Monday, 31 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?

Qeybta seddexaad:

16ka nooc ee MBTI ka koobantahay:

    Waxa ay hoos imaanayaan afar qeybood kala ah:

               1.    Extraversion (E) - Introversion (I)

               2.    Sensing (S) - Intuition (N)

               3.    Thinking (T) – Feeling (F)

               4.    Judging (J) – Perceiving (P)

Qeyb kasta waxaa hoos imaanaya weydiimo mid kastaa ay wadato laba doorasho oo mid kastaa ay u taagantahay mid ka mid ah qeybaha afarta ah ee aan kor ku soo xusnay, dabadeed jawaabta kuugu habboon ee naftaada matasha ayaad dooraneysaa, markaad qeybtaas dhammeyso waxaad soo tirineysaa jawaabaha aad xulatay xaraf ka ugu badan ee ku hor qoran.

Tusaale:

Ø  Qeybta kowaad waxaa ugu batay jawaabahaaga xarafka E

Ø  Qeybta labaad waxaa ugu batay xarafka N

Ø  Qeybta seddexaad waxaa ugu batay xarafka F

Ø  Qeybta afaraad waxaa ugu batay xarafka J

Intaas kaddib xarfahaas ayaad isku qabaneysaa sidan oo kale: ENFJ, markaas waxaad heysataa nooca shakhsiyaddaada. Noocyadaas 16ka ah mid kastaa waxa uu leeyahay naaneys inta badan daba socota xarfaha la soo gaabiyay.

Waxaa hadda la helayaa imtixaanka shakhsiyaddaada aad ku ogaan kartid oo online ah, taasoo isla markaana ku siinayo jawaabahaaga natiijadooda. Qeybaha dambe ee qormadan waxaan ku soo qori doonaa linkiyo imtixaanka shakhsiyadda ah oo afafka carabiga iyo ingiriisiga ba ah, cid kastane afka uu garanayo ayuu isku tijaabin karaa.

La soco Qeybta 4aad

Friday, 28 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?


Qeybta labaad:

Muhiim miyaa inaan barto nooca shakhsiyaddeyda?

Waxaan in yar ka taabaneynaa muhiimadda ay inoo leedahay inaan baranno noocyada shakhsiyadeed ee aan leenahay ama kala duwanaashaha dabciyeed.

1. Waxey naga caawineysaa inaan fahamno nafteenna iyo dadka nagu hareereysan, waxaan baraneynaa sababta aan ugu kala aragti duwanahay waxyaabaha nolosha ku saabsan.

2. Waxa ay naga caawineysaa inaan soo ogaanno hababka kala duwan ee aynu wax u falaanqeyno ama u xallino. Sida inaan is weydiinno; Sideen ku noqon karaa mid farxad badan heysta? Sideen usameyn karaa xiriir wangaasan? Sideen nafteyda udhiiri gelin karaa si joogto ah? Iwm

3. Inaan baranno nooca shakhsiyadeed aynu nahay waxey naga caawineysaa inaan akhrino xaaladaha noocaas uu maro iyo hab dhaqankiisa ku aaddan waayaha nolosha, dabadeedne waxaan sii qiyaasi karnaa waxa uu noqon karo falcelinteenna xigta, taasoo naga caawineysa inaan isku dayno ka hortagga hab dhaqanka aanan fiicneyn ee shakhsiyaddaas leedahay.

4. Waxaad kala fahmeysaa meelaha aad ku fiicantahay iyo meelaha aad ku liidato, taasoo kaa caawineysa inaad sii adkeysid meelaha aad ku fiicantahay islamarkaana aad yara hagaajisid meelaha aad ku liidato.

5. Waxey kaa caawineysaa inaad ogaatid shaqooyinka aad ku habboontahay oo shakhsiyaddaadu kaa dhigeyso mid asaagiis ka dhex muuqda.

Makala fiicanyihiin noocyada shakhsiyadeed ee aadanuhu leeyihiin?

Ma jirto wax kala sarreyn ama fiicnaansho ah oo u dhexeeya noocyada kala duwanaashaha shakhsiyadeed ee 16 ka ah, mid kastane waxa uu leeyahay tilmaamo ugaar ah iyo waxyaabo cajiib ah oo dabeecadihiisa ka mid ah. Keliya waxaa loogu talagalay in qof kastaahi barto nooca uu yahay, sifooyinkeeda fiican, meelaha uu ku liito iwm, iyo tan dadka ku hareereysan ee shaqada ay wadaagaan ama uu la noolyahay amaba macaamil kala dhexeeyo.

