Thursday, 31 January 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 5aad:
  Sidee lagu maareyn karaa xanaaqa?
Xal u helidda xanaaqa waxaan ku eegi doonaa laba qaab oo kala ah; diiniyan sida nala amray inaan u maareyno iyo dhanka maaddiga oo aan soo qaadan doono talooyinka khubarada. Waxaana ka billaabayaa talooyinka maaddiga ah.
Qodobada maareynta xanaaqa:
1.      Jooji howsha aad qabaneysid ee fikir waxyar: isku day inaad waqti siisid ka baaraan degidda cawaaqibka ka dhalan kara fal celis aad sameysid.
2.      Waa lakala fakar duwanaan karaa: ra’yigu ma ahan xaqiiq, ee waa sida ay wax kuula muuqdaan, sidaa awgeed tix geli fikirka qofka.
3.      U dhageyso si deggen:      Si aad wax u fahamto si deggen wax u dhageyso
 Si mug leh u eeg luqadda jirka qofka kale
Caddee waxa aad qabto ama sida ay wax kuula muuqdaan
Laabtaada fur waqti kasta iskuna day inaad wax fahamto intaan lagu fahmin
4.      Isku day inaad wax qortid: waxa ay ka mid tahay hababka la isku halmaamsiiyo xanaaqa loogana adkaado. Qor sheeko ama maqaal ka hadlayo dhacdo kaa careysiisay sidaad uga adkaatay inaad falceliso, si aad hadhow markale dib ugu noqoto ama u akhrisid. Si faahfaahsan uga hadal sida ay wax kula ahaayeen iyo waxa dhacay, kaddibne soo gunaanad sida aad xalka u aragtid. Marka aad mowqif la mid ah la kulantid dib ugu laabo oo akhri dabadeedne horumari talooyinkaada.
5.      Tallaab ha qaadin shakhsiyan: dadka waxkasta oo ay kugu sameeyaan ama kaa sheegaan waxba haka soo qaadin, isku day inaad bedesho fikradda lagaa qabo adigoo dhaqan wanaag muujinaayo, qofki xummaan kugu sameeyana ugu bedel weji iyo laab furnaan. Marka aad tahay qof difaac ka heysta hadallada uu maqlo ama lagu dhaho, dadka kale falkooda ama dhaqankooda waa uu isbedelayaa, mana noqoneysid dhibbane. Ogow cidi kaama careysiin karto inaad adiga doorato mooyaane, sidaa awgeed ha u oggolaan inay dadka kale taxakumaan laabtaada oo markey  rabaan kaa xanaaji karaan.
Istiraatiijiyada deggenaanta:
·         Neef qaado adigoo tirinaya neef qaadashadaadda ilaa dhowr iyo toban jeer
·         Xasuusnaw in nafsaddaada aad adiga xukunto, doorashadana aad adiga uun leedahay
·         Niyaddaada  ka saar xaaladda buuqa ama gacan ka hadalka meesha ka socda
·         Isku day inaad socod sameysid gaar ahaan meel kor ka furan
·         Naftaada u sawir adigoo joogo meel muuqaal fiican leh, sida bad, buuro iwm
·         Xasuusnaw noloshaada waa doorashadaada, sidaa awgeed ha oggolaan inaad murug ku noolaato
·         Dabaalo, jimicsi sameey ama ismadadaali, waxa ay kaa saacidayaan inay laabtaada degto
·         Sameey hiwaayad aad jeceshahay, sida buug akhris, socod, cayaar iwm
Ugu dambeyn:
1.      Xasuusnow  caradu waa niyad kac qof kastana uu si ula dhaqmo.
2.      Xasuusnow xanaaqu waa dabiici, gacan ka hadalkuse ma ahan dabiici ee waa qarbudaad.

Ma jiraan barnaamijyo lagu joojin karo dhicidda Carada?
Bishi marso 2008 bogga internetka ee BBCda waxa uu qoray Warbixin cinwaan looga dhigay (mashaakisha carada waa dawo la'aan) waxaa lagu sheegay warbixintaas in hay'adda mareykanka u qaabilsan caafimaadka nafsadda ay sheegtay: (Carada lalama dhaqmi karo ilaa kadib marka ay dhacdo dhibaato gacan ka hadal oo wax burburisa), tan oo micnaheedu yahay inaaney jirin barnaamij lagu joojin karo dhicidda Carada! Agaasimaha hay'addaas  waxa uu sheegay inay ceeb tahay in dadka lagu dulleeyo iyagoo dawo u raadinaya  carada.
Machadka ingiriiska ee maareynta carada waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in la dhaqanka carada ay noqotay maanta arrin aad u adag lagama maarmaanna ay tahay in la raaco xeerar ama qaacidooyin isfaham bulshada aan ku dhex noolnahay.
La soco Qeybta 6aad 

Friday, 13 July 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 4aad:

Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?
a.       Nolosha qoyska:
1.      Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo dayeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.
2.      Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.
3.      Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta
b.      Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa; Deriskaa diintiisuu ku baraa, Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa, Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirsan. Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.
4.      Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn  waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.
5.      Maandooriyaasha iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u weyn.
6.      Xilliga kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.
La soco Qeybta 5aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 5 July 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Akhristayaasha sharafta lahow waxaa todobaadyadan noo soo socday qormadan xiisaha badan ee Fahamka xanaaqa , todobaadkana waxaan ka sii wadeynaa meeshi ay noo mareysay, ee ka bogasho wacan.

