Friday, 28 October 2016

SIRTA AANEY KUU SHEEGI DOONIN ISBITAALLADA

Qeybta 1aad:
1. Dooro isbitaal tababar bixiyo (teaching Hospital):
Marka laga hadlayo adeegyada caafimaadka sida qalliimada culus waxaa aad u sareeya adeeg ahaan iyo tayo ahaan isbitaallada lagu tababaro dhakhaatiirta, kuwaas oo safka hore kaga jira cilmi baarista caafimaadka. Ardayda baraneysa caafimaadka iyo dhakhaatiirta heerarka sare ee tababarrada maraya waxa ay si taxaddar leh u weydiiyaan bukaannada su'aalo ama wareystaan, taasoo keeneysa in isbedellada bukaanka xaaladdiisa ku imaanayo ilgooni ah lagu hayo, kana hortageyso inay dhacaan khaladaad. Isbitaallada tababarrada bixiya waxaa aad ugu yar dhibaatooyinka bukaanka uu ka qaado daryeel la'aanta, islamarkaana waxay leeyihiin natiijo ka wanaagsan kuwa kale.

2. Il gooni ah ku haay qeybta gargaarka degdegga ah:
Qaar ka mid ah isbitaallada, qeybta gargaarka degdegga ah malahan adeegyo fiican ama tayo leh, tiiyoo ay u dheertahay inay soo dallacaan kharash fara badan. Qeybahaas waxaad aadaa marki aad yara dareento xaalad aan cusleyn, balse xanuunada waaweyn waxaad raadisaa qeybaha leh trauma center, halkaas waxaa inta badan laga helaa isbishaalisteyaal.

3. Dhowr nadaafadda:
Jeermisku waxa uu ku noolyahay meel kasta, waana uu safri karaa. Xataa haddii dhakhtarkaadu gamcaha soo meydho waxaa laga yaabaa shaatiga cad ee uu gashanyahay darfihiisa inuu ku sido jeermis ka yimid qol kale oo uu bukaan jiifo. Sidaa awgeed dalbo inaad isticmaashid dareeraha jeermis dilka ama aalkolo, adigoo marinaya calaacalaha iyo cidiyaha hoostooda, albaabada meelaha laga qabto, musqulaha halka laga falaasho iwm. Gamcahaagana meydh ka hor cunta cunista ama diyaarinta.

4. Ku soo biir wadahadalka:
Kalkaaliyaha ka codso in bukaanka agtiisa uu idinku siiyo macluumaadka aad u baahantihiin ama la xariira bukaanka xaaladiisa, tani waxa ay ka fiicantahay inuu macluumaadka kugu siiyo miiska kalkaaliyaashi fariistaan, waxayna idinka caawineysaa inaad wada saxdaan wixi ka khaldan warbixinta la bixinayo.

5. Ha mashquulin kalkaaliyaha:
Diraasad la sameeyay ayaa tilmaantay in markasta oo ay badantahay mashquulinta kalkaaliyaha xilliga uu diyaarinayo dawada ay badantahay inuu khalad dhaco. (Halki mar waxa ay khatartu kor u kaceysaa 12%).

Xigasho: MICHELLE CROUCH (Readers digest)

La Soco Qeybta 2aad

Thursday, 20 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 4aad:

Marki la isku soo wada xooriyoo qaababkan ardayda waxa ay ku keeneysaa iyagoo heerar hoose marayaan inay u kale miirmaan ama ugu leexdaan takhasusyada ay berito baran lahaayeen, oo baaritaanno dheeri ah sameyn kara xilliyada fasaxa, teeda kale habki hore ee ardaygu martida ka ahaa waxtarkiisu wuu liitay, ardaygane waxaa saarnaa cadaadis weyn oo dhanka maskaxda ah, oo laga yaabo isagoon fahamsaneyn ujeedada laga leeyahay iyo waxa laga doonayo inuu isku dhibo inuu ama xifdiyo ama siyaabo kale adeegsado.
Marxaladda maanta dalku marayo markaan eegno waxbadan in laga qabtaa nidaamkan jahawareersan way adagtahay, dugsiyada waxbarashadane qiyaas ahaan 100% ayaan dhihi karaa waa kuwo gaar loo leeyahay, haddane sidaa oo ay tahay waxaan u hayaa talo haddii si fiican loogu fiirsado iyagane qiime weyn unoqoneyso ubadkeenane waxtareysa.
Talada aan u hayo marka hore inay ilaah uga baqaan carruurtaas oo ay masuuliyaddooda waxbarida gutaan, isdabamarinta iyo qishka ay sameynayaan iyagoo fiirsanaya shilimaad yarne iska joojiyaan. Marka xigta inay tijaabiyaan nidaamyadan aan kor ku soo xusay ama baariaan ka sameeyaan, dabadeedne qaabka barbaarinta ay maanta wadaan wax ka duwan na tusaan, iyaga dhexdoodana ku tartamaan. Shardi ma ahan inay waxkasto isku dayaan bilowgii, balse waxay sameyn karaan dugsi kastaahi sanad dugsiyeedkan hal qodob ha tijaabiyo, sanadka xigane natiijada ha soo uruuriyaan, dabadeedne iyaga dhexdooda hakala faa’iideystaan, oo qola kasta caqabadaha ay la kulantay kuwa kale ha u sheegto si wadada usoo gaabato, haddii intaa la helo waxaa hubanti ah in wax weyn isbedelayaan, waxaadna ogaataan dalka maanta waxa wax qaban karo waa inta gaar loo leeyahay, haddii rabitaan sax ah laga helo iyaga oo is jiidjiidkane iska daayaan waxay horseedi karaan in manhajka dugsiyada lagu soo celiyo wadadii toosneyd.

