Qeybta 7aad:
i.
Dariiqa nabiga NNKH ee daweynta Carada:-
Waxa uu ka koobanyahay 5 qaaciddo oo aan usoo koobi doono sida soo
socota inshaa allaah:
1.
Aamus marka aad carooto:
Nabiga
NNKH waxa uu ugu baaqay qofka careysani inuu amuso isla marka uu Carada
dareemo.
C/llaahi Bin Cabbaas (rc) waxaa laga weriyay inuu nabigu NNKH yiri:
[wax bara
oo bishaareeya hana culeysina (arrimaha) haddii uu midkiin caroodana ha aamuso]
Axmed ayaa ku weriyay musnadkiisa 1/329, saxiix aljaamic 693,4027, iyo
Bukhaarina waxa uu ku weriyay al-adab almufrad 245
2.
Ilaah ka magangal sheydaanka:
Salmaan
bin sird (rc) waxa uu yiri: laba nin ayaa nabiga agtiisa isku booday iyadoo
midkood uu caynayo saaxiibkiis, careysanyahay oo wejigiisana uu guduutay,
nabiga NNKH ayaa markaas yiri: [waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu
dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله
من الشيطان الرجيم) ] waxaa
weriyay Bukhaari (fatxulbaari 6/337) , iyo Muslim 2610
3.
Bedel Qaabka aad u taal:
Abuu
darril_gifaari (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [haddii midkiin
caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu ka tagto (waa sidi la
rabay)
haddii kale ha seexdo] waxaa weriyay abuu daawuud.
Caalimka
weyn ee alcallaamaha alkhaddabi –allaha u naxariistee- waxa uu ku sheegay
sharaxiisa sunan abuu daawuud: (qofku markuu taaganyahay
waxa uu diyaar uyahay inuu dhaqaaq iyo wax qabasho sameeyo, qofka fadhiya wuu
ka hooseeyaa taa, haddii uu jiifana suuragal uma ahan dhaqaaq iyo qabasho,
waxaa laga yaabaa in nabiga NNKH markuu amrayay fadhiga iyo jiifka uu uga
jeeday si qofku markuu taaganyahay ama fadhiyo
uunan ugu dhaqaaqin fal uu gadaal dambe ka shalaayo).
Waxaa Cilmiga caafimaadka xaqiijiyay in hormuunka Noradrenaline uu
labalaab ilaa Seddex laab kordho marka uu qofku taaganyahay, hormuunka
adrenaline isaga waxa uu kordhaa xaddi yar balse marka ay caro jirto xaddigiisa
ayaa dhiigga ku bata, waxaa shaki la'aan ah in labada cunsur (Carada iyo
istaagga) ay xaddiga labada hormuun sare uqaadayaan, taasoo saameyn xun ku
reebta jirka qofka sida aan kor ku soo sheegnay.
4.
Weyso qaado:
Waxaa laga weriyay Cadiyah alsacdi (rc) in nabigu NNKH uu yiri: [caradu waxa ay
ka timaadaa sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, dabkana waxaa lagu
damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato] waxaa weriyay
Axmed 4/226 iyo Abuu daawuud 4784
Ibnu casaakir waxa uu soo saaray: [caradu waxa ay ka timaadaa
sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, biyuhuna dabkey damiyaan, ee
haddii midkiin caroodo ha meydho (ha qubeysto)].
In biyo qabow lagu qubeysto waa dardaaran Caafimaad oo ay bixiyaan
dhaqaatiirta dareenwadka xilligan casriga ah si uu udejiyo habdhiska
dareenwadka, jirkana u qaboobo,
weysaduna waxa ay ka dhigantahay mid yareyneysa saameynta Carada ee kulka
jirka, dhididka iyo dareenka ciriiri ee Carada ka dhasha. Sidoo kale weysadu
waxa ay muslimiinta uga dhigantahay dareen caabudid allaah SWT marka uu
sameynayo.
Sidoo kale waxaa cilmiyan loo xaqiijiyay in maqaarka jirka ee
kululaada Carada awgeed uu yaraado marka uu qofku weyso qaato. Weysada waxaa ku
jira:
Meyridda
Wejiga iyo gacmaha: waxaa ku jira dhaqidda xubnahan faa'iido weyn oo jirka ka tireysa
dhididka, kana nadiifineysa maaddooyinka duxda ah oo ay soo saaraan qanjidhada
maqaarka.
