Wednesday, 19 July 2023

DHIBAATADA HURDO YARIDA

Dhammaanteen waxaan ka dheregsanahay in hurdadu tahay mid ka mid ah hab nololeedkeena dabiiciga ah, qofki dhib ka dareemane waxa uu durba raadiyaa dhakhtar si xal loogu helo hurdo la’aanta heysata, innagoo sidaa wada ogsoon ayaa qaar badan oo inaga mid ahi waxa ay u bareeraan inay si ku talagal ah udhafraan sabab la’aan, taasoo ugu dambeynti ku keenta qofki caado ka dhigto dhibaatooyin maskaxeed iyo mid jireedba.

Tan ugu daran waa in arday badani caadadan dhafarka ah ku dhaqaaqaan si gaar ah xilliyada imtixaannada, waana bartilmaameedka qoraalkeyga maanta aan xoogga ku saari doono dhibaatada ardaydaas ka dhaxli karaan dhafarkaas faraha badan, taasoo ugu dambeyn keeneyso iney waxbarashadi ku adkaato.

Randy Garder oo ahaa arday 17 jir Ameerikaan ah  oo dhiganayay  Point Loma High School ayaa dabayaaqadi 1963 waxa uu ku fikiray inuu naftiisa ku sameeyo tijaabo ah inta ugu badan ee uu soo jeedi karo bani aadamka isagoon isticmaalin waxyaabaha hurdada la isaga celiyo, tijaabadaas waxaa ku wehlinayay oo isbedellada ku ku dhacayo dusha kala socday laba ka mid ah saaxiibadiisa (Bruce McAllister iyo Joe Marciano Jr.), waxa uuna bilaabay Diseembar 1963 ilaa Janaayo 1964, isagoo soo jeeday 11 maalmood iyo 24 daqiiqo (264.4 saacadood). Sidaas ayuuna ku jebiyay rikoorkii uyiilay waqtiga ugu dheer ee uu bani aadam soo jeedi karo oo uu horay u heystay Tom Rounds oo ahaa 260 saacadood oo xariir ah. 

Tijaabadaas inta ay socotay waxa ay soo jiidatay islamarkaana ka qeyb qaatay diiwaangelinta isbeddellada jireed ee ku imaanayo Gardner, Dr. William C. Dement oo ahaa cilmi-baare hurdada. Waxyaabihi ugu weynaa ee Gardner lagu arkay waxaa ka mid ah: isbeddel xooggan oo dhanka dabciga ah, garaadka ama fahamka, tabaryari, culeys dhanka xasuusta dhaw ah, calwasaad iyo isla weyni. Maalinti 11aad ne waxaa loo dhiibay inuu lambar 7 ka jaro 100 oo uu si joogto ah hoos ugu sii wado, waxa uuna gaarsiiyay ilaa 65 kaddibne wuu aamusay, marki la weydiiyay sababta uu u aamusayne waxa uu ku jawaabay inuu halmaamay waxa uu sameynayay.

Tijaabadaas kaddib waxaa dunida soo ifbaxay cilmi-baariyo badan oo hurdada lagu sameeyay.

Susan Redline oo ah borofeesarad caafimaadka hurdada ka dhigta jaamacadda Hardvard ayaa baaris ay sameysay ku sheegtay xiriirka ka dhexeeya hurda yarida iyo xanuunno maskaxda ku dhaca sida; welwelka iyo niyad jabka. Haddii ay dheeraato dhafarka ama uu qofku caado ka dhigto waxa ay saameyn ku yeelaneysaa cadaadiska dhiigga iyo heerka unugyada inflammatory cells loo yaqaan, natiijada taas ka dhalaneysane waa in qofkaas unuglaado xanuunnada wadnaha iyo kansarka. Sidoo kale waxaa hurdo yarida lala xariiriyay xanuunnada macaanka ama sokorowga, miisaanka sarreeya iyo xididdada maskaxda oo waxyeello soo gaarto.

Dhibaatooyinka degdegga ah waxaa ka mid ah; habeenkaas dhafarka ah kaddib qofka inuu subaxa dambe galo firfircooni waqti kooban ah, waayo waxaa si weyn loo kicinayaa marinno loo yaqaan Mesolimbic oo gudbiya maaddo lagu magacaabo Dopamine. Sare ukacaas Dopamine ka waxa uu keenayaa in qofka uu dareemo firfircooni, farxad iyo dhiirranaan. Waxaa laga yaabaa inaad is dhahdid haddiiba Dopamine intaas laga helayo way fiicantahay, balse sidaas ma ahan. Sare ukaca Dopamine waxa uu keenayaa in qofku qabatimo (addiction), iyo inuu yeesho dabci is rogrogaya (xanaaq, farxad, dulqaad yari iwm), tan ugu sii daran waa in maskaxdeena qeybta ka masuulka ah qorsheynta iyo qiimeynta go’aannada aan qaadaneyno ay shaqada joojineyso markii dhafar yimaado. Taasi waxa ay ka dhigantahay in go’aan qaadashada qofkaas dhafray aanu la socon ka fiirsasho iyo hubin ee waxaa ka saadcaleynaya farxad iyo niyad wanaag aan sax aheyn, halkaasne waxaa ka imaanaya go’aanno khatarhoodu badanyihiin. Cilmi-baarayaasha qaar waxa ay sii raaciyeen in kicinti badneyd ee Misolombic pathway lagu sameeyay ay keeneyso dhaawac maskaxda ah oo joogta ah (permanent brain damage).

