeysina (arrimaha) haddii uu midkiin caroodana ha aamuso] Axmed ayaa ku weriyay musnadkiisa 1/329, saxiix aljaamic 693,4027, iyo Bukhaarina waxa uu ku weriyay al-adab almufrad 245
2.      Ilaah ka magangal sheydaanka:
Salmaan bin sird (rc) waxa uu yiri: laba nin ayaa nabiga agtiisa isku booday iyadoo midkood uu caynayo saaxiibkiis, careysanyahay oo wejigiisana uu guduutay, nabiga NNKH ayaa markaas yiri: [waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله من الشيطان الرجيم) ] waxaa weriyay Bukhaari (fatxulbaari 6/337) , iyo Muslim 2610
3.      Bedel Qaabka aad u taal:
Abuu darril_gifaari (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [haddii midkiin caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu ka tagto (waa sidi la rabay) haddii kale ha seexdo] waxaa weriyay abuu daawuud.
Caalimka weyn ee alcallaamaha alkhaddabi –allaha u naxariistee- waxa uu ku sheegay sharaxiisa sunan abuu daawuud: (qofku markuu taaganyahay waxa uu diyaar uyahay inuu dhaqaaq iyo wax qabasho sameeyo, qofka fadhiya wuu ka hooseeyaa taa, haddii uu jiifana suuragal uma ahan dhaqaaq iyo qabasho, waxaa laga yaabaa in nabiga NNKH markuu amrayay fadhiga iyo jiifka uu uga jeeday si qofku markuu taaganyahay ama fadhiyo  uunan ugu dhaqaaqin fal uu gadaal dambe ka shalaayo).
Waxaa Cilmiga caafimaadka xaqiijiyay in hormuunka Noradrenaline uu labalaab ilaa Seddex laab kordho marka uu qofku taaganyahay, hormuunka adrenaline isaga waxa uu kordhaa xaddi yar balse marka ay caro jirto xaddigiisa ayaa dhiigga ku bata, waxaa shaki la'aan ah in labada cunsur (Carada iyo istaagga) ay xaddiga labada hormuun sare uqaadayaan, taasoo saameyn xun ku reebta jirka qofka sida aan kor ku soo sheegnay.
4.      Weyso qaado:
Waxaa laga weriyay Cadiyah alsacdi (rc) in nabigu NNKH uu yiri: [caradu waxa ay ka timaadaa sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, dabkana waxaa lagu damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato] waxaa weriyay Axmed 4/226 iyo Abuu daawuud 4784
Ibnu casaakir waxa uu soo saaray: [caradu waxa ay ka timaadaa sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, biyuhuna dabkey damiyaan, ee haddii midkiin caroodo ha meydho (ha qubeysto)].