Gebagebadi bulshadeenu maskaxda ma beelin, weline waxaa ku jira aqoonyahanki shalay dalka hoggaamin jiray, waxaa kaloo ku soo kordhay aqoonyahan dhiig cusub wata oo qaarkood ku soo noolaaday ama wax kusoo bartay dadyow islaameed dhexdood, maskaxdaas dalkeenu leeyahay waxaan rajeynayaa inay dhaqaaqdo, oo aaney aamusnaan sida hadda socota, si aan u badbaadino hambadi ka hartay jiilka sii lumaya ee aan is ogeyn inuu lunsanyahay.

                                                                                                                                     Dhammaad

Wednesday, 12 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 3aad:
Dhanka macalinka waxaa laga doonayaa inuu hoggaamiye u noqdo ardayda, tababaro isla markaana xalka keeno isagoo ardayga u diyaarinayo hal-abuurnimo. Macalinka waxaa laga doonayaa inuu ardayga meelaha uu u janjeero rabitaankiisa ogaado, soona saaro  waxa uu ku fiicanyahay ama kalsoonidiisa ku jirto. Iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, macalinku waqti badan kuma qaadanayo cashar bixin, waxa uuse waqtiga ugu badan ku bixinayaa tababarka si gooni gooni ah iyo si wadar ahba, isagoo mar walba u sameynayo wax tartan gelinaya ama (challenge) cusub.
Macalinka waxa uu ardayga barayaa inuu isagu wax sameeyo iyadoo ay kormeerayaan dad khubaro ku ah qeybtaas lagu tababarayo ardayga. Waxa ay xaadirayaan koorsooyin tababar iyo shirar lagaga hadlayo arrinta ay ku tababaranayaan, iyagoo talooyin la wadaagayo macalimiintooda si toos ah ama internetka.
Dhanka dugsiga waxaa laga doonayaa inuusan kaalintiisa ku ekaan 45 daqiiqo ee ardayda xisada qaadanayaan ee waa inay sameeyo waqtiyo dheeri ah oo ardaydu howlo ama (activities) ku qabsan karaan dugsiga, xilliyda fasaxa waa inaan la xirin dugsiga, loona adeegsadaa tababarrada xirfadaha horumarinta aadanaha, isdhexgalka waalidiinta, macalimiinta iyo ardayda. Sidoo kale macalimiinta dugsiyada hoose dhigaya waa inay ardayda la sii joogaan labo ilaa seddex sano, si macalinku waxbadan uga barto ardayga, taasoo keeneysa in ardayga waxa uu ku fiicanyahay lagu sii jaheeyo.
Sidoo kale kharashyada ku baxa maamulka dugsiga waa in qeyb badan loo leexiyo barnaamijyada kobcinta, tababaridda iyo horumarinta ardayda khuseeya ee aan kor ku soo xusnay. Hab-dhismeedka dugsiayada waa inuu gacan ka geysanayo qaab caawinaya ardayga iyo macalinka inay si wada jir ah u qabtaan howlo ka baxsan tan waxbarashada sida: in loo adeegsado goob bixiso adeegyada bulshada u baahantahay, talooyin la siinayo reeraha iyo fasallo lagu qaato habka barbaarinta carruurta iwm.
Dhanka waalidka waa macalinka ugu weyn ee ardayga waxbara, sidaa daraadeed waxaa qasab ah inay jirto iska warqab iyo wada shaqeyn dhexmarta macalimiinta iyo waalidka, isla markaana uu jiro guddi waalidka ka socda oo ka qeyb qaata go’aannada iskuulka lagu horumarinayo. Sidoo kale waalidku waa inuu wax ka fahamsanyahay ujeeddooyinka iskuulka, qaabka ay macalimiintu ugu raja weynyihiin arday kasta iyo inuu ka caawiyo  waajibaadka guriga inta uu joogo.

Dhanka bulshada iyo degaanka uu dugsigu ku yaal: bulshada degen degaanka dugsiga waa inay ka qeyb qaataan horumarinta dugsiga, waxayna isugu jiri karaan ganacsato, aqoonyahanno, masuuliyiin dawladeed, ururrada bulsha iwm. Wada shaqeyntaas waxa ay keeneysaa in ardayga iyo macalinka waxa ay qabanayaan qeybo ka mid ah ku sameeyaan meel ka baxsan dugsiga oo degaanku leeyahay, natiijada ka soo baxdane bulshada loo soo bandhigo, mararka qaar haddii loo baahdo bulshada qeyb ka mid ah inay ardayda siiyaan casharro xirfadooda la xariirta, kuna soo tababartaan goobahooda shaqo, baritone shaqo laga siin karo haddii loo arko inay sare u qaadeyso xirfadiisa.

