Qeybta 2aad:-
Haddaba
haddii sidaa loo kala fogyahay, waxaa nala gudboon inaan ka hadalno maxaa
quruxda lagu qiimeeyaa oo ay raggu ku eegaan gabadha.
Jirka:
muuqaalka jirka, sara joogga, dhererka, buuxsanaantiisa ama caatanimadiisa,
kala shubnaashaha xubnaheeda iwm. Iyadoo qolo walbaahi ku saleyneyso
dhaqankooda, waxaanse rabaa inaan wax ka dhaho xubnaha ugu badan ee quruxda gabadha
laga eego.
1.
Wejiga: waa meesha ugu
horreysa ee indhuhu qabanayaan, waxa uuna door weyn ka cayaaraa quruxda
gabadha, waayo waxaa ku yaal xubno aad u muhiim ah, sida:-
- Indhaha: tilmaamo badan ayaa laga bixiyaa quruxdooda, sida inay cadyihiin, wiilkoodu madawyahay, buluug yahay ama beey leeyahay iwm. Si kastoo la tilmaamaba waxaa shaki la'aan ah inay yihiin quruxda dumarka xubno aad usoo saara.
- Sunniyaha: waa labada baar ee dusha sare kaga xeeran labada indhood, waxa ayna soo saaraan quruxda indhaha, qolaba si ha u tilmaantee waxaa la tilmaamaa kuwa madow oo haddana dhuuban inay yihiin quruxda. Waana tan uu Axmed Cali Cigaal leeyahay: '' … sunniyaha bil dhalatiyo sida qaanso lagu dhigay '', dumarkana badanaa waxaynu aragnaa iyagoo sunniyaha jara si isu qurxiyaan.
- Bushimaha: dibnaha waxaa la tilmaamaa midabkooda, jileecooda, adeeggooda, yaraantooda ama weynidooda
- Dhabanka: sida kuwa kore qoloba si bey utilmaantaa quruxdiisa, sida; buuxsanaantiisa, dhuubnaantiisa ama shubnaashihiisa, midabkiisa iwm
- Sanka: badi dadyowga waxa ay tilmaamaan sanka qoran ama tooxan, waana xubin aad ubisha quruxda gabadha.qarniga aynu joogno ee casriga tiknoloojiyada ahna waxaa quruxda lagu sii bilaa qalliimo casri ah gaar ahaa kan qurxinta ama plastic surgery, sankana waxa uu nasiib u helay inuu noqdo mid kamid ah xubnaha ugu badan ee qalliimadaas lagu sameeyo.
Ururka dhaqaatiirka qalliinka qurxinta ee Mareykanka
(American societies of plastic surgeons) warbixin ay kaga hadlayeen shanta
xubnood ee ugu badnaa oo qalliinkaas lagu sameeyay sanadki tegay waxa ay kala
ahaayeen:
·
Naasaha (giijintooda)
·
Sanka (qurxinta qaabkiisa)
·
Bushimaha (yareyntooda ama
weyneyntooda)
·
Qurxinta isha daboolkeeda
(maqaarka ku dahaaran isha)
·
Weji giijin (waxaa laga
baabi'inayaa miinta ama canyayuubka)
Shantaaas
uguma sareysa oo qura dhanka dumarka, balse dhanka raggana way ugu sareeyaan,
waxaase ay ukala horreeyaan sedan:
·
sanka
·
isha daboolkeeda
·
bushimaha
·
naasaha oo la yareeyo
·
weji giijin
Waxaa
warbixintaas inooga cad in shantaas xubnood afar ka mid ah ay ku yaaliin
wejiga, weliba tan shanaadna ay tahay xubin ka mid ah kuwa quruxda dumarka.
Waxaase yaab leh in ragguna aaney meesha ka marneyne ooy isla shantaas dumarku
qurux darteed usameeyaan ay iyana ugu sarreyso.
Sidoo
kale xubnaha wejiga la xariira waxaa ka mid ah; timaha iyo qoorta. Wejigu waa
xubin uu nabigeena NNKH uu inaga reebay in dhib la gaarsiiyo ama wax xun lagu
tilmaamo, xadiiska uu weriyay Imaam Axmed ee kahadlayay xuquuqda gabadhu ku
leedahay ninkeeda, waxaana ku jiray (…., Wejiga haka garaacin, wax xun na haku
tilmaamin, ….), taasoo micnaheedu yahay inaanan gabadha ku dhihin hadallo xun
sida; wejigaada allaha xumeeyo, ama ereyo ay soomaalidu adeegsato sida; wejigaa
ha gubto iwm.