La soco Qeybta 3aad


Tuesday, 25 January 2022

NAFTAADA BARO: ADIGU KUMAAD TAHAY?

Qeybta koowaad:

Muhiim miyaa inaan barto nooca shakhsiyaddeyda?

Kala duwanaashaha aadanaha waa wax dabiici ah oo lagu abuuray min Aadam iyo Xaawo, jirina doonto ilaa koonkan aan ku noolnahay lasoo gabagabeynayo, waa wax Eebbe weyne ugu talogalay inaan kaga faa’iideysanno nolosheena, waana qeyb weyn oo ka mid ah waxa aadanaha ku riixaya inuu mar walba isku dayo inuu siyaabo kala duwan iyo waxyaabo kala ceyn ah curiyo ama sahmiyo. Kala duwanaashada dabciga aadanaha waxaa aad udarsa qolooyinka barta ama ku xeel-dheer cilmunafsiga, waxaana jira xeel-dheerayaal waxbadan isku taxalujiyay inay noo soo bandhigaan inta nooc ee shakhsiyadeed ee aadanuhu leeyahay, waxaanse rabaa inaan qormadan qalinka la dul hoganno abla ableynta noocyada shakhsiyadeed ee loo yaqaan MBTI (Myers-Briggs Type Indicator).

MBTI waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan ee qiimeynta cilmunafsiga ku ogaadaan noocyada dabci ee aadanaha, waxa ayna si qoto dheer u baareysaa kala xulashada nafeed ee aadanuhu sameeyo, oo ay ku jiraan sida uu u arko caalamka ku hareereysan, sida uu ula falgalo iyo sida uu u qaato go’aannada noloshiisa khuseeya. 

Abla ableyntan iyo leyligeeda waxaa billawday Catharine Cook Briggs iyo gabadheeda Isabel Briggs Myers oo ku noolaa carriga Mareykanka bartimihi qarnigi 20aad. Briggs waxay la dhacday aragtiyo cilmiyeed (theory) ka hadleysa noocyada shakhsiyadeed ee dadka, taasoo ay goosatay inay cilmibaaris ka sameyso kaddib markii ay kulmeen ninka mustaqbalka guursan rabay gabadheeda Isabel, oo la oran jiray Clarence Myers. Waxay ogaatay in kala duwanaasho jirto sida ay adduunka u arkaan gabadheeda iyo ninka ay calmatay. Halkaas ayuuna ahaa ambaqaadka cilmibaaris sanado badan socotay, oo ay isaga dambeeyeen gabadh iyo hooyadeed.

La soco Qeybta 2aad


Thursday, 20 January 2022

WADIIQADDAN BUU WADDAN KU DHISMAA

Nin macalin ah baa ka sheekeeyay qisadan cajiibka ah, waxa uu yiri: maalin baa anigoo gaarigeyga kaxeysanaya waxaa ijoojiyay ciidanka nabadgelyada waddooyinka (Taraafiko), dabadeed waxaa ii yimid sarkaalki masuulka ka ahaa, waxa uu iweydiiyay rukhsaddi gaari wadidda (leysin) iyo dukumiintiyada gaariga, isagoo wejigeyga ka dhex eegaya muraayadda madow oo cadceedda laga xirto oo uu watay, waxaan udhiibay wixi uu iweydiiyay oo idil, kaddibne isagoo hadal deggen oo jilcan ku hadlaya ayuu igu yiri: Ustaad (MACALIN) suunka gaariga kuuma xirneyn. Waxaan ku dhahay: haa iima xirneyn.

Waxa uu iigu jawaabay: sow khalad ma ahan sidaas MACALIN?
Waxaan ku dhahay: haa waana qirsanahay khaladkeyga, waana mudanahay in la igula xisaabtamo khaladkaas.

Askarigii waxa uu bilaabay inuu diiwaangeliyo khaladka aan sameeyay, dabadeedne warqad buu ii jaray, waxa uuna igu yiri: waxaad tahay bare iyo ababiye.
Waxaan ku dhahay: haa
Waxa uu igu yiri: arday hadduu imtixaanka qisho ma u cafineysaa khaladkaas?
Waxaan ku dhahay: sharciga ayaan marsiinayaa.
Kaddib waxa uu ii dhiibay warqaddi ganaaxa aheyd, isagoo qoslaya ayuuna igu dhahay: MACALIN adigoo raali ah gaariga maka soo degen kartaa?


