Comment from Hussein Omar
Geeraarkan waxaan alifay mar aan faceka ka arkay wiil tiriyay qisada oo caksi ah, marka dadka commentiga bixinaayay qof ka mid ah ayaa codsady iyadoo caksi ah, marka aniga ayaa isku dayay iyadoo geerar ah, waana qiso dhici karta inkasto anan ogeyn meel ay ka dhcaday hada ka hor.
Geeraarkan waxaan alifay mar aan faceka ka arkay wiil tiriyay qisada oo caksi ah, marka dadka commentiga bixinaayay qof ka mid ah ayaa codsady iyadoo caksi ah, marka aniga ayaa isku dayay iyadoo geerar ah, waana qiso dhici karta inkasto anan ogeyn meel ay ka dhcaday hada ka hor.
Sidoo kale waxaan rabaa inaan asaxaabta boggan la socota aan la qeybsado qormada muddooyinkan ku soo baxeysay bogga ee gayaan xulashadiisa ka hadlaysay, maadaama qodobada mid ka mid ah uu ahaa aqoonta, waana dulucda sheekada geeraarka.
Ga’da
gabayga maansada
Aan
lasoo gucleyn jiray
Ma
gufaacin waayahaan
Maantaan
godladayoo
Qiso
gaaban soo helay
Gabanaa
intuu baxay
Lakalamay
gabar qurux
Inta
gooni ula baxay
Aw
kuyiri bal gabaryahay
Iga
gudoon salaan sare
Gabadhii
waxay tiri:
Walaal
kaa gudoomaye
Maxaad
gooni ama gees
Noo
geysay gabanow
Guur
doon miyaa tahay??
Gabankii
waxuu yiri:
Guur
doon inaan ahay
See
ku garan karaysaa??
Gabadhii
waxay tiri:
Galgalkaan
tartiibka ah
Iyo
gooni ubaxaan
aan
ku garan karaayee
ii
gorfeey bal sheekada
aan
kuu gar celiyee
gabankii
waxuu yiri:
sida
aad garataba
waan
ahay wiil guur raba
balse
kuma garanayee
ii
guuri magacaada(iiqor)
gabadhi
waxay tiri:
magac
guuris ma aqaan
layma
geyn iskuuloo
guri
joogto aan ahay
guur
doona waan ahay
gabanki
waxuu yiri:
gabar
dagan ayaa tahay
sida
aan garwaaqsaday
balse
guurki aan rabay
halkaasoo
ku go'ayoo
kuma
guursan karayee
go
… go … abaayooy.
Gabadhi
waxay tiri:
Gabanyahow
maxaa dhacay
Waad
iga gadoodaye
Guri
joog hadaan ahay
Gabanyahow
maceeb baa
Aaway
guurki aad waday
Guhaad
igu abuurtaye
Walaal
guurka ila garo
Go
go du waa maxay????
Gabanki
waxuu yiri:
Go
aansaday walaaley
Gob
kastaba hadaa tahay
Kuma
guursan karayee
Gambolaydu
kaa badan
Adigana
gayaankaa
Guulahey
hakuu sahlo
Go'aankaygu
waxuu yahay
Hadaan
kuu gorfeeyana
Hadii
aan ku guursado
Howsha
guriga aad gasho
Iidhasho
wiil geesi ah
Adigana
gab aad tahay
Yaa
baraya ga’da diin
Oo
gaynaa iskuulkana??
Gabdhii
waxay tiri:
Waan
ku gartay walaalow
Waadna
iga gar leedahay
Balse
waxaan go'aansaday
Goortaan
aan joogniyo
Ka
gadaal hadaan kaddib
Wax
barashaan u go’ayaa
Gaban
kastoo isbarana
Gees
buu iga maraayoo
Guri
joogtadaan ahay
Guhaad
igu abuurtaye
Walalow
go’aansaday
Ga’da
inaan bartaayoo
Is
geeyaa iskuuuuul
Dhamaaaaaaaaaaaad
W/Q: Engineer Hussein Omar Siyad
Faculty of mechanical engineering,
Nile Valley University,
Adbarah, Sudan
Adbarah, Sudan
5 comments:
aad baad ugu mahadsantahay engineer geeraarka, waxaana rajaynayaa inaad sheekooyin kale oo xiiso badana aad nagala qeyb qaadan doonto haddii alle yiraa.
mar hadiiba uu enginerka tiriyey ha inoo soo diro caksiga gabaygaa oo ka hadlaayo gabanka
insha allaah waan ka sugeynaa inow noo soo diro
waan soo diri doonaa insha alaah
Waa xasuus walahi
Post a Comment