Qeybta 8aad:
Waxaan iminka rabaa inaan laba ama Seddex Tusaale aan ka soo qaato
qaabki asaxaabta iyo taabiciinti ay ugu dhaqmeen wixi uu baray nabiga NNKH ee
maareynta Carada.
Saxaabiga weyn ee abuu darril_gifaari (rc) ayaa addoonkiisa waxa uu
maalin ku yiri: (maxaad rida ugu deysay calafka farasku cuni lahaa?) markaasuu yiri
(addoonki): waxaan rabay inaan kaa careysiiyo. Abuu dar waxa uu yiri:(ilaah baan ku
dhaartaye waxaan ka dari oon ku dari Carada ajir, ilaah dartiis ayaan kuu
xoreeyay).
Caalimki weynaa ee C/llaahi ibnu Mubaarak ayaa la weydiiyay: noo
soo koob dabeecadda wanaagsan; waxa uu yiri: Carada oo laga tago.
Cali bin Xuseen ayaa waxa uu lahaa gabar jaariyad ah oo weysada u
diyaarisa, maalin baa kirliga ay weysada ku siday ka fakaday oo wejiga ka
daqray Cali bin Xuseen, markaasuu madaxa kor uqaaday, gabadhi baa ku tiri:
ilaah SWT waxa uu leeyahay: {و الكاظمين الغيظ}
( kuwa carooda qariya). Markaasuu ku yiri: waan qariyay caradeyda. Waxa
ay tiri: {و العافين عن الناس} (kuwa dadka iska cafiya). Markaasuu yiri:
ilaah wuu
kaa cafiyay. Waxa ay tiri: {والله يحب المحسنين} (ilaah waxa uu jecelyahay kuwa ixsaanka sameeya). Makaasuu
yiri: iska
tag xor baad tahaye.
Goormaa diintu na amreysaa inaan caroono?
Dhammaan aayadaha iyo axaadiista aan soo qaadanay ee ka hadlaya
inaan la caroon ama la qariyo micnahoodu ma ahan in caradu dhammaanteed ay
tahay wax aan habbooneyn, balse waxaa jira marar ay bannaantahay iyo marar ay
waajib tahay in la caroodo.
Carada loo baahanyahay: haddii Diinta ilaah meel looga dhaco qofka muslimka ah waxaa looga
baahanyahay inuu ka caroodo kana dhiidhiyo inti tabartiisa ah. Tusaale ahaan
imaamu axmed iyo ibnu maajah waxa ay soo arooriyeen xadiis uu weriyay C/llaahi
bin Camar bin Caas (rc) oo dhahayay: rasuulka ilaah ayaa ku soo baxay asaxaabta
oo ka doodaya qadarta, caro dartiis waxaa mooddaa nabiga wejigiisa NNKH in lagu
dhuftay xabbad rummaan ah (isbedelka wejigiisa ka muuqda awgiis), markaasuu
yiri: [ma
kan baa laydin faray? Ama ma kan baa laydiin abuuray? Quraanka baad
ku dhufaneysaan qaarkiis qaarka kale, waa kan sababti loo halaagay ummadihi
idinka horreeyay] saxaabiga xadiiska werinaya waxa uu yiri: kuma farxin
meel aan dib uga soo dhacay nabiga NNKH sidaan ugu farxay meeshaas aan dib uga
soo dhacay.
Sidoo kale waxaa jira meelo badan oo soo arooray in nabigu NNKH uu
carooday, sida marki Usaama bin zeyd (rc) uu nabiga uga shafeecay gabadhi reer
makhsuum ee wax xaday.
Haddaba ilaahey dartiis in loo caroodaa waa mid la mahadiyay aadna
loogu baahanyahay inaan ilaalino, balse waxaa jira laba qeyb kale oo caro ah:
Mid bannaan: in qofku ka caroodo wax aan macsi ilaah ku jirin isagoon xadkiisa
dhaafeyn, carrabkiisa iyo xubnihiisana ilaalinayo wax dhib ah ma lahan, inuu
iska cafiyo oo caradiisa qariyo ayaase ukheyr badan.
Caro aan la oggoleyn: qofka inuu caroodo isagoo sheydaan u hiilinayo, baadil sameynayo
ama qabyaalad iyo waxyaabo aan bannaaneyn ku jira waa wax ilaah dhaliilay, bal
eeg aayadda 26aad ee suuratul fatxi.
Gunaanad:
Isu soo wadaduuboo qormadan
waxaan ka fahmi karnaa in risaalada uu xambaarsanaa nabi Muxammed NNKH ay tahay
mid wadata mucjiso cilmiyeed oo ilaa
maanta meelo badan aan la gaarin in lagu ogaado qaabka sayniska casriga ah uu
wax u dhigo, waxyaabaha qaarna ay si cad u muujisay mucjisada risaalada
nabigeena NNKH, sida tan carada ama xanaaqa oo qaabka uu u xaliyay sunnaha
muddo iminka laga joogo in kabadan 1400 sano aan horay loo arag. Inta caqliga
leh dadyowga aan muslimka aheyne ay fahmi karaan in waxa uu waday ay ahaayeen
waxyi ilaah.
Tixraaca qormada
1.
Kitaabka
quraanka kariimka
2.
Fathul
bari (Ibn Hajr Al-asqalani)
3.
(PDF)
physiology of anger. Dr harry Mill. PhD. http://www.mentalhelp.net/poc/view_doc.php?type=doc&id=5805&cn=116
4.
Al-eajaz magazine. 33th volume.
Jumadal akhirah , 1430H
5.
Anger
management tips. Mayo Clinic
Hospital official website
DHAMAAD...
No comments:
Post a Comment