Waxaa jira sheeko carbeed aad u cajiib badan, waxaa la sheegay in nin reer baadiye carbeed ah uu guursaday gabar ay isku reer yihiin oo qurux, edeb iyo diinba Alle u dhammeeyay, sanad markuu ka soo wareegay guurkiisi ayaa muran waxa uu la galay mid kamid ah ilma adeertiis, dagaal iyo gacan ka hadal bay isku rogtay, ugu dambeyne wuu dilay. Ninki reer baadiyaha ahaa waxa uu xaaskiisi kala hayaamay tuuladi ay deggenaayeen sida dhaqanka reeruhu ahaayeen, waxa uuna ugalay degaan ay qabiil kale deggenyihiin oo uu magangelyo udoontay.
Ninkan odayga ah ee magangelyada soo doontay waxa uu aad ula
fariisan jiray sheekhi (Kaaba qabiil) degaanka, waqti fiican oo caweys ah ayuu
kala qeyb qaataa sida odayaasha qabiilkaas sameeyaan si ay u falaanqeeyaan
arrimo kala duwan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekhi (Kaaba qabiilki) waxa uu soo
hor maray gurigi uu deggenaa ninki magangelyada la siiyay, dabadeed waxa uu
sheedda ka arkay xaaski ninka, quruxdeedi baa madax martay, oo miirkiisi
doorrisay, waxaana ku soo dhacay fikrado sheydaan oo ah inuu ninka ka fogeeyo
gurigiisa si uu xaaska ula keli noqdo oo uu dantiisa ka dhammeysto.
Sheekhi (Kaaba qabiilki) waxa uu ku soo laabtay golihiisi oo sida
caadadu aheyd raggii oo idil buuxaan, ninki magangelyada la siiyayne uu ku jiro,
dabadeed waxa uu yiri: waxaan soo ogaaday in degaan hebel uu gugii ka curtay,
waxaan rabaa inaan afar rag ah u diro si ay usahmiyaan una soo hubsadaan gu’aas
curtay. Waxa uuna doortay afar rag ah oo uu ku jiro ninki gabadha quruxda
badneyd qabay.
Afarti nin iyagoo laab fayow ayey dhaqaajiyeen, halka ay u baqooleene
waxa ay fardooleydu u socdaan seddex maalin. Marki uu gabbalku dhacay oo
habeenki dam yiri buu sheekhi (Kaaba qabiilki) is diyaariyay, waxa uu yara
sugay inta uumiyuhu seexanayo, dabadeed waxa uu soo aaday gurigi deriska la
ahaa oo ay joogto xaaski oo qura oo weliba huruda, inta aanu gudaha soo gelin ayuu
lugta ku dhuftay tiir guriga darbigiisa ku yiil, kaddib shanqar xooggan baa ka
dhalatay oo ay gabadhi hurdada kaga soo toostay iyadoo argagaxsan, markaa bay
ku qeylisay: waa qofma?
Sheekhi (Kaaba qabiilki): waa hebel, oda dhaqameedki carbeed ee aad
magangelyada usoo doonateen.
Gabadhi: waad salaamantahay! Nabadoone maxaad waqtigan dooneysaa?
Sheekhi (Kaaba qabiilki): waxaan la yaabay quruxdaada markaan ku
arkay, maankeygi baad qaadatay oo qalbigeygi baad la ambatay, waxaana rabaa
xiriirkaaga iyo agtaada inaan ka soo dhawaado!
Gabadhi: waxba kama qabo! Balse waxaan wataan hal shardi, waxaan
hayaa hal-xeraale haddaad xalliso aan kuu ahaanayo sidaad doonto.
Sheekhi (Kaaba qabiilki): shardigaad rabto keen, shuruuddaada waa laga jawaabayaa.
Gabadhi: si aanu hilibka u qurmin (u urin) waxaa lagu shubaa milix (cusbo)! Yaa hagaajinaya milixda haddey xummaato?
Waxa ayna usii raacisay, ciddaad doontane kaalmo weydiiso, haddaad
jawaabta ii keentid sidaad doonto ayaan kuu noqonayaa.
Sheekhi (Kaaba qabiilki): waad caddaalad sameysay, anne xalki baan
kuula imaan habeenka soo socda.