La Soco Qeybta 4aad

Wednesday, 5 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 2aad:

Iminka waxaan rabaa inaan gunta u galo dhowr qodobo aan u arkay inay gacan ka geysaneyso dhisidda jiil wacyi aqooneed leh oo dalku beri yeesho, waxa ayna xoogga saareysaa qaabka xariirka ardayga, waxa uu baranayo, macalinka, dugsiga, waalidka iyo degaanka uu ku yaal dugsiga, waxaana ka bilaabayaa qeybta khuseysa ardayga.
Casharrada uu qaadanayo ardayga waa inaaney ku koobnaan qaabki qadiimiga ahaa ee ardayga fasalka intuu fariisto dabadeedne uu qaato cashar 45 daqiiqo macalinka uun hoggaaminayo, ee waa inay casharradu noqdaan mararka qaar buugga tixraaca wax ka sarreeya. Tusaale ahaan maaddooyinka qaar sida sayniska; ardayda waxaa la siinayaa mowduuc, dabadeedne muddo ayaa loo qabanayaa, waxa ay ka soo sameynayaan baaris, tijaabooyin toos ah iyo doodo, gunaanadkine waxa ay ka diyaarinayaan qoraal diyaarsan, dabadeed waxaa loo ballaminayaa dad ku takhasusay waxa ay tijaabada ku sameeyeen (tusaale: Kimistariga), waxa ayna yeelanayaan dood furan oo waxa ay sameeyeen ku saabsan, si aqoonta ay soo heleen iyadoo cilmiyeysan maskaxdooda ugu dhagto.
Kuma eka maaddooyinka sayniska ah ee maaddo kasta meeshi looga baahdo ayaa qaabkan lagu sameyn karaa, tusaale kale; maaddada taariikhda: ardaydu waxa ay soo uruurinayaan taariikhda magaalada ay ku noolyihiin ama shakhsiyaad caan ah oo aan manhajka ku jirin, dabadeedne iyagoo isticmaalaya internet, buugaag ama wareysiyo toos ah oo ay la yeeshaan dadka aqoonta u leh, waxa ay ugu dambeynti ka sameynayaan qoraal diyaarsan.
Waxaa kaloo hababkan casriga ah ka mid ah in la sameeyo koox ka kooban macalimiin tababarayaal ah oo ardayda barayo habka wada-shaqeynta, xallinta khilaafaadka, maareynta isu imaatinnada iwm, dabadeedne koox kastaahi la siinayo waajib ay soo xallineyso. Nidaamyada la adeegsan karo oo ardayda la barayo marka hore waxaa ka mid ah: the six hats ama lixda koofiyadood waxa loo yaqaan, iyadoo koox kastaahi ka koobnaaneyso ugu yaraa shan ugu badnaane toban, dabadeedne qof kastaahi uu matalayo kaalin muhiim ah. Nidaamkan marka ay fahmaan ayay ku shaqeynayaan, waxayna faa’iidada tababarkan ardayga u suura galineysaa inuu u adeegsado xaafadiisa, reerkiisa iyo asaxaabtiisa haddii uu la kulmo arrin u baahan xallin, taasoo ka dhigeysa inuu waddanka helo jiil si cilmiyeysan wax u xallin kara waxna hoggaamin kara.

Waalidka carruurtan dhalay iyo dadka masuulka ka ah waxa ay u suuragelineysaa inay qiimeyn ku sameeyaan  ardayda, iyagoo baaraya meelaha uu ku xoogganyahay arday kasta iyo halka uu ku liito. Waalidiinta, macalimiinta iyo ardaydaba waxa ay si hoose u qiyaasi karayaan ardayga iyo horumarka uu sameynayo maalinba maalinta ka dambeysa iyo inaanu ku dhicin khaladaadki ay horay ugu dhaceen, islamarkaana sare u qaado heerka iskoorkiisa marba marka ka dambeysa. Waxaa jirta in berigii hore ardayga meelaha uu ku liito la oran jiray xoogga ha saaro, balse habkaas inuu khaldanaa ayaa la xaqiijiyay, meelaha uu ku fiicanyahay inuu sii xoojiyo, meelaha uu ku liitane yara kabo, habkaas ayaa iminka aad loo daneeyaa. Tusaale ahaan: arday ayaa waxa uu ku fiicanyahay maadada xisaabta, waxa uuse ku liitaa taariikhda, waxaan sameyneynaa inaan koorsooyin dheeri ah ugu dirno oo uu ku baranayo xisaabta, tan taariikhda ahne aan isku dayno inuu yara wanaajiyo ilaa heer baasitaan. Arrintan waxa ay keeneysaa in ardaygaas uu berrito ku soo baxo ama aan loogu geli karin xisaabta, berritane uu ku takhasusayo, haddiise aan xoogga saari laheyn taariikhda waxaa imaan laheyd in heerkii uu xisaabta ka gaari lahaa hoos udhac ku yimaado, taariikhdane uu wax ku soo kordhin waayo. Maaddada aad ku fiicantahay waa tii ku soo saari laheyd ama lagaaga dambeyn lahaa ee waqti dheeri ah geli, tan aad ku liidatane inaad heer macquul ah gaarsiisid isku day, waqti kalese yaaney kaa lumin.

La Soco Qeybta 3aad

Sunday, 2 October 2016

Yaa sareeya IQ Hillary Clinton iyo Donald Trump?

Bogga choice or life  ayaa qoraal uu ka sameeyay madaxweynayaashi mareykanka soo maray iyo heerarkooda IQ, waxa uu raaciyay kuwa u ordaya madaxtinimada mareykanka ee kala matalaya labada xisbi ee dimoqraadiga (Hillary Clinton) iyo jamhuuriga (Donald Trump).

Hillary Clinton:
IQ: 140
waxa ay culuumta siyaasadda kaga baxday Wellesley College. Dabadeedne waxa ay gashay Yale Law School.

Donald Trump: IQ: 120-130

Iyadoo Trump uusan bannaanka soo dhigin IQ giisa, haddane waxaa la ogyahay inuu darajada bajalaarka ka qaatay jaamacadda Pennsylvania isagoo bartay cilmiga dhaqaalaha iyo culuumta aadanaha.

