Weligaa ma aragtay tuug sharaf leh?
Qisadan waxaa qoray gabyaa ahna qoraa udhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Mirza Adeeb, oo geeriyooday 1999, sheekadanne waxa uu ku qoray buuggiisa Almisbaax.
Waxa uu yiri:
Lixdameeyadi ayaa waxaan shaqo u aaday New Delhi, maalin maalmaha kamid ah ayaan baska kasoo degtay, jeebaddeyda ayaan baarbaaray, waxaan garowsaday in la ixaday, jeebka waxaan ku watay oo qura waa 9 Rubbi (lacagta Hindiya) iyo warqad baqshadeysan oon uqoray hooyadey, warqadda waxaa ku qornaa: “… hooyo macaan, shaqadi ayaa leyga soo ceyriyay, mana awoodo inaan bishaan kuu soo diro 50 ki Rubbi ee aan kuu soo diri jiray …”.
Waxa ay maalmuhu is
daba guraanba, waxaa isoo gaartay warqad ay iisoo dirtay hooyadey… waan baqay
bilowgi anigoo hoosta iskala hadlaya oo leh: kisti yareyd ayey ku weydiineysaa,
balse markaan farriinti akhriyay waan la anfariiray, waayo waxaa ku qornaa
mahadnaq iyo duco, iyadoo igu leh:
“waxaa isoo gaaray
50 ki Rubbi ee aad xawaaladda iigu soo dirtay, wiilkeygiyow maxaad inan fiican
tahay, lacagta waqtigeedi baad iigu soo dirtay mana aadan ka dib dhicin,
inkastoo shaqada lagaa ceyriyay, waxaan kuugu duceeyay inuu Alle kheyrka ku
waafajiyo arsaaqadane kuu waasiciyo …”.
Maalmo ayaan la amakaagsanaa farriinta hooyadey… waa kuma qofka lacagta udiray hooyadey?! Maalmo dabadood waxaa isoo gaartay farriin kale oo ku qoran far si dirqiya aan ku akhriyay, waxaana ku qornaa:
“Waxaan cinwaankaaga ka helay warqaddi ku jirtay baqshadda, sagaalkaagi Rubbi ne waxaan ku daray 41 Rubbi oo aan horay u keydsaday, waxaana udiray hooyadaa, anigoo raacayaa cinwaanka warqadda ku qornaa…. Dhab ahaanti waxaan ka fakaray hooyadey iyo hooyadaa, markaas baan is dhahay: maxey hooyadaa baahi ugu seexaneysaa anigane aan dambigaaga iyo keedaba dusha usaaranayaa?. Salaan iga guddoon… waxaan ahay saaxiibkaagi baska kugu dhex xaday ee isaamax”!
Waa
yaab, mararka qaar waxaad la kulmeysaa tuugo in badan ka sharaf badan kuwa isku
sheega akhyaarunaas, ama afka baarkiisa ka dhaha hadallo wanwanaagsan
dhaqankise aan heynin!.
No comments:
Post a Comment