Monday, 13 June 2022

BAARRINIMADA UBADKU WAA BEERASHO: (Sheeko qiime badan)

 Nin baa aabihii ka soo xigtay sheekadan cajiibka ah:

Waxa uu yiri: aabahey baan xajka u raacay 50 sano ka hor inagoo la soconna kolonyo awr ah oo ay wateen xujay fara badan.
Marki aan gaarnay meel lagu magacaabo Cafiif (waxa ay ku taal dhulka ْXijaas ee dalka Sacuudiga) buu aabahey igu yiri: inankeygiyow iga deji awrka, waan soo xaajo gudanayaaye... waxaan ka soo dejiyay awrki uu fuushanaa, dabadeedne waxa uu igu yiri: inankeygiyow gaadiidka sii raac waan idinka daba imaan markaan soo dhammeysto'e... dabadeed waan ka soo tegay anigoo kolanyadi awrta aheyd soo raacay.... xoogaa kaddib ayaan gadaal soo eegay, waxaan dareemay in aabe uu ka sii harayo safarki oo lugtiisu gaabineyso, kaddibne waan usoo laabtay anigoo rucleynaya, durbadiiba dusha ayaan saartay oon la soo dhaqaajiyay si aan safarka uga daba tagno.
In cabbaar ah markaan xambaarsanahay ayaan wejigeyga ka dareemay qoyaan ku da'aya, waxaana xaqiiqsaday inay tahay illinta aabahey, wejigiisa ayaan kor usoo eegay, misne waaba ooynayaa, waxaan ku dhahay: Aabe Ilaah baan ku dhaartaye culeys iguma heysid, inaad khafiif tahay baan dareemayaa..... markaa buu igu yiri: taa ma ahan waxa aan la ooynayo inankeygiyow, balse waxa iga oysiiyay waa inaan isla halkan iminka mareyno aan aabahey dusheyda ku siday 30 sano ka hor isagoo xajka usocda, adigane isla sidii oo kale ayaad maanta dusha iigu siddaa weliba isla goobti.
Haddaad lumiso (weysid) halki aad ku duugtay mirahaaga, iska sug maalin buu roobku kuu sheegi doonaa halkaad ku abuurtaye.

------ Xigasho------

Sunday, 15 May 2022

SADARRADA DHEXDOODA

 Maxey kuu sheegayaan xubnaha jirkiisu?

Waxaa laga yaabaa in marar badan aad la kulantid ruux dan gaar ah kaa leh oo ereyo qurux badan iyo ballanqaadyo aad u wacan kuu soo diyaarsaday, dabadeedne si cajaa’ib leh kuugu soo bandhigo, balse marka aad akhrisid jirkiisa (body language) ay kuu soo baxayaan wax ka duwan ereyada dusha malabka laga soo mariyay ee abuurta ka soo yaacinaya labada dacal ee bushimihiisa.

Xeel-dheerayaasha cilmu-nafsiga oo waxbadan falaanqeeyay arrimahan la xariira luqadda jirkaagu ku hadlayo adigase aad moogtahay, waxa ay si qoto dheer u qaadaa dhigeen micnayaasha faraha badan iyo farriimaha tira beelka ah ee uu jirkaaga ka soo qaadayo maskaxdaada, adigane aad rabtid inaad afka ka sheegtid wax ka duwan waxa maskaxdaada ka buuxa.

Inkastoo aaney habbooneyn inaad markasta xujo ka dhigato waxa ay tebinayaan xubnaha jirka qofka kula hadlayo, oo lagaa rabo inaad ku lammaanisid waxyaabo kale oo cilmu-nafsiguba sheegay, haddane waa muhiim inaad fahmi kartid baaqyadaas biyo kama dhibcaanka ah ee sida qarsoon uu kuugu soo gudbinayo jirkiisa.