Waxa uu yiri macalinka: anigoo la yaabban kana labalabeynaya ayaan soo degtay, inta uu igu soo booday buu laabta igeliyay oo uu madaxa iga dhunkaday, iguna yiri: MACALIN waxaan ahay ardaygaagi hebel ahaa, adiga ayaa wax isoo baray, ma xasuusataa marki aan imtixaan ka qishay wiilkaaga hebel ah, dabadeedne aad labadayadaba naga qaadday xaashidi imtixaanka, kaddibne nagu ganaaxday inaad labadeenaba eber na siisay oo aniga iyo wiilkaagaba aad sharciga na marsiisay?!

Ilaa maalintaas waxaan bartay in sharciga loogu talagalay in lagu dhaqmo lana marsiiyo cidkasta xataa hadduu wiilkaaga yahay, maalintaas baan iska ooyay xishmad aan kuu hayo darteed, kana murugeysan inaad wiilkaaga sharciga marsiisay adigoon u aabayeelin, waxaadne ii aheyd tusaale aan ku daydo. Maantane MACALIN waa inaan sharciga ku marsiiyo, cid aan ka reebayo inaan marsiiyane ma jirto xataa wiilkeyga.

Macalinki waxa uu dhahay: illintii baan cishan waayay farxad darteed, sarkaalkani waxa uu ka mid ahaa ardaydaydii, waxa uuna gartay micnaha in sharciga la fuliyo, weliba waxa uu ku dadaalayay inuu illinta ceshado si aysan ugu dhibcin labiska ciidan ee uu xiranyahay.
Waxa uu jeebkiisa ka soo saaray xoogaa lacag ah waxa uuna igu yiri: MACALIN dhaar baan maray haddiyadeyda aqbal, macalinki waxa uu dhahay waan ka diiday, isagane wuu iga diiday, marki dambe waxa uu igu yiri: MACALIN sharciga waan kugu fuliyay balse lacagta ganaaxa anigaa dhiibaya, adiga waxaad tahay barbaariyaheygi, waalidkey iyo qofka aan ku daydo, markastane madaxa ayaa ii saarantahay, Macalinki waxa uu yiri: inaan diido ayaan isku dayay balse waxaa soo farageliyay sarkaal saaxiibkiis ah oo dareenkaas uu saameeyay, kaddibne waan iska baxay anigoo qiyaasi karin darednkeyga, illintuna iga hooreyso farxad darteed, kuna faanaya in gacanteyda ay soo saartay jiil aan khayaameyn dalkiisa iyo shaqada uu ummadda uhayo.

Taasi waa dhaxalka barbaariyaha fiican ee dadkiisa iyo dalkiisa daacadda u ah, waana waxa dhisa dal.

Xigasho




Thursday, 18 November 2021

QOFKA AAN WAX AKHRIN WAXBA MA DHEERA/KAMA DUWANA QOFKA AAN WAX AKHRIN KARIN

"Qofka aan wax akhrin waxba ma dheera qofka aan wax akhrin karin"
Mark Twain
Oraahdaa qiimaha badan waxaan kala dhex bixi karnaa waxtarka ay leedahay wax akhrinta, waqti uqoondey wax akhtinta, waxaad akhrin kartaa wax kasta.
Akhri takahsuskaaga, buugaagta sheekooyinka dad guuleystay, kuwa ka hadla horumarinta naftaada iyo xirfadaha aad ubaahantahay iwm.

Tusaale yar bilyaneerka Mareykan udhashay ee Waren Buffet waxa uu wax akhriyaa maalin kasta saacado udhexeeya 5 ilaa 6 saacadood isagoo akhriya in kor udhaafeysa 600 bog oo isugu jira buugaag, joornaalo iyo dukumiintiyo dhaqaalaha iyo maalgashiga khuseeya.
Bill Gates aasaasaha Microsoft waxa uu sanadki akhriyaa 50 buug taas oo udhiganta hal buug todobaadki.
Mark Zuckerberg waxa uu dhammeeyaa akhriska hal buug labadi todobaadba.