Maxaan uhurudnaa?

Hurdadu waxa ay maskaxdeena u oggolaataa inay dib isu habeyso ama is cusbooneysiiso; inta aan hurdeyno maskaxdeena waxa ay ka takhalustaa waxyaabaha sunta ah ama dhibaya oo ka dhasha shaqada ay qabaneyso, inta aan hurdeyno unugyada maskaxda way kala nafisaan ama kala fidsamaan 60%, taasoo fududeneyso inay bannaanka usaarto sunti ku uruursaneyd dhexdeeda. Marka ay hurdadu nagu yaraato ama aan dhafarka badsanno maskaxdeenu ma awooddo inay si sax ah ugudato shaqadaas, haddii dhafarku dheeraadane suntaas waxa ay keeneysaa dhaawac inuu soo gaaro maskaxdeena.

Intaas kaliya ma ahane cilmi-baaris 2017 soo baxday waxaa lagu sheegay in hurda yaridu ay keento in unugyada loo yaqaan astrocytes ay isticmaalaan qaar ka mid ah meelaha ay dareemayaashu ku kulmaan (synapses), taasoo micnaheedu yahay in maskaxdeenu iyada is cuneyso. Sidoo kale cilmi-baaris taa ka sii horreysay oo soo baxday 1997, waxaa lagu sheegay in hurda yaridu ay keento kor ukaca heerka hormuunka loo yaqaan Cortisol ee dhiiggeena (hormuunka welwelka/stress ka).

Ugu dambeyn waxaan ardayda iyo da’yarta kale ee dhafarka badan sameeya kula dardaarmayaa in celcelis ahaan 24ki saac ugu yaraan looga baahanyahay inay hurdaan ku dhawaad 8 saacadood, shardi ma ahan inay 8 saacadood noqoto balse waa ku dhawaad, weliba waa inay habeenki waqtiga hore saacado ka mid ah ku jiraan, ma ahan sida dadka qaar ay u maleeyaan in habeenki uu dhafro dabadeed maalinti uu seexdo, taasi waxba ma soo kordhineyso oo dhafarki wax ma dhaanto.

Tuesday, 18 July 2023

ASPARTAME: KHATAR CAAFIMAAD OO CUSUB

Jimcihi aan soo dhaafnay 14ka Luulyo 2023, ururka caafimaadka adduunka waxa uu daabacay warbixin cilmi baaris ah oo ay sii daayeen guddiga isku-dhafka khubarada ee waxyaabaha cuntada lagu daro Joint Expert Committee on Food Additives (JECFA), oo ku saabsanaa maaddada wax lagu maceeyo ee ASPARTAME iyo xiriirka ay la leedahay kansarka. Guddigaas (JECFA) waxa uu ka koobanyahay WHO, wakaaladda caalamiga ah ee cilmi-baarista kansarka (IARC) iyo hey’adda FOA. Warbixintan cusub ayaa waxa ay keentay in Aspartame uu kazoo muuqdo liiska waxyaabaha kansarka keena  (IARC Group 2B) eeg sawirka hoose.

Aspartame hazard and risk assessment results released (who.int)

Waxyar haddii aan dib umilicsado taariikhda maaddadan ASPARTAME, waxaa marki ugu horreysay soo saaray sanadki 1965 khabiir kiimikada ah oo ushaqeynayay shirkadada dawooyinka ee Searle laguna magacaabi jiray James M. Schlatter, isagoo cilmi-baaris ku sameynayay soo saarista dawo la dagaalanta boogaha, waxa uu isku daray laba amino-acid

(Aspartic acid iyo Phenylalanine), dabadeed isku jirka soo baxay ayuu dhadhamiyay, waxaana usoo baxay wax aad uga macaan sokorta (200 jibbaar), waxa ayna arrintaas horudhac unoqotay soo saarista maddada ASPARTAME oo ah waxyaabaha cuntooyinka iyo cabitaannada lagu maceeyo (artificial sweeteners).

