Qeybta 2aad:
Iminka waxaan rabaa inaan gunta u
galo dhowr qodobo aan u arkay inay gacan ka geysaneyso dhisidda jiil wacyi
aqooneed leh oo dalku beri yeesho, waxa ayna xoogga saareysaa qaabka xariirka
ardayga, waxa uu baranayo, macalinka, dugsiga, waalidka iyo degaanka uu ku yaal
dugsiga, waxaana ka bilaabayaa qeybta khuseysa ardayga.
Casharrada uu qaadanayo ardayga
waa inaaney ku koobnaan qaabki qadiimiga ahaa ee ardayga fasalka intuu fariisto
dabadeedne uu qaato cashar 45 daqiiqo macalinka uun hoggaaminayo, ee waa inay
casharradu noqdaan mararka qaar buugga tixraaca wax ka sarreeya. Tusaale ahaan
maaddooyinka qaar sida sayniska; ardayda waxaa la siinayaa mowduuc, dabadeedne
muddo ayaa loo qabanayaa, waxa ay ka soo sameynayaan baaris, tijaabooyin toos
ah iyo doodo, gunaanadkine waxa ay ka diyaarinayaan qoraal diyaarsan, dabadeed
waxaa loo ballaminayaa dad ku takhasusay waxa ay tijaabada ku sameeyeen
(tusaale: Kimistariga), waxa ayna yeelanayaan dood furan oo waxa ay sameeyeen
ku saabsan, si aqoonta ay soo heleen iyadoo cilmiyeysan maskaxdooda ugu dhagto.
Kuma eka maaddooyinka sayniska ah ee
maaddo kasta meeshi looga baahdo ayaa qaabkan lagu sameyn karaa, tusaale kale;
maaddada taariikhda: ardaydu waxa ay soo uruurinayaan taariikhda magaalada ay
ku noolyihiin ama shakhsiyaad caan ah oo aan manhajka ku jirin, dabadeedne
iyagoo isticmaalaya internet, buugaag ama wareysiyo toos ah oo ay la yeeshaan
dadka aqoonta u leh, waxa ay ugu dambeynti ka sameynayaan qoraal diyaarsan.
Waxaa kaloo hababkan casriga ah ka
mid ah in la sameeyo koox ka kooban macalimiin tababarayaal ah oo ardayda
barayo habka wada-shaqeynta, xallinta khilaafaadka, maareynta isu imaatinnada
iwm, dabadeedne koox kastaahi la siinayo waajib ay soo xallineyso. Nidaamyada
la adeegsan karo oo ardayda la barayo marka hore waxaa ka mid ah: the six
hats ama lixda koofiyadood waxa loo yaqaan, iyadoo koox kastaahi ka
koobnaaneyso ugu yaraa shan ugu badnaane toban, dabadeedne qof kastaahi uu
matalayo kaalin muhiim ah. Nidaamkan marka ay fahmaan ayay ku shaqeynayaan,
waxayna faa’iidada tababarkan ardayga u suura galineysaa inuu u adeegsado
xaafadiisa, reerkiisa iyo asaxaabtiisa haddii uu la kulmo arrin u baahan
xallin, taasoo ka dhigeysa inuu waddanka helo jiil si cilmiyeysan wax u xallin
kara waxna hoggaamin kara.
Waalidka carruurtan dhalay iyo dadka
masuulka ka ah waxa ay u suuragelineysaa inay qiimeyn ku sameeyaan ardayda, iyagoo baaraya meelaha uu ku
xoogganyahay arday kasta iyo halka uu ku liito. Waalidiinta, macalimiinta iyo
ardaydaba waxa ay si hoose u qiyaasi karayaan ardayga iyo horumarka uu
sameynayo maalinba maalinta ka dambeysa iyo inaanu ku dhicin khaladaadki ay
horay ugu dhaceen, islamarkaana sare u qaado heerka iskoorkiisa marba marka ka
dambeysa. Waxaa jirta in berigii hore ardayga meelaha uu ku liito la oran jiray
xoogga ha saaro, balse habkaas inuu khaldanaa ayaa la xaqiijiyay, meelaha uu
ku fiicanyahay inuu sii xoojiyo, meelaha uu ku liitane yara kabo, habkaas
ayaa iminka aad loo daneeyaa. Tusaale ahaan: arday ayaa waxa uu ku fiicanyahay
maadada xisaabta, waxa uuse ku liitaa taariikhda, waxaan sameyneynaa inaan
koorsooyin dheeri ah ugu dirno oo uu ku baranayo xisaabta, tan taariikhda ahne
aan isku dayno inuu yara wanaajiyo ilaa heer baasitaan. Arrintan waxa ay
keeneysaa in ardaygaas uu berrito ku soo baxo ama aan loogu geli karin
xisaabta, berritane uu ku takhasusayo, haddiise aan xoogga saari laheyn
taariikhda waxaa imaan laheyd in heerkii uu xisaabta ka gaari lahaa hoos udhac
ku yimaado, taariikhdane uu wax ku soo kordhin waayo. Maaddada
aad ku fiicantahay waa tii ku soo saari laheyd ama lagaaga dambeyn lahaa ee waqti dheeri ah geli, tan
aad ku liidatane inaad heer macquul ah gaarsiisid isku day, waqti kalese yaaney
kaa lumin.
La Soco Qeybta 3aad
1 comment:
Aad ayaad u mahadsantahay Dr.Insi, macluumaad badan ayaan ka helnay, inshaa allaah qeybaha dhimmane sidaa oo kale ayaan rajeeneynaa.
Post a Comment