1. Daacad ah: ‘’run baan kuu sheegayaa i aamin’’

2. Difaac ku jira: qof aan ku qanacsaneyn waxa dhacaya lagana yaabo inuu weerar culus sameeyo.

3. Welwel ka muuqdo iyo deggenaasho la’aan:
4. 
Gacmaha ismarinayo: waxbuu sugi la’yahay dhicitaankooda ama dhararayaa

5. Faraha fooddooda oo isasaaran ama la is taabsiiyo: waxa ay muujineysaa in arrintu xakameysantahay iyo awoodda muujin.

6. Faraha gacmaha oo is dhex-gashan: hubanti la’aan iyo welwel jira

7.   Kalsooni iyo sarreyn:

     8. Calaamad muujineysa welwel iyo inuu isku dayayo inuu is xakameeyo:


Dhammaad


Saturday, 23 April 2022

HADDEY DAWO BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBAA?

 Waxaa jira sheeko carbeed aad u cajiib badan, waxaa la sheegay in nin reer baadiye carbeed ah uu guursaday gabar ay isku reer yihiin oo qurux, edeb iyo diinba Alle u dhammeeyay, sanad markuu ka soo wareegay guurkiisi ayaa muran waxa uu la galay mid kamid ah ilma adeertiis, dagaal iyo gacan ka hadal bay isku rogtay, ugu dambeyne wuu dilay. Ninki reer baadiyaha ahaa waxa uu xaaskiisi kala hayaamay tuuladi ay deggenaayeen sida dhaqanka reeruhu ahaayeen, waxa uuna ugalay degaan ay qabiil kale deggenyihiin oo uu magangelyo udoontay.

Ninkan odayga ah ee magangelyada soo doontay waxa uu aad ula fariisan jiray sheekhi (Kaaba qabiil) degaanka, waqti fiican oo caweys ah ayuu kala qeyb qaataa sida odayaasha qabiilkaas sameeyaan si ay u falaanqeeyaan arrimo kala duwan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekhi (Kaaba qabiilki) waxa uu soo hor maray gurigi uu deggenaa ninki magangelyada la siiyay, dabadeed waxa uu sheedda ka arkay xaaski ninka, quruxdeedi baa madax martay, oo miirkiisi doorrisay, waxaana ku soo dhacay fikrado sheydaan oo ah inuu ninka ka fogeeyo gurigiisa si uu xaaska ula keli noqdo oo uu dantiisa ka dhammeysto.

Sheekhi (Kaaba qabiilki) waxa uu ku soo laabtay golihiisi oo sida caadadu aheyd raggii oo idil buuxaan, ninki magangelyada la siiyayne uu ku jiro, dabadeed waxa uu yiri: waxaan soo ogaaday in degaan hebel uu gugii ka curtay, waxaan rabaa inaan afar rag ah u diro si ay usahmiyaan una soo hubsadaan gu’aas curtay. Waxa uuna doortay afar rag ah oo uu ku jiro ninki gabadha quruxda badneyd qabay.

Afarti nin iyagoo laab fayow ayey dhaqaajiyeen, halka ay u baqooleene waxa ay fardooleydu u socdaan seddex maalin. Marki uu gabbalku dhacay oo habeenki dam yiri buu sheekhi (Kaaba qabiilki) is diyaariyay, waxa uu yara sugay inta uumiyuhu seexanayo, dabadeed waxa uu soo aaday gurigi deriska la ahaa oo ay joogto xaaski oo qura oo weliba huruda, inta aanu gudaha soo gelin ayuu lugta ku dhuftay tiir guriga darbigiisa ku yiil, kaddib shanqar xooggan baa ka dhalatay oo ay gabadhi hurdada kaga soo toostay iyadoo argagaxsan, markaa bay ku qeylisay: waa qofma?

Sheekhi (Kaaba qabiilki): waa hebel, oda dhaqameedki carbeed ee aad magangelyada usoo doonateen.

Gabadhi: waad salaamantahay! Nabadoone maxaad waqtigan dooneysaa?

Sheekhi (Kaaba qabiilki): waxaan la yaabay quruxdaada markaan ku arkay, maankeygi baad qaadatay oo qalbigeygi baad la ambatay, waxaana rabaa xiriirkaaga iyo agtaada inaan ka soo dhawaado!

Gabadhi: waxba kama qabo! Balse waxaan wataan hal shardi, waxaan hayaa hal-xeraale haddaad xalliso aan kuu ahaanayo sidaad doonto.