Laba sano kaddib sharikadda Searle waxa ay bilawday cilmi-baarisyo ay uga golleedahay iney ku caddeyso in ASPARTAME aanu waxyeelleyn caafimaadka bani aadamka. Cilmi-baariyadaas oo ay wadday muddo 5 sanadood ah. Ugu dambeyn bishi February 1973 ayey ugudbisay hey’adda cuntada iyo dawooyinka (FDA) codsi ay ku codsaneyso in loo oggolaado isticmaalka ASPARTAME. Codsigaas waxaa la socday in kabadan boqol cilmi-baarisyo oo caddeynaya inuu aamin yahay wax soo saarkeeda cusub, wax dhib ahne aanu bani aadamka u keeneyn. Sanadki 1974 ayey FDA siisay ASPARTAME oggolaanshihi ugu horreeyay, waxaase arrintaas ka horyimid seynisyahanno badan oo si madax bannaan usameynayay cilmi-baarisyo arrintaas ku saabsan, iyagoo sheegay in ASPARTAME uu keeno khataro caafimaad oo fara badan, balse waxa ay FDA jawaabteeda ku soo koobtay in awooddeeda dhanka resources ka ah darted aaney awoodin in dib umuraajaceyso warbixinnada ay shirkadda Searle ka sameysay ASPARTAME, sidaa darteedne waxa ay amar dul dhigtay shirkadda Searle inay heshiis la gasho urur ay leeyihiin midowga jaamacadaha mareykanka oo loo yaqaan (UAREP).

Sanadki 1978 ayuu (UAREP) soo saaray warbixin ka kooban 1062 bog oo ka hadleyso ASPARTAME, waxa uuna gunaanadki sheegay in maaddadan ay aamin tahay oo bani aadamku isticmaali karo. Dood cusub oo markale hawada isku sii shareertay ayaa waxaa soo baxay seynisyahanno cusub oo madax bannaan, baaritaannadooduna ay ku soo uruureyso in maaddadan aspartame ay waxyeello caafimaad keeneyso, waxeyna FDA ku eedeeyeen inaaney daacad ka aheyn arrintaas, UAREP ne aaney khibrad arrintaas ku saabsan aaney laheyn.

1980 waxaa la sameeyay gole la taliyayaal ah oo (PBO) loo soo gaabiyo magacooda, waxaana xubno ka ahaa seynisyahanno madax bannaan iyo kuwo shirkadda ka tirsan balse lagu kalsoonyahay, waxa ayna ugu dambeyn soo saareen warbixin nuxurkeedu ahaa in maaddada Aspartame ay waxyeello dambe ugeysan karto xubno ay ka mid tahay maskaxda bani aadamka sida inuu ku dhaco kansarka maskaxda, waxeyna ku taliyeen inaan la oggolaan isticmaalkeeda. Balse waxaas oo dhan waxba lagama soo qaadin waxa ayna FDA oggolaansho buuxda siisay shirkadda Searle bishi Luulyo 1981, taasoo noqotay fadeexad ilaa maanta dooddeedu ka taagantahay mareykanka, taasoo siyaasad dabada kula jirtay, waayo sanadki 1977-85 waxaa shirkaddan CEO ka ahaa Donald Rumsfeld oo aad wada taqaanaa. Haa waa isaga waa nin kii wasiirka gaashaandhigga mareykanka ahaa markii Ciraaq lagu duulayay 2003, waxaa kale oo uu saameyn ku lahaa maamulki madaxweyne Regan, waxa uu maamulka sare ee shirkadda ku soo daray siyaasiyiin waaweyn oo Washington awood ku lahaa. Waqtigiisi waxey FDA oggolaatay in Aspartame loo isticmaali karo cunnooyinka. Intaas kaddib waxaa ku soo xigsatay wakaaladda reer yurub uqaabilsan badbaadada cuntada ee (EFSA) loo soo gaabiyo oo iyadane oggolaatay Aspartame.

Tan iyo waqtigaas waxaa jiray xarumo cilmi-baariseed iyo seynisyahanno madax bannaan oo cilmi-baarisyo ku sheegay khatarta ay leedahay maaddadan aspartame, waxaase markasta ka hor imaanayay xarumo kale oo ay maalgeliyaan sharikadaha soo saara cunnooyinka iyo cabitaannada maaddadan lagu daro.

Sanadki lasoo dhaafay 2022, jaamacad ku taala dalka faransiiska oo lagu magacaabo Sorbonne Paris Nord waxa ay soo saartay cilmi-baaris socotay 9 sanadood ayna ka qeybgaleen boqol kun oo qof kuna saabsaneyd maaddadan Aspartame, waxey ku sheegeen khatarta maaddadan iyo xiriirka ay la leedahay noocyo kala duwan oo kansarka ku dhaca bani aadamka.

Artificial sweeteners and cancer risk: Results from the NutriNet-Santé population-based cohort study | PLOS Medicine

Sidoo kale Mac-hadka Ramazzini Institute ee dalka taliyaaniga ayaa isagane tijaabooyin uu ku sameeyay kumannaan jiir (dooli) ah waxa uu sanadihii 2006-2007 ku sheegay in aspartame ay ku keentay dooliyaashi lagu tijaabiyay noocyo kala duwan oo kansarka ah, khatartaas oo bani aadamkuna la qabo isticmaalkiisa joogtada ah dabadeed.

Aspartame and cancer – new evidence for causation | Environmental Health | Full Text (biomedcentral.com)

Dhammaan warbixinnadan ay soo saareen xarumahan kala duwan waxa ay ka mideysanyihiin khatarta aspartame, waxaana si isku mid ah uga hor imaanayay Loopy yada ay maalgelinayaan sharikadaha cuntooyinka iyo cabitaannada ku dara aspartame, sida (American Beverage).