Sidoo kale dib ugu laabo culumadeeni waa weynaa sida imaamu Shaafici, Ibnul-jowzy iwm sida ay u aheyd wax akhrinta.
Aqoonta aynu leenahay 70%waxa aynu ku kasbanaa wax akhrin.

Dr. Daariq Al-suweydaan, daaciga reer kuweyt ee caanka ah waxa uu ku qoray silsiladda buugaagtiisa: sameynta aqoonta (صناعة الثقافة) buugga labaad ee magaciisu yahay: Sideen wax u akhriyaa (كيف أقرأ؟), cutubka 1aad, bogagga 39-42aad waxa uu ku qoray cinwaan magaciisu yahay: Yaa sameeya qof wax akhriya? waxa uu tixayaa shan jiho oo sameeya ruux wax akhriya, waxa uuna u qoray sidan:
1. Guriga: miisaaniyadda guriga, maktabadda guriga, wax akhrinta waalidka, sawirrada iyo leyliyada waxbarashada la xariira iyo aadista maktabadaha.
2. Iskuulka
3. Bulshada meel isla deggen
4. Maktabadaha iyo madbacadaha waaweyn
5.Warbaahinta

Qeybta hoose waxaan ku soo bandhigayaa tirakoobyo la sameeyay 2020/2021 oo ka hadlaya adduunka dadyowga ku nool sida ay ukala akhris badanyihiin iyadoo la eegayo celecelis ahaan saacadaha uu wax akhriyo halki ruux todobaadki, waxaan kaloo ku soo bandhigi doonaa mid kale oo ka hadlayo waddamada adduunka ee soo saaray/daabacay buugaagta ugu badan sanad gudahiis.


Thursday, 27 August 2020

ABABIYE

 BARBAARINTA TOGAN



Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 15aad:

FAHAMKA XANAAQA

Maxaa dhaliya xanaaqa carruurta qaangaarka ah?


b.    Nolosha qoyska:


1.    Xiriirka qoyska oo yar: ilmaha oo dareema inuusan xiriir fiican la laheyn qoyska, talo, tusaale iyo daryeel fiicanna ka helin qoyskiisa gaar ahaan labada waalid.


2.    Ilmaha oo guriga kala kulma gacan ka hadal iyo muquunin.


3.    Hab dhaqanka guriga ka jira oo dhiiri gelinaya gacan ka hadalka iyo ismuquuninta


t.    Deriska: derisnimada waa wax saameyn weyn ku yeelata bani aadamka, waana tan soomaalidu tiraa: 

  • Deriskaa diintiisuu ku baraa 
  • Deriskaa kuma caddeeyo kumana madoobeeyo ee sow yahay ayuu kaa dhigaa 
  • Deriskaa waa ilaalo aan laguu dirin 

Deriska oo fal dambiyeedku ku badanyahay waa arrinta ugu halista badan ee saameynta ku reebta da’da soo koreysa. Deriskaada oo aadan waxba ka dhihi karin waa wax dhalin kara xanaaq.


j.    Dugsiga iyo jaalkaa: waxyeellada ka dhalata labadan meel waa mid horseedda mararka qaar welwel fara badan. Xilliyo badan xiriirka aan dusha waalidku kala socon oo uu ilmuhu la sameeyo asaxaab ka weyn  waxa uu horseedaa dhaqan xumi iyo gacan ka hadal.


x.    Maandooriyaasha iyo hubka: ku lugyeelashada labadan arrin waa mid horseeda cawaaqib xumo aad u xun


kh.    Xilliga kala guurka ah ee dhalinyaranimada uu gelayo ilmaha: marxaladdan waxa uu waalid kasta u baahanyahay inuu barto isbeddellada ku imaanaya ilmihiisa si uu uga gudbo. Waalidku way adagtahay inuu fahmo ilmaha marxaladdan maraya waxaana badanaa dhaca iska hor imaad isugu jira af iyo addin, sidaa awgeed waxaan ubaahannahay dhammaanteen inaan baranno sida loo maareeyo.


La Soco Qeybta 16aad

Monday, 17 August 2020

ABABIYE

  BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 14aad:

MEELAHA LA RABO INUU DABOOLO XEERKA QOYSKA


Qoys walba waxaa lama huraan ah inuu degsado qodobo isaga u gaar ah, shardi ma ahan in reeraha kala duwan xeerarka u yaal ay isku mid noqdaan, waayo waxa ay ku xirantahay shakhsiyadda labada waalid iyo awoodda ay u leeyihiin xakameynta ciifadooda, xiriirka ka dhexeeya iyaga dhedooda iyo carrurtooda.