Sheekhi (Kaaba qabiilki): shardigaad rabto keen, shuruuddaada waa laga jawaabayaa.

Gabadhi: si aanu hilibka u qurmin (u urin) waxaa lagu shubaa milix (cusbo)! Yaa hagaajinaya milixda haddey xummaato?

Waxa ayna usii raacisay, ciddaad doontane kaalmo weydiiso, haddaad jawaabta ii keentid sidaad doonto ayaan kuu noqonayaa.

Sheekhi (Kaaba qabiilki): waad caddaalad sameysay, anne xalki baan kuula imaan habeenka soo socda.

Kaaba qabiilki gurigiisi buu ulaabtay isagoo saan tiranaya, habeenkiine waxa uu kaga dhammaday isagoo ku fakarayo hal-xeraalaha furihiisa, wax natiijo ahne ma gaarin. Maalinti labaad raggi oo golihiisi fadhiya ayuu weydiiyay weliba si kedis ah: si aanu hilibka u qurmin (u urin) waxaa lagu shubaa milix (cusbo)! Yaa hagaajinaya milixda haddey xummaato?

Cid kastoo golaha fadhisay jawaabteedi waxa ay aheyd hadba inta garaadkeedu ahaa iyo fahamkeeda, balse sheekhi kumuusan qancin jawaabahaas. Waxaa jiray mid kamid ah ragga ugu xikmadda, aqoonta, suugaanta iyo diinta badan oo fadhiyay golaha, balse aan hadlin, marki ay dadki oo idil ka dareereen golaha isagu ma uusan dhaqaaqin oo halkiisi ayuu sii fadiyay, sheekhi (Kaaba qabiilki) ayaa ku yiri: adiga kama aadan jawaabin su’aasheydi.

Ninki ayaa ugu jawaabay: waxaan rabay inaan gooni kuula hadlo! Hal-xeraalaha asalkiisi hore waxa uu ahaa tuduc kamid ah gabay uu tiriyay caalimki weynaa ee Sufyaan Al-thowri, waxa uuna ahaa sidan:

من يُصلِحُ الملحَ إذا الملحُ فسد ؟                                   يا رجال العلم يا ملح البلد             

Oo af soomaali ahaan noqonaya:

Ragga cilmigow, milixa dalkow! *** Yaa hagaajinaya milixa hadduu xummaado?

Haddaaney maladeydu isirin waxaad la kulantay haweeney heer sare ka gaartay caqliga, cilmiga, diinta iyo suugaanta, waxa ayna rabtay inay iska kaa celiso iyadoon ku ceebeyn, inay walaal ahaan kuu kasbato oo aaney ku lumin, oo ay cadawgeeda ku jeediso cadaw culeyskaaga iyo meeqaamkaaga oo kale leh, ninkeedane ay dhowrto inta uu maqanyahay, waxa ayna kugu tiri hadalkaad soo aragtay oo ay ula jeedday:

Ninka qabiilka ka tirsan hadduu wax soo halleeyo (ku soo dheelo) waxaa hagaajiya oo soo dhaqa odayga qabiilka sida milixu u hagaajiyo hilibka, ee odayga reerka hadduu wax ku dheelo yaa dhaqaya?

Jawaabtaas ayaa hurdada ka kicisay qalbigiisii hurdayay iyo caqligiisi dulmiga rimanaa, waxaana ku dhacay yaxyax, iyo shallayto wixi uu falay ku aaddan oo hagar iyo fasahaad ahaa.

Sheekhi (Kaaba qabiilki) ayaa ku jawaabay: waad asiibtay, ee ii ceeb qari Allaha ku asturo adduun iyo aakhiree.

Bal qiyaas innaga maanta imisaa la helayaa mansab iyo muunad xil dad weyne haya, dhaqan iyo dawladba oo dad iyo dalba fasaad ku asqeeyay iyo wax uunan Alle raali ka aheyn, afkana ka sheegto ereyo macaan oo xeer, dastuur iyo diintaba lagu gabbanayo, dhaqankooguna odaygaas carbeed sidiisi amaba ka daran nagu haya.