Su’aasha maskaxdeena usoo degdegeyso ayaa ah: haddii maaddadan dooddeedu soo socotay in ka badan 40 sano, waxyeelladeedane laga hadlayay sidee waddamadii waaweynaa ee dunida sida Mareykanka u oggolaadeen in dalalkooda lagu isticmaalo? Jawaabta oo kooban waa arrimo dhaqaale iyo siyaasad is wata.

Qaar kamid ah cuntooyinka lagu daro Aspartame:

Cabitaannada iyo cuntooyinka diet ama sugar free ama low/zero calories lagu soo qoro waxaa lagu soo daraa aspartame, sida:

Cabitaannada: Diet Coke, Coke Zero, Diet Snapple, Fanta Zero, Sprite Zero, Crystal Light, ….

Waxyaabaha sida sokorta wax loogu darsado: NutraSweet, Equal and Sugar Twin.

Xanjada sida: Trident, Extra, Wrigley’s, Mentos gum.


W
axyaabaha Gelatin ka ku jiraan sida: sugar-free Jell-O, Royal Gelatin.

Xataa maaddadan waxaa lagu daraa dawooyin badan, sida kuwa qufaca, xasaasiyadda, qallalka, kuwa dhimirka iwm.

Haddaba maaddadan nolosheena meela kala duwan ka soo geli karta waxa ay leedahay heer lagu badbaadayo oo xaddigaas wixi ka yar khatarteeda aan kaga badbaadi karno, sida ay ku caddeysay hey’adda caafimaadka adduunka warbixinteedi jimcaha, wixi ka yar 40mg/kg/day, taas oo micnaheedu yahay halki kilo oo miisaankaaga ah waxa uu maalinti qaadan karaa 40mg oo asparte ah.

Tusaale ahaan: haddii miisaankaagu yahay 70kg, jirkaagu waxa uu maalinti maaddadan ka qaadan karaa 2.8g (70x40=2800mg).


Sideen ku fahmi karayaa cuntooyinka, cabitaannada ama xataa dawooyinka aan qaadanayo inaaney ku jirin aspartame?


Ka hor inta aadan iibsan wax soo saarka aad rabtid akhri waxyaabaha laga sameeyay ama lagu daray, Aspartame maku jirtaa? Waxaa jira siyaabo kale oo warshadaha qaar ay isticmaalaan oo aan aheyn magaca maaddada sida: E951, INS 951, sweetener 951 dhammaantood waa isla aspartame.





Gebagebada qoraalkeyga waxaan kaga jawaabayaa su’aashi aan horay usoo marnay waana arrimo dhaqaale. Hal tusaale aan soo qaato cabitaannada diet ka loo yaqaan keliya waxay sanadki soo saaraan lacag dhan $430 bilyan oo dollar, 95% cabitaannadaas waxaa lagu daraa aspartame. Wax soo saarka guud ee aspartame sanadki waa 3000 ilaa 5000 mitric ton, waxaana lagu daraa in kabadan 5000 oo isugu jira cunto, cabitaan iyo waxyaabaha lagu macaansado. Iyadoo taa jirto waxa ay leeyihiin loopy yo udagaallama oo saameyn ku leh siyaasadaha dawladaha, waxaana adkaatay in sanadahaas dheer wax laga beddelo, balse wixi hadda ka dambeeya sharikadaha waa weyn ee isticmaala maaddan waxaa ku furmi doona ololeyaal maxkamadaha hortooda ka dhaca oo ganaaxyo waaweyn ay kala kulmi karaan. Caafimmadkaaga adigaa ka masuul ah, ee marka hore iska akhri waxa aad cuneysid.


Sunday, 16 July 2023

CAAFIMAADKAAGA DARTIIS!

Kacaanka tiknoolajiyada ee dunida dhan qabsaday waxa uu horseed unoqday horumar dhan kasta ah inuu ku tallaabsado aadanaha, waxkasta oo fiicanne waxa ay yeelan karaan weji qarsoon oo dhankiisa xun ah. Dunidiiyoo dhan la wada hayaan, oo waa kaas ninba dhiishiisa buuxsaday oo waa la is dhaafay, waxaase gees ka gees dunida laga wada dareemay in carrigiiyoo dhan uu tuulo yar noqday, cid wax ka qarsanyihiine aaney jirin, tani waxa ay keentay in dadyowga nugul ee dowladahoodu laheyn shuruuc adag ama nidaam adag oo noloshooda wixi dhibaya hor istaagayo ay wajahaan waxyeelada ugu badan ee laga dhaxlay kacaanka tiknoolajiyada.

Waxyaabaha uu kacaankan sare uqaaday waxaa ka mid ah habka suuq-geynta oo waa cusub usoo bidhaamay, waxkastane adigoo gurigaaga dhex jooga moobilkaaga laguugu soo gudbiyo, weliba dalabkaaga gurigaaga laguugu keenayo, wax xun iyo wax fiican, wax caafimaadkaaga dhibayo iyo wax ufiican intaba. Tani waxa ay kaalin weyn ka cayaartay in nolosha soomaalida ee miyiga iyo magaalada ay isku mid noqoto, cunnooyinki caafimaadka ufiicnaa ee dalka laga heli jirayne ay in badan booska ka riixatay cunto dibadaha nagaga timid, tiiyoo ay jirto ayaa badankeen aaney isweydiin waxa aynu soo iibsaneyno halkuu ka yimid, muxuu ka sameysanyahay, muxuu dhib iyo dheef u leeyahay caafimaadkeena?


