Qeybta
4aad:-
Halbeegga quruxda Soomaalida:
Odayadeeni hore ee soomaaliyeed waxa ay tilmaan ka bixiyeen
sifooyinka ay leedahay gabadha qurxani, waxaadna ku arki kartaa sheeko
soomaaliga qoran ama la weriyo. Tilmaamaha qaar waxaan la wadaagnaa ummado
badan, gaar ahaan carabta oo meelo badan aan isaga dhawnahay, qolo kastena
aragtideeda ayay ku saleysay tilmaantooda. Waxaa la yiri: waxaa jira 30 xubnood
oo quruxda dumarka laga daawado, haddii gabari leedahay ayse gabar tahay,
guurkeeda sinna looma daayo. Haddey naag nin leh tahayne waxaa laysku dayaa in
ninka qaba lagala baxo (Qeybta dambe dhaqanka suuban ee islaamka iyo kan soomaaliyeedba way khilaafsantahay). Waxa ayna kala yihiin:
·
Afar waa inay u dhumuc leedahay: Labada kub iyo labada
cududood
·
Afar waa inay u dhaadheer
tahay: Labada gacmood, timaha iyo qoorta.
·
Afar waa inay u caddahay: Labada indhood iyo
ilkaha labadooda lakab
·
Afar waa inay u madmadowdahay:
Labada sunniyood iyo labada indhood wiilkooda.
·
Afar waa inay deeb u
leedahay: labada dibnood iyo labada mudane ( Naasaha caaraddooda).
·
Labana waa inay uyara
shilis tahay: labada takoorin (miskaha ama simaha) soo raacooda wareegsan
·
Labana waa inay u dhuudhuuban
tahay: Qoorta iyo dhexda.
·
Labana waa inay u shushuban
tahay: Labada dhaban.
·
Hal waa inay u qoran tahay:
waa sanka
·
Hal waa inay u buuxdo: waa
shafka
28kaas
araggey uqurux badantahay.
·
labane maqalkooda ayaa
dheguhu ku raaxeystaan: waa qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
Tilmaamahaas
waxaa soo raaca oo ay soomaalidu sheegtaa kuwo kale, sida:
Midabka:
maarriin dhalaal ama casaan raac ah, sida: maarriin dhalaal xiga
Jir
ahaan: buuxda oo aaney weyd aheyn, buurnaanna laheyn oo inta xubnaheeda qor
qoranyihiin dhexduna yartahay.
Bal
aan hal tusaale ka soo qaato suugaanteenna, waxaan ka eegeynaa qeyb k amid ah
heesta suleekha, ereyada Max'ed Ibraahim Warsame 'Hadraawi'.
…………………………………
Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saaran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya
Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin
Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay
…………………………………
Inkastoo
tilmaamahaas soomaalidu sheegto haddana qaarkood baa tilmaamahaas kuwo lidkood
ah sheega, tusaale ahaa; Aweys Khamiis C/lla waxa uu ku heesay: ''…Gabar
haddii gacal kaa galaayo … ha gaabanaato ha guduudanaato
…''.
La soco Qeybta 5aad
No comments:
Post a Comment