Waa halkii uu ka lahaa abwaan Xasan Sh Muumin:

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haddey dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan leh daahoo

Degdeg kuma habboonee

Adoo deggen u fiirsoo

Ujeeddada ideeqsii …

 ****************************

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool la saaro

Dawo bukootay weeyee

Wa su’aal da’weynoo

Madaxa daalineysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin.

                                                                                                                  Dhammaad    



 

Tuesday, 1 February 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?

 

Qeybta Afaraad:

16ka nooc ee MBTI ka koobantahay:

            1.    ISTJ: Baare

            2.    ISTP: Farsamayaqaan

            3.    ISFJ: Difaace

            4.    ISFP: Tacaburiye

            5.    INFJ: Qareen

            6.    INFP: Dhexdhexaadiye

            7.    INTJ: Naqshadeeye/Injineer

            8.    INTP: Mufakir

            9.    ESTP: Dhiirigeliye

           10. ESTJ: Agaasime

           11. ESFP: Madadaaliye/Bandhige

           12. ESFJ: Daryeele/Qunsul

           13. ENFP: Horyaal

           14. ENFJ: Macalin

           15. ENTP: Doodyahan

           16. ENTJ: Taliye/ Kormeere



Haddii aad xiiseyneysid inaad is tijaabisid ama aad martid imtixaanka aad ku ogaan kartid shakhsiyaddaada nooca ay tahay fadlan guji cinwaannada hoos ku qoran.

Haddii aad dooneysid isagoo afcarabi ah:

‫ اختبار شخصية مجاني ‭16Personalities |

Haddii aad dooneysid isagoo af ingiriisi ah:

Free Personality Test | 16Personalities


Waxaa Diyaariyay: Dr. C/qaadir Insi, MD

Monday, 31 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?

Qeybta seddexaad:

16ka nooc ee MBTI ka koobantahay:

    Waxa ay hoos imaanayaan afar qeybood kala ah:

               1.    Extraversion (E) - Introversion (I)

               2.    Sensing (S) - Intuition (N)

               3.    Thinking (T) – Feeling (F)

               4.    Judging (J) – Perceiving (P)

Qeyb kasta waxaa hoos imaanaya weydiimo mid kastaa ay wadato laba doorasho oo mid kastaa ay u taagantahay mid ka mid ah qeybaha afarta ah ee aan kor ku soo xusnay, dabadeed jawaabta kuugu habboon ee naftaada matasha ayaad dooraneysaa, markaad qeybtaas dhammeyso waxaad soo tirineysaa jawaabaha aad xulatay xaraf ka ugu badan ee ku hor qoran.

Tusaale:

Ø  Qeybta kowaad waxaa ugu batay jawaabahaaga xarafka E

Ø  Qeybta labaad waxaa ugu batay xarafka N

Ø  Qeybta seddexaad waxaa ugu batay xarafka F

Ø  Qeybta afaraad waxaa ugu batay xarafka J

Intaas kaddib xarfahaas ayaad isku qabaneysaa sidan oo kale: ENFJ, markaas waxaad heysataa nooca shakhsiyaddaada. Noocyadaas 16ka ah mid kastaa waxa uu leeyahay naaneys inta badan daba socota xarfaha la soo gaabiyay.

Waxaa hadda la helayaa imtixaanka shakhsiyaddaada aad ku ogaan kartid oo online ah, taasoo isla markaana ku siinayo jawaabahaaga natiijadooda. Qeybaha dambe ee qormadan waxaan ku soo qori doonaa linkiyo imtixaanka shakhsiyadda ah oo afafka carabiga iyo ingiriisiga ba ah, cid kastane afka uu garanayo ayuu isku tijaabin karaa.

La soco Qeybta 4aad

Friday, 28 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?


Qeybta labaad:

Muhiim miyaa inaan barto nooca shakhsiyaddeyda?

Waxaan in yar ka taabaneynaa muhiimadda ay inoo leedahay inaan baranno noocyada shakhsiyadeed ee aan leenahay ama kala duwanaashaha dabciyeed.