Cunnooyinka diyaarsan iyo kuwa fudud ee aan ku wehsanno, amaba si aan reer magaalnimo umuujinno aan aad ugu laalaabanno waa sun aan gacanteenna ku cabeyno, lacagteenana ku soo iibsaneyno iyadoon cidi na qasbin.




Haddii aan wax ka tilmaamo dhibaatada caafimaad ee laga dhaxlo cunnooyinka fudud oo la joogteeyo waxaa ka mid ah:

       a.      Xanuunka Macaanka (sokorow) nooca 2aad

       b.     Cayilka ama miisaanka badan

       c.      Caloosha oo adkaato (calool fadhi), constipation

       d.     Kolistarool

       e.      Dhiig kar

       f.       Xanuunnada wadnaha iyo maskaxda ku dhaca (sida; xididdada wadnaha/maskaxda oo xirma)

       g.     Insulin ta dhiigga la socota inuu jirka iska caabiyo (insulin resistance)

       h.     Xanuunno maskaxda la xariira sida; niyad jabka iyo madax xanuun joogta ah

       i.       Xanuunnada ilkaha iyo afka ku dhaca sida, suuska iwm

Intaas waa uun tusaale yar oo ka mid ah dhibaatooyin tira-beel ah oo laga dhaxlo cuntooyinka fudud ee sida joogtada ah loo isticmaalo. Qofkasta oo inaga mid ahne waaya aragnimadiisa ayaa ku filan inuu hareerihiisa eego, isla markaana qiimeeyo sida uu unoolyahay isaga, qoyskiisa iyo deriskiisa iyo xiriirka uu hab-nololeedkooda la leeyahay caafimaadkooga.

Sababaha keeni kara in qofka bani aadamka ah uu ka hari waayo amaba qabatimo cuntooyinka fudud way badanyihiin, mujtamac kastane mid usii gaar ah baa jiri karaya, waxaase ugu caansan oo dunidoo idilne nala qabtaa:

     1.     Qofka keligii nool islamarkaana shaqeeya (waqti uma helayo cunto Karin, lacagne wuu heystaa)

    2.     Labada qof ee isqaba oo shaqo wada aadaya (waxaa yaraanaya jaaniska ay cunto ku karsadaan lacagne way heystaan)

    3.     Xayeysiisyada waalida ah ee sida joogtada ah loogu sameeyo goobaha diyaariya cunnooyinka fudfudud

    4.     Aqoon darri la xariirta waxyeelada ay leedahay cuntooyinka fudud

    5.     In dadka qaar aaminsanyihiin reer magaalnimaduba inay tahay hadba intaad kaga badantahay kuwa kale maqaaxiyaha ama goobaha lagu caweeyo amaba cunnooyinka fudud lagu diyaariyo.

   


      6.     In cuntooyinka caafimaadka leh badanaa u baahanyihiin diyaarin iyo Karin, dad badane ay ka caajisayaan ama ka faanayaan iyo kuwo kale oo badan.






Ugu dambeyn CAAFIMAADKAAGA DARTIIS iska eeg waxa aad cuneyso amaba cabeyso faa’iido iyo khasaaro waxa uu kugu keeni karayo, hab nololeedkeenane waa waxa ugu weyn ee isbeddel ku keena caafimaadkeena.

Thursday, 13 July 2023

MARKA HORE ISKA HUBI!

 Xawaaraha sare ee ay ku socotay tiknoolajiyada labaatanki sano ee lasoo dhaafay waxa ay meesha ka saartay waxyaabo tiro beel ah oo ku lammaannaa nolosheena dhan kasta oo laga eego, waxa ay saameyn ku yeelatay xataa hab fikirkeena, shaqadeena, waxbarashadeena, xiriirkeena, korriinshaheena maskaxeed iyo mid jireedba iwm.


Soo if baxii baraha bulshadu ku xariirto waxa uu ku bilowday hab u eg ilmo yar oo hadda dhashay, korriinshihiisane maalinba waxyar ku kor dhayaan, balse markuu soo adkaado jirkiisa oo uu soo gaaro da’da waxbarashada uu korriinshiisu xawaare sare ku bilowday, haddaba baraha bulshada maanta waxa ay marayaan waqtigii qaangaarka, badankeen waxa aan mareynaa heer aanan ka maarmin ilbiriqsi yar, oo inagoon is ogeyn aan hal taabasho ku dhex tagno gudahiisa, qaarkeene uu maan maray ilaa heer noloshoodi gaarka aheyd ay dhexgeeyeen barahaas lagu wada jiro.


