Thursday, 28 February 2013

Sirta nolosha 3: Raggu maxay gayaankood ku xushaan?

Qeybta 1aad:-

Noola kasta oo koonkan dul jooga waxa uu leeyahay lab iyo dheddig, si uu usii socdo noociisa ama uusan udabar go'in, waana xeer ka mid ah xeerarka uu Eebbe ugu talagalay nolosha dunida. Bani aadmiga oo kamid ah noolahaas waxa uu kaga duwanyahay inuu leeyahay doorasho ama caqli uu wax ku kala xusho, waxa uuna sidaa soo waday ilaa waagii uu Allah abuuray Aadan iyo Xaawo, oo rag iyo dumar iscalmanayeen si ay ugu socdaan sunnaha rabbi u jideeyay koonkan, iyagoo nolosha wadaaga hadba labadi ku guuleysata xulashada 1aad oo ah doorashada ugu adag ee soo marata qof kasta noloshiisa. Inkastoo rag iyo dumarba wax doortaan haddana waxaa inta badan bannaanka soo dhiga rabitaankooda ragga, waana dabci uu Alle udhaliyay, sidaa awgeedne qormadan waxaan ku lafa guri doonaa haddii Alle laga helo waxyaabaha ay ragga ku xushaan dumarka.

Majirto halbeeg go'an oo la isku wada raacsanyahay oo dunida dhammi wadaagto, balse waxaan isku dayi doonaa inaan isku soo uruuriyo waxyaabaha ugu caansan ama ugu muhiimsan ee ay raggu eegaan, inta badanna waxa ay hoos imaanayaan afar qodob oo waaweyn, waxaana afartooda ay ku wada xusanyihiin xadiiska micnihiisu yahay: [haweeney waxaa loo guursadaa 4 walxood: quruxdeeda, hantideeda, tolkeeda (reerka ay ka dhalatay), iyo diinteeda ee dooro tan diinta leh]. Sida inooga muuqata xadiiskan nabigeena NNKH waxa uu noo sheegay Qurux, Hanti ama lacag, Nasab iyo Cilmi diineed, waxaana jeclahay inaan si fiican u faaqido laba qodob oo kamid ah afartaas oo kala ah: quruxda iyo aqoonta, halka labada kale aan ka gudbi doono, waayo badanaa waxa ay la xariirtaa daneysi gaar ah iwm.

Qurux: quruxdu waa muuqaal hibo ah oo uu Alle siiyo uunkiisa, mid walibana uu qeyb ka helo hibadaas, haba loo kala batee; tusaale ahaan: waxaynu naqaanaa in nebi Yuusuf  (CS) uu Ilaah  usiiyay nasiib ahaan quruxda barkeed. Quruxdu waa wax ay ummad weliba oo meel ku nool u yaqaanaan tilmaamo u gaar ah, mana jirto qodobo loo dhanyahay. Bil misaal; carabti hore waxa ay gabadha qurxan uyaqaaneen gabadha jirkeedu buuxo, buurnaan iyo caatana udhexeysa, indhaha buur buuran, isla markaana wiilkoodu madawyahay, timo dhaadheer oo madaw leh, sanka shuban, midabkeeduna cadyahay. Halka Furus ama dalka hadda Iiraan loo yaqaan ay kaga duwanaayeen inay gabadhu dheertahay. Reer galbeedkana  in gabadhu caato tahay, weliba qaabka kuwa dharka xayeysiiya, dheertahay, timaheeduna dahabi yihiin. Jabbaan ne gabdha qoobabka iyo cagaha gaaban. Balse dadyow reer Afrika ah gaar ahaan dadka koonfurta Suudaan ay gabadha qurxani uyaqaanaan tan madax xiiran, bushimaha ad adag, aadna u madow. Soomaalida sidey uyaqaanaan gadaal ayaan si fiican uga hadli doonaa.

Haddaba haddii sidaa loo kala fogyahay, waxaa nala gudboon inaan ka hadalno maxaa quruxda lagu qiimeeyaa oo ay raggu ku eegaan gabadha.
La soco qeybta 2aad...

3 comments:

mariam said...

sc walal aad baan kuu salaamayaa dhinaca kale waxa kaaga mahadcelinayaa qormooyinkii aad soo bandhigtay ee muhimka ahaa lakin qormadani waaa maxay faaiidadeeda or your purpose?

Dr. Abdulkadir Insi said...

wcs, waan kaa qaaday salaanta, qormadan waxa ay ku timid codsi ay iisoo qoreen qaar ka mid ah asaxaabta oo ahaa inaan wax ka ifiyo maxay raggu ku xushaan dumarka? waxaan isku dayay inti macquul ah inaan tilmaamo waxyaabah ugu muhiimsan, waxaan kaloo ku daray talooyin caafimaad oo muhiim ah iyo macluumaad guud.
mahadsanid

Unknown said...

MashAllah wl.Hada ayaan rabaa in aan kamid noqdo arista yaashaada