1. Waxey naga caawineysaa inaan fahamno nafteenna iyo dadka nagu hareereysan, waxaan baraneynaa sababta aan ugu kala aragti duwanahay waxyaabaha nolosha ku saabsan.

2. Waxa ay naga caawineysaa inaan soo ogaanno hababka kala duwan ee aynu wax u falaanqeyno ama u xallino. Sida inaan is weydiinno; Sideen ku noqon karaa mid farxad badan heysta? Sideen usameyn karaa xiriir wangaasan? Sideen nafteyda udhiiri gelin karaa si joogto ah? Iwm

3. Inaan baranno nooca shakhsiyadeed aynu nahay waxey naga caawineysaa inaan akhrino xaaladaha noocaas uu maro iyo hab dhaqankiisa ku aaddan waayaha nolosha, dabadeedne waxaan sii qiyaasi karnaa waxa uu noqon karo falcelinteenna xigta, taasoo naga caawineysa inaan isku dayno ka hortagga hab dhaqanka aanan fiicneyn ee shakhsiyaddaas leedahay.

4. Waxaad kala fahmeysaa meelaha aad ku fiicantahay iyo meelaha aad ku liidato, taasoo kaa caawineysa inaad sii adkeysid meelaha aad ku fiicantahay islamarkaana aad yara hagaajisid meelaha aad ku liidato.

5. Waxey kaa caawineysaa inaad ogaatid shaqooyinka aad ku habboontahay oo shakhsiyaddaadu kaa dhigeyso mid asaagiis ka dhex muuqda.

Makala fiicanyihiin noocyada shakhsiyadeed ee aadanuhu leeyihiin?

Ma jirto wax kala sarreyn ama fiicnaansho ah oo u dhexeeya noocyada kala duwanaashaha shakhsiyadeed ee 16 ka ah, mid kastane waxa uu leeyahay tilmaamo ugaar ah iyo waxyaabo cajiib ah oo dabeecadihiisa ka mid ah. Keliya waxaa loogu talagalay in qof kastaahi barto nooca uu yahay, sifooyinkeeda fiican, meelaha uu ku liito iwm, iyo tan dadka ku hareereysan ee shaqada ay wadaagaan ama uu la noolyahay amaba macaamil kala dhexeeyo.

La soco Qeybta 3aad


Tuesday, 25 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?

Qeybta koowaad:

Muhiim miyaa inaan barto nooca shakhsiyaddeyda?

Kala duwanaashaha aadanaha waa wax dabiici ah oo lagu abuuray min Aadam iyo Xaawo, jirina doonto ilaa koonkan aan ku noolnahay lasoo gabagabeynayo, waa wax Eebbe weyne ugu talogalay inaan kaga faa’iideysanno nolosheena, waana qeyb weyn oo ka mid ah waxa aadanaha ku riixaya inuu mar walba isku dayo inuu siyaabo kala duwan iyo waxyaabo kala ceyn ah curiyo ama sahmiyo. Kala duwanaashada dabciga aadanaha waxaa aad udarsa qolooyinka barta ama ku xeel-dheer cilmunafsiga, waxaana jira xeel-dheerayaal waxbadan isku taxalujiyay inay noo soo bandhigaan inta nooc ee shakhsiyadeed ee aadanuhu leeyahay, waxaanse rabaa inaan qormadan qalinka la dul hoganno abla ableynta noocyada shakhsiyadeed ee loo yaqaan MBTI (Myers-Briggs Type Indicator).

MBTI waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee qiimeynta cilmunafsiga ku ogaadaan noocyada dabci ee aadanaha, waxa ayna si qoto dheer u baareysaa kala xulashada nafeed ee aadanuhu sameeyo, oo ay ku jiraan sida uu u arko caalamka ku hareereysan, sida uu ula falgalo iyo sida uu u qaato go’aannada noloshiisa khuseeya. 

