Qeybtq
2aad:
Jirka siduu uwaajahaa
xanaaqa?
Habdhiska dareenwadka sympathetic
waxa uu dhaqaajinayaa qeybaha uu ubaahanyahay jirka xilliga uu dhacayo weerarka
carada, halka habka dareenwadka parasympathetic
la yiraahdo uu gudanayo kaalintiisa ah inuu howl gab ka dhigo qeybahaas si kmg
ah si uu u waajaho carada. Tusaale ahaan:-
·
Waxaa
si dhaqsi ah u kacayo cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo neefsiga si loo
dedejiyo ugudbinta oksajiinka iyo nafaqada murqaha iyo xubnaha.
·
Waxaa
si dhaqsi ah loo soo dhaqaajinayaa tamarti ku keydsaneyd beerka, murqaha iyo
unugyada xeydha si loo haqab tiro inta looga baahanyahay gulukooska, dufanka
iyo borotiinnada fudud.
·
Waxaa
la soo saaraa peptides oo ah habka
isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee jirka, waxa ayna xubin kasta ku leeyihiin
soo dhaweeyayaal (receptors), halkaas oo
peptides ka iyo soo dhaweeyayaashooduba ay sameynayaan kimikada dareenka.
·
Dhanka
kale waxaa la mamnuucayaa ama shaqadoodu gabaabsi noqoneysaa difaaca jirka si
jirka loogu beekhaamiyo tamarta xilliga carada.
·
Waxaa
joogsanaya dheefshiididda, mindhicirraduna waxaa la siinayaa amar ah inay
faarujiyaan cuntada la shiiday si uu ufududaado miisaanka jirka.
·
Waxaa
joogsanaya howlaha ugxameynta (ovulation),
kacsiga iyo rabitaanka galmada.
·
Waxaa
joogsanaya insoliinka iyo hormuunnada korriinka iyo jinsiga si loo beekhaamiyo
tamarta jirka.
·
Waxaa
yaraanaya dareenka xanuunka.
La
soco Qeybta 3aad iyo todobaadka dambe
No comments:
Post a Comment