Qeybta 1aad:
Qormadan waxaan ku jeexjeexi doonaa
haddii eebbe laga helo habka loo horumarin karo nidaamka waxbarashada dugsiyada
ee dalkeena oo burbursanaa muddo rubac qarni ah, dhaxalka aan ka helnane waxaan
horay ugu soo faaqidnay qormadi hore ee Halista Humaagan.
Si loo hagaajiyo nidaamka waxbarasho
ee dugsiyada asaasiga ah ilaa sare waxaa
lagamamaarmaan ah in la sameeyo manhaj waxbarasho oo inagu aan leenahay ama ugu
yaraan dib loo soo celiyo kii aan laheyn 25 sano ka hor, waxaan taa ula jeedaa
manhaahijta waxbarashada waa inay noqdaan mid inaga naga yimid oo aaney aheyn
mid dhoof lagu keenay sida kuwa maanta, oo iskuul ama dallad kastaba sida ay doonto wax usoo qalqalloociso,
waxaaba kaaga sii daran waxa ardayda loo dhigayo maanta intooda badan wax cilmi
ah oo ay ka baranayaan ma jirto, waayo jacburnimadiisa waxaa usii dheer
maaddooyinka loo dhigayo qaarkood buugga laga dhigayo haddaad aragtid
khaladaadka ku jira iyo faa’iido darridiisa madaxa ayaa kula xanuunaya, qaarna
dalal shisheeye ayay ka hadlayaane dalkeena maba la iska wareysto. Waxaan
beryahan aad u dareemayay in heerka aqooneed ee ardayda dugsiyada dhan kastaba
ay aad uga liitaan kuwi ka horeeyay 10 sano, nidaam darrida dugsiyada, tayada
manaahijta iyo macalimiinta oo liidatane ay tahay sababaha ugu waaweyn ee
meeshaas ina dhigay.
Mar haddii aan dooneyno inaan dib
usoo saxno khaladki dhacay waxaa qasab noqonayo soo celinta manhajki
waxbarashada ee dalku lahaa, haddii la doono luqado kala duwan halagu tarjamo.
Manaahijtii dalku lahaa burburka ka hor marki dib loo soo celiyo waxaa lagu
sameyn karaan casriyeyn si uu ula jaanqaado isbedellada dunida ku yimid rubac
qarnigaas, waxaana meeshaas nooga soo baxayo manhaj awood badan oo jiilkeena
soo korayo ka dhigaya kuwa la tartami kara asaagood.
Tallaabada taa barbar soconeyso waxa
ay noqoneysaa tababaridda macalimiinta dugsiyada heerarkooda kala duwan, iyadoo
la barayo hababka barenimada, la dhaqanka da’da kala duwan ee ardayda iyo
xallinta khilaafaadka. Si taa u noqoto mid mira dhasho waxaa jira qodob khatar
ah oo aan waayihi hore xoogga la saari jirin, inagane ilaa maanta aanan qiime
siinin waana: bareyaasha dugsiyada hoose (fasallada 1-6aad). Macalimiinta dugsiyada
hoose dhigaya waa inay ka darajo sareeyaan macalimiinta dhigeysa dugsiyada
dhexe iyo sare, tusaale ahaan: macalinka dhigaya dugsi hoose waa inuu ugu
yaraan heystaa shahaaddada masterka, isla markaana qaadanayo mushaar ka sareeya
kuwa dhexe ama sare. Sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay, waxa uu soo barbaarinayaa jiil dhan oo haddii
laga soo khaldo dhismaha hoose aaney saxmi karin weligeed (quraanki alif ka
halaaba albaqra kuma saxmo), waxaa kale oo loo baahanyahay in macalinka
darajadaas wataa uu heysto shahaaddo tababar ku saabsan qaabka loola
dhaqmo (psychology of under 12 years)
ama loo barbaariyo carruurta ka yar 12 sano jir. Dalalka dunida qaar kamid ah
way leeyihiin nidaamkan oo kale, weliba qaarkooda (sida Jabbaan) waxaa usii
dheer sanadaha hore ee dugsiyada hoose ardayga waxa uu baranayo ma jirto wax la
yiraahdo dhicitaan, taas oo micnaheedu yahay waxaa la barayaa qiyam ee weli
xisaabtan ma gaarin.
Inkastoo ay adagtahay inaan marqura tallaabadaas ku tallaabsano haddane ood sida ay u kala sareyso ayaa loo kala qaadaa, maalinba tallaabadan awooddeeda leenahay ayaan qaadeynaa, tan manhajka iyo tababarka macalimiinta waan sameyn karnaa haddii daacadi jirto, tallaabooyinka kale ee dadyowga horumaray ay qaadayaan laftirkeeda inta dhaqankeena iyo diinteena ku habboon ayaan sii horumarin karnaa.
La Soco Qeybta 2aad
No comments:
Post a Comment