Abla ableyntan iyo leyligeeda waxaa billawday Catharine Cook Briggs iyo gabadheeda Isabel Briggs Myers oo ku noolaa carriga Mareykanka bartimihi qarnigi 20aad. Briggs waxay la dhacday aragtiyo cilmiyeed (theory) ka hadleysa noocyada shakhsiyadeed ee dadka, taasoo ay goosatay inay cilmibaaris ka sameyso kaddib markii ay kulmeen ninka mustaqbalka guursan rabay gabadheeda Isabel, oo la oran jiray Clarence Myers. Waxay ogaatay in kala duwanaasho jirto sida ay adduunka u arkaan gabadheeda iyo ninka ay calmatay. Halkaas ayuuna ahaa ambaqaadka cilmibaaris sanado badan socotay, oo ay isaga dambeeyeen gabadh iyo hooyadeed.

La soco Qeybta 2aad


Thursday, 20 January 2022

WADIIQADDAN BUU WADDAN KU DHISMAA

Nin macalin ah baa ka sheekeeyay qisadan cajiibka ah, waxa uu yiri: maalin baa anigoo gaarigeyga kaxeysanaya waxaa ijoojiyay ciidanka nabadgelyada waddooyinka (Taraafiko), dabadeed waxaa ii yimid sarkaalki masuulka ka ahaa, waxa uu iweydiiyay rukhsaddi gaari wadidda (leysin) iyo dukumiintiyada gaariga, isagoo wejigeyga ka dhex eegaya muraayadda madow oo cadceedda laga xirto oo uu watay, waxaan udhiibay wixi uu iweydiiyay oo idil, kaddibne isagoo hadal deggen oo jilcan ku hadlaya ayuu igu yiri: Ustaad (MACALIN) suunka gaariga kuuma xirneyn. Waxaan ku dhahay: haa iima xirneyn.

Waxa uu iigu jawaabay: sow khalad ma ahan sidaas MACALIN?
Waxaan ku dhahay: haa waana qirsanahay khaladkeyga, waana mudanahay in la igula xisaabtamo khaladkaas.

Askarigii waxa uu bilaabay inuu diiwaangeliyo khaladka aan sameeyay, dabadeedne warqad buu ii jaray, waxa uuna igu yiri: waxaad tahay bare iyo ababiye.
Waxaan ku dhahay: haa
Waxa uu igu yiri: arday hadduu imtixaanka qisho ma u cafineysaa khaladkaas?
Waxaan ku dhahay: sharciga ayaan marsiinayaa.
Kaddib waxa uu ii dhiibay warqaddi ganaaxa aheyd, isagoo qoslaya ayuuna igu dhahay: MACALIN adigoo raali ah gaariga maka soo degen kartaa?


Waxa uu yiri macalinka: anigoo la yaabban kana labalabeynaya ayaan soo degtay, inta uu igu soo booday buu laabta igeliyay oo uu madaxa iga dhunkaday, iguna yiri: MACALIN waxaan ahay ardaygaagi hebel ahaa, adiga ayaa wax isoo baray, ma xasuusataa marki aan imtixaan ka qishay wiilkaaga hebel ah, dabadeedne aad labadayadaba naga qaadday xaashidi imtixaanka, kaddibne nagu ganaaxday inaad labadeenaba eber na siisay oo aniga iyo wiilkaagaba aad sharciga na marsiisay?!

Ilaa maalintaas waxaan bartay in sharciga loogu talagalay in lagu dhaqmo lana marsiiyo cidkasta xataa hadduu wiilkaaga yahay, maalintaas baan iska ooyay xishmad aan kuu hayo darteed, kana murugeysan inaad wiilkaaga sharciga marsiisay adigoon u aabayeelin, waxaadne ii aheyd tusaale aan ku daydo. Maantane MACALIN waa inaan sharciga ku marsiiyo, cid aan ka reebayo inaan marsiiyane ma jirto xataa wiilkeyga.

