Qeybta 6aad:
Haddaba
xalka xanaaqa dhanka talooyinka diiniga ah waxaan u kala qaadeynaa laba qeyb oo
waaweyn:-
i. Manhajka nabiga NNKH ee ka
hortagga xanaaqa:-
La
dagaalanka dhicidda Carada ee nabiga NNKH nabaray waxa ay ka koobantahay 7
tiir:
1.
Amar toos ah: ( لا تغضب ) oo ah
ha
caroon
·
Saxaabiga
la yiraahdo abu-dardaa' (rc) waxa uu yiri: waxaan dhahay rasuulki ilaahow itusi
camal jannada igelinayo, waxa uu igu yiri: [ha caroon jannaad leedahaye]
waxaa weriyay Bukhaari 6116
·
Tirmidi
sheekha la yiraahdo waxa uu soo saaray xadiiska dusha ku qoran, ruwaayadiisa
waxa ay aheyd: nin baa nabiga NNKH u yimid markaasuu ku yiri: ilaahey
rasuulkiisow wax ibar hana igu badin si aan u qabto, waxa uu ku yiri: [ha caroon],
wuu ku soo celceliyay ninki, nabigana waxa uu ku dhahayay [ha caroon]
2.
Xasuusin raali ahaanshada iyo jaceylka allaah:
Cabdillaahi
ibnu cumar (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: rasuulka ilaah NNKH waxa uu yiri:
[ma jirto
wax la liqo oo ka ajir weyn caro uu qofka uqariyo alle dartiis] waxaa
weriyay ibnu maajah iyo axmed, bukhaarina waxa uu ku weriyay kitaabkiisa
al-adab
3.
Jecleysiin jannada:
Saxaabiga
mucaad ibnu anas aljahni (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofki qariyo
caro isagoo awoodo inuu fuliyo allaah ayaa uyeera maalinta qiyaamaha khalqiga
dhan hortiisa waxa uuna dooradsiiyaa xuural-ceynta kaddibna waxa uu u guuriyaa
inti uu doono] (musnad axmed 1566, sunan abii daawuud 4147,
tirmidi 2417, ibnu maajah 4176)
4.
Jecleysiin geesinimada:
·
Anas
bin maalik (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: nabiga NNKH ayaa soo maray dad
lagdamaya, markaasuu yiri: (waa maxay?), waxay yiraahdeen: hebel qof lama
lagdamo illaa wuu ka adkaadaa, waxa uu yiri nabiga NNKH:[ma idin tusaa
qof ka adag? Qof qof la hadlay oo
caradiisa qariyay wuu adkaaday, sheydaankiisa wuu ka adkaaday, sheydaanka
saaxiibkiisna ka adkaaday] waxaa weriyay albazzaz, ibnu xajarna waxa uu
ku sheegay sanad fiican, fatxulbaari 10/519
·
Abuu
hureyra waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofka adag ma ahan kan lagdanta
badan, ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo] waxaa
weriyay Bukhaari 6114, iyo Axmed 2/236
Sidaa
awgeed waxa uu nabiga NNKH nagu booriyay in nafta aan ka adkaano, awoodda runta
ah ee qofkana ay ku jirto hadba sida uu u qariyo Carada iyo adkeysiga uu
uleeyahay inuu caradiisa baabi'iyo.
5.
Cabsi gelin Carada ilaah:
·
Saxaabiga
abuu mascuud albadri (rc) waxa uu yiri: waxaan garaacayay addoon aan lahaa, markaas
ayaan gadaasheyda ka maqlay cod dhahaya (ogow abaa mascuudow), caro darteed codka ma
fahmin, waxa uu yiri (saxaabiga) marki uu igu soo dhawaaday waaba rasuulki
ilaah NNKH oo dhahaya: [ogow abaa mascuudow, ogow abaa mascuudow], waxa uu
yiri (saxaabiga) ushi (karbaashki) aan ku garaacayay ayaan gacanta ka baxshay.
Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: gacanteyda ayuu karbaashki ka dhacay heybadda
nabiga daraaddeed, waxa uu igu yiri: [ogow abaa mascuudow in ilaah kaaga awood badanyahay
in ka badan sida aad uga awood badantahay wiilkan], waxa uu yiri abuu
mascuud: waxaan ku dhahay; ilaahey rasuulkiisow addoon dambe ma garaacayo isaga
dabadii weligey. Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: waxaan ku dhahay rasuulki
ilaahow alle dartii ayaan u xureeyay, markaasuu nabigu NNKH yiri: [haddii aadan
sidaa sameyn laheyn naar ayaa ku gubi laheyd ama ku taaban laheyd] waxaa
weriyay muslim.
·
Waxaa
mamnuuc ah in garsooraha maxkamadda fadhiyaa wax xukmiyo isagoo careysan.
C/raxmaan bin abii bakrah waxa uu yiri: aabahey (waa saxaabigi weynaa ee Abii Bakrah)
ayaa uqoray warqad Cubeydillaah bin Abii Bakrah oo qaali ka ahaa Sajistaan: laba qof ha xukmin
adigoo careysan, waxaan rasuulka ilaah NNKH ka maqlay:[ qofi yuunan u gar qaadin laba qof isagoo careysan] waxaa weriyay
muslim
6.