Meyridda
cagaha: dhaqidda lugaha oo si fiican loo rugo waxa uu keenaa dareen
deggenaan iyo xasiloooni, waayo cagaha waxa ay humaag-noqod uyihiin habdhisyada
jirka aadanaha, taasoo ka dhigan in qofka weyseysanaya uu u daliigayo dhammaan
habdhisyada jirkiisa mid mid isagoo si miyir leh udhaqaya cagihiisa.
5.
Dhabanka lagu qabto Dhulka:
Abuu Saciid alkhudri (rc) waxa uu weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [caradu waa
dhimbil ku jirta laabta bani aadamka, sow ma aragtaan sidey indhihiisa u
casadaan dhabannadiisuna u bararaan, qofki arrintaa wax ka hela dhabankiisa
Dhulka ha ku dhejiyo (Dhulka ha dhigo)] waxaa weriyay tirmidi, abuu
daawuud iyo ibnu Xabbaan.
Xubnaha bani aadamka waxaa ugu sharaf badan wejiga, dhabankana waxa
uu ka tirsanyahay xubintaas waxaana nala amray inaan dhigno Dhulka, si nafsadda
qofka ay udareento dullinimo, waxaana ka tegaya
isla weynida ay ukeeneen sheydaanka iyo Carada.
Haddaba markaan si guud u eegno waxyaabaha uu na barayo nabigeena
Muxammed NNKH oo ku aaddan sida loo maareeyo Carada, waxaa noo soo baxaya in
dunida reer galbeed ee ku faana aqoonta aaney ilaa maanta fahmin, dhibaato
badana kaga cabanaya Carada.
Waxaan jeclahay inaan soo qaato Tusaale aan isleeyahay waa tan ugu
mudan oo ay reer galbeed kaga hadleen maareynta Carada, iyadoo dhammaan
qoraalada aan arkay ee ka hadlaya Carada ay isku raacsanaayeen in maareynta
caradu tahay wax aad uqallafsan oo marka ay dhibaato dhacdo kaddib la gaaro.
Mid ka mid ah isbitaallada ugu weyn uguna caansan mareykanka iyo
caalamka Mayo Clinic Hospital
ayaa boggiisa internetka waxa uu ku soo daabacay juun 2007 arrin uu kaga hadlayay habka
maareynta carada, isagoo soo bandhigay waano ka kooban 10 qodob, oo iigula muuqatay tan ugu dhow ee si macquul ah u xallineysay carada,
waxaana jeclahay inaan ka soo qaato qaar ka mid ah waanooyinkaas, anigoo isku
dayayo inaan mid kasta raaciyo xadiis micnahaas isku dhowyihiin inshaa allaah.
Waanada mayo clinic
|
Xadiiska nabiga NNKH
|
Tame your temper: caradaada
rabbaayadey
|
[لا
تغضب] ha caroon
|
Take a
'timeout'...counting to 10 before reacting: qaado waqti
aamusnaan, tiri ilaa toban intaadan fal sameyn
|
[إذا
غضب أحدكم
فليسكت] midkiin hadduu caroodo ha aamuso
|
Get some Physical
activity: sameey dhaqdhaqaaq jireed
|
]إذا
غضب أحدكم وهو
قائم فليجلس، فإن ذهب عنه الغضب وإلافليضطجع[
haddii midkiin caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu
ka tagto (waa sidi la rabay) haddii kale ha seexdo
|
Swim: dabaalo
|
[وإنما تطفئ
النار بالماء،فإذا غضب أحدكم فليتوضأ…]: …dabkana
waxaa lagu damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato
|
Repeat a calming
word or phrase to yourself, such as "Take it easy.":ku
celceli erey ama oraah naftaada dejisa, sida ''fudeyd ka dhigo''
|
] إني لأعلم
كلمة لوقالها لذهب عنه مايجد لوقال: أعوذ بالله من الشيطان الرجيم[
waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu
dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله من
الشيطان الرجيم)
|
Think carefully
before you say anything:
si taxadar leh u fakir ka hor intaadan waxba oran
|
[و
إنماالشديد الذي يملك نفسه عندالغضب…]
ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo
|
No comments:
Post a Comment