Monday, 4 February 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa



Qeybta 6aad:
Haddaba xalka xanaaqa dhanka talooyinka diiniga ah waxaan u kala qaadeynaa laba qeyb oo waaweyn:-
i. Manhajka nabiga NNKH ee ka hortagga xanaaqa:-
La dagaalanka dhicidda Carada ee nabiga NNKH nabaray waxa ay ka koobantahay 7 tiir:
1.      Amar toos ah:         ( لا تغضب  )  oo ah ha caroon     
·         Saxaabiga la yiraahdo abu-dardaa' (rc) waxa uu yiri: waxaan dhahay rasuulki ilaahow itusi camal jannada igelinayo, waxa uu igu yiri: [ha caroon jannaad leedahaye] waxaa weriyay Bukhaari 6116
·         Tirmidi sheekha la yiraahdo waxa uu soo saaray xadiiska dusha ku qoran, ruwaayadiisa waxa ay aheyd: nin baa nabiga NNKH u yimid markaasuu ku yiri: ilaahey rasuulkiisow wax ibar hana igu badin si aan u qabto, waxa uu ku yiri: [ha caroon], wuu ku soo celceliyay ninki, nabigana waxa uu ku dhahayay [ha caroon]
2.      Xasuusin raali ahaanshada iyo jaceylka allaah:
Cabdillaahi ibnu cumar (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: rasuulka ilaah NNKH waxa uu yiri: [ma jirto wax la liqo oo ka ajir weyn caro uu qofka uqariyo alle dartiis] waxaa weriyay ibnu maajah iyo axmed, bukhaarina waxa uu ku weriyay kitaabkiisa al-adab
3.      Jecleysiin jannada:
Saxaabiga mucaad ibnu anas aljahni (rc) waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofki qariyo caro isagoo awoodo inuu fuliyo allaah ayaa uyeera maalinta qiyaamaha khalqiga dhan hortiisa waxa uuna dooradsiiyaa xuural-ceynta kaddibna waxa uu u guuriyaa inti uu doono] (musnad axmed 1566, sunan abii daawuud 4147, tirmidi 2417, ibnu maajah 4176)
4.      Jecleysiin geesinimada:
·         Anas bin maalik (rc) waxaa laga weriyay inuu yiri: nabiga NNKH ayaa soo maray dad lagdamaya, markaasuu yiri: (waa maxay?), waxay yiraahdeen: hebel qof lama lagdamo illaa wuu ka adkaadaa, waxa uu yiri nabiga NNKH:[ma idin tusaa qof ka adag? Qof  qof la hadlay oo caradiisa qariyay wuu adkaaday, sheydaankiisa wuu ka adkaaday, sheydaanka saaxiibkiisna ka adkaaday] waxaa weriyay albazzaz, ibnu xajarna waxa uu ku sheegay sanad fiican, fatxulbaari 10/519
·         Abuu hureyra waxaa laga weriyay in nabiga NNKH uu yiri: [qofka adag ma ahan kan lagdanta badan, ee kan adag waa qofka naftiisa celiya markuu caroodo] waxaa weriyay Bukhaari 6114, iyo Axmed 2/236
Sidaa awgeed waxa uu nabiga NNKH nagu booriyay in nafta aan ka adkaano, awoodda runta ah ee qofkana ay ku jirto hadba sida uu u qariyo Carada iyo adkeysiga uu uleeyahay inuu caradiisa baabi'iyo.
5.      Cabsi gelin Carada ilaah:
·         Saxaabiga abuu mascuud albadri (rc) waxa uu yiri: waxaan garaacayay addoon aan lahaa, markaas ayaan gadaasheyda ka maqlay cod dhahaya (ogow abaa mascuudow), caro darteed codka ma fahmin, waxa uu yiri (saxaabiga) marki uu igu soo dhawaaday waaba rasuulki ilaah NNKH oo dhahaya: [ogow abaa mascuudow, ogow abaa mascuudow], waxa uu yiri (saxaabiga) ushi (karbaashki) aan ku garaacayay ayaan gacanta ka baxshay. Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: gacanteyda ayuu karbaashki ka dhacay heybadda nabiga daraaddeed, waxa uu igu yiri: [ogow abaa mascuudow in ilaah kaaga awood badanyahay in ka badan sida aad uga awood badantahay wiilkan], waxa uu yiri abuu mascuud: waxaan ku dhahay; ilaahey rasuulkiisow addoon dambe ma garaacayo isaga dabadii weligey. Ruwaayad kale ayaa sheegeysa: waxaan ku dhahay rasuulki ilaahow alle dartii ayaan u xureeyay, markaasuu nabigu NNKH yiri: [haddii aadan sidaa sameyn laheyn naar ayaa ku gubi laheyd ama ku taaban laheyd] waxaa weriyay muslim.
·         Waxaa mamnuuc ah in garsooraha maxkamadda fadhiyaa wax xukmiyo isagoo careysan. C/raxmaan bin abii bakrah waxa uu yiri: aabahey (waa saxaabigi weynaa ee Abii Bakrah) ayaa uqoray warqad Cubeydillaah bin Abii Bakrah oo qaali ka ahaa Sajistaan: laba qof ha xukmin adigoo careysan, waxaan rasuulka ilaah NNKH ka maqlay:[ qofi yuunan u gar qaadin laba qof isagoo careysan] waxaa weriyay muslim
 6.      Ku dayashada tusaalaheena:
Waxaan halkan kaga hadli doonaa inshaa allaah qaar ka mid ah tilmaamihi iyo dhaqanki nabiga NNKH ay ku arkeen asaxaabta, waxaana ka mid ah:
Anas bin maalik waxaa laga weriyay inuu yiri: waxaan la socday rasuulka NNKH isagoo xiran go' najraani ah oo adag, dabadeedna waxaa la kulmay nin reer baadiye ah, ninki waxa uu ku soo jiiday nabiga NNKH go'iisa si daran, kaddib waxaan eegay qoorta nabiga NNKH waxaan arkay calaamadihi go'a uu ku reebay, dabadeed ayaa ninkii yiri: muxammedow ilaahey maalkiisa agtaada yaal wax iga sii, nabiga NNKH wuu eegay markaasuu qoslay, dabadeedne in wax la siiyo ayuu faray. Waxaa isku raacay bukhaari iyo muslim (fatxulbaari 10/375)
7.      Qofka sooman oo laga reebay inuu caroodo:
Abuu hureyra waxaa laga weriyay in rasuulka NNKH uu yiri: [qofkiin maalinta uu soomanyahay yuunan laqwin, qeylin, haddii qof caayo ama la dagaalamo ha yiraahdo waan soomanahay] waxaa isku raacay bukhaari iyo muslim.
Haddaba waxaan jecleystay inaan in yar ka hadlo mucjisada uu xambaarsanyahay xadiiskan, iyo sida Cilmiga sayniska uu maanta uga hadlayo qofka sooman inuu Carada iska dhowro.
Cilmiga sayniska waxa uu maanta waxbadan ka hadlayaa arrimo uu nabigeenu NNKH noo sheegay 1400 sano ka hor.
Qofka sooman gelinka dambe ee maalinta waxa uu aad ugu nugulyahay waxyaabaha keena Carada, xilligaas oo jirka sokorta ku yaraato, sayniska waxa uu soo ogaaday in haddii caro ku timaado qofka sooman ay kordheyso soo saaridda hormuunka adrenaline ee dhiigga soo raacaya xaddi ka badan 20 ilaa 30 jibbaar heerka caadiga ah, waqtiga ay carada qofka mareyso heer sare, arrintan haddii ay dhacdo gelinka hore xilliga cuntada la shiidayo lana nuugayo nafaqada waxaa isku dhex yaacaya habka dheefshiidka iyo nuugistiisa, waxaa sii dheer isku dhexyaaca guud ee habdhiska kala duwan ee jirka, taa waxaa ugu wacan hormuunka adrenaline waxa uu u howlgalaa inuu dabciyo murqaha sulubka ah (smooth muscles) ee habdhiska dheefshiidka, waxa uuna yareeyaa isu uruurka iyo dhaqaaqa xameetiga[[1]], wuxuuna ciriiriyaa xididada dhiigga ee jirka dhinacyadiisa ku yaala isla markaana waasiciya kuwa wadnaha ee loo yaqaan coronary arteries. Haddii dagaalka ama caradu dhacdo bartamaha maalinta ama gelinka dambe kaddib xilliga uu dhammaado nuugidda dheefta ama nafaqada waxaa furfurmaya wixi ka haray keydka glycogen ka ee beerka ku jira, sidoo kale waxaa furfurmaya borotiinka jirka oo noqonaya amino acids, iyo inay gubato fatty acids. Tani oo dhan waxa uu udhacayaa si sare loogu qaado heerka glucose ka ee dhiigga, dabadeedne uu gubto si uu jirka usiiyo tamarta ku fuilan ee uu ku wajihi lahaa dagaalka, sidaa awgeed waxaa si aan kala sooc laheyn loo isticmaalayaa tamarta jirka, qaar ka mid ah glucose ka waxa ay raacayaan kaadida haddii uu ka bato xaddiga dabiiciga ah. Intaa dabadeed jirku waxa uu weynayaa tamar aad muhiim u ah si macno darro ah, jirkuna waxa uu ku qasbanaanayaa inuu tamar ahaan u adeegsado fatty acids ka oo marka ay gubato uu ka dhalanayo waxa loo yaqaan ketone bodies oo waxyeello ugeysta dhiigga.
Sidoo kale adrenaline ka xad dhaafka ah waxa uu dhiigga ku sameynayaa:
a.       In xaddi fara badan oo biyo ah uu jirka kaga baxo kaadida badan
b.      Waxa uu keeni karaa wadnaha oo qofka laga qabto ama dhimasho kedis ah (mowtul faja) dadka qaar jir ahaan u nugul; taa oo ay sababto dhiigga cadaadiskiisa oo kor ukaca (dhiig kar) iyo sare ukaca baahida uu wadnaha uqabo oksajiinka xawaarahiisa sareeya awgiis.
c.       Dadka dhiig karka qaba iyo kuwa xididada dhiigga ay xirtay xeyr waxaa ku dhaci kara dhiigga maskaxda ku furma.
d.      Waxaa sare ukacaya sameysanka kolistaroolka oo ka dhasha dufanka loo yaqaan low density lipoproteins (LDL)
Haddaba waxaan ka fahmeynaa talooyinka nabigeena Muxammed NNKH inay yihiin kuwa ilaah nagu badbaadinayo kuna saleysan cilmi uu ilaah ogyahay waxa inoo dan ah.
Nabigeena  Muxammed NNKH waxa uu na baray barnaamij dhammeystiran oo aan ku maareyno Carada, ka sokow 7di qaacido ee aan horay usheegnay ee ka hor dhicidda Carada waxaa jira Nidaam kale oo lagu daweynayo haddii ay dhacdo.

La soco qeybta 7aad

[ [1]] xameetiga waxaa ku jira dareere ka yimaada beerka oo midab cagaaran leh, waxaana dareerahaas la soo daayaa marka uu qofka cuno cunto, gaar ahaan tan dufanka leh, dabadeed dareerahaas waxa uu fududeeyaa in si fudud loo shiido dufanka.

Thursday, 31 January 2013

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 5aad:
  Sidee lagu maareyn karaa xanaaqa?
Xal u helidda xanaaqa waxaan ku eegi doonaa laba qaab oo kala ah; diiniyan sida nala amray inaan u maareyno iyo dhanka maaddiga oo aan soo qaadan doono talooyinka khubarada. Waxaana ka billaabayaa talooyinka maaddiga ah.
Qodobada maareynta xanaaqa:
1.      Jooji howsha aad qabaneysid ee fikir waxyar: isku day inaad waqti siisid ka baaraan degidda cawaaqibka ka dhalan kara fal celis aad sameysid.
2.      Waa lakala fakar duwanaan karaa: ra’yigu ma ahan xaqiiq, ee waa sida ay wax kuula muuqdaan, sidaa awgeed tix geli fikirka qofka.
3.      U dhageyso si deggen:      Si aad wax u fahamto si deggen wax u dhageyso
 Si mug leh u eeg luqadda jirka qofka kale
Caddee waxa aad qabto ama sida ay wax kuula muuqdaan
Laabtaada fur waqti kasta iskuna day inaad wax fahamto intaan lagu fahmin
4.      Isku day inaad wax qortid: waxa ay ka mid tahay hababka la isku halmaamsiiyo xanaaqa loogana adkaado. Qor sheeko ama maqaal ka hadlayo dhacdo kaa careysiisay sidaad uga adkaatay inaad falceliso, si aad hadhow markale dib ugu noqoto ama u akhrisid. Si faahfaahsan uga hadal sida ay wax kula ahaayeen iyo waxa dhacay, kaddibne soo gunaanad sida aad xalka u aragtid. Marka aad mowqif la mid ah la kulantid dib ugu laabo oo akhri dabadeedne horumari talooyinkaada.
5.      Tallaab ha qaadin shakhsiyan: dadka waxkasta oo ay kugu sameeyaan ama kaa sheegaan waxba haka soo qaadin, isku day inaad bedesho fikradda lagaa qabo adigoo dhaqan wanaag muujinaayo, qofki xummaan kugu sameeyana ugu bedel weji iyo laab furnaan. Marka aad tahay qof difaac ka heysta hadallada uu maqlo ama lagu dhaho, dadka kale falkooda ama dhaqankooda waa uu isbedelayaa, mana noqoneysid dhibbane. Ogow cidi kaama careysiin karto inaad adiga doorato mooyaane, sidaa awgeed ha u oggolaan inay dadka kale taxakumaan laabtaada oo markey  rabaan kaa xanaaji karaan.
Istiraatiijiyada deggenaanta:
·         Neef qaado adigoo tirinaya neef qaadashadaadda ilaa dhowr iyo toban jeer
·         Xasuusnaw in nafsaddaada aad adiga xukunto, doorashadana aad adiga uun leedahay
·         Niyaddaada  ka saar xaaladda buuqa ama gacan ka hadalka meesha ka socda
·         Isku day inaad socod sameysid gaar ahaan meel kor ka furan
·         Naftaada u sawir adigoo joogo meel muuqaal fiican leh, sida bad, buuro iwm
·         Xasuusnaw noloshaada waa doorashadaada, sidaa awgeed ha oggolaan inaad murug ku noolaato
·         Dabaalo, jimicsi sameey ama ismadadaali, waxa ay kaa saacidayaan inay laabtaada degto
·         Sameey hiwaayad aad jeceshahay, sida buug akhris, socod, cayaar iwm
Ugu dambeyn:
1.      Xasuusnow  caradu waa niyad kac qof kastana uu si ula dhaqmo.
2.      Xasuusnow xanaaqu waa dabiici, gacan ka hadalkuse ma ahan dabiici ee waa qarbudaad.

Ma jiraan barnaamijyo lagu joojin karo dhicidda Carada?
Bishi marso 2008 bogga internetka ee BBCda waxa uu qoray Warbixin cinwaan looga dhigay (mashaakisha carada waa dawo la'aan) waxaa lagu sheegay warbixintaas in hay'adda mareykanka u qaabilsan caafimaadka nafsadda ay sheegtay: (Carada lalama dhaqmi karo ilaa kadib marka ay dhacdo dhibaato gacan ka hadal oo wax burburisa), tan oo micnaheedu yahay inaaney jirin barnaamij lagu joojin karo dhicidda Carada! Agaasimaha hay'addaas  waxa uu sheegay inay ceeb tahay in dadka lagu dulleeyo iyagoo dawo u raadinaya  carada.
Machadka ingiriiska ee maareynta carada waxa uu hoosta ka xarriiqayaa in la dhaqanka carada ay noqotay maanta arrin aad u adag lagama maarmaanna ay tahay in la raaco xeerar ama qaacidooyin isfaham bulshada aan ku dhex noolnahay.
La soco Qeybta 6aad 

Friday, 13 July 2012

Sirta Nolosha 2: Fahamka xanaaqa


Qeybta 4aad:

Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?
a.       Nolosha qoyska:
1.      Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo dayeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.
2.      Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.
3.      Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta
b.      Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa; Deriskaa diintiisuu ku baraa, Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa, Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirsan. Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.
4.      Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn  waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.
5.      Maandooriyaasha iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u weyn.
6.      Xilliga kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.
La soco Qeybta 5aad iyo todobaadka dambe