Haddaba iyada oo ay jirto kala duwanaashahaas ayaan haddane wax ka tilmaami doonaa meelaha muhiimka ah in lagaga hadlo xeerka qodobadiisa.

     1.    Xiriirka bulsho ee qoyska dhexdiisa

     2.    Dhaqanka qolka cuntada- intaan cuntada la diyaarin, inta la cunayo iyo marka cuntada la dhammeeyo.

     3.    Nadaafadda

     4.    Kharbudaadda iyo xilkasnimo xumada lagula dhaqmo wax uu leeyahay qof kale

     5.    Qeylada

     6.    Dharka iyo labiska

     7.    Musqusha iyo qubeyska

     8.    Weysada iyo salaadaha

      9.    Dugsiga iyo wax akhriska

     10. Waxyaabaha lama taabtaanka ah ama aan loo dhawaan- alaabta jikada, waxyaabaha korontada ku xariirsan, bareesyada, iwm

     11. Baahida reerka iyo xubnaha reerka – maxaan u baahanahay maxaanse aanan u baahneyn?

     12. Waxybaaha khatarta ah in lagu cayaaro – alaabta ay mamnuuc tahay in lagu cayaaro oo nafta halisgelinaya iwm

     13. Hurdada

     14. Hantida guriga taalla iyo dhowristeeda

     15. Fiirsashada telefishinka, isticmaalka internetka iwm iyo saacadaha aan la oggoleyn

Ku dadaal marka aad dejineysid xeerka qoyska inuu ka koobnaado qodobo kooban oo la wada fulin karo, xubnaha qoyskane aad ka dhaadhicin kartid. Ku qor af lawada garanayo, fudud oo waadax ah, lagana dhex garanayo dhaqannada lagaga gol leeyahay wax ka bedeliddooda, ka dheeraw sharraxaadda iyo marmarsiimaha faraha badan ee aad ku qeexeysid ujeedkaaga.

Inti suuragal ah adeegso oraah togan (sameey …) inti aad adeegsan laheyd diidmada (ha sameeyn …), kuna abaalmari qofki fuliya qodobada xeerka ku suntan, gaar ahaan bilaha u horreysa ee qof kasta looga baahanyahay digtoonaasho.


La Soco Qeybta 15aad

Wednesday, 12 August 2020

ABABIYE

 BARBAARINTA TOGAN

Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 13aad:

TALOOYIN KHUSEEYA XEERKA QOYSKA:

      1.    Ha dejin qodob aadan garaneyn hadafka aad ka leedahay si aad u bedesho dhaqan aan fiicneyn oo ilmahaaga khuseeya. Qodobada xeerka waa inay noqdaan kuwa dhalinaya dhaqan wanaagsan ama togan  islmarkaana fogeynaya habdhaqanka aan wanaagsaneyn


      2.    Ha dejin qodob aadan fulin Karin ama adiga qudhaadu aad ku shakisantahay inaadan ka soo bixi Karin


      3.    Waqti kaama dhicin weli, hadda ayaad bilaabi kartaa dejinta qodobada xeerka qoyska, wax walbo waa la hagaajin karaa, almuhiim hadda bilaw, Allahne talo saaro.


      4.    Ku dadaal kulamada maalinlaha ah ama todobaadlaha ah ee qoyska, daqiiqado kooban ba ha noqotee, si aad u ogaataan wixi idiin suuragalay, wixi dhaqan isbedel aad ku sameyseen, ka dhiga caado dhaqameed aad yeelataan si qiimeyntaasi joogto u noqoto, islamarkaana u ogaataan geedi socodka xubin kasta oo reerka ka mid ahi ugu jirto fulinta iyo meel marinta qodobadi lagu heshiiyay ee xeerka qoyska.

    La Soco Qeybta 14aad

Wednesday, 5 August 2020

ABABIYE

BARBAARINTA TOGAN
Talooyin texane todobaadle ah oo la xariira barbaarinta carruurta:

Qeybta 12aad:

DEJINTA XEERKA QOYSKA:

Tusaale:

Xeerka Qoyska: Qodobka koowaad

Ha gelin qol islaameed adigoon fasax weydiisan… Albaabaka garaac, sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasaxi waayo iska laabo.