Aan usoo laabto dulucda qoraalkeygee, arbacadi todobaadki hore 05 ta Luulyo 2023 waxaa in ka badan 100 dal oo adduunka ah mar qura qabsaday nooc kale oo baraha bulshada ka mid noqday waa Meta Threads, waxaana iska leh sharikadda facebook, whats App iyo Instagram iska leh ee Meta.

Durbadiiba waxaa ku yaacay malaayiin qof oo adduunka kala jooga, sida uu sheegay milkiilaha ahna madaxa ugu sarreeya Meta Mark Zuckerberg, applicataion kan cusub waxa uu gaaray 30 milyan oo qof inay la soo degaan wax ka yar 24 saac, taasoo ah rikoor cusub oo baraha bulshada u ahaan doono dhigane kale. Tiradaas 30 ka milyan ah waxa ay ku qaadatay Instagram ka inuu gaaro 15 bilood, halka Tiktok uu ku gaaray ku dhawaad 2 sanadood. Tirada dadka ku biiraya threads waxa ay ku socotaa xawaare sare, waxa uuna shantiisi maalin ee ugu horreeyay kor udhaafay 100 milyan oo qofood.

Haddaba su’aasha waxa ay tahay: maxaa saacidaya xawaaraha uu ku socdo Meta Threads? Waxaa jira waxyaabo fara badan oo qeyb ka ah xawaaraha ay ku bilaabatay bartaas cusub, waxaanse si gaar ah u tilmaamayaa laba qodob oo laf dhabar u ah arrintan.

Qodobka koowaad waa saluug ay dad badan ka muujiyeen Twitter ka oo maamul xumo baahsan la soo if baxday tan iyo markii uu la wareegay maalqabeenka madaxa adag ee Elon Mask. Saluuggaas waxa uu meeshiisi ugu sarreysa gaaray 01 Luulyo 2023, kaddib markii uu soo saaray in si KMG ah wax looga bedelay inta post uu maalinti arki karo qofka leh akoon twitter ah, isaga oo dadka heysta twitter blue tick sheegay inay arki karaan 6000 oo post, dadka aan laheyne ay keliya arki karayaan 600 maalinti. Arrintan waxaa ka dhashay guux fara badan iyo caro, afar maalin kaddibne waxaa ku soo aaday soo shaac bixii Meta threads, taasoo dad badan oo twitter ka careysnaa nafis ka dhigteen application kan cusub.

Qodobka labaad waa in sharikadda iska leh Meta threads ay leedahay isla baraha bulshada ee ugu waaweyn adduunka, gaar ahaan snapchat, oo qof kasta oo koonto ku leh uu si sahlan usoo degsanayo meta threads oo aaney uga baahneyn juhdi inuu geliyo, taasne waxa ay keentay in malaayiin qofood oo snapchat lahaa si fudud ku sameystaan bogag threads ah.

Haddaba su’aasha meesha taal ayaa ah mala aamini karaa Meta threads?

Marka laga eego xogta faraha badan ee ay macaamiisheeda ka uruuriso sharikadda iska leh dhammaan barahaaan bulshada ee wada socda (threads, facebook, snapchat, whats app) waa mid aan caqligal aheyn, waxa ayna la wadaagtaa sharikadaha internet ka wax ku xayeysiista oo lacag fara badan kaga sameyso. Xogtaas adiga laguma weydiisan, mana ogid xilli lagaa helay balse waxaa lagaa ogyahay in ka badan inta aad iska ogtahay, waxaa xataa laga warhayaa waxyaabaha aad jeceshay, xaaladdaada caafimaad, meelaha aad tagtid, asaxaabtaada gaarka ah, faamilkaaga iwm.














Tani ma ahan wax lala yaabo oo dhammaan sharikadaha leh bogagga internetka ama baraha bulshada kale sida twitter way sameeyaan sidan, balse sharikadda Meta xogta ay ka uruuriso macaamiisheeda ma jirto sharikad kale oo heerkaas gaarsiisan, waana sababta waddamada ku jira midowga yurub ilaa hadda aan loo fasaxin application ka cusub ee Meta Threads, waayo waxa ay leeyihiin hey’ad ilaalisa xuquuqda macluumaadka gaarka ah loona soo gaabiyo GDPR(The EU general data protection regulation), waana isla hey’addii sharikadda Meta horay ugu xukuntay ganaax lacageed oo gaaray 1.2 Bilyan Euro bishi April 2023.

Meta threads waxaa horba lagu dhejiyay naaneysyo cusub sida twitter killer iyo privacy nightmare, waxa ayna sharikadda iska leh dejisay qorshe cajiib ah oo dadka mar soo degsada haddii xataa ay koontadooda tirtiraan aaney xogtooda u lumeynin, keliya qofka waxa uu xogtaas ku baabi’in karaa inuu isagana meesha ka saaro koontada Instagram ka ah oo uu leeyahay, taasoo ay adagtahay in dad badani si sahlan ku baabi’iyaan koontooyin ay sanado badan soo kobcinayeen, qorshahaas waxa ay Meta ugu talogashay in bartan cusub aaney noqon wax mar qura lagu soo yaaco, dabadeed marki laga xiiso dhigane dib looga gurto.