Kaaba qabiilki gurigiisi buu ulaabtay isagoo saan tiranaya, habeenkiine waxa uu kaga dhammaday isagoo ku fakarayo hal-xeraalaha furihiisa, wax natiijo ahne ma gaarin. Maalinti labaad raggi oo golihiisi fadhiya ayuu weydiiyay weliba si kedis ah: si aanu hilibka u qurmin (u urin) waxaa lagu shubaa milix (cusbo)! Yaa hagaajinaya milixda haddey xummaato?
Cid kastoo golaha fadhisay jawaabteedi waxa ay aheyd hadba inta
garaadkeedu ahaa iyo fahamkeeda, balse sheekhi kumuusan qancin jawaabahaas. Waxaa
jiray mid kamid ah ragga ugu xikmadda, aqoonta, suugaanta iyo diinta badan oo
fadhiyay golaha, balse aan hadlin, marki ay dadki oo idil ka dareereen golaha
isagu ma uusan dhaqaaqin oo halkiisi ayuu sii fadiyay, sheekhi (Kaaba qabiilki)
ayaa ku yiri: adiga kama aadan jawaabin su’aasheydi.
Ninki ayaa ugu jawaabay: waxaan rabay inaan gooni kuula hadlo! Hal-xeraalaha
asalkiisi hore waxa uu ahaa tuduc kamid ah gabay uu tiriyay caalimki weynaa ee
Sufyaan Al-thowri, waxa uuna ahaa sidan:
من يُصلِحُ الملحَ إذا الملحُ فسد ؟ يا رجال العلم يا ملح البلد
Oo af soomaali ahaan noqonaya:
Ragga cilmigow, milixa dalkow! *** Yaa hagaajinaya milixa hadduu xummaado?
Haddaaney maladeydu isirin waxaad la kulantay haweeney heer sare ka
gaartay caqliga, cilmiga, diinta iyo suugaanta, waxa ayna rabtay inay iska kaa
celiso iyadoon ku ceebeyn, inay walaal ahaan kuu kasbato oo aaney ku lumin, oo
ay cadawgeeda ku jeediso cadaw culeyskaaga iyo meeqaamkaaga oo kale leh,
ninkeedane ay dhowrto inta uu maqanyahay, waxa ayna kugu tiri hadalkaad soo
aragtay oo ay ula jeedday:
Ninka qabiilka ka tirsan hadduu wax soo halleeyo (ku soo dheelo)
waxaa hagaajiya oo soo dhaqa odayga qabiilka sida milixu u hagaajiyo hilibka,
ee odayga reerka hadduu wax ku dheelo yaa dhaqaya?
Jawaabtaas ayaa hurdada ka kicisay qalbigiisii hurdayay iyo
caqligiisi dulmiga rimanaa, waxaana ku dhacay yaxyax, iyo shallayto wixi uu
falay ku aaddan oo hagar iyo fasahaad ahaa.
Sheekhi (Kaaba qabiilki) ayaa ku jawaabay: waad asiibtay, ee ii
ceeb qari Allaha ku asturo adduun iyo aakhiree.
Bal qiyaas innaga maanta imisaa la helayaa mansab iyo muunad xil
dad weyne haya, dhaqan iyo dawladba oo dad iyo dalba fasaad ku asqeeyay iyo wax
uunan Alle raali ka aheyn, afkana ka sheegto ereyo macaan oo xeer, dastuur iyo
diintaba lagu gabbanayo, dhaqankooguna odaygaas carbeed sidiisi amaba ka daran
nagu haya.
Qofkii cudur dilaayo
Dawadaa bogsiisee
Haddey dawo bukooto
Maxaa lagu dabiibaa?
Waa tilmaan leh daahoo
Degdeg kuma habboonee
Adoo deggen u fiirsoo
Ujeeddada ideeqsii …
Dalaalimada diintiyo
Distoorka iyo xeerka
Haddii dabool la saaro
Dawo bukootay weeyee
Wa su’aal da’weynoo
Madaxa daalineysee
Wixii lagu dabiibi
Dadweynahaa la weydiin.
No comments:
Post a Comment