Qeybta 3aad:
Saameynta Caafimaad ee Carada
1.      Saameynta caradu ku leedahay wadnaha bani aadamka waa sida orodka, waxaa siyaadaya tirada garaaca halki daqiiqad, waxaa sidaa ku laba laabmaya xaddiga dhiigga uu wadnuhu tuurayo, taasoo dhib ku ah wadnaha, waayo waxa uu ku qasbayaa kordhinta shaqadiisa, balse farqiga ugu muhiimsan ee labadaa waa in orodka dhibka uu wadnaha ku hayo aaney waqti badan soconeyn, oo qofka markuu dareemo daal wuu joogsanayaa, balse carada qofku ma awoodo inuu is celiyo taasoo dhibaatada ku badineysa wadnaha.
2.      Careysanaha waxaa ku dhacaya sare u kac cadaadiska dhiigga ah si wadnuhu u saaro dhiig ka fara badan sida caadiga ah, halbowlayaashuna waxay si tartiib tartiib ah uweynayaan dabacsanaantoodi iyo awooddoodi inay fidsamaan , dabadeedne waxaa adkaanaya ama qallaf noqonaya gidaarkooda  si ay u awoodaan in dhiigga faraha badan ee wadnuhu soo tufayo u mari karo.
3.      Cadaadiska dhiigga oo si deg deg ah u kaca waxaa uu keeni karaa in dhiig ku furmo maskaxda taasoo keenta waxa loo yaqaan stroke, ama waxa uu saameeyaa xididada dhiigga ee indhaha waxa uuna sababayaa indho  la'aan kedis ah, ama sidoo kale waxa uu keeni karaa wadnaha oo howl gaba, dhammaan dhacdooyinkan waxa ay ka dhashaan waqti caro!.
4.      Glycogen ka waxa uu ka soo dhaqaaqayaa keydadkiisa beerka, dabadeedne waxaa kor u kacaya heerka sokorta ee dhiigga.
5.      Adrenaline ka oo kor ukaca waxa uu ku tagri falaa in badan oo tamarta keydka ah, taaso keenta in qofka caroonaya uu dareemo kul (kuleyl).
6.      Waxaa hakad gala dhaqaaqa xiidmaha (mindhicirrada), waana sababta dadka dareenka carada uu ku badanyahay ay ugu badantahay calool fadhiga (constipation).
7.      Waxaa sare u kacaya soo saarista cortisone ka, waxa ayna keeneysaa in xaddiga dufanka ee dhiigga uu sare ukaco si ka dhan ah borotiinka, cortisone ka waxa uu degayaa unugyada lymphatic (waa unugyada ku Shaqada leh difaaca jirka), waxa ayna keeneysaa inuu hoos udhaco difaaca jirka,  taasoo albaabada u fureysa jeermiga ilma aragtida ah ee keena xanuun ama cudur.
8.      Cortisone ka waxa uu siyaadiyaa aashitada caloosha taasoo ka dhigeysa in qofku unuglaado boog calooleedka.
9.      Daraasado dhawaan la sameeyay waxa ay xaqiijinayaan in xiriir ka dhaxeeyo dareen kaca nafta sida carada  iyo burooyinka kansarka , iyadoo isku dhexyaaca hormuunnada ee qanjidhada ay saacideyso inuu ka soo baxo kansar jirka xubnahiisa qaar.

La soco Qeybta 4aad iyo todobaadka dambe

Thursday, 28 June 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybtq 2aad:

Jirka siduu uwaajahaa xanaaqa?

Habdhiska dareenwadka sympathetic waxa uu dhaqaajinayaa qeybaha uu ubaahanyahay jirka xilliga uu dhacayo weerarka carada, halka habka dareenwadka parasympathetic la yiraahdo uu gudanayo kaalintiisa ah inuu howl gab ka dhigo qeybahaas si kmg ah si uu u waajaho carada. Tusaale ahaan:-

·         Waxaa si dhaqsi ah u kacayo cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo neefsiga si loo dedejiyo ugudbinta oksajiinka iyo nafaqada murqaha iyo xubnaha.

·         Waxaa si dhaqsi ah loo soo dhaqaajinayaa tamarti ku keydsaneyd beerka, murqaha iyo unugyada xeydha si loo haqab tiro inta looga baahanyahay gulukooska, dufanka iyo borotiinnada fudud.

·         Waxaa la soo saaraa peptides oo ah habka isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee jirka, waxa ayna xubin kasta ku leeyihiin soo dhaweeyayaal (receptors), halkaas oo peptides ka iyo soo dhaweeyayaashooduba ay sameynayaan kimikada dareenka.

·         Dhanka kale waxaa la mamnuucayaa ama shaqadoodu gabaabsi noqoneysaa difaaca jirka si jirka loogu beekhaamiyo tamarta xilliga carada.

·         Waxaa joogsanaya dheefshiididda, mindhicirraduna waxaa la siinayaa amar ah inay faarujiyaan cuntada la shiiday si uu ufududaado miisaanka jirka.

·         Waxaa joogsanaya howlaha ugxameynta (ovulation), kacsiga iyo rabitaanka galmada.
·         Waxaa joogsanaya insoliinka iyo hormuunnada korriinka iyo jinsiga si loo beekhaamiyo tamarta jirka.

·         Waxaa yaraanaya dareenka xanuunka.
  
La soco Qeybta 3aad iyo todobaadka dambe