Haddaba gunaanadka qormadan akhristow baraha bulshada gebi ahaantooda iyo xataa bogagga kale ee aan si maalinle ah u booqanno ama aan macluumaad ka raadsanno waxa ay si joogto ah nooga uruuriyaan xogo fara badan oo inagoon is ogeyn aan ugu deeqno bogaggaas, waxaana loo adeegsan karaa waxkasta oo ay doonaan, xataa halis ayey gelin karaan nolosheena, sidaa awgeed adigoo ku talagalay in xogtaada aad faafisid gal inta aad hadhow dhihi laheyd waa leyga xaday, haddii aad rabtid inaad si nabad ah ku dhex mushaaxdid bogoggan internet ka ee faraha badan dib isku xisaabi, oo xataa e-mailkaaga shakhsiga ah ha u adeegsan inaad bog internetka ah isaga diiwaangeliso, ee usameyso e-mail ugaar ah bogagga internetka inaad ku isticmaashid iyo mid kale oo kaagii shakhsiga ahaa. Si adag uhubi waxkasta oo aad gelineysid internetka, xataa marki uu ku weydiiyo mobilkaaga ama kumbiyuutarkaaga inaad oggolaatid barnaamij hebel horay haka oggolaanin ee baar waxan maxey yihiin? Muxuuse kuu soo kordhinayaa? Haddii aan iska diidane maxaan weynayaa?. MARKA HORE ISKA HUBI, hubsiimo hal baa la siistaaye.

Wednesday, 3 May 2023

MARKUU TUUGGU YAHAY MID SHARAF LEH!

Weligaa ma aragtay tuug sharaf leh?

Qisadan waxaa qoray gabyaa ahna qoraa udhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Mirza Adeeb, oo geeriyooday 1999, sheekadanne waxa uu ku qoray buuggiisa Almisbaax.

 Waxa uu yiri:

Lixdameeyadi ayaa waxaan shaqo u aaday New Delhi, maalin maalmaha kamid ah ayaan baska kasoo degtay, jeebaddeyda ayaan baarbaaray, waxaan garowsaday in la ixaday, jeebka waxaan ku watay oo qura waa 9 Rubbi (lacagta Hindiya) iyo warqad baqshadeysan oon uqoray hooyadey, warqadda waxaa ku qornaa: “… hooyo macaan, shaqadi ayaa leyga soo ceyriyay, mana awoodo inaan bishaan kuu soo diro 50 ki Rubbi ee aan kuu soo diri jiray …”.

Warqaddaas waxaan jeebka ku waday seddex maalmood anigoo raja ka qaba inaan ku diro wixi lacag iisoo hara, inkastoo sagaalki Rubbi ee la iga xaday aaney waxba ku toorneyn, haddane qof shaqada laga soo ceyriyay, kisti yareydne laga xaday waxa ay uga dhigneyd sagaal kun oo Rubbi!!

Waxa ay maalmuhu is daba guraanba, waxaa isoo gaartay warqad ay iisoo dirtay hooyadey… waan baqay bilowgi anigoo hoosta iskala hadlaya oo leh: kisti yareyd ayey ku weydiineysaa, balse markaan farriinti akhriyay waan la anfariiray, waayo waxaa ku qornaa mahadnaq iyo duco, iyadoo igu leh:

“waxaa isoo gaaray 50 ki Rubbi ee aad xawaaladda iigu soo dirtay, wiilkeygiyow maxaad inan fiican tahay, lacagta waqtigeedi baad iigu soo dirtay mana aadan ka dib dhicin, inkastoo shaqada lagaa ceyriyay, waxaan kuugu duceeyay inuu Alle kheyrka ku waafajiyo arsaaqadane kuu waasiciyo …”.


Maalmo ayaan la amakaagsanaa farriinta hooyadey… waa kuma qofka lacagta udiray hooyadey?! Maalmo dabadood waxaa isoo gaartay farriin kale oo ku qoran far si dirqiya aan ku akhriyay, waxaana ku qornaa:

“Waxaan cinwaankaaga ka helay warqaddi ku jirtay baqshadda, sagaalkaagi Rubbi ne waxaan ku daray 41 Rubbi oo aan horay u keydsaday, waxaana udiray hooyadaa, anigoo raacayaa cinwaanka warqadda ku qornaa…. Dhab ahaanti waxaan ka fakaray hooyadey iyo hooyadaa, markaas baan is dhahay: maxey hooyadaa baahi ugu seexaneysaa anigane aan dambigaaga iyo keedaba dusha usaaranayaa?.  Salaan iga guddoon… waxaan ahay saaxiibkaagi baska kugu dhex xaday ee isaamax”!

Waa yaab, mararka qaar waxaad la kulmeysaa tuugo in badan ka sharaf badan kuwa isku sheega akhyaarunaas, ama afka baarkiisa ka dhaha hadallo wanwanaagsan dhaqankise aan heynin!.

Tuesday, 4 October 2022

HAKU CAYAARINA QAXWADA!

