Thursday, 21 March 2013

Guur doon (Geeraar)


Comment from Hussein Omar
Geeraarkan waxaan alifay mar aan faceka ka arkay wiil tiriyay qisada oo caksi ah, marka dadka commentiga bixinaayay qof ka mid ah ayaa codsady iyadoo caksi ah, marka aniga ayaa isku dayay iyadoo geerar ah,  waana qiso dhici karta inkasto anan ogeyn meel ay ka dhcaday hada ka hor.
Sidoo kale waxaan rabaa inaan asaxaabta boggan la socota aan la qeybsado qormada muddooyinkan ku soo baxeysay bogga ee gayaan xulashadiisa ka hadlaysay, maadaama qodobada mid ka mid ah uu ahaa aqoonta, waana dulucda sheekada geeraarka. 

Ga’da gabayga maansada
Aan lasoo gucleyn jiray
Ma gufaacin waayahaan
Maantaan godladayoo
Qiso gaaban soo helay
Gabanaa intuu baxay
Lakalamay gabar qurux
Inta gooni ula baxay
Aw kuyiri bal gabaryahay
Iga gudoon salaan sare
Gabadhii waxay tiri:
Walaal kaa gudoomaye
Maxaad gooni ama gees
Noo geysay gabanow
Guur doon miyaa tahay??
Gabankii waxuu yiri:
Guur doon inaan ahay
See ku garan karaysaa??
Gabadhii waxay tiri:
Galgalkaan tartiibka ah
Iyo gooni ubaxaan
aan ku garan karaayee
ii gorfeey bal sheekada
 aan kuu gar celiyee
gabankii waxuu yiri:
sida aad garataba 
waan ahay wiil guur raba
 balse kuma garanayee
 ii guuri magacaada(iiqor)
gabadhi waxay tiri:
magac guuris ma aqaan
layma geyn iskuuloo
guri joogto aan ahay
 guur doona waan ahay
gabanki waxuu yiri:
gabar dagan ayaa tahay
sida aan garwaaqsaday
balse guurki aan rabay
halkaasoo ku go'ayoo
kuma guursan karayee
go … go … abaayooy.
Gabadhi waxay tiri:
Gabanyahow maxaa dhacay
Waad iga gadoodaye
Guri joog hadaan ahay
Gabanyahow maceeb baa
Aaway guurki aad waday
Guhaad igu abuurtaye
Walaal guurka ila garo
Go go du waa maxay????
Gabanki waxuu yiri:
Go aansaday walaaley
Gob kastaba hadaa tahay
Kuma guursan karayee
Gambolaydu kaa badan
Adigana gayaankaa
Guulahey hakuu sahlo
Go'aankaygu waxuu yahay
Hadaan kuu gorfeeyana
Hadii aan ku guursado
Howsha guriga aad gasho
Iidhasho wiil geesi ah
Adigana gab aad tahay
Yaa baraya ga’da diin
Oo gaynaa iskuulkana??
Gabdhii waxay tiri:
Waan ku gartay walaalow
Waadna iga gar leedahay
Balse waxaan go'aansaday
Goortaan aan joogniyo
Ka gadaal hadaan kaddib
Wax barashaan u go’ayaa
Gaban kastoo isbarana
Gees buu iga maraayoo
Guri joogtadaan ahay
Guhaad igu abuurtaye
Walalow go’aansaday
Ga’da inaan bartaayoo
Is geeyaa iskuuuuul

Dhamaaaaaaaaaaaad

W/Q: Engineer Hussein Omar Siyad
         Faculty of mechanical engineering, 
        Nile Valley University, 
Adbarah, Sudan

5 comments:

Dr. Abdulkadir Insi said...

aad baad ugu mahadsantahay engineer geeraarka, waxaana rajaynayaa inaad sheekooyin kale oo xiiso badana aad nagala qeyb qaadan doonto haddii alle yiraa.

mariam said...

mar hadiiba uu enginerka tiriyey ha inoo soo diro caksiga gabaygaa oo ka hadlaayo gabanka

Dr. Abdulkadir Insi said...

insha allaah waan ka sugeynaa inow noo soo diro

Unknown said...

waan soo diri doonaa insha alaah

Eng Hussein said...

Waa xasuus walahi