Thursday, 7 February 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 7aad:
i.                    Dariiqa nabiga NNKH ee daweynta Carada:-
Waxa uu ka koobanyahay 5 qaaciddo oo aan usoo koobi doono sida soo socota inshaa allaah:
1.      Aamus marka aad carooto:
Nabiga NNKH waxa uu ugu baaqay qofka careysani inuu amuso isla marka uu Carada dareemo.
C/llaahi Bin Cabbaas (rc) waxaa laga weriyay inuu nabigu NNKH yiri: [wax bara oo bishaareeya hana culeysina (arrimaha) haddii uu midkiin caroodana ha aamuso] Axmed ayaa ku weriyay musnadkiisa 1/329, saxiix aljaamic 693,4027, iyo Bukhaarina waxa uu ku weriyay al-adab almufrad 245
2.      Ilaah ka magangal sheydaanka:
Salmaan bin sird (rc) waxa uu yiri: laba nin ayaa nabiga agtiisa isku booday iyadoo midkood uu caynayo saaxiibkiis, careysanyahay oo wejigiisana uu guduutay, nabiga NNKH ayaa markaas yiri: [waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله من الشيطان الرجيم) ] waxaa weriyay Bukhaari (fatxulbaari 6/337) , iyo Muslim 2610
3.      Bedel Qaabka aad u taal:
Abuu darril_gifaari (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [haddii midkiin caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu ka tagto (waa sidi la rabay) haddii kale ha seexdo] waxaa weriyay abuu daawuud.
Caalimka weyn ee alcallaamaha alkhaddabi –allaha u naxariistee- waxa uu ku sheegay sharaxiisa sunan abuu daawuud: (qofku markuu taaganyahay waxa uu diyaar uyahay inuu dhaqaaq iyo wax qabasho sameeyo, qofka fadhiya wuu ka hooseeyaa taa, haddii uu jiifana suuragal uma ahan dhaqaaq iyo qabasho, waxaa laga yaabaa in nabiga NNKH markuu amrayay fadhiga iyo jiifka uu uga jeeday si qofku markuu taaganyahay ama fadhiyo  uunan ugu dhaqaaqin fal uu gadaal dambe ka shalaayo).
Waxaa Cilmiga caafimaadka xaqiijiyay in hormuunka Noradrenaline uu labalaab ilaa Seddex laab kordho marka uu qofku taaganyahay, hormuunka adrenaline isaga waxa uu kordhaa xaddi yar balse marka ay caro jirto xaddigiisa ayaa dhiigga ku bata, waxaa shaki la'aan ah in labada cunsur (Carada iyo istaagga) ay xaddiga labada hormuun sare uqaadayaan, taasoo saameyn xun ku reebta jirka qofka sida aan kor ku soo sheegnay.
4.      Weyso qaado:
Waxaa laga weriyay Cadiyah alsacdi (rc) in nabigu NNKH uu yiri: [caradu waxa ay ka timaadaa sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, dabkana waxaa lagu damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato] waxaa weriyay Axmed 4/226 iyo Abuu daawuud 4784
Ibnu casaakir waxa uu soo saaray: [caradu waxa ay ka timaadaa sheydaanka, sheydaankuna waxaa laga abuuray dab, biyuhuna dabkey damiyaan, ee haddii midkiin caroodo ha meydho (ha qubeysto)].

In biyo qabow lagu qubeysto waa dardaaran Caafimaad oo ay bixiyaan dhaqaatiirta dareenwadka xilligan casriga ah si uu udejiyo habdhiska dareenwadka,  jirkana u qaboobo, weysaduna waxa ay ka dhigantahay mid yareyneysa saameynta Carada ee kulka jirka, dhididka iyo dareenka ciriiri ee Carada ka dhasha. Sidoo kale weysadu waxa ay muslimiinta uga dhigantahay dareen caabudid allaah SWT marka uu sameynayo.
Sidoo kale waxaa cilmiyan loo xaqiijiyay in maqaarka jirka ee kululaada Carada awgeed uu yaraado marka uu qofku weyso qaato. Weysada waxaa ku jira:
Meyridda Wejiga iyo gacmaha: waxaa ku jira dhaqidda xubnahan faa'iido weyn oo jirka ka tireysa dhididka, kana nadiifineysa maaddooyinka duxda ah oo ay soo saaraan qanjidhada maqaarka.
Meyridda cagaha: dhaqidda lugaha oo si fiican loo rugo waxa uu keenaa dareen deggenaan iyo xasiloooni, waayo cagaha waxa ay humaag-noqod uyihiin habdhisyada jirka aadanaha, taasoo ka dhigan in qofka weyseysanaya uu u daliigayo dhammaan habdhisyada jirkiisa mid mid isagoo si miyir leh udhaqaya cagihiisa.
5.      Dhabanka lagu qabto Dhulka:
Abuu Saciid alkhudri (rc) waxa uu weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [caradu waa dhimbil ku jirta laabta bani aadamka, sow ma aragtaan sidey indhihiisa u casadaan dhabannadiisuna u bararaan, qofki arrintaa wax ka hela dhabankiisa Dhulka ha ku dhejiyo (Dhulka ha dhigo)] waxaa weriyay tirmidi, abuu daawuud iyo ibnu Xabbaan.
Xubnaha bani aadamka waxaa ugu sharaf badan wejiga, dhabankana waxa uu ka tirsanyahay xubintaas waxaana nala amray inaan dhigno Dhulka, si nafsadda qofka ay udareento dullinimo, waxaana ka tegaya  isla weynida ay ukeeneen sheydaanka iyo Carada.
Haddaba markaan si guud u eegno waxyaabaha uu na barayo nabigeena Muxammed NNKH oo ku aaddan sida loo maareeyo Carada, waxaa noo soo baxaya in dunida reer galbeed ee ku faana aqoonta aaney ilaa maanta fahmin, dhibaato badana kaga cabanaya Carada.
Waxaan jeclahay inaan soo qaato Tusaale aan isleeyahay waa tan ugu mudan oo ay reer galbeed kaga hadleen maareynta Carada, iyadoo dhammaan qoraalada aan arkay ee ka hadlaya Carada ay isku raacsanaayeen in maareynta caradu tahay wax aad uqallafsan oo marka ay dhibaato dhacdo kaddib la gaaro.

Mid ka mid ah isbitaallada ugu weyn uguna caansan mareykanka iyo caalamka Mayo Clinic Hospital ayaa boggiisa internetka waxa uu ku soo daabacay  juun 2007 arrin uu kaga hadlayay habka maareynta carada, isagoo soo bandhigay waano ka kooban 10 qodob,  oo iigula muuqatay  tan ugu dhow ee si macquul ah u xallineysay carada, waxaana jeclahay inaan ka soo qaato qaar ka mid ah waanooyinkaas, anigoo isku dayayo inaan mid kasta raaciyo xadiis micnahaas isku dhowyihiin inshaa allaah.

Waanada mayo clinic
Xadiiska nabiga NNKH
Tame your temper: caradaada rabbaayadey
[لا تغضب] ha caroon
Take a 'timeout'...counting to 10 before reacting: qaado waqti aamusnaan, tiri ilaa toban intaadan fal sameyn
[إذا غضب أحدكم فليسكت] midkiin hadduu caroodo ha aamuso
Get some Physical activity: sameey dhaqdhaqaaq jireed
 ]إذا غضب أحدكم وهو قائم فليجلس، فإن ذهب عنه الغضب وإلافليضطجع[
haddii midkiin caroodo isagoo taagan ha fariisto, haddii caradu ka tagto (waa sidi la rabay) haddii kale ha seexdo
Swim: dabaalo
[وإنما تطفئ النار بالماء،فإذا غضب أحدكم فليتوضأ…]: …dabkana waxaa lagu damiyaa biyo, ee haddii midkiin caroodo ha weyso qaato
Repeat a calming word or phrase to yourself, such as "Take it easy.":ku celceli erey ama oraah naftaada dejisa, sida ''fudeyd ka dhigo''
] إني لأعلم كلمة لوقالها لذهب عنه مايجد لوقال: أعوذ بالله من الشيطان الرجيم[
waxaan ogahay erey hadduu yiraahdo uu ka tagayo waxa uu dareemayo, haddii uu dhihi lahaa (أعوذ بالله من الشيطان الرجيم)
Think carefully before you say anything: si taxadar leh u fakir ka hor intaadan waxba oran
[و إنماالشديد الذي يملك نفسه عندالغضب…]
ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo
La soco Qeybta 8aad

Monday, 4 February 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa



Qeybta 6aad:
Haddaba xalka xanaaqa dhanka talooyinka diiniga ah waxaan u kala qaadeynaa laba qeyb oo waaweyn:-
i. Manhajka nabiga NNKH ee ka hortagga xanaaqa:-
La dagaalanka dhicidda Carada ee nabiga NNKH nabaray waxa ay ka koobantahay 7 tiir:
1.      Amar toos ah:         ( لا تغضب  )  oo ah ha caroon     
·         Saxaabiga la yiraahdo abu-dardaa' (rc) waxa uu yiri: waxaan dhahay rasuulki ilaahow itusi camal jannada igelinayo, waxa uu igu yiri: [ha caroon jannaad leedahaye] waxaa weriyay Bukhaari 6116
·         Tirmidi sheekha la yiraahdo waxa uu soo saaray xadiiska dusha ku qoran, ruwaayadiisa waxa ay aheyd: nin baa nabiga NNKH u yimid markaasuu ku yiri: ilaahey rasuulkiisow wax ibar hana igu badin si aan u qabto, waxa uu ku yiri: [ha caroon], wuu ku soo celceliyay ninki, nabigana waxa uu ku dhahayay [ha caroon]
2.      Xasuusin raali ahaanshada iyo jaceylka allaah:
Cabdillaahi ibnu cumar (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: rasuulka ilaah NNKH waxa uu yiri: [ma jirto wax la liqo oo ka ajir weyn caro uu qofka uqariyo alle dartiis] waxaa weriyay ibnu maajah iyo axmed, bukhaarina waxa uu ku weriyay kitaabkiisa al-adab
3.      Jecleysiin jannada:
Saxaabiga mucaad ibnu anas aljahni (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofki qariyo caro isagoo awoodo inuu fuliyo allaah ayaa uyeera maalinta qiyaamaha khalqiga dhan hortiisa waxa uuna dooradsiiyaa xuural-ceynta kaddibna waxa uu u guuriyaa inti uu doono] (musnad axmed 1566, sunan abii daawuud 4147, tirmidi 2417, ibnu maajah 4176)
4.      Jecleysiin geesinimada:
·         Anas bin maalik (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: nabiga NNKH ayaa soo maray dad lagdamaya, markaasuu yiri: (waa maxay?), waxay yiraahdeen: hebel qof lama lagdamo illaa wuu ka adkaadaa, waxa uu yiri nabiga NNKH:[ma idin tusaa qof ka adag? Qof  qof la hadlay oo caradiisa qariyay wuu adkaaday, sheydaankiisa wuu ka adkaaday, sheydaanka saaxiibkiisna ka adkaaday] waxaa weriyay albazzaz, ibnu xajarna waxa uu ku sheegay sanad fiican, fatxulbaari 10/519
·         Abuu hureyra waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofka adag ma ahan kan lagdanta badan, ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo] waxaa weriyay Bukhaari 6114, iyo Axmed 2/236
Sidaa awgeed waxa uu nabiga NNKH nagu booriyay in nafta aan ka adkaano, awoodda runta ah ee qofkana ay ku jirto hadba sida uu u qariyo Carada iyo adkeysiga uu uleeyahay inuu caradiisa baabi'iyo.
5.      Cabsi gelin Carada ilaah:
·         Saxaabiga abuu mascuud albadri (rc) waxa uu yiri: waxaan garaacayay addoon aan lahaa, markaas ayaan gadaasheyda ka maqlay cod dhahaya (ogow abaa mascuudow), caro darteed codka ma fahmin, waxa uu yiri (saxaabiga) marki uu igu soo dhawaaday waaba rasuulki ilaah NNKH oo dhahaya: [ogow abaa mascuudow, ogow abaa mascuudow], waxa uu yiri (saxaabiga) ushi (karbaashki) aan ku garaacayay ayaan gacanta ka baxshay. Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: gacanteyda ayuu karbaashki ka dhacay heybadda nabiga daraaddeed, waxa uu igu yiri: [ogow abaa mascuudow in ilaah kaaga awood badanyahay in ka badan sida aad uga awood badantahay wiilkan], waxa uu yiri abuu mascuud: waxaan ku dhahay; ilaahey rasuulkiisow addoon dambe ma garaacayo isaga dabadii weligey. Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: waxaan ku dhahay rasuulki ilaahow alle dartii ayaan u xureeyay, markaasuu nabigu NNKH yiri: [haddii aadan sidaa sameyn laheyn naar ayaa ku gubi laheyd ama ku taaban laheyd] waxaa weriyay muslim.
·         Waxaa mamnuuc ah in garsooraha maxkamadda fadhiyaa wax xukmiyo isagoo careysan. C/raxmaan bin abii bakrah waxa uu yiri: aabahey (waa saxaabigi weynaa ee Abii Bakrah) ayaa uqoray warqad Cubeydillaah bin Abii Bakrah oo qaali ka ahaa Sajistaan: laba qof ha xukmin adigoo careysan, waxaan rasuulka ilaah NNKH ka maqlay:[ qofi yuunan u gar qaadin laba qof isagoo careysan] waxaa weriyay muslim
 6.      Ku dayashada tusaalaheena:
Waxaan halkan kaga hadli doonaa inshaa allaah qaar ka mid ah tilmaamihi iyo dhaqanki nabiga NNKH ay ku arkeen asaxaabta, waxaana ka mid ah:
Anas bin maalik waxaa laga weriyay inuu yiri: waxaan la socday rasuulka NNKH isagoo xiran go' najraani ah oo adag, dabadeedna waxaa la kulmay nin reer baadiye ah, ninki waxa uu ku soo jiiday nabiga NNKH go'iisa si daran, kaddib waxaan eegay qoorta nabiga NNKH waxaan arkay calaamadihi go'a uu ku reebay, dabadeed ayaa ninkii yiri: muxammedow ilaahey maalkiisa agtaada yaal wax iga sii, nabiga NNKH wuu eegay markaasuu qoslay, dabadeedne in wax la siiyo ayuu faray. Waxaa isku raacay bukhaari iyo muslim (fatxulbaari 10/375)
7.      Qofka sooman oo laga reebay inuu caroodo:
Abuu hureyra waxaa laga weriyay in rasuulka NNKH uu yiri: [qofkiin maalinta uu soomanyahay yuunan laqwin, qeylin, haddii qof caayo ama la dagaalamo ha yiraahdo waan soomanahay] waxaa isku raacay bukhaari iyo muslim.
Haddaba waxaan jecleystay inaan in yar ka hadlo mucjisada uu xambaarsanyahay xadiiskan, iyo sida Cilmiga sayniska uu maanta uga hadlayo qofka sooman inuu Carada iska dhowro.
Cilmiga sayniska waxa uu maanta waxbadan ka hadlayaa arrimo uu nabigeenu NNKH noo sheegay 1400 sano ka hor.
Qofka sooman gelinka dambe ee maalinta waxa uu aad ugu nugulyahay waxyaabaha keena Carada, xilligaas oo jirka sokorta ku yaraato, sayniska waxa uu soo ogaaday in haddii caro ku timaado qofka sooman ay kordheyso soo saaridda hormuunka adrenaline ee dhiigga soo raacaya xaddi ka badan 20 ilaa 30 jibbaar heerka caadiga ah, waqtiga ay carada qofka mareyso heer sare, arrintan haddii ay dhacdo gelinka hore xilliga cuntada la shiidayo lana nuugayo nafaqada waxaa isku dhex yaacaya habka dheefshiidka iyo nuugistiisa, waxaa sii dheer isku dhexyaaca guud ee habdhiska kala duwan ee jirka, taa waxaa ugu wacan hormuunka adrenaline waxa uu u howlgalaa inuu dabciyo murqaha sulubka ah (smooth muscles) ee habdhiska dheefshiidka, waxa uuna yareeyaa isu uruurka iyo dhaqaaqa xameetiga[[1]], wuxuuna ciriiriyaa xididada dhiigga ee jirka dhinacyadiisa ku yaala isla markaana waasiciya kuwa wadnaha ee loo yaqaan coronary arteries. Haddii dagaalka ama caradu dhacdo bartamaha maalinta ama gelinka dambe kaddib xilliga uu dhammaado nuugidda dheefta ama nafaqada waxaa furfurmaya wixi ka haray keydka glycogen ka ee beerka ku jira, sidoo kale waxaa furfurmaya borotiinka jirka oo noqonaya amino acids, iyo inay gubato fatty acids. Tani oo dhan waxa uu udhacayaa si sare loogu qaado heerka glucose ka ee dhiigga, dabadeedne uu gubto si uu jirka usiiyo tamarta ku fuilan ee uu ku wajihi lahaa dagaalka, sidaa awgeed waxaa si aan kala sooc laheyn loo isticmaalayaa tamarta jirka, qaar ka mid ah glucose ka waxa ay raacayaan kaadida haddii uu ka bato xaddiga dabiiciga ah. Intaa dabadeed jirku waxa uu weynayaa tamar aad muhiim u ah si macno darro ah, jirkuna waxa uu ku qasbanaanayaa inuu tamar ahaan u adeegsado fatty acids ka oo marka ay gubato uu ka dhalanayo waxa loo yaqaan ketone bodies oo waxyeello ugeysta dhiigga.
Sidoo kale adrenaline ka xad dhaafka ah waxa uu dhiigga ku sameynayaa:
a.       In xaddi fara badan oo biyo ah uu jirka kaga baxo kaadida badan
b.      Waxa uu keeni karaa wadnaha oo qofka laga qabto ama dhimasho kedis ah (mowtul faja) dadka qaar jir ahaan u nugul; taa oo ay sababto dhiigga cadaadiskiisa oo kor ukaca (dhiig kar) iyo sare ukaca baahida uu wadnaha uqabo oksajiinka xawaarahiisa sareeya awgiis.
c.       Dadka dhiig karka qaba iyo kuwa xididada dhiigga ay xirtay xeyr waxaa ku dhaci kara dhiigga maskaxda ku furma.
d.      Waxaa sare ukacaya sameysanka kolistaroolka oo ka dhasha dufanka loo yaqaan low density lipoproteins (LDL)
Haddaba waxaan ka fahmeynaa talooyinka nabigeena Muxammed NNKH inay yihiin kuwa ilaah nagu badbaadinayo kuna saleysan cilmi uu ilaah ogyahay waxa inoo dan ah.
Nabigeena  Muxammed NNKH waxa uu na baray barnaamij dhammeystiran oo aan ku maareyno Carada, ka sokow 7di qaacido ee aan horay usheegnay ee ka hor dhicidda Carada waxaa jira Nidaam kale oo lagu daweynayo haddii ay dhacdo.

La soco qeybta 7aad

[ [1]] xameetiga waxaa ku jira dareere ka yimaada beerka oo midab cagaaran leh, waxaana dareerahaas la soo daayaa marka uu qofka cuno cunto, gaar ahaan tan dufanka leh, dabadeed dareerahaas waxa uu fududeeyaa in si fudud loo shiido dufanka.

Thursday, 31 January 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 5aad:
  Sidee lagu maareyn karaa xanaaqa?
Xal u helidda xanaaqa waxaan ku eegi doonaa laba qaab oo kala ah; diiniyan sida nala amray inaan u maareyno iyo dhanka maaddiga oo aan soo qaadan doono talooyinka khubarada. Waxaana ka billaabayaa talooyinka maaddiga ah.
Qodobada maareynta xanaaqa:
1.      Jooji howsha aad qabaneysid ee fikir waxyar: isku day inaad waqti siisid ka baaraan degidda cawaaqibka ka dhalan kara fal celis aad sameysid.
2.      Waa lakala fakar duwanaan karaa: ra’yigu ma ahan xaqiiq, ee waa sida ay wax kuula muuqdaan, sidaa awgeed tix geli fikirka qofka.
3.      U dhageyso si deggen:      Si aad wax u fahamto si deggen wax u dhageyso
 Si mug leh u eeg luqadda jirka qofka kale
Caddee waxa aad qabto ama sida ay wax kuula muuqdaan
Laabtaada fur waqti kasta iskuna day inaad wax fahamto intaan lagu fahmin
4.      Isku day inaad wax qortid: waxa ay ka mid tahay hababka la isku halmaamsiiyo xanaaqa loogana adkaado. Qor sheeko ama maqaal ka hadlayo dhacdo kaa careysiisay sidaad uga adkaatay inaad falceliso, si aad hadhow markale dib ugu noqoto ama u akhrisid. Si faahfaahsan uga hadal sida ay wax kula ahaayeen iyo waxa dhacay, kaddibne soo gunaanad sida aad xalka u aragtid. Marka aad mowqif la mid ah la kulantid dib ugu laabo oo akhri dabadeedne horumari talooyinkaada.
5.      Tallaab ha qaadin shakhsiyan: dadka waxkasta oo ay kugu sameeyaan ama kaa sheegaan waxba haka soo qaadin, isku day inaad bedesho fikradda lagaa qabo adigoo dhaqan wanaag muujinaayo, qofki xummaan kugu sameeyana ugu bedel weji iyo laab furnaan. Marka aad tahay qof difaac ka heysta hadallada uu maqlo ama lagu dhaho, dadka kale falkooda ama dhaqankooda waa uu isbedelayaa, mana noqoneysid dhibbane. Ogow cidi kaama careysiin karto inaad adiga doorato mooyaane, sidaa awgeed ha u oggolaan inay dadka kale taxakumaan laabtaada oo markey  rabaan kaa xanaaji karaan.
Istiraatiijiyada deggenaanta:
·         Neef qaado adigoo tirinaya neef qaadashadaadda ilaa dhowr iyo toban jeer
·         Xasuusnaw in nafsaddaada aad adiga xukunto, doorashadana aad adiga uun leedahay
·         Niyaddaada  ka saar xaaladda buuqa ama gacan ka hadalka meesha ka socda
·         Isku day inaad socod sameysid gaar ahaan meel kor ka furan
·         Naftaada u sawir adigoo joogo meel muuqaal fiican leh, sida bad, buuro iwm
·         Xasuusnaw noloshaada waa doorashadaada, sidaa awgeed ha oggolaan inaad murug ku noolaato
·         Dabaalo, jimicsi sameey ama ismadadaali, waxa ay kaa saacidayaan inay laabtaada degto
·         Sameey hiwaayad aad jeceshahay, sida buug akhris, socod, cayaar iwm
Ugu dambeyn:
1.      Xasuusnow  caradu waa niyad kac qof kastana uu si ula dhaqmo.
2.      Xasuusnow xanaaqu waa dabiici, gacan ka hadalkuse ma ahan dabiici ee waa qarbudaad.

Ma jiraan barnaamijyo lagu joojin karo dhicidda Carada?
Bishi marso 2008 bogga internetka ee BBCda waxa uu qoray Warbixin cinwaan looga dhigay (mashaakisha carada waa dawo la'aan) waxaa lagu sheegay warbixintaas in hay'adda mareykanka u qaabilsan caafimaadka nafsadda ay sheegtay: (Carada lalama dhaqmi karo ilaa kadib marka ay dhacdo dhibaato gacan ka hadal oo wax burburisa), tan oo micnaheedu yahay inaaney jirin barnaamij lagu joojin karo dhicidda Carada! Agaasimaha hay'addaas  waxa uu sheegay inay ceeb tahay in dadka lagu dulleeyo iyagoo dawo u raadinaya  carada.
Machadka ingiriiska ee maareynta carada waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in la dhaqanka carada ay noqotay maanta arrin aad u adag lagama maarmaanna ay tahay in la raaco xeerar ama qaacidooyin isfaham bulshada aan ku dhex noolnahay.
La soco Qeybta 6aad