Qeybta 4aad:
Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?
a.
Nolosha
qoyska:
1.
Xiriirka
qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo,
tusaale iyo dayeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.
2.
Ilmaha
oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.
3.
Hab
dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta
b.
Deriska:
derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu
tiraa; Deriskaa diintiisuu ku baraa, Deriskaa kuma caddeeyo
kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa, Deriskaa waa
ilaalo aan laguu dirsan. Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa
arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada
oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.
4.
Dugsiga
iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar
welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu
ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn waxa
uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.
5.
Maandooriyaasha
iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u weyn.
6.
Xilliga
kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid
kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga
gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana
badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan
ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.
La soco Qeybta 5aad iyo todobaadka dambe
No comments:
Post a Comment