Macalinki waxa uu dhahay: illintii baan cishan waayay farxad darteed, sarkaalkani waxa uu ka mid ahaa ardaydaydii, waxa uuna gartay micnaha in sharciga la fuliyo, weliba waxa uu ku dadaalayay inuu illinta ceshado si aysan ugu dhibcin labiska ciidan ee uu xiranyahay.
Waxa uu jeebkiisa ka soo saaray xoogaa lacag ah waxa uuna igu yiri: MACALIN dhaar baan maray haddiyadeyda aqbal, macalinki waxa uu dhahay waan ka diiday, isagane wuu iga diiday, marki dambe waxa uu igu yiri: MACALIN sharciga waan kugu fuliyay balse lacagta ganaaxa anigaa dhiibaya, adiga waxaad tahay barbaariyaheygi, waalidkey iyo qofka aan ku daydo, markastane madaxa ayaa ii saarantahay, Macalinki waxa uu yiri: inaan diido ayaan isku dayay balse waxaa soo farageliyay sarkaal saaxiibkiis ah oo dareenkaas uu saameeyay, kaddibne waan iska baxay anigoo qiyaasi karin darednkeyga, illintuna iga hooreyso farxad darteed, kuna faanaya in gacanteyda ay soo saartay jiil aan khayaameyn dalkiisa iyo shaqada uu ummadda uhayo.

Taasi waa dhaxalka barbaariyaha fiican ee dadkiisa iyo dalkiisa daacadda u ah, waana waxa dhisa dal.

Xigasho




Thursday, 18 November 2021

QOFKA AAN WAX AKHRIN WAXBA MA DHEERA/KAMA DUWANA QOFKA AAN WAX AKHRIN KARIN

"Qofka aan wax akhrin waxba ma dheera qofka aan wax akhrin karin"
Mark Twain
Oraahdaa qiimaha badan waxaan kala dhex bixi karnaa waxtarka ay leedahay wax akhrinta, waqti uqoondey wax akhtinta, waxaad akhrin kartaa wax kasta.
Akhri takahsuskaaga, buugaagta sheekooyinka dad guuleystay, kuwa ka hadla horumarinta naftaada iyo xirfadaha aad ubaahantahay iwm.

Tusaale yar bilyaneerka Mareykan udhashay ee Waren Buffet waxa uu wax akhriyaa maalin kasta saacado udhexeeya 5 ilaa 6 saacadood isagoo akhriya in kor udhaafeysa 600 bog oo isugu jira buugaag, joornaalo iyo dukumiintiyo dhaqaalaha iyo maalgashiga khuseeya.
Bill Gates aasaasaha Microsoft waxa uu sanadki akhriyaa 50 buug taas oo udhiganta hal buug todobaadki.
Mark Zuckerberg waxa uu dhammeeyaa akhriska hal buug labadi todobaadba.


Sidoo kale dib ugu laabo culumadeeni waa weynaa sida imaamu Shaafici, Ibnul-jowzy iwm sida ay u aheyd wax akhrinta.
Aqoonta aynu leenahay 70%waxa aynu ku kasbanaa wax akhrin.

Dr. Daariq Al-suweydaan, daaciga reer kuweyt ee caanka ah waxa uu ku qoray silsiladda buugaagtiisa: sameynta aqoonta (صناعة الثقافة) buugga labaad ee magaciisu yahay: Sideen wax u akhriyaa (كيف أقرأ؟), cutubka 1aad, bogagga 39-42aad waxa uu ku qoray cinwaan magaciisu yahay: Yaa sameeya qof wax akhriya? waxa uu tixayaa shan jiho oo sameeya ruux wax akhriya, waxa uuna u qoray sidan:
1. Guriga: miisaaniyadda guriga, maktabadda guriga, wax akhrinta waalidka, sawirrada iyo leyliyada waxbarashada la xariira iyo aadista maktabadaha.
2. Iskuulka
3. Bulshada meel isla deggen
4. Maktabadaha iyo madbacadaha waaweyn
5.Warbaahinta

Qeybta hoose waxaan ku soo bandhigayaa tirakoobyo la sameeyay 2020/2021 oo ka hadlaya adduunka dadyowga ku nool sida ay ukala akhris badanyihiin iyadoo la eegayo celecelis ahaan saacadaha uu wax akhriyo halki ruux todobaadki, waxaan kaloo ku soo bandhigi doonaa mid kale oo ka hadlayo waddamada adduunka ee soo saaray/daabacay buugaagta ugu badan sanad gudahiis.