 

Macalin jaamacad wax ka dhigayay muddo dheer ayaa howlgab ka noqday shaqada jaamacadda, waxa uu caadeystay in muddo kaddib ba uu ku casuumo gurigiisa hal dufcad oo ka mid ah ardaydiisi jaamacadda kaddib marka ay waxbarashada dhammeeyaan sanado badan kaddib, oo ay guulo waaweyn ka gaareen noloshooda, qaarkoodne ay xilal sare qabteen ama ay degenaasho fiican gaareen. Salaan is bariidin iyo ismarxabbeyn kaddib qof kasta oo ardaydiisi ka mid ah waxa uu bilaabay inuu ka cawdo cadaadiska shaqada iyo nolosha oo ku keenay welwel iyo walbahaar.

Macalinki ayaa bannaanka usoo yara baxay, dabadeed waxa uu soo laabtay isagoo sida jalamad weyn oo qaxwo ah, iyo koobab nooc kasta iyo midab kasta isugu jira:

-         Koobab dhalo ah,

-         Kuwo dhoob ah,

-         Kuwaa caag ah, iyo

-         Kuwa qaali ah oo ka sameysan crystal.



Koobabka qaar aad bay u qurxanaayeen midab ahaan iyo qaab sameysan ahaanba oo way ka muuqatay inay qaali ahaayeen, halka kuwa kale ay ahaayeen kuwa laga heli karo guryaha dadka saboolka ah.

Macalinkii ayaa ardaydiisi ku dhahay: soo dhawaada, qofkastane koob qaxwo ah ha soo shubto, marki qofkasta uu koobkiisi qaxwada ahaa soo qaatay ayuu macalinki markale dhahay: ma dareenteen koobabka qurxan keliya inaad doorateen? Oo aad ka fogaateen koobabka caadiga ah? Waa caadi in qof kasta oo idinka mid ahi uu u hanqal taago wixi fiican, tani waa waxa idinku keenaya welwelka iyo walaahowga. Waxa aad dhab ahaan ugu baahneydeen waxa uu ahaa qaxwada ee ma aheyn koobka, balse waxaad lasoo wada boodeen koobabka qaaliga ah, dabadeed waxaan arkay in mid kasta oo idin ka mid ahi uu sheedda kala socday koobka uu heysto kan kale. Haddii noloshu ahaan laheyd qaxwada; shaqada, maalka iyo meeqaamka bulshada aad ku leedihiine waa koobabka, oo waa uun alaab ama maacuun gudaheeda ay ku jirto nolosha. Nooca noloshuna (qaxwada) isma beddeline waa sideedi.

Marka aan xoogga saarno keliya koobabka waxaan lumineynaa fursadda inaan ku raaxeysanno qaxwada, sidaa awgeed waxaan idinkula talinayaa inaadan muhiimmadda siinin koobabka ee taa beddelkeeda ku raaxeysta qaxwada.

 Casharka kowaad ee maalintaas ay ardaydaas barteen:

Inaad eegtid dadka kale waxa ay heystaan waxa uu kaa luminayaa inaad ku raaxeysatid waxa aad heysatid. Haddii aad aragtid qof heysta waxa aad heysatid wax ka qurxan ama ka fiican laga yaabee in loogu beddelay wax laga hoojiyay (uusan heysan), illeyn guryahu waa sir duugan, dadkuna waa sanaadiiq qufulan.

 Casharka labaad:
Mushkiladda dadka casrigan nool waa in halbeegga wax la’aanta ay uyaqaanaan hanti/maal la’aan, ciddi maal heysatane nasiib badantahay, ciddaan heysanne la hoojiyay. Waa sax maalku waa waxa kala socodsiinaya ama dhaqaajinaya taayarka nolosha, balse ma ahan noloshi lafteedi, waxa uu kuu oggolaanayaa inaad nolol xasilan oo buuq la’aan ah aad ku noolaatid, balse keligii kuma filna inuu kaa dhigo mid ku nool waxa ugu quruxda badan nolosha, taasi lama iibsan karo, maalkuna agteeda sabool ayuu ka noqonayaa.

 Nolsha saxda ahi waa:

o   Lamaane naxariis badan oo ku jecel,

o   Saaxiibbo daacad ah,

o   Carruur caafimaad qabta, baarriyaal ah oo caqlina badan,

o   Duco waalid (hooyo) oo aroorti ku soo gaarta,

o   Xabbad kibis (muufo) ah oo xalaal kuu ah,

o   Guri ku astura oo aad jaceyl ku heysatid.

Noloshu waa taas, lacagne laguma iibsan karo.

 Casharka seddexaad:
Waxaan aad u daneynaa wadiiqada waxaana dayacnaa yoolka, sidaa waa dabciga aadanaha waqtigan aynu joogno, waxa ay daneeyaan:

֍  Barkinta in kabadan inta ay daneeyaan hurdada lafteeda,

֍  Isbitaallada in kabadan caafimaadka,

֍  Dugsiyada in kabadan waxbarashada,  

֍  Wax isgaarsiinta in kabadan is xariirinta.

 HAKU CAYAARINA QAXWADA!

 Xigasho: Joornaalka Almjhar