Wejiga
iyo xubnaha ku yaal oo quruxda ugu badan siiya gabadha waa muraayadda ay
wadato, haddii qof qurux tilmaamayana waxa uu marka ugu horeysa tilmaamaa
wejiga iyo xubnaha ku yaal, siduu doono ha u tilmaamee. Waxaana garan kareynaa
qiimahooda markaan eegno suugaanta ay ummadi leedahay ee quruxda dumarka lagu
sifeynayo.
Haddaba
maadaama uu wejigu qiimahaas leeyahay, gabdho badan ayaa si ay u gaaraan
astaamo ay isleeyihiin quruxda ayaad ku gaareysaan awgood waxa ay marsadaan
dawooyin la isku caddeeyo, taasoo waxyeello u geysata jirkooda, midabkooda qaaliga ahna ku bah dila sidaa.
Walaasheyda
soomaaliyeedey midabka uu Ilaah kuu dhaliyay waa midka ugu qaalisan dunida,
sidaada ayaadna ku qurux badantahaye ha isticmaalin dawooyinka ama kareemyada
la is mariyo, adigoo caddaan raadinaya. Waxaanse rabaa si aad ugu qanacdid taladeyda
inaan soo qaato diraasad ay qortay hay'adda mareykanka u qaabilsan cuntada iyo
dawada (food and drug administration FDA).
Warbixinta ayay ku sheegtay in kareemyada la isku caddeeyo ay ku jiraan walxo
kiimikaad oo waxyeello ba'an gaarsiiya qaab dhismeedka maqaarka iyo weliba
caafimaadka guud ee jirka, waxaana ka mid ah curiyeyaal bir ah sida; mercury
iyo lead oo ka mid ah walxaha suntan ah ee caafimaadka waxyeelleeya, waxaa
kaloo ku jira noole ilm aragti ah sida bakteeriya. Dr Charles Lee oo la taliye
sare u ah FDA waxa uu ku xusay warbixintaas in '' curiyaaha Mercury ee ku jira
kareemyadaas uu waxyeello u geysto xubnaha muhiimka ah ee jirka sida; kilyaha iyo hab dhiska dareen
wadka dhexe, isla markaana uu wax udhimmayo korista ama sameysanka maskaxda ee
uur ku jirta iyo carruurta yar yar''. Sidoo kale khabiirka cilmiga suntan ee
FDA Dr. Mike Bolgen waxa uu ku sheegay warbixintaas in '' dadka gaar ahaan
carruurta uu mercury ga jirkooda ku geli
karo iyagoo taabta hooyadood marka ay marsato ama la joogistooda iyo weliba
neefsigaba''.
Sidoo
kale FDA warbixinteeda kuma koobneyn oo qura kareemyada la marsado'e waxaa kale
oo ku jiray waxa loo yaqaan rooseetada ay dumarku ku caseeyaan bushimahooda,
waxa ayna sheegtay in baaritaan ay sameysay ay ku ogaadeen in dhammaan
samballadii tijaabada laga qaaday uu ku jiro curiyaha suntan ah ee Lead, taasoo
iyana ah fajaciso dumar badani ka yaabisay, waayoo rooseetada waxaa marsada
inta badan dumarka oo qurux ka raadsha.
Haddaba
waxaan jeclahay inaan iminka waxyar ka tilmaamo qaab dhismeedka maqaarkeena si
aan u qiyaasno dhibaatada ba'an ee ay u geysaneysanayaan walxahaas la is
mariyo.
Maqaarkeenu
waxa uu ka koobanyahay seddex dabaqad ama lakab oo is dulsaaran oo kala ah: 1.
Epidermis 2. Dermis 3.
Subcutaneous
Seddexdaa
dabaqadood waxaa ku dhex yaala xididdo dhiig wada, dareen wadayaal, limfas,
qanjidhada dhididka, jiridda timuhu ka soo baxaan, qanjidhada subkanta ah ee
maqaarka u yeela saliidda,unugyo difaaca jirka ku shaqoleh kana qeyb qaata
bogsashada boogaha, unugyada midabeeya maqaarka iyo kuwo kale.
Maqaarkeena
waxa uu Allah usameeyay sifo u gaara oo ah inuu iscusbooneysiiyo, tusaale
ahaan; dabaqada ugu sareysa (Epidermis) waxay isku cusbooneysiidaa 30 ki
maalmoodba mar, haddii uu aad isku bedelo waqtigaas kordhid iyo hoos udhacba
waxaa dhalanaya cudur.
La soco Qeybta 3aad...
1 comment:
Masha Allah lkn dood malaha
Post a Comment