Trump weligiis ma sheegin qoraalladiisi ku saabsanaa darajadi dugsiga sare iyo tii jaamacadda, taasoo micnaheedu yahay inuu ka liito heerka doqonimadiisa halka aan fileyno.

Saturday, 1 October 2016

Furayaasha Sirta Barbaarinta

Qeybta 1aad:
Qormadan waxaan ku jeexjeexi doonaa haddii eebbe laga helo habka loo horumarin karo nidaamka waxbarashada dugsiyada ee dalkeena oo burbursanaa muddo rubac qarni ah, dhaxalka aan ka helnane waxaan horay ugu soo faaqidnay qormadi hore ee Halista Humaagan.
Si loo hagaajiyo nidaamka waxbarasho ee dugsiyada asaasiga ah ilaa sare  waxaa lagamamaarmaan ah in la sameeyo manhaj waxbarasho oo inagu aan leenahay ama ugu yaraan dib loo soo celiyo kii aan laheyn 25 sano ka hor, waxaan taa ula jeedaa manhaahijta waxbarashada waa inay noqdaan mid inaga naga yimid oo aaney aheyn mid dhoof lagu keenay sida kuwa maanta, oo iskuul ama dallad kastaba  sida ay doonto wax usoo qalqalloociso, waxaaba kaaga sii daran waxa ardayda loo dhigayo maanta intooda badan wax cilmi ah oo ay ka baranayaan ma jirto, waayo jacburnimadiisa waxaa usii dheer maaddooyinka loo dhigayo qaarkood buugga laga dhigayo haddaad aragtid khaladaadka ku jira iyo faa’iido darridiisa madaxa ayaa kula xanuunaya, qaarna dalal shisheeye ayay ka hadlayaane dalkeena maba la iska wareysto. Waxaan beryahan aad u dareemayay in heerka aqooneed ee ardayda dugsiyada dhan kastaba ay aad uga liitaan kuwi ka horeeyay 10 sano, nidaam darrida dugsiyada, tayada manaahijta iyo macalimiinta oo liidatane ay tahay sababaha ugu waaweyn ee meeshaas ina dhigay.
Mar haddii aan dooneyno inaan dib usoo saxno khaladki dhacay waxaa qasab noqonayo soo celinta manhajki waxbarashada ee dalku lahaa, haddii la doono luqado kala duwan halagu tarjamo. Manaahijtii dalku lahaa burburka ka hor marki dib loo soo celiyo waxaa lagu sameyn karaan casriyeyn si uu ula jaanqaado isbedellada dunida ku yimid rubac qarnigaas, waxaana meeshaas nooga soo baxayo manhaj awood badan oo jiilkeena soo korayo ka dhigaya kuwa la tartami kara asaagood.
Tallaabada taa barbar soconeyso waxa ay noqoneysaa tababaridda macalimiinta dugsiyada heerarkooda kala duwan, iyadoo la barayo hababka barenimada, la dhaqanka da’da kala duwan ee ardayda iyo xallinta khilaafaadka. Si taa u noqoto mid mira dhasho waxaa jira qodob khatar ah oo aan waayihi hore xoogga la saari jirin, inagane ilaa maanta aanan qiime siinin waana: bareyaasha dugsiyada hoose (fasallada 1-6aad). Macalimiinta dugsiyada hoose dhigaya waa inay ka darajo sareeyaan macalimiinta dhigeysa dugsiyada dhexe iyo sare, tusaale ahaan: macalinka dhigaya dugsi hoose waa inuu ugu yaraan heystaa shahaaddada masterka, isla markaana qaadanayo mushaar ka sareeya kuwa dhexe ama sare. Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay,  waxa uu soo barbaarinayaa jiil dhan oo haddii laga soo khaldo dhismaha hoose aaney saxmi karin weligeed (quraanki alif ka halaaba albaqra kuma saxmo), waxaa kale oo loo baahanyahay in macalinka darajadaas wataa uu heysto shahaaddo tababar ku saabsan qaabka loola dhaqmo  (psychology of under 12 years) ama loo barbaariyo carruurta ka yar 12 sano jir. Dalalka dunida qaar kamid ah way leeyihiin nidaamkan oo kale, weliba qaarkooda (sida Jabbaan) waxaa usii dheer sanadaha hore ee dugsiyada hoose ardayga waxa uu baranayo ma jirto wax la yiraahdo dhicitaan, taas oo micnaheedu yahay waxaa la barayaa qiyam ee weli xisaabtan ma gaarin.

Inkastoo ay adagtahay inaan marqura tallaabadaas ku tallaabsano haddane ood sida ay u kala sareyso ayaa loo kala qaadaa, maalinba tallaabadan awooddeeda leenahay ayaan qaadeynaa, tan manhajka iyo tababarka macalimiinta waan sameyn karnaa haddii daacadi jirto, tallaabooyinka kale ee dadyowga horumaray ay qaadayaan laftirkeeda inta dhaqankeena iyo diinteena ku habboon ayaan sii horumarin karnaa. 

La Soco Qeybta 2aad

Wednesday, 28 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 3aad:
Soomaalidu waxa ay dhahdaa: xaajo aan loo feydin sida daba riyaad ma fayoobaato, waxaan uga gol-leeyahay qormadan inaan is garano  oo meesha nalaga heysto aan ogaanno, si ay u fududaato raadinta xalka ku habboon, sidaa awgeed su’aasha xigta ayaa noqoneysa: maxaa xal ah?