Qodobkan muxuu noo tarayaa?

Waxa uu muujinayaa ixtiraam uu u hayo dadka kale ee la nool, waxyaabahooda u gaarka ah, waqtigooda iyo inaan la carqaladeyn nasiinada iyo shaqooyinka ugaarka ah.

Waxa uu ina barayaa:

1.    Aadaabta la dhaqanka dadka kale.

2.    Xushmadda uu naga mudanyahay qof kasta waxyaabaha u gaarka ah.

3.    Inaan aaminsanaano in cid kasta ay leedahay khusuusiyaad ama wax isaga u gaar ah

4.    Habka aan u mareyno dhaqangelinta xeerkan waa inaan albaabka si deggen u garaacno tiro seddex jeer ah, aan sugno inta naloo fasaxayo, haddii naloo jawaabi waayo ama naloo fasixi waayo aan ka laabanno.

SIDEEN U DEJIYAA XEERKA QOYSKA?

Shir la qaado reerka dadka ugu waa weyn, labada waalid, carruurta waaweyn iwm, kulan meel deggen ku qaata si aad usoo curisaan qodobada laf dhabarta u noqon kara xeerka qoyska, kuna heshiisaan habka hadalka loo dhigayo iyo qaabka loo fulinayo, waxaadna adeegsan kartaan tijaabooyin qof kale ama dad kale horay usameeyeen.

Waxaan qeybta hoose ku soo qaadaneynaa qodobbada ugu muhiimsan ee naga caawinaya marka aan dejineyno xeerka qoyska.

     1.    Usharrax xubnaha qoyska qodobada saldhigga u ah xeerka

     2.    Dul joogso hadafka aad ka leedahay qodob kasta… xaddid hab-dhaqanka aad dooneysid inaad ku gaartid qodob kasta (ha gelin qol islaameed oo aan laguu fasaxin) hab dhaqanka la doonayo (albaabka garaac ee sug inta laguu fasaxayo, haddii laguu fasixi waayo iska laabo) waddada aan u mareyno.

     3.    Soo saar qiimiga uu leeyahay qodob kasta si uu u dhiso shakhsiyadda wanaagsan.

     4.    Soo dhis caqiidada saxan ee ka dambeysa qodob kasta, si uusan ilmaha yari u fahmin inaad awooddaada kula taagsaneyso, ku barbaari caqiidadaas toosan ee ka dhowreysa inuu ka leexdo waddada toosan.

     5.    Inaad dhowrtaa da’da iyo korriinshaha ruux kasta oo ka mid ah qoyska waa muhiim, si aadan ugu dhicin dabin ah inaad muddo dheer sugtid inta ilmaha da’dooda ay ka soo gaareyso xilligi lagula dhaqmi lahaa xeerka aad dejineyso, ama aad ilmaha ku fulisid xeer uusan u qalmin da’ ahaan.

     6.    Qodob kasta u qor qaab cad oo aan laba weji loo fasiran Karin.

     7.    Qodobada uu ka koobanyahay xeerkan ku dheji dhowr meel oo guriga ka mid ah oo marwalbo si fudud lagu arki karo.

     8.    Waxaad qodob kasta u qori kartaa si gooni ah, dabadeedna meesha uu khuseeyo ayaad ku dhejin kartaa. Tusaale; qodobka khuseeya cuntada iyo aadaabteeda waxaad ku dhejin kartaa qolka lagu cunteeyo, jikada iwm iyadoo ku qoran far waadax ah oo cid kastaa akhrisan karto.

     9.    Isugu yeer fadhi guud oo reerka dhani ka qeybgalayo si aad u falaanqeyso qodobada laf dhabarta u ah xeerkan, dhib malahan haddaad kulamadaas dhowr jeer ku celcelisaan si ay maskaxda reerka ugu dhagto, isla markaana wixi ka fulay loo muraajaceeyo.

    10. Waxaad u sameyn kartaa inaad xaddidid abaalmarin la siinayo qofki fuliya qodobada xeerkan ka hadlayo, iyo go’aan lagu fulinayo ciddi u hoggaansami weysa.

    11. Cidkasta oo qoyska ka mid ah waa inay u hoggaansantaa fulinta qodobada ku qoran xeerka qoyska oo ay ku jiraan dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba.

    

      La Soco Qeybta 13aad