Ku dayashada
tusaalaheena:
Waxaan
halkan kaga hadli doonaa inshaa allaah qaar ka mid ah tilmaamihi iyo dhaqanki
nabiga NNKH ay ku arkeen asaxaabta, waxaana ka mid ah:
Anas bin maalik waxaa laga weriyay inuu yiri: waxaan la
socday rasuulka NNKH isagoo xiran go' najraani ah oo adag, dabadeedna waxaa la
kulmay nin reer baadiye ah, ninki waxa uu ku soo jiiday nabiga NNKH go'iisa si
daran, kaddib waxaan eegay qoorta nabiga NNKH waxaan arkay calaamadihi go'a uu
ku reebay, dabadeed ayaa ninkii yiri: muxammedow ilaahey maalkiisa agtaada yaal
wax iga sii, nabiga NNKH wuu eegay markaasuu qoslay, dabadeedne in wax la siiyo
ayuu faray. Waxaa isku raacay bukhaari iyo
muslim (fatxulbaari 10/375)
7.
Qofka sooman oo
laga reebay inuu caroodo:
Abuu
hureyra waxaa laga weriyay in rasuulka NNKH uu yiri: [qofkiin maalinta uu soomanyahay
yuunan laqwin, qeylin, haddii qof caayo ama la dagaalamo ha yiraahdo waan
soomanahay] waxaa isku raacay bukhaari iyo muslim.
Haddaba
waxaan jecleystay inaan in yar ka hadlo mucjisada uu xambaarsanyahay xadiiskan,
iyo sida Cilmiga sayniska uu maanta uga hadlayo qofka sooman inuu Carada iska
dhowro.
Cilmiga
sayniska waxa uu maanta waxbadan ka hadlayaa arrimo uu nabigeenu NNKH noo
sheegay 1400 sano ka hor.
Qofka
sooman gelinka dambe ee maalinta waxa uu aad ugu nugulyahay waxyaabaha keena Carada,
xilligaas oo jirka sokorta ku yaraato, sayniska waxa uu soo ogaaday in haddii
caro ku timaado qofka sooman ay kordheyso soo saaridda hormuunka adrenaline ee
dhiigga soo raacaya xaddi ka badan 20 ilaa 30 jibbaar heerka caadiga ah,
waqtiga ay carada qofka mareyso heer sare, arrintan haddii ay dhacdo gelinka hore
xilliga cuntada la shiidayo lana nuugayo nafaqada waxaa isku dhex yaacaya habka
dheefshiidka iyo nuugistiisa, waxaa sii dheer isku dhexyaaca guud ee habdhiska
kala duwan ee jirka, taa waxaa ugu wacan hormuunka adrenaline waxa uu u
howlgalaa inuu dabciyo murqaha sulubka ah (smooth muscles) ee habdhiska
dheefshiidka, waxa uuna yareeyaa isu uruurka iyo dhaqaaqa xameetiga[[1]],
wuxuuna ciriiriyaa xididada dhiigga ee jirka dhinacyadiisa ku yaala isla
markaana waasiciya kuwa wadnaha ee loo yaqaan coronary arteries.
Haddii dagaalka ama caradu dhacdo bartamaha maalinta ama gelinka dambe
kaddib xilliga uu dhammaado nuugidda dheefta ama nafaqada waxaa furfurmaya wixi
ka haray keydka glycogen ka ee beerka ku jira, sidoo kale
waxaa furfurmaya borotiinka jirka oo noqonaya amino acids, iyo inay
gubato fatty acids. Tani oo dhan waxa uu udhacayaa si sare loogu
qaado heerka glucose ka ee dhiigga, dabadeedne uu gubto
si uu jirka usiiyo tamarta ku fuilan ee uu ku wajihi lahaa dagaalka, sidaa
awgeed waxaa si aan kala sooc laheyn loo isticmaalayaa tamarta jirka, qaar ka
mid ah glucose ka waxa ay raacayaan kaadida haddii uu ka bato xaddiga dabiiciga
ah. Intaa dabadeed jirku waxa uu weynayaa tamar aad muhiim u ah si macno darro
ah, jirkuna waxa uu ku qasbanaanayaa inuu tamar ahaan u adeegsado fatty acids
ka oo marka ay gubato uu ka dhalanayo waxa loo yaqaan ketone bodies
oo waxyeello ugeysta dhiigga.
Sidoo
kale adrenaline ka xad dhaafka ah waxa uu dhiigga ku sameynayaa:
a.
In
xaddi fara badan oo biyo ah uu jirka kaga baxo kaadida badan
b.
Waxa
uu keeni karaa wadnaha oo qofka laga qabto ama dhimasho kedis ah (mowtul faja)
dadka qaar jir ahaan u nugul; taa oo ay sababto dhiigga cadaadiskiisa oo kor
ukaca (dhiig kar) iyo sare ukaca baahida uu wadnaha uqabo oksajiinka
xawaarahiisa sareeya awgiis.
c.
Dadka
dhiig karka qaba iyo kuwa xididada dhiigga ay xirtay xeyr waxaa ku dhaci kara
dhiigga maskaxda ku furma.
d.
Waxaa
sare ukacaya sameysanka kolistaroolka oo ka dhasha dufanka loo yaqaan low density
lipoproteins (LDL)
Haddaba waxaan ka fahmeynaa talooyinka nabigeena Muxammed NNKH inay
yihiin kuwa ilaah nagu badbaadinayo kuna saleysan cilmi uu ilaah ogyahay waxa
inoo dan ah.
Nabigeena Muxammed NNKH waxa
uu na baray barnaamij dhammeystiran oo aan ku maareyno Carada, ka sokow 7di
qaacido ee aan horay usheegnay ee ka hor dhicidda Carada waxaa jira Nidaam kale
oo lagu daweynayo haddii ay dhacdo.
No comments:
Post a Comment