In biyo qabow lagu qubeysto waa dardaaran Caafimaad oo ay bixiyaan dhaqaatiirta dareenwadka xilligan casriga ah si uu udejiyo habdhiska dareenwadka,  jirkana u qaboobo, weysaduna waxa ay ka dhigantahay mid yareyneysa saameynta Carada ee kulka jirka, dhididka iyo dareenka ciriiri ee Carada ka dhasha. Sidoo kale weysadu waxa ay muslimiinta uga dhigantahay dareen caabudid allaah SWT marka uu sameynayo.
Sidoo kale waxaa cilmiyan loo xaqiijiyay in maqaarka jirka ee kululaada Carada awgeed uu yaraado marka uu qofku weyso qaato. Weysada waxaa ku jira:
Meyridda Wejiga iyo gacmaha: waxaa ku jira dhaqidda xubnahan faa'iido weyn oo jirka ka tireysa dhididka, kana nadiifineysa maaddooyinka duxda ah oo ay soo saaraan qanjidhada maqaarka.
Meyridda cagaha: dhaqidda lugaha oo si fiican loo rugo waxa uu keenaa dareen deggenaan iyo xasiloooni, waayo cagaha waxa ay humaag-noqod uyihiin habdhisyada jirka aadanaha, taasoo ka dhigan in qofka weyseysanaya uu u daliigayo dhammaan habdhisyada jirkiisa mid mid isagoo si miyir leh udhaqaya cagihiisa.
5.      Dhabanka lagu qabto Dhulka:
Abuu Saciid alkhudri (rc) waxa uu weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [caradu waa dhimbil ku jirta laabta bani aadamka, sow ma aragtaan sidey indhihiisa u casadaan dhabannadiisuna u bararaan, qofki arrintaa wax ka hela dhabankiisa Dhulka ha ku dhejiyo (Dhulka ha dhigo)] waxaa weriyay tirmidi, abuu daawuud iyo ibnu Xabbaan.
Xubnaha bani aadamka waxaa ugu sharaf badan wejiga, dhabankana waxa uu ka tirsanyahay xubintaas waxaana nala amray inaan dhigno Dhulka, si nafsadda qofka ay udareento dullinimo, waxaana ka tegaya  isla weynida ay ukeeneen sheydaanka iyo Carada.
Haddaba markaan si guud u eegno waxyaabaha uu na barayo nabigeena Muxammed NNKH oo ku aaddan sida loo maareeyo Carada, waxaa noo soo baxaya in dunida reer galbeed ee ku faana aqoonta aaney ilaa maanta fahmin, dhibaato badana kaga cabanaya Carada.
Waxaan jeclahay inaan soo qaato Tusaale aan isleeyahay waa tan ugu mudan oo ay reer galbeed kaga hadleen maareynta Carada, iyadoo dhammaan qoraalada aan arkay ee ka hadlaya Carada ay isku raacsanaayeen in maareynta caradu tahay wax aad uqallafsan oo marka ay dhibaato dhacdo kaddib la gaaro.

Mid ka mid ah isbitaallada ugu weyn uguna caansan mareykanka iyo caalamka Mayo Clinic Hospital ayaa boggiisa internetka waxa uu ku soo daabacay  juun 2007 arrin uu kaga hadlayay habka maareynta carada, isagoo soo bandhigay waano ka kooban 10 qodob,  oo iigula muuqatay  tan ugu dhow ee si macquul ah u xallineysay carada, waxaana jeclahay inaan ka soo qaato qaar ka mid ah waanooyinkaas, anigoo isku dayayo inaan mid kasta raaciyo xadiis micnahaas isku dhowyihiin inshaa allaah.

Waanada mayo clinic
Xadiiska nabiga NNKH
Tame your temper: caradaada rabbaayadey
[لا تغضب] ha caroon
Take a 'timeout'...counting to 10 before reacting: qaado waqti aamusnaan, tiri ilaa toban intaadan fal sameyn
[إذا غضب أحدكم فليسكت] midkiin hadduu caroodo ha aamuso
Get some Physical activity: sameey dhaqdhaqaaq jireed
 ]إذا غضب أحدكم وهو قائم فليجلس، فإن ذهب عنه الغضب وإلافليضطجع[
haddii midkiin caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu ka tagto (waa sidi la rabay) haddii kale ha seexdo
Swim: dabaalo
[وإنما تطفئ النار بالماء،فإذا غضب أحدكم فليتوضأ…]: …dabkana waxaa lagu damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato
Repeat a calming word or phrase to yourself, such as "Take it easy.":ku celceli erey ama oraah naftaada dejisa, sida ''fudeyd ka dhigo''
] إني لأعلم كلمة لوقالها لذهب عنه مايجد لوقال: أعوذ بالله من الشيطان الرجيم[
waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله من الشيطان الرجيم)
Think carefully before you say anything: si taxadar leh u fakir ka hor intaadan waxba oran
[و إنماالشديد الذي يملك نفسه عندالغضب…]
ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo
La soco Qeybta 8aad