Haddii aan dhanka waxbarashada ka bilowno waxaa lagama maarmaan ah in la soo nooleeyo nidaamyadi dawladeed ee dalku lahaa, si loo xakameeyo fowdada waxbarasho ee dalka ka jirta, iskuullada iyo jaamacadahane lagu qasbo inay nidaamka raacaan, heerka tayadoodane kor uqaadaan, qoladi khilaaftane laga kansalo rukhsadda shaqada. Ardayda dhameynaya waxbarashada heerarkeeda kala duwanne laga qaado imtixaan mideysan ama loo sameeyo koorsooyin xoojin ah oo heerarka uu soo dhaafay.

Qormo gaar ah oo ka hadleyso ama si qoto dheer u taabaneyso qaabka loo tayeen karo iskuullada ayaan soo bandhigi doonaa dhawaan inshaa allaah.

Dhanka caafimaadka waxaa lagama maarmaan ah in wasaaradda caafimaadka ay shaqadeeda gudato iyadoo la kala saareysa goobaha u qalma fulinta adeeg caafimaad iyo kuwa aanan u qalmin, sidoo kale dhakhaatiirta shaqeysane loo kala hufayo si taa la mid ah, kuwa cusub ee jaamacadaha ka soo qalin jebinaya ama dalka bannaankiisa ka imaanayane laga qaado imtixaan dhakhtarnimo oo ay isbitaallada ku marayaan oo sanad qaadanaya, waxeyna maraya maaddooyin ka waa weyn; sida qalliinka, cudurrada guud, dumarka iyo carruurta, qofki ka soo gudba  sanadkaas ay wasaaraddu siiso shahaaddo caddeyneyso inuu dhakhtar sax ah yahay, isla markaana uu xubin ka noqon karo ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Waxaase culeys ka jiraa dalkeenu weli malahan Public Hospitals sax ah oo nidaamkaas lagu fulin karo, tiiyoo ay kuu sii dheertahay hey’adihi dowliga ahaa oo ay ugu horeyso wasaaradda caafimaadka magac mooyee waxqabad ma jiro, weliba ku darsoo qaarkood xafiis malahan oo wasiirka boorsadiisa ayaa xafiis u ah!.

Gunti iyo gunaanadki qormadan waxaan ugu baaqayaa bulshada inta dareensan halistan aan muuqan inay ka dhiidhiyaan dhibkan lagu hayo bulshadeena, madaxdane ay u guntadaan fulinta sharciga, si loo xakameeyo halistan nagu habsatay.

                                                                                                                                 Dhammaad...

Monday, 26 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 2aad:
Waxaan la yaabay oo isoo maray anigoo wax ka dhigaya mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho arday fadhiya ama dhiganaya kulliyadda caafimaadka misne ay dhibayso waxqorista, waxa aan weydiiyay: halkeed kaga timid jaamacadda? Miyaadan iskuul soo dhigan? Waxa uu iigu jawaabay: hal sano ayaa jaamacadda waxa ay isiisay waxbarasho iskuul oo kooban. Waxaan weydiiyay: sanadkaa ka hor weligaa iskuul ma dhigatay? Waxa uu igu yiri: maya, waxyar oo biribaati aan dhigtay mooyee. Waxaan weydiiyay: oo maxaa ku fariisiyay kulliyadda caafimaadka? Waxa uu iigu jawaabay: jaamacadda ayaa igu tiri kulliyaddaad rabto dooro, anigane inaan dhakhtar noqdo ayaan rabaa. Alla xanuun badanaa?!
Waxaa magaalada ku soo batay jaamacadaha sheeganaya inay bixiyaan heerka labaad ee masterka iyagoo magacyadooda ku lifaaqa magacyada jaamacado shisheeye oo waxa ay yihiin aanan la garaneyn, qaar ka mid ah magacyadaas oo aan baarnay waxaa noosoo baxday inay yihiin jamacdo aanan waxba ka jirin, ama aan tayo laheyn oo dalalkooda looga oggoleyn bixinta wax ka sareeya darajada koowaad. Jaamacadaha magaalada kuwa sheekadaan wada waxa ay u badanyihiin kuwo xataa aanan u qalmin heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadeed.
Waxyaabaha aan la amakaagay intaa kuma ekee waxaan goobjog u ahaa in badan oo jaamacadaha Muqdisho ka mid ah, kulliyadahooda caafimaadka inay been usheegaan ardaydooda weliba nurse ka dhammeeya, iyagoo ku dhaho inay dhakhtarnimo u qaadanayaan ugana bilaabayaan semester dhexe sida kan sideedaad ama todobaad. Waxaana sidaa darajada dhakhtarnimo maanta ku qaadanaya boqolaal qaarkood maanta ku shaqeeya, qaarna ay usoo carfeyso, waxaana dalka ku soo socda halis daboolan oo aan dad badan umuuqan.

Dhanka caafimaadka waxaadba moodaa inay ka sii darantahay, waxaa magaalada dhan laga sameystay goobo caafimaad oo magacyo kala duwan wata oo ay ka holwgalaan burcad caafimaad boobay magaca dhakhaatiirta, iyagoo bulshadeena ku baabi’iya dawooyin  halis badan geysta ama sababa dhimasho. Qaar ka mid ah meelahaas waxaa ka howlgala dad sheeganaya dhakhaatiir oo nidaamki aan ka soo hadalnay wax ku soo bartay, iyo kuwo aanan weligood iskuul xataa aanan soo marin ama farsamayaqaano ah, sida makaanik, dukaanle iwm. Qaarne waxaa ka howlgala shisheeye u badan maafiyo aan caafimaad xariir la laheyn ama dalalkooda rukhsada dhakhtarnimo lagaga xayuubiyay khaladaad caafimaad oo ay galeen, waxaana shisheeyahaas ugu badan ruushan iyo wadamadi la isku oran jiray midowgi suufiyeet, waxaa kaloo ku jira masaari fara badan, siiriyaan, Kenyan iyo yugandhiis. 
Dhibaatada ka jirta caafimaadka waxaa qeyb weyn ka qaadanaya ganacsatada dawooyinka keena, kuwaas oo dalka keena dawooyin dhacay, kuwo been abuur ah, iyo waxyaabo kale, waxaa taas sii dheer dalka gudahiisa ayay waxyaabaha qaar ku farsameeyaan iyagoo ka dhigaya in dal hebel laga keenay. Waxaa hubanti ah in waxyeelada ay dhaliyeen dawooyinkaas aaney yareen, islamarkaana aanan ku soo koobi karin hal qormo iwm.

La soco Qeybta 3aad

Thursday, 1 September 2016

Halista Humaagan

Qeybta 1aad:
Dawlad la’aanti dalkeena soo martay dhaxalkeeda waxaa ugu weynaa nidaam darri baahsan oo saameysay qeyb kasta oo nolosha bulshadeena ah, waxaanse rabaa inaan maanta qormadeyda ku jeexjeexo saameynta ay ku reebtay caafimaadka iyo waxbarashada.
Kaddib burburkii dawladnimo waxaa jiray dad isku xilqaamay  dib u unkida adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka. Inkastoo bilowgi dib u soo celinta adeegyadaas ay aheyd kuwo xooggan kana nidaam roon sida maanta ay yihiin, haddana 15ki sano ee u dambeeyay waxaa soo ifbaxay kumanaan goobo waxbarasho ama caafimaad oo magac mooyee nidaam waxbarasho ama caafimaad aanan sal ku laheyn, intooda badan ne waxaa horboodaya dad dhalinyaro u badan oo aan xariir la laheyn sheegashooda ama adeegyada ay qabanayaan, taasne waxaa ka dhashay inay waddanka usoo baxaan kumanaan wata magac aqoonyahan misne aanan heerkooda aqooneed gaarsiisneyn halka ay sheeganayaan.

Waxaa soo ifbaxay dugsiyo wata magacyo fara badan oo sheega in waxbarashada dugsiyada ay ku soo koobayaan sanad iwm, halki asal ahaan ay ka aheyd 12 sano, misne ay dhiganyaan carruur yaryar oo qaarkood aanan ka weyneyn 12 sano jir!, wacyi la’aanta jirta ee bulshada awgeed waxa ay adeegyadaas isku bedeleen ganacsi, iyadoo waxa la eegayo oo qura ay noqotay lacagta laga qaadayo qofka adeegga loo qabanayo. Kuma eka wareerka iskuulada soo gaabiyay sanadaha waxbarashada ee xataa kuwa ay u qorantahay inay nidaamka 12 ka sano ah yihiin waxa ay beryahan sameeyeen inay laba laba sano isku xiraan, sida: 2-3, 4-5, 6-7, 8-9, oo min sanad ah, iyadoon la eegeyn da’da ardayga nidaamkaas la marinayo. Waxaan maalin dhaweyd tagay mid ka mid ah iskuulada magaalada muqdisho, halkaas waxaan ku arkay gabadh yar oo 9 sano jir ah oo dhiganeyso galaaska 4-5, waxaan weydiiyay maamulaha dugsiga: carruurtan da’dooda way yartahaye maad marisaan nidaamka saxda ah? Waxa uu igu yiri: iskuulka nidaamkaas waan ka joojinay oo laba laba sano ayaan ka dhignay. Waxaan ku celiyay: oo gabadhani iyadoo 11 sano jir ah ayey dugsi sare galeysaaye! Waxa uu iigu jawaabay: waxba ma dhibeyso, waa caadi!.   Sidoo kale waxaa sidaas la mid ah jaamacadaha oo intooda badan macaash doon ah, dadka wax dhigaya ama maamulayana qaarkood aaney u diyaarsaneyn barenimo ama hagidda xarumo waxbarasho oo heerkaas ah.
La soco Qeybta 2aad...

Monday, 30 March 2015

Raggu maxey ku jecelyihiin Dumarka?

Diraasad ay sameysa jaamacadda Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay faahfaahin ku aaddan sababaha ay raggu u jecelyihiin dumarka dhabarka ka godan ama dhabar daacada leh, taasoo ah dhacdo cusub oo caalamka beryahan ka jirtay kana duwan sida ay ahaan jirtay waayihi hore, waxaana lagu sheegay diraasadan in markasta oo ay dumarku leedahay dhabar daaco muuqato ay raggu aad uga helaan beryahan, waxayna tusaale usoo qaateen xiddigta Kim Kardashian.
Diraasaddan waxaa lagu sheegay aragtida ragga ay ku qotonto in sida ugu fiican gabadha jirkeedu noqdo ay tahay in laf dhabarkeedu godantahay in la eg 45.5 darajo, waxayna seynisyahannadu ku magacaabeen "xagasha ugu habboon ee laf dhabarka".
Diraasadan waxaa lagu sameeyay 100 nin oo mutadawiciin ah, kuwaas oo loo soo bandhigay sawirro dumar leh dhabar daaco, ragga intooda badanna waxa ay doorteen sawirrada leh xagasha 45 darajo.
David Bass oo ka mid ahaa dadki diyaariyay diraasaddan waxa uu leeyahay: hab dhismeedkan laf dhabarta dumarka waxa ay u suuragelineysaa inay culeyska si siman ugu qeybiso miskaha marka ay wax sidaan, dumarka noocan ahna kuma badna jajabka laf dhabarta, sidoo kale waxaa aad ugu fudud habka naas nuujinta. Balse ragga waxa ay ku doorteen dumarkan waa rabitaanka inay helaan qoys carruur badan. 
Culimada cilmu nafsiga waxa ay xaqiijiyeen in dumarka laf dhabartooda xagasheeda ka yartahay ama ka weyntahay 45 darajo ay intooda badan ku fashilmaan inay dhalaan carruur badan oo bad qabta.
                                                                                                                          Dr. Ab Insi, MD

Monday, 22 December 2014

Xanuunka Isbedelka

Qormadan gaaban waxaan ku soo qaadan doonnaa haddii Eebbe laga helo qiso aad u macaan oo ka hadleysa xanuunka ka dhalan kara markaad rabtid inaad sameysid isbedel khuseeya noloshaada.
Isbedelku waxa uu ka mid yahay furayaasha horumarka, waana waxa ugu daran ee ay ka baqaan dadka guul darreystay ama aanan fahamsaneyn nolosha xaqiiqadeeda dahsoon, waxa uuna wataa xanuun daran oo aanu u adkeysan karin qof kasta. Haddaba bal nala eeg qisadan macaan, dabadeedne si fiican ugu fiirso sida uu u xanuun badanyahay isbedelka.
Qisadan waxa ay ku saabsantahay shimbirka gorgorka la dhaho oo sameynaya isbedel si uu usii noolaado haddii kale maxaa dhacaya!
Gorgorku waxa uu ka mid yahay shimbiraha ugu cimriga dheer, waxa uu gaaraa ilaa 70 sano, balse si uu cimrigaas u gaaro waxa uu u baahanyahay inuu gaaro go’aan adag. Marka uu gaaro 40 sano, ciddiyihiisi aadka u dabacsanaa uguna carbisnaa qabashada ugaartiisa way caajisayaan, waxa ay noqonayaan kuwo qallafsan oo aan dhaqso soo laabmeen. Gafuurkiisii xoogga badnaana wuu soo laabmayaa, garbihiisuna waxa ay noqanayaan kuwo culus oo aad u dhaadheer, waxaana ku adkaanaya inuu duulo.
Duruuftan awgeed gorgorka waxaa horyaala laba arrimood inuu kala doorto:
Inuu is dhiibo oo uu sidaa ku dhinto ama inuu maro tijaabo isbedel oo xanuun badan oo soconeysa 150 maalmood.
Howlgalkan waxa ay u baahantahay in gorgorku uduulo buurta dusheeda halka uu kadeggenyahay, kaddibne waxa uu bilaabayaa inuu gafuurkiisa ku garaaco dhagax si xooggan ilaa ay jabto qeybta hore ee gafuurka ee soo laabneyd, dabadeedne wuxuu sugayaa ilaa ay ka soo dhalato mid cusub. Intaa kaddib wuxuu jebinayaa cidiyihiisa si lamid ah sidi uu ku sameeyay gafuurka, dabadeedne waxa uu sugayaa inta ay cidiyo cusubi usoo dhalanayaan. Marka ay usoo baxaan ciddiyo cusub waxa uu billaabayaa inuu tifo baalashiisa duqoobay. Muddo shanbilood ah kaddib gorgorku waxa uu billaabayaa duulimaadkiisi lagu yaqiinay isagoo wata dhiig da’yar oo aad mooddo dhalinyaro, waxa uuna sii noolaan karaa 30 sano oo kale.
Qisadan waxaan ka dhadhansaneynaa in markaad dooneysid isbedel lagaa rabo u adkeysiga xanuunka ka imaanaya isbedelka aad sameyneysid, waxaa laga yaabaa inaad isbedelkaas ku weysid wax aad heysatay sida:  shaqo, hanti, qurux, mansib, magac, iwm
                                                                                                            Dhammaad...
                                                                          Waxaa isu soo duway: Dr. C/qaadir Insi, MD


Sunday, 9 November 2014

Sirta Weydiimaha

Qeybta 2aad:
Habka weydiimaha:
1.      Rabitaankaada caddeey: marki aad rabtid inaad wax weydiisato qof ama koox dad ah waqti sii diyaarinta waxa aad dooneyso, xulo ereyo aad si fiican uga fakartay oo saameyn weyn sameynaya. Waa arrin muhiim ah, waayo hadalku waa hub, sidaa awgeed uxulo weydiintaada ereyo fiican, isla markaana si cad u qeexaya waxa aad rabtid.
Waxa aad weydiineyso haddaaney caddeyn, ereyada iyo weeraha aad adeegsaneysane isku duubneyn faa’iido kama heleysid weydiintaada. Haddii aad u baahato dad xeel dherayaal ah waad kala tashan kartaa sida ugu habboon ee ay weydiintaadu raad u reebi karto.
2.      Kalsooni wax ku weydii: inay kaa muuqato kalsooni markaad weydiin sameyneyso waxa ay aad kuugu soo dhaweyneysaa guusha. Muuji geesinimo, maadaama waxa aad rabtid ay kuu xaddidanyihiin. Tani micnaheedu ma ahan inaad degdegto ama ku kadsoonto rabitaankaada iyo aftahannimadaada ama ay isla weyniyu ku qaado,kalsoonidu waa wax laabta ka soo baxa, dadka kaa agdhawne ay arkayaan. Waxa ugu xun ee niyad jabka dhaliya waa in laguu diido waxa aad weydiisatay, balse kama dhigna in albaabadi kaasoo wada xirmeen, waddo kale raadi, ha niyad jabin, mar walbana isku day inaad xasuusnaato in aamusnaantu ka liidato in waxa aad weydiisatay laguu diido.
3.      Si joogto ah wax u weydii: dadka qaar marka ay diidmo la kulmaan hal mar gacmaha ayay ka taagaan iyagoo si dhakhsi ah isu dhiiba. Haddii aad rabto inaad soo saarto kheyraadka dahan ee nolosha waa inaad wax badan weydiisaa, waayo weydiimuhu waxa ay kuu furayaan albaabada keydka aad ka heleysid sirta nolosha.
4.      Si hal-abuurnimo leh wax uweydii: casrigan tartanku wuu badanyahay, waxaa laga yaabaa in codkaada laga sara maro ama uu ku dhex lumo buuqa yeeraya, dabadeedne lagu maqli waayo. Marka aad rabtid inaad weydiin sameysid, hadal qura ha sameyn, adeegso hal-abuurkaada, dooro sida ugu fiican ee aad sameyn karto, u xulo gogldhig gaaban oo saameyn weyn leh, kaddibne u dhaadhac gunta ujeeddadaada.
Culimada cilmu nafsiga waxa ay aaminsanyihiin in bani aadamka dhami leeyahay awoodda maskaxeed ee wax dhiraandhirisa, waxa lagu kala duwanyahayne ay tahay uun inaad is bartid sidaad ku soo saari laheyd awooddaas qarsan ee aadan ka war heyn. Ha niyad jabin haddii in badan laguugu dhaliilay inaadan laheyn karti wax curis, dhiraandhirin ama hoggaamin, balse isku day inaad baartid sida ugu fiican ee aad uga faa’iideysan kartid keydka weyn ee kuu qarsan. Habka aad u isticmaaleyso hal-abuurnimada weydiimahaadana waxa ay u baahantahay barasho, ku celcelin iyo u samrid.
5.      U weydii si daacadnimo leh: marka ay dhab kaa tahay weydiintu dadka way kuu jawaabayaan, daacadnimaduna waa inaad ka run sheegtid dalabkaada. Iska tuur been abuurka, turufatoornimada iyo wejiga khayaanada ka muuqato, islamarkaana aad diyaar u ahaato dhaliisha iyo hadallada aadan ku farxi doonin ee ka imaanaya weydiimahaada.
Waxa aad dooneyso si dhammeystiran u gudbiso, adigoo ka akhrinaya laabtaada, ha isku kallifin inaad iska dhigto wax aadan aheyn, caadi iska dhig, markaas ayay dadku kuu furayaan laabahooda.
Dadka raadinaya inay guusha ku gaaraan si fudud way yartahay inay guuleystaan, ee u adkeyso xanuunka isbedelku leeyahay, si aad u gaarto buurta dhakadeeda.
Haddaba si aan akhristayaasha ugu dhiirrigeliyo u adkeysiga xanuunka isbedelka waxaan qormada tan xigta idiin soo gudbin donaa sheeko arrintaa ku saabsan oo aad ka heli doonto inshaa allaah.
                                                                                                                        Dhammaad ...

                                                                           Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD

Tuesday, 4 November 2014

Sirta weydiimaha

Qeybta 1aad:
Su'aal weydiintu waa soo jireen, waxa ayna soo socotay inta aadanuhu jiray. Waxaanse maanta rabaa inaad ila fahamtid akhristow sirta ku jirta habka wax weydiinta.
Bal ila eeg ereygan: ASK, micnihiisu waa wax weydiin, waxaan ka soo dhex saari karnaa micno aad uweyn, si fiican u dhadhami mugga uu xambaarsanyahay ereygan ka kooban seddexda xaraf.
Always: Marwalba
Seeking: Raadinaya (Doondoonaya)
Knowledge: Aqoon ama cilmi
Haddii aan soo qaadanno erey kasta xarafka ugu horreeya maxaa noo soo baxaya? bal mar kale ila eeg. Waxaa soo baxaya ereygan: ASK, sow ma ahan ereyga micnaha weyn sita oo ay ku qotonto dulucda qormadan?
ASK waa weedh af Ingiriisi ah, balse markaan dib ugu laabanno hadalka kore waxa ay ku fadhidaa micnahan: Mar walba raadi aqoonta, taasoo ka dhigan in wax weydiintu muhiim u tahay helitaanka aqoonta.
Inaad wax weydiisaa ceeb ma ahan, wax aad khasaareysane ma jiraan, waxaad la kulmeysaa jawaab laba mid noqon karta; in Haa lagu dhaho oo wixi aad rabtay kuu hergalaan ama in Maya lagu dhaho oo ah jawaabta ugu xun ee aad la kulmi kartid, waxa ayna ka fiicantahay inaad la aamusto rabitaankaada, dabadeedne aad marwalbo laabta ku canaanato "waxaas haddaad weydiin laheyd amaad saan si ka duwan sameyn laheyd".
Maxay dadka qaar uga baqaan weydiinta?
* Waxa ay qaar aaminsanyihiin inaaney habbooneyn wax weydiintu oo ay ceeb tahay
**Kalsooni la'aan iyo shakhsiyaddooda oo daciif ah
*** Baqdin ay ka qabaan in Maya loogu jawaabo ama diidmo la kulmaan
Haddii Maya laguugu jawaabo xaaladdaada sidey aheyd maka sii hoos maree? jawaabtu waa Maya.
La soco Qeybta 2aad
                                                                            Waxaa diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD