Qeybta 3aad:
Dhanka macalinka waxaa laga
doonayaa inuu hoggaamiye u noqdo ardayda, tababaro isla markaana xalka keeno
isagoo ardayga u diyaarinayo hal-abuurnimo. Macalinka waxaa laga doonayaa inuu
ardayga meelaha uu u janjeero rabitaankiisa ogaado, soona saaro waxa uu ku fiicanyahay ama kalsoonidiisa ku
jirto. Iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, macalinku waqti badan
kuma qaadanayo cashar bixin, waxa uuse waqtiga ugu badan ku bixinayaa tababarka
si gooni gooni ah iyo si wadar ahba, isagoo mar walba u sameynayo wax tartan
gelinaya ama (challenge) cusub.
Macalinka waxa uu ardayga barayaa
inuu isagu wax sameeyo iyadoo ay kormeerayaan dad khubaro ku ah qeybtaas lagu
tababarayo ardayga. Waxa ay xaadirayaan koorsooyin tababar iyo shirar lagaga
hadlayo arrinta ay ku tababaranayaan, iyagoo talooyin la wadaagayo
macalimiintooda si toos ah ama internetka.
Dhanka dugsiga waxaa laga
doonayaa inuusan kaalintiisa ku ekaan 45 daqiiqo ee ardayda xisada qaadanayaan
ee waa inay sameeyo waqtiyo dheeri ah oo ardaydu howlo ama (activities) ku
qabsan karaan dugsiga, xilliyda fasaxa waa inaan la xirin dugsiga, loona
adeegsadaa tababarrada xirfadaha horumarinta aadanaha, isdhexgalka waalidiinta,
macalimiinta iyo ardayda. Sidoo kale macalimiinta dugsiyada hoose dhigaya waa
inay ardayda la sii joogaan labo ilaa seddex sano, si macalinku waxbadan uga
barto ardayga, taasoo keeneysa in ardayga waxa uu ku fiicanyahay lagu sii
jaheeyo.
Sidoo kale kharashyada ku baxa
maamulka dugsiga waa in qeyb badan loo leexiyo barnaamijyada kobcinta,
tababaridda iyo horumarinta ardayda khuseeya ee aan kor ku soo xusnay.
Hab-dhismeedka dugsiayada waa inuu gacan ka geysanayo qaab caawinaya ardayga iyo
macalinka inay si wada jir ah u qabtaan howlo ka baxsan tan waxbarashada sida:
in loo adeegsado goob bixiso adeegyada bulshada u baahantahay, talooyin la
siinayo reeraha iyo fasallo lagu qaato habka barbaarinta carruurta iwm.
Dhanka waalidka waa macalinka
ugu weyn ee ardayga waxbara, sidaa daraadeed waxaa qasab ah inay jirto iska
warqab iyo wada shaqeyn dhexmarta macalimiinta iyo waalidka, isla markaana uu
jiro guddi waalidka ka socda oo ka qeyb qaata go’aannada iskuulka lagu
horumarinayo. Sidoo kale waalidku waa inuu wax ka fahamsanyahay ujeeddooyinka
iskuulka, qaabka ay macalimiintu ugu raja weynyihiin arday kasta iyo inuu ka
caawiyo waajibaadka guriga inta uu
joogo.
Dhanka bulshada iyo degaanka
uu dugsigu ku yaal: bulshada degen degaanka dugsiga waa inay ka qeyb qaataan
horumarinta dugsiga, waxayna isugu jiri karaan ganacsato, aqoonyahanno,
masuuliyiin dawladeed, ururrada bulsha iwm. Wada shaqeyntaas waxa ay keeneysaa
in ardayga iyo macalinka waxa ay qabanayaan qeybo ka mid ah ku sameeyaan meel
ka baxsan dugsiga oo degaanku leeyahay, natiijada ka soo baxdane bulshada loo
soo bandhigo, mararka qaar haddii loo baahdo bulshada qeyb ka mid ah inay
ardayda siiyaan casharro xirfadooda la xariirta, kuna soo tababartaan goobahooda
shaqo, baritone shaqo laga siin karo haddii loo arko inay sare u qaadeyso
xirfadiisa.
La Soco Qeybta 4aad
1 comment:
Qormo aad aan uga faa'iideysanay waaye, Allaha kaa abaal mariyo Dr. Insi.
